Dal Soomaaliya deris la ah oo ka mid ah 10-ka wadan ee la filayo inay yeeshaan tirada ugu badan ee Muslimiinta 2050

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida lagu sheegay saadaal ay soo saartay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research Center ee dalka Mareykanka, Muslimiinta ayaa la filayaa inay sannadka 2035 ka bataan Masiixiyiinta marka la eego tirada dadka raacsan ee dunida ku nool.
Si kastaba ha ahaatee, labada diinba waxaa la filayaa in tirada dadka raacsan ay sii korodho.
Inta u dhexeysa sannadaha 2020 iyo 2070, tirada Muslimiinta adduunka ayaa la filayaa inay korodho boqolkiiba 80, iyadoo ka kici doonta 2.02 bilyan oo qof ilaa 3.64 bilyan.
Dhanka kale, tirada Masiixiyiinta ayaa la saadaalinayaa inay korodho boqolkiiba 30, oo gaarto 2.96 bilyan, taas oo ku dhow heerka kororka la filayo ee guud ahaan dadka dunida.
Warbixinta ayaa sheegtay in Muslimiintu ay noqon doonaan kooxda diimeed ee ugu koboca badan diimaha waaweyn ee dunida.
Si kastaba ha ahaatee, tirada dadka Hinduuga iyo Yuhuudda ayaa la filayaa inay u korodho si ka gaabis badan marka loo eego koboca guud ee dadka dunida.
Sidoo kale, tirada dadka raacsan diinta Budhiismka iyo dadka aan diin lahayn ayaa la saadaalinayaa inay hoos u dhacdo
Daraasadda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee dadka dunida ku nool ay gaari doonto 3,095,470,000 marka la gaaro sannadka 2050.
Cilmi-baaristu waxay sidoo kale muujinaysaa in kororka ugu badan uu ka dhici doono dalalka ay Muslimiintu hadda aqlabiyadda ka yihiin.
Sababtaas awgeed, waxaan falanqeynay cilmi-baarista, waxaana soo xulnay 10-ka dal ee la filayo inay yeeshaan kororka ugu badan ee tirada Muslimiinta marka la gaaro sannadka 2050.
1. Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xarunta Cilmi-baarista ee Pew (Pew Research Center) ayaa saadaalisay in Pakistan, oo ku taalla qaaradda Aasiya, ay sannadka 2050 Indonesia kaga hor mari doonto tirada Muslimiinta ku nool dalkaas.
Daraasaddu waxay saadaalisay in tirada Muslimiinta Pakistan ay sannadka 2050 gaari doonto 378 milyan oo qof.
Qiyaas ay Pew Research samaysay sannadkii 2020 ayaa muujinaysay in Pakistan ay xilligaas ku noolaayeen guud ahaan 230 milyan oo Muslimiin ah.
2. Hindiya
Marka laga soo tago Pakistan, dalka deriska la ah ee Hindiya ayaa la filayaa in uu sannadka 2050 yeelan doono tirada labaad ee ugu badan Muslimiinta adduunka, sida ay sheegtay daraasaddu.
Xarunta Pew Research ayaa saadaalisay in tirada Muslimiinta Hindiya ay sannadka 2050 gaari doonto 300 milyan oo qof.
Hindiya waa mid ka mid ah dalalka adduunka ee diimaha ay saameyn weyn ku leeyihiin bulshada.
Daraasadda ay xaruntu soo bandhigtay ayaa muujinaysa in Islaamku yahay diinta labaad ee ugu badan ee laga haysto Hindiya, halka Hinduuga uu yahay diinta ugu weyn dalkaas.
3. Indonesia

Xigashada Sawirka, Getty Images
Indonesia ayaa hadda ah dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan adduunka, iyadoo tirada Muslimiinta dalkaas lagu qiyaasay inta u dhexeysa 249 milyan iyo 251 milyan oo qof.
Hase yeeshee, Xarunta Pew Research ayaa saadaalisay in tirada Muslimiinta Indonesia ay gaari doonto 275 milyan oo qof marka la gaaro sannadka 2050.
Dalkaas oo ku yaalla Koonfur-bari Aasiya, ayaa boqolkiiba 87 dadkiisu yihiin Muslimiin.
4. Nayjeeriya
Waxaa kaalinta afraad ku jirta Nayjeeriya, oo ku taalla Galbeedka Afrika, taas oo la saadaalinayo inay sannadka 2050 kaalintan ka geli doonto dalalka ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin adduunka, sida ay sheegtay daraasaddu.
Pew Research ayaa sheegtay in tirada Muslimiinta Nayjeeriya ay sannadka 2050 gaari doonto 226 milyan oo qof.
Nayjeeriya waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, waxaana hadda ay kaalinta shanaad kaga jirtaa dalalka ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin adduunka.
Daraasaddu waxay sidoo kale saadaalisay in marka la gaaro sannadka 2070, Nayjeeriya ay noqon doonto dalka saddexaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin adduunka.
5. Bangladesh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bangaladesh, oo xuduud la leh Hindiya, ayaa la filayaa in sannadka 2050 uu noqdo dalka shanaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin adduunka.
Sida ay sheegtay xarunta Pew Research, tirada Muslimiinta dalkaas ayaa marka la gaaro sannadka 2050 gaari doonta 203 milyan oo qof.
Bangaladesh, oo sidoo kale ku yaalla qaaradda Aasiya, ayaa boqolkiiba 91 dadkiisu yihiin Muslimiin.
6. Masar
Waxaa kaalinta lixaad ku jirta Masar, oo sidoo kale loo yaqaan Masir, kuna taalla Waqooyiga Afrika.
Xarunta Pew Research ayaa ku qiyaastay in tirada Muslimiinta dalkaas ay gaari doonto 151 milyan oo qof.
Taariikhda Islaamka waxaa ku jira nebiyo badan oo ku noolaa ama booqday dalka Masar.
7. Turkiga
Daraasad ay samaysay xarunta Pew Research ayaa sidoo kale muujinaysa in Turkigu sannadka 2050 noqon doono dalka toddobaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin adduunka.
Sida ay daraasaddu sheegtay, tirada Muslimiinta dalkaas ayaa markaasi gaari doonta 98 milyan oo qof.
Turkiga, oo ku yaalla qaaradda Yurub, wuxuu leeyahay taariikh dheer oo xiriir la leh Islaamka. Sida laga soo xigtay qoraalka, nebiyo badan ayaa dalkaas ku noolaa.
8. Iiraan
Iiraan, oo ku taalla Bariga Dhexe, ayaa ka mid ah dalalka ay daraasaddu saadaalisay in tirada Muslimiintoodu si weyn u kordhi doonto.
Pew Research ayaa sheegtay in tirada Muslimiinta Iiraan ay sannadka 2050 gaari doonto 100 milyan oo qof.
Iiraan waa mid ka mid ah dalalka Muslimka ah ee saameynta weyn ku leh dunida, iyadoo culimada diinta Islaamku ay door ku leeyihiin arrimaha siyaasadda iyo milatariga dalkaas.
9. Itoobiya
Waxaa ku xigta Itoobiya, oo iyaduna ku taalla Bariga Afrika, taas oo Pew Research ay kaalinta sagaalaad ka gelisay dalalka ay Muslimiinta ugu badan ku noolaan doonaan.
Daraasaddu waxay muujinaysaa in tirada Muslimiinta Itoobiya ay sannadka 2050 gaari doonto 93 milyan oo qof.
Waxay u muuqataa in Islaamku yahay diinta labaad ee ugu badan dalkaas, marka laga yimaado Masiixiyadda.
10. Suudaan
Dalka ugu dambeeya liiska tobanka dal ee la saadaalinayo inay yeelan doonaan tirada ugu badan ee Muslimiinta sannadka 2050 waa Suudaan.
Pew Research ayaa sheegtay in tirada Muslimiinta Suudaan ay xilligaas gaari doonto 87 milyan oo qof.
Suudaan, oo sannadihii u dambeeyay uu dagaal baahsan saameeyay, ayaa ka mid ahayd dalalka ay dadku u safraan si ay jaamacadaheeda uga bartaan culuumta Islaamka.
























