Kenya oo marti gelinaysa cayaar u dhaxaysa kooxaha caanka ah ee Bayern Munich iyo Ajax

Xigashada Sawirka, FC Bayern
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in kooxda weyn ee Jarmalka ah ee Bayern Munich ay magaalada Nairobi kula ciyaari doonto kooxda reer Holland ee Ajax Amsterdam taariikhdu markay tahay 5ta Janaayo, 2027-ka. Ciyaartan ayaa noqon doonta midda lagu furayo Garoonka Caalamiga ah ee Raila Odinga (Raila Odinga International Stadium).
Khudbad la duubay oo la baahiyay fiidnimadii Arbacada, ayuu Madaxweyne Ruto ku sheegay in kooxahan reer Yurub ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan munaasabadda furitaanka. Wuxuu xaqiijiyay in garoonkan oo ku yaalla magaalada Nairobi, awoodna u leh inuu qaado 60,000 oo daawadayaal ah, uu martigelin doono ciyaartan heerka sare ah ee u dhaxaysa kooxaha Yurub.
"Marka la gaaro 5-ta Janaayo, 2027-ka, waxaan furi doonnaa garoonkan cusub ee casriga ah, annagoo soo bandhigayna ciyaar taariikhi ah oo u dhaxaysa laba kooxood oo waaweyn oo ka tirsan kubadda cagta Yurub: FC Bayern oo ka socota Jarmalka iyo AFC Ajax oo ka socota Amsterdam"ayuu yiri Ruto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciyaartani ay astaan u noqon doonto furitaanka garoonka, kaas oo la dhisay iyadoo qayb ka ah diyaar garowga Kenya ay ugu jirto martigelinta Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee 2027-ka, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan dalalka Uganda iyo Tanzania.
Wuxuu ku tilmaamay garoonkan maalgashi weyn oo lagu sameeyay kaabayaasha ciyaaraha ee dalka, isagoo xusay inuu noqon doono goob awood u leh inay martigeliso kooxaha caalamiga ah ee ugu waaweyn.
"Laba sano ka hor, waxaan dadka Kenya u ballanqaaday garoon heer caalami ah oo ay ku ciyaari karaan kooxaha ugu waaweyn adduunka. Maanta, waan fulinaynaa ballanqaadkaas" ayuu yiri.
Ruto ayaa sheegay in garoonkani uu wax weyn ka beddelay muuqaalka magaalada Nairobi, isagoo xusay inuu yahay goob qaadi karta 60,000 oo qof, taas oo laga dhisay dhul markii hore ahaa mid bannaan oo ku yaalla waddada Ngong Road.
Wuxuu xusay in mashruucan la bilaabay bishii Maarso 2024, inkastoo ay jireen shaki laga qabay in dowladdu ay awood u yeelan karto inay dhisto garoon baaxaddan leh muddada loo qorsheeyay.
"Kani waa garoonkii ugu horreeyay ee Kenya si gaar ah loogu dhisay ciyaaraha kubadda cagta iyo rugby-ga, waana garoonkii ugu horreeyay ee heer caalami ah ee dalkeenna laga hirgeliyo tan iyo markii la dhisay garoonka Kasarani sannadkii 1987-kii, taas oo ah ku dhawaad 40 sano ka hor" ayuu yiri.
Gariinkan ayaa leh caws isku dhafan, mid dabiici ah iyo mid macmal ah, 52 goobood oo ah qolal cayaarta lagala socon karo oo ku dhex yaalla garoonka, muuqaalka garsooreyaasha caawiya ee VAR iyo tignoolajiyada xariiqda goolka, sida uu sheegay Madaxweynaha.

Xigashada Sawirka, PCS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ruto wuxuu sidoo kale la xiriiriyey furitaanka garoonka dhaxalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo garoonka loogu magac daray.
Wuxuu sheegay inay ku habboon tahay in garoonka uu qaato magaca Raila sababtoo ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee geeriyooday wuxuu jeclaa kubadda cagta, wuxuuna ku raaxaysan jiray daawashada ciyaaraha taageerayaasha dhexdooda.
Ku dhawaaqistan ayaa imaanaysa iyadoo Kenya ay xoojinayso diyaargarowga tartanka AFCON 2027, kaas oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan Kenya, Uganda iyo Tanzania laga bilaabo Juun 19 ilaa Luulyo 17 ee sannadka dambe.
Garoonka Talanta, oo sidoo kale loo yaqaan Garoonka Caalamiga ah ee Raila Odinga, ayaa ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee loo diyaarinayo tartanka qaaradda. Dowladdu waxay sheegtay in goobta ay ku martigelin doonto ciyaaro waaweyn iyadoo Kenya dooneysa inay buuxiso shuruudaha uu dejiyay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika.
Ruto wuxuu sheegay in ciyaarta Janaayo ay isu keeni doonto labada kooxood ee ka midka ah kooxaha ugu waaweyn Yurub, isagoo intaa ku daray in nidaamka horumarinta dhalinyarada ee Ajax uu la jaan qaadayo macnaha magaca asalka ah ee garoonka, Talanta, oo macnaheedu yahay hibada.
Wakiillo ka socda labada kooxood ayaa iyaguna gaaray magaalada Nairobi si ay dawladda Kenya iskula meel dhigaan qabashada cayaartan.



























