Kooxaha jihaad-doonka caalamka sida al-Shabaab ma fashilmeen, mise istaraatijiyaddooda oo keliya ayay beddeleen?

al-Shabaab
    • Author, Mina al-Lami
    • Role, Madaxa khabiirada jihaadiga ee warbaahinta, BBC Monitoring
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 11 daqiiqo

Bariis, baasto, sonkor, saliidda cuntada lagu karsado iyo digir ma aha waxyaabaha aad filayso in lagu arko dacaayadaha kooxaha jihaad doonka ah. Hase yeeshee, agabkan ayaa ka mid ahaa raashin ay garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, Al-Shabaab, sheegtay in hay'ad samafal oo ay leeyihiin ay bishii Agoosto u qaybisay boqollaal qoys oo dhibaatooyin nololeed haystaan.

Kooxdu waxay gargaarkaas ku baahisay baraha ay bulshada ku wada xiriirto iyo idaacaddeeda.

Al-Shabaab, oo maamusha qaybo badan oo ka mid ah miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sannadka 2026 si weyn u soo bandhigaysay waxa ay ku tilmaamayso hawlaheeda samafalka.

"Alle ha ka abaalmariyo," ayay tiri haweeney deegaanka ah oo ka dhex muuqatay mid ka mid ah muuqaallada Al-Shabaab.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka kooxda ay ku doonayso inay ku kasbato taageerada bulshada deegaanka, isla markaana ay isu muujiso inaysan ahayn oo keliya koox jihaad doon ah.

Rubuc qarni ka dib weerarradii 11-kii Sebtembar ee 2001 ee Al-Qaacida ay ka geysatay Maraykanka, iyo 12 sano ka dib markii kooxda Daacish ay ku dhawaaqday waxa ay ugu yeertay khilaafadeedii Ciraaq iyo Suuriya, dhaqdhaqaaqa kooxaha jihaad doonka ah ayaa si weyn isu beddelay.

Halkii ay xoogga saari lahaayeen weerarrada ka dhanka ah dalalka reer Galbeedka ama dagaalka ay ugu jiraan dhismaha dowlad Islaami ah oo caalami ah, qaar ka mid ah kooxahan, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa dadaal dheeraad ah gelinaya sidii ay awood uga heli lahaayeen dalalka ay ka hawlgalaan. Waxa kale oo muuqata inay sii kordhayso rabitaankooda ah inay tanaasul sameeyaan si ay taas u gaaraan.

Arrintan ayaa dhalisay dood sii xoogaysanaysa oo ka dhex jirta dhaqdhaqaaqaas. Kooxaha ku dheggan mowqifyada adag ayaa diiddan tanaasulka, halka kuwa aragtida dabacsan ay aaminsan yihiin in la shaqaynta kooxaha maxalliga ah iyo xitaa cadowgoodii hore ay waddo u noqon karto inay awood ku gaaraan.

Hase yeeshee, ma isbeddel dhab ah ayay tani ka tarjumaysaa, mise waa uun xeelad cusub oo ay adeegsanayaan si ay u gaaraan isla ujeeddadoodii hore: dhismaha dowlad ku dhaqanta fasiraaddooda adag ee shareecada Islaamka, gudaha dalka iyo xiriirka ay la leedahay dunida inteeda kale?

A split image showing Ahmed al-Sharaa's face in close-up on the left side, and a rifle on the other side.

Guuldarrooyin waaweyn

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Al-Qaacida iyo Daacish midkoodna ma uusan gaarin himiladiisii ugu dambaysay ee ahayd inuu la wareego talada hal dal ama dalal badan, dabadeedna uu ku maamulo fasiraaddiisa adag ee Islaamka.

Labada kooxoodba waxay la kulmeen guuldarrooyin waaweyn, waxaa laga dilay hoggaamiyeyaal, waxayna sannado badan wajahayeen cadaadis caalami ah. Daacish oo mar gacanta ku haysay dhul ballaaran oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya, ayaa lumisay dhulkii ugu dambeeyay ee ay maamuli jirtay sannadkii 2019-kii.

Hase yeeshee, fikirka iyo dhaqdhaqaaqa jihaad doonku ma dabar go'in.

Afrika ayaa hadda noqotay goobta ugu weyn ee ay ka hawlgalaan kooxaha jihaad doonka ah. Laamaha awoodda badan ee Al-Qaacida, sida JNIM oo ka dagaallanta gobolka Saaxil ee Mali, Burkina Faso iyo Niger, iyo Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaallanta, ayaa wada dagaallo muddo dheer socday.

Daacish oo ay xafiiltan adag kala dhexeeyo Al-Qaacida, ayaa iyaduna laamo firfircoon ku leh Nigeria, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, gobolka Saaxil, Mozambique iyo Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka dhiirrigelinta weyn u ah kooxaha jihaad doonka ah, isla markaana ay xitaa ka masayraan, ha ahaadeen kuwo qira ama aan qirin, waa madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Ninkan oo hore uga tirsanaa Daacish, markii dambena noqday taliye ka tirsan Al-Qaacida, ayaa mar ahaa qof Maraykanku raadinayay. Hase yeeshee, wuxuu awoodda Suuriya la wareegay bishii Diseembar 2024, waxaana soo dhoweeyay hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka.

Al-Sharaa oo hore loogu yiqiinay magaciisii dagaal ee Abu Maxamed al-Jawlaani, ayaa hoggaamin jiray kooxda jihaad doonka ah ee Jabhadda Al-Nusra, oo markii hore xiriir la lahayd Daacish, markii dambena Al-Qaacida. Ka dib wuxuu hoggaamiyay kooxda Hay'at Tahrir al-Shaam (HTS).

Wuxuu si tartiib tartiib ah xiriirka ugu jaray Daacish iyo Al-Qaacida, isaga oo sidoo kale ka fogaaday baaqyadooda ku aaddan jihaadka caalamiga ah.

Halkii uu taas ka samayn lahaa, wuxuu xoogga saaray gudaha Suuriya, isaga oo saldhig awood leh ka dhistay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed dalkaas.

Waxa dadka oo dhan la yaab ku noqday sida uu marba marka ka dambaysa ugu sii diyaar garoobayay la shaqaynta kooxaha aan Islaamiyiinta ahayn iyo inuu xiriir la yeesho quwadaha shisheeye.

Markii HTS ay u dhaqaaqday dhanka Dimishiq, hoggaankeeda ayaa isku dayay inuu dejiyo walaaca beesha caalamka. Waxay xitaa xiriir la sameeyeen Ruushka, oo xulafo muhiim ah la ahaa madaxweynihii xilligaas ee Suuriya, Bashaar al-Asad, si ay meesha uga saaraan cabsi laga qabay in Islaamiyiin xukunka la wareegaan.

Siyaasaddaas dabacsan, oo ay wehelisay duruufo juqraafi-siyaasadeed oo u roonaaday, oo ay ka mid ahaayeen daciifnimada Ruushka iyo Iiraan, ayaa ka caawisay inuu awoodda Suuriya la wareego.

Hase yeeshee, waxa intaas ka sii yaab badnaa in hoggaamiyeyaasha caalamka, oo uu ku jiro madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ay si diirran u soo dhoweeyeen.

Donald Trump oo gacan qaadaya Axmed al-Sharaa, xilli ay ku sugan yihiin xafiis. Al-Sharaa ayaa dhoolla-caddaynaya.
Qoraalka sawirka, Trump joked with Sharaa when he visited the White House

Intii uu Al-Sharaa booqashada ku joogay Aqalka Cad bishii Nofeembar 2025, Trump ayaa ku buufiyay cadarkiisa gaarka ah ee summaddiisa wata. Waxa uu si kaftan ah u weydiiyay inta xaas ee uu qabo, isaga oo sidoo kale ku ammaanay inuu yahay "hoggaamiye aad u awood badan".

Guusha Al-Sharaa ayaa qaar ka mid ah kooxaha jihaad doonka ah dhiirrigelisay. Hase yeeshee, kuwo kale ayaa tallaabooyinkiisa u arka khiyaano ka dhan ah wax kasta oo ay aaminsan yihiin.

Daacish ayaa jihaad ku dhawaaqday oo ka dhan ah dowladda cusub ee Suuriya, oo ah dowlad Islaami ah. Waxay Al-Sharaa iyo saraakiishiisa ku tilmaantay "murtadiin", iyadoo magacaas marmarsiinyo uga dhigatay weerarro ay ku qaaday ciidamada dowladda.

Culimo kale oo ku dheggan aragtiyo adag ayaa iyaguna mowqif la mid ah qaatay, balse ma aysan gaarin heer ay si cad ugu baaqaan jihaad ka dhan ah Al-Sharaa.

Kala qaybsanaanta u dhexeysa kooxaha jihaad doonka ah ee mowqifka adag iyo kuwa aragtida dabacsan ayaa tan iyo sannadkii 2025 dhalisay dood kulul oo ka socota internetka.

Dadka labada dhinac ku kala aragtida duwan ayaa midba midka kale ku eedeeyay khiyaano, waxayna xitaa soo saareen buugaag iska soo horjeeda oo ay ku difaacayaan mowqifyadooda.

Saddex nin oo ku labisan dharka Islaamiga ah ayaa hor fadhiya gidaar cad. Al-Sharaa ayaa dhexda fadhiya.
Qoraalka sawirka, Sharaa, centre, in 2016, was once a jihadist leader wanted by the FBI

Kooxaha ku dheggan aragtiyaha adag, tanaasulku wuxuu la macno noqon karaa inay ka tagaan mabaadi'dooda aasaasiga ah. Tusaale ahaan, inay ka gaabsadaan ku dhaqanka fasiraaddooda adag ee shareecada Islaamka, aqbalaan sharciyo ay dadku sameeyeen ama dastuur, ka qayb galaan doorashooyin, la shaqeeyaan kooxaha aan Islaamiyiinta ahayn, ama xiriir la yeeshaan dowlado ay u arkaan kuwo gaalo ah.

Kooxaha jihaad doonka ah waxaa sidoo kale dhiirrigeliyay dib u soo laabashadii Taalibaan ee xukunka Afgaanistaan sannadkii 2021.

Arrintaasi waxay muujisay in dhaqdhaqaaq Islaami ah uu ugu dambayn awoodda dal la wareegi karo, kaddib sannado uu dagaal kula jiray xoogag ay reer Galbeedku taageerayeen.

Taalibaan waxay xiriir la samaysay kooxaha maxalliga ah, si tartiib tartiib ahna waxay gacanta ugu dhigtay gobollo kala duwan oo dalka ah. Waxay sidoo kale adeegsatay diblomaasiyadda caalamiga ah, iyadoo sugaysay fursadda ku habboon ka hor intii aysan weerar degdeg ah ku qabsan caasimadda Kabul.

Ma xeelad loo adeegsanayaa si loogu gaaro ujeeddo kama dambays ah

Waxaa jira laba kooxood oo si gaar ah mudan in isha lagu hayo: laamaha Al-Qaacida ee Mali iyo Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii Abriil, laanta Al-Qaacida ee gobolka Saaxil, oo loo yaqaan JNIM, ayaa muujisay dabacsanaan siyaasadeed oo weyn. Waxay garab istaagtay gooni-u-goosatada Tuareg ee waddaniyiinta ah, kuwaas oo ay mararka qaar dagaallo dhex mareen, si ay u qaadaan weerar ballaaran oo halis geliyay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Mali. Xitaa waxay Tuaregta ku tilmaantay "walaalo".

Hase yeeshee, waxa aan ahayn oo keliya awoodda milatari ee sii kordhaysa ee JNIM waxa soo jiidanaya dareenka. Waxaa sidoo kale muhiim ah sida ay kooxdu isu soo bandhigayso.

Hore, dacaayaddeeda waxaa si weyn uga dhex muuqan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida, halkudhiggooda iyo baaqyada ku aaddan jihaadka caalamiga ah.

Hase yeeshee, tan iyo dabayaaqadii 2024-kii, muuqaallada kooxdu ma muujinayaan astaamihii iyo summadihii caanka ahaa ee Al-Qaacida.

Sidoo kale, halkii ay ka hadli lahayd arrimaha guud ee Muslimiinta dunida, JNIM waxay si isa soo taraysa diiradda u saaraysaa dhibaatooyinka gudaha.

Waxay isku muujinaysaa koox difaacaysa dadka caadiga ah, kana horjeedda hoggaamiyeyaal musuqmaasuq iyo tacaddi ku haya shacabka.

Kooxdu waxay marar badan dowladda milatariga ee Mali iyo xulafadeeda Ruushka ku eedaysay inay dilaan dad rayid ah, isla markaana ay sii xumeeyaan nolosha shacabka.

Bishii Abriil, waxay ugu baaqday "dhammaan waddaniyiinta daacadda ah" inay ka qayb qaataan dhismaha "Mali cusub", iyadoo ballanqaadday amni, caddaalad iyo barwaaqo, oo ay weheliso ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Waxay xitaa muujisay inay diyaar u noqon karto inay Ruushka la yeelato "xiriir dheellitiran", inkastoo ay dagaal kula jirto ciidamada Ruushka ee taageera dowladda Mali. Hadalkaasi wuxuu u ekaa kii HTS ay Ruushka kula hadashay xilli ay u sii socotay caasimadda Dimishiq.

Waxaa jira waxyaabo ay wadaagaan habka JNIM iyo qaabkii Al-Sharaa uu Suuriya uga shaqeeyay: dhisidda isbahaysiyo maxalli ah, dejinta walaaca dadka laga yaabo inay cadow noqdaan, iyo ka fogaanshaha tallaabo kasta oo quwadaha shisheeye siin karta sabab ay ku soo farageliyaan.

Aman Bezreh, oo ku takhasustay amniga Afrika, ayaa sheegtay inay jiraan waxyaabo ay labada kooxood isaga egyihiin, balse isbeddelka JNIM uu waqti qaadan karo.

"Runtii JNIM waxay muujisay calaamado muujinaya dabacsanaan la mid ah tii HTS," ayay tiri. "Hase yeeshee, isbeddelka muuqaalka iyo habka ay isu soo bandhigayso ayaa si tartiib ah u socda, sababtoo ah kooxdu waxay isku mar xoogga saaraysaa inay dhulal cusub ku fido, isla markaana ay xubno ka qorto qaybo kala duwan oo bulshada ah."

Taliban iyo Sharaa

Sida uu sheegay Wassim Nasr, oo ah wariye ka tirsan telefishinka France 24, isla markaana khabiir ku ah kooxaha jihaad doonka ah, doodda ku saabsan waddada la qaadayo ayaa sidoo kale ka dhex socota hoggaanka JNIM.

Wuxuu sheegay in hal garab uu taageersan yahay habka Taalibaan, oo ah in awoodda xoog lagu qabsado, iyadoo tanaasulku aad u yar yahay.

Garabka kale, oo uu sheegay inuu hadda ka awood badan yahay kan koowaad, ayaa doorbidaya hab u dhow kii kooxda HTS ee Suuriya: in tanaasul la sameeyo, lana dhiso isbahaysiyo ballaaran si awoodda si dhaqso leh loogu gaaro.

Nasr wuxuu aaminsan yahay in JNIM ay labada habba wax ka qaadan karto, balse isbeddelka siyaasadeed ee kooxdu ku tallaabsatay uu ugu dambayn horseedi doono inay xiriirka u jarto Al-Qaacida.

Sida JNIM oo kale, Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa iyaduna u muuqata inay diyaar u tahay inay heshiisyo la gasho cadowgeedii hore.

Sida uu sheegay Cabdullaahi Guji, oo ah khabiirka arrimaha Soomaaliya ee BBC Monitoring, Al-Shabaab ayaa bishii Oktoobar xabbad-joojin la gaartay qabiil Soomaaliyeed oo awood badan oo la yiraahdo Macawisley.

Dagaalyahannada qabiilkaas ayaa markii hore safka hore kaga jiray dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Guji wuxuu sheegay in qabiilku tan iyo markaas ciidamadiisii kala baxay jiidda hore ee dagaalka, taasoo dhabar-jab weyn ku ah ololaha dowladda ee ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah.

Guji wuxuu aaminsan yahay in Al-Shabaab ay dhawaan heli karto fursad ay ku tijaabiso inay awoodda la wareegi karto, isla markaana isu muujin karto maamul kale oo beddel u noqon kara dowladda, kana talin kara qaybo ballaaran oo dalka ah.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa ka baxaya Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhaqaale-yaraan iyo dhammaadka muddada loo igmaday oo ku soo beegan bisha Diseembar. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay wajahaysaa qalalaase siyaasadeed iyo kacdoonno, kuwaasoo abuuri kara goldaloolooyin ay Al-Shabaab ka faa'iidaysan karto, ayuu raaciyay.

Waxaa jira sabab kale oo ay qaar ka mid ah kooxaha jihaad doonka ahi u arki karaan inay fursad u haystaan ballaarinta awooddooda: waxay aaminsan yihiin in dowladaha reer Galbeedku ay hadda ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo ka waaweyn.

Dagaalka Ukraine, iska horimaadka Maraykanka iyo Iiraan ee Bariga Dhexe, iyo loollanka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka, ayaa sababay in la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ahi uusan hadda ahmiyad la mid ah tii uu lahaa kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.

Ka bixitaankii Maraykanka ee Afgaanistaan sannadkii 2021 iyo dib u soo laabashadii Taalibaan ee xukunka, oo ay ku xigtay in Al-Sharaa uu awoodda Suuriya la wareego, ayaa sii xoojiyay aaminsanaantaas.

Dagaalyahanno Taalibaan ah oo sita qoryo iyo calamo cadcad
Qoraalka sawirka, The Taliban has inspired many jihadists

Colin Clarke, oo ah agaasimaha fulinta ee Xarunta Soufan, oo ah hay'ad cilmi-baaris oo aan macaash doon ahayn, kana shaqaysa arrimaha amniga, ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxaha jihaad doonka ahi ay barteen in ka fogaanshaha iska horimaad toos ah oo ay la galaan Maraykanka ay ka caawin karto inay ka badbaadaan weerarrada milatari ee reer Galbeedka, isla markaana ay "noolaadaan si ay maalin kale dagaalka u sii wadaan".

Taas macnaheedu ma aha in reer Galbeedku ay joojiyeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Hase yeeshee, haddii kooxaha jihaad doonka ahi ay aaminsan yihiin in reer Galbeedku ku mashquulsan yihiin arrimo kale ama aysan diyaar u ahayn inay farageliyaan sidii hore, waxaa laga yaabaa inay taasi dhiirrigeliso inay dadaal dheeraad ah u galaan sidii ay awoodda ula wareegi lahaayeen.

Casharro laga bartay taariikhda

Si ka duwan kooxda ay sida weyn ugu xafiiltamaan ee Daacish, oo aan marnaba tanaasul samayn, Al-Qaacida ayaa muddo dheer muujinaysay dabacsanaan marka ay daba socoto himilooyinkeeda. Hase yeeshee, taariikhdu waxay ina siinaysaa digniin.

Kacdoonnadii Carabta ee sannadkii 2011-kii, kuwaas oo si weyn u wiiqay saameyntii Al-Qaacida, kaddib kooxo jihaad doon ah oo xiriir la lahaa Al-Qaacida, kana hawlgeli jiray Yemen, Liibiya iyo Tuunis, ayaa bilaabay inay isticmaalaan magaca Ansaaru Shareecah (Taageerayaasha Shareecada).

Ujeeddadu waxay ahayd inay taageero ka helaan bulshada deegaanka, iyaga oo aan adeegsan magaca Al-Qaacida.

Sannadkii 2012-kii, hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida ee Mali ayaa kula taliyay kooxaha jihaad doonka ah ee waqooyiga dalka qabsaday, iyaga oo garab ka helaya gooni-u-goosatada Tuareg, inaysan ku degdegin ku dhaqanka xeerar adag oo Islaami ah.

Taa beddelkeeda, waxay ku boorriyeen inay la shaqeeyaan xulafadooda maxalliga ah, kana fogaadaan tallaabooyin bulshada ka fogeyn kara, isla markaana ay yareeyaan muujinta xiriirka ay la leeyihiin Al-Qaacida.

Farriintu ma ahayn inay ka tanaasulaan himilooyinkooda, balse waxay ahayd inay muujiyaan dulqaad istaraatiiji ah oo ay sugaan waqtiga ku habboon. Fikirkaas oo kale ayaa laga yaabaa inuu maanta shaqaynayo.

Haddaba, kooxahani ma dhab ahaantii ayay iska beddelayaan himilooyinkooda, mise xeeladahooda oo keliya ayay beddelayaan? Xitaa kuwa ku baaqaya tanaasulka khasab ma aha inay ka tanaasuleen riyadoodii ahayd inay dhisaan dowlad ku dhaqanta fasiraaddooda adag ee shareecada Islaamka.

Colin Clarke ayaa is weydiinaya in habkan cusub ee dabacsan uu yahay xeelad la mid ah "faraska Trojan-ka", taasoo kooxaha jihaad doonka ah u suurtagelinaysa inay awoodda la wareegaan, iyaga oo aan ka tanaasulin himilooyinkooda fog.

"Su'aasha ugu weyn ayaa ah in marka kooxahani xukunka qabtaan ay dhab ahaantii dhexdhexaad noqdaan, mise ay xeeladahooda oo keliya beddelaan si ay u sii jiraan, una xoojiyaan awooddooda," ayuu yiri.

Hase yeeshee, dhammaan kooxuhu ma beddelayaan xeeladahooda.

Daacish weli waxay si adag ugu dheggan tahay himilooyinkeeda caalamiga ah, waxayna diiddan tahay tanaasul kasta. Laanta Al-Qaacida ee Yemen, oo loo yaqaan AQAP, ayaa weli ku baaqaysa in weerarro lagu qaado Maraykanka iyo Israa'iil, waxayna dhiirrigelisaa weerarrada ay shaqsiyaad kaligood ah ku qaadaan bartilmaameedyada reer Galbeedka iyo Yuhuudda.

Sidoo kale, waa xilli hore in la ogaado in kooxaha sida JNIM iyo Al-Shabaab ay raaci doonaan tusaalaha Taalibaan ama kan Suuriya, iyo inay diyaar u yihiin inay tanaasul sameeyaan.

Qaar ka mid ah kooxaha jihaad doonka ah ayaa laga yaabaa inay xoogga saaraan siyaasadda gudaha marka ay wajahaan caqabadaha ka dhasha maamulidda dhulalka ay qabsadaan. Kuwo kalena waxaa laga yaabaa inay qariyaan himilooyinkooda ballaaran ilaa ay ka helaan awood ku filan oo ay ku fuliyaan.

Riyadii jihaadka caalamiga ahayd way fashilmi kartaa, balse dhaqdhaqaaqa jihaad doonku weli ma dhammaan.