Meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed iyo QM oo ku baaqday tallaabo degdeg ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo dunidu ay xusayso Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, isla markaana la bilaabayo ololaha 16-ka Maalmood ee Dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Tacaddiyada Jinsiga ku Salaysan, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqaay in dib loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo dhammaan noocyada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha dalka oo dhan.
War-saxaafadeed uu soo saaray, ayuu Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Deganaanshaha iyo Bani'aadannimada, George Conway, ku xaqiijiyay garab istaagga QM ee dhammaan haweenka iyo gabdhaha la kulmay tacaddi, takoor iyo ka-saarid bulsho. Waxa uu ugu baaqay bahwadaagta in ay iska kaashadaan dhismaha mustaqbal ku dhisan karaamo, sinnaan iyo bani'aadannimo wadaag ah.
"Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa weli ka mid ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ugu daran dunida, iyadoo ku dhowaad saddexdii haween ahba mid ay la kulanto tacaddi inta ay nooshahay," ayuu yiri Mr. Conway. "Soomaaliya, colaadaha, barakaca, dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, duruufaha dhaqaale ee adag iyo sinnaan la'aanta jinsiga ee weli jirta ayaa sii kordhinaya khatarta haweenka iyo gabdhaha soo wajahda." Ayuu yiri.
Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale maamullada dowlad-goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah, kooxaha haweenka, shabakadaha dhallinyarada, ururrada dadka naafada ah, hoggaamiyeyaasha diinta iyo bahwadaagta horumarinta ee ka shaqeeya horumarinta xuquuqda iyo ilaalinta haweenka iyo gabdhaha.
"Ololaha 16-ka Maalmood ee Dhaqdhaqaaqa waa baaq ficil loogu baahan yahay," ayuu yiri Mr. Conway. "Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha waa kuwo laga hortagi karo. Iyadoo la xoojinayo hay'adaha, adeegyo ammaan ah, si fudud loo heli karo, loo dhan yahay oo ku habboon baahiyaha dadka tacaddiyadu saameeyeen, ka-qaybgelinta bulshada, waxbarashada iyo ka-qaybgalka firfircoon ee ragga iyo wiilasha, Soomaaliya waxay ka hortagi kartaa caadooyinka waxyeellada leh, waxayna abuuri kartaa bulshooyin ammaan u ah dhammaan dadka." Ayuu Conway intaas raaciyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan saddex milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan gudaha Soomaaliya, waxaana intooda badan ay yihiin haween iyo carruur, taas oo sii kordhinaysa u nuglaanshahooda tacaddiyada, ka faa'iidaysiga iyo xadgudubyada. Tacaddiyada jinsiga ku salaysan ayaa weli cawaaqib xun ku leh dadka ka badbaada, qoysaskooda iyo bulshooyinkooda, iyadoo sidoo kale wiiqaya dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumar waara, sida ay sheegtay QM.
Sidoo kale, dadka tacaddiyada ka badbaada ee naafada ah, kuwa barakacay iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay ama ku nool miyiga ayaa si aan isu dhigmin waxaa u saameeya tacaddiyada jinsiga ku salaysan, ayay tiri QM.
Soomaaliya, ayay hay'addu sheegtay in dhaqamada waxyeellada leh ee weli baahsan, oo ay ka mid tahay gudniinka fircooniga ah, ay sidoo kale saameeyaan qiyaastii 98 boqolkiiba haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed, halka 45 boqolkiiba gabdhaha loo guuriyo ka hor inta aysan gaarin da'da 18 sano.
"Soomaaliya oo ay haweenka iyo gabdhuhu ku nool yihiin iyagoo ka xor ah tacaddiyada waa Soomaaliya sidii hore ka xoog badan, nabdoon, barwaaqo badanna," ayuu raaciyay Mr. Conway. "Inta lagu jiro 16-kan Maalmood ee Dhaqdhaqaaqa, aan ballanqaadyadeenna u beddelno ficil, isla markaana aan iska kaashanno sidii loo xaqiijin lahaa in haweeney iyo gabar kasta ay ku noolaato ammaan, karaamo iyo sinnaan." Ayuu intaa ku daray.

























