BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Sida xayawaanka dhilqaha uu u sababay in la hakiyo dulimaad diyaaradeed oo caalami ah
Duulimaad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Qantas, kaas oo Talyaaniga uga duuli lahaa Australia, ayaa Sabtidii la baajiyay kaddib markii diyaaradda ay ku bateen cayayaanka dhilqaha.
TOOS, Iiraan oo u digtay dalalka Gobolka sida uu baahiyey wargeyska Wall Street Journal
Sida lagu sheegay warbixinta, Tehran ayaa isu diyaarinaysa suurtagalnimada weerarro Mareykanku ku qaado kaddib doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, waxayna tallaabooyinkan u adeegsanaysaa sidii ay uga hortagi lahayd weerarradaas.
Israa'iil ma waxay muran kala dhex dhigtay Turkiga iyo waddan uu saaxiib dhaw la yahay muddo dheer?
"Labo waddan, hal qaran." Tan iyo sannadihii 1990-meeyadii, halkudhiggan ayaa astaan u ahaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Azerbaijan iyo Turkiga, dad badan oo ku sugan Baku-na waxay Turkiga u arkayeen xulafo siyaasadeed iyo mid militari. Ilham Aliyev ayaa dhowr jeer uga mahadceliyay Turkiga taageerada uu u fidiyay dagaalkii Karabakh, waxaana waddooyinka Baku laga taagay calanka Turkiga.
Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda
Ilhaan ayaa sharci darro ku tilmaantay in saraakiisha Federaalka loo adeegsado xurguf siyaasadeed. Xafiiskeeda ayaa isna cambaareeyey baaritaanka lagu sameeyey gurigeeda
Maxay dumarka kaga badan yihiin ragga xanuunka dhanjafka (Migraine), maxaase laga yeeli karaa?
Sida ay sheegtay hay'adda samafalka ee "Migraine Trust" ee UK, dhanjafka wuxuu saameeyaa mid ka mid ah 7 qof oo dunida ku nool, taas oo ka dhigan in ka badan 1 bilyan oo qof.
Weerarrada garoonka Riyaad: Xiisadda Bariga Dhexe ma waxay gashay marxalad khatar ah
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarradooda dhulka Sacuudiga, laakiin maalmihii la soo dhaafay, bartilmaameedka weerarrada Xuutiyiintu wuxuu ahaa kaabayaasha dhaqaalaha rayidka ee Sacuudiga.
Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar
Saraakiisha hay'adda socdaalka ee Mareykanka ayaa baaray guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota subaxnimadii Isniinta taa qayb ka ah "baaritaan dambiyeed".
Xadgudub galmo oo loo geystay dad naafo ah, oo gilgilay Koonfurta Kuuriya
Sue, oo qabta naafonimo dhanka garashada ah, ayaa dhibaato kala kulanta dhisidda jumlado dhaadheer, waxayna ku hadli kartaa oo kaliya ereyo gaagaaban iyo tilmaamo. Hase yeeshee, xusuusta xadgudubkii loo geystay ayaa weli si cad ugu jirta maskaxdeeda.
Dhawr calaamadood oo aad fiirin karto si ogaato in ilmahaagu kansar qabo iyo inkale
Inkasta oo ay dhif tahay, haddana kansarku waa sababta ugu weyn ee dhimashada cudurrada ku dhaca carruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano ee dalka UK – balse wax ka yar saddex-meelood-meel waalidka ayaa sheegaya inay si buuxda u garan karaan calaamadaha lagu garto.
Qorraxaysigu ma u wanaagsan yahay caafimaadkeenna
In si xad dhaaf ah loo joogo qorraxda ma kordhiso fitamiin D-ga, balse waxay kordhisaa halista gubashada, dhibco madow oo maqaarka ka soo baxa iyo gabowga degdegga ah
Qaramada Midoobay: 139 qof oo ay carruur ku jiraan ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti
Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.
Sirta ka dambeysa in gabowgu uusan dadka ku soo deg-degin
Marka uu dadka cimrigooda sii dheeraado, waxaa sidoo kale kordheysa tirada dadka la nool cudurro daba-dheeraaday. Sidaas darteed, hadafka ugu weyn ee cilmi baarayaasha cimri dheerida ayaa ah inay ogaadaan sida loo kordhiyo sannadaha nolosha ee qofku ku noolaado isagoo caafimaad qaba
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya
Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale ka qaraxday Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka bilaabatay Arbacadii, 23-ka Sebtembar.
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Maxay ahayd dalabkii ay soo jeediyeen saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15)? Maxay ka yiraahdeen saaxiibbadii Madaxweyne Isaias ee halganka ee muddo rubuc qarni ah aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin?
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 14 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 13 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 13 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 12 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































