Maxaa keeni kara timo-daadashada haweenka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Sajal Das Role
- Reporting from, BBC Bangla
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Timaha ayaa u daadan kara sababo badan awgood, waxaana jira xalal kala duwan oo inta badan la soo jeediyo si looga hortago ama loo daweeyo dhibaatadan. Hase yeeshee, dhammaan talooyinka la xiriira caafimaadka timaha ee la isla dhexmaro kuma dhisna caddayn cilmiyeed.
Xirashada xijaabka ama nooc kasta oo kale oo madaxa lagu daboolo muddo dheer ma keeni kartaa timo-daadasho? Madaxa oo muddo dheer la daboolo ma ka hor istaagaa hawada inay gaarto maqaarka madaxa, taas oo caqabad ku noqon karta koritaanka timaha?
Dhanka kale, isticmaalka saliidda timaha maalin kasta makaa caawin kartaa ka hortagga timo-daadashada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kuwani waa qaar ka mid ah su'aalaha sida joogtada ah looga hadlo marka ay timaaddo caafimaadka timaha. Laakiin maxaa ka dhab ah? Maxaa khuraafaad ah, maxayse khubarradu ka yiraahdaan arrintan?
Sida uu sheegay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Britain (NHS), waa wax caadi ah in qofku maalintii lumiyo inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 timo. Hase yeeshee, haddii qofku dareemo in timuhu uga daadanayaan si ka badan sidii caadiga ahayd, waxaa lagula talinayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan ula xiriiro xirfadle caafimaad.
Marka laga eego dhinaca sayniska, xaaladda ay timuhu uga daataan qofka si ka badan intii caadiga ahayd, iyada oo aanay timo cusub u soo bixin si ay u beddelaan kuwii lumay, waxaa loo yaqaannaa alopecia (timo-daadasho).
Sida lagu sheegay qiyaasaha NHS, in ka badan 140 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa la ildaran xaaladdan, taas oo keeni karta in timuhu qayb ahaan ama gebi ahaanba daataan.
Khubarradu waxay sharxayaan in timo-daadashadu tahay hannaan dabiici ah. Hase yeeshee, xaaladaha qaarkood, cudur, isbeddellada hormoonnada, nafaqo-xumo ama walbahaarka ayaa hannaan dabiici ah u beddeli kara dhibaato caafimaad oo dhab ah.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la ogaado xaddiga timaha ee caadiga ah in qofku maalin kasta lumiyo, in la garto goorta timo-daadashadu noqoto mid walaac leh, iyo in maskaxda lagu hayo in qaar ka mid ah sheegashooyinka arrintan ku saabsan ee la isla dhexmaro aanay lahayn wax sal cilmiyeed ah.
Maxaa sababa timo-daadashada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Timo-daadashadu waxay yeelan kartaa sababo kala duwan, kuwaas oo qofba qofka kale kaga duwanaan karo. Dadka qaarkood waxaa sababa hidde-sideyaasha, halka kuwo kalena ay ka dhalato daryeel aan habboonayn oo loo sameeyo timaha iyo maqaarka madaxa. Xaaladaha qaarkoodna, gabowga ayaa door ka ciyaara.
Sidoo kale, qaabka timo-daadashadu ugu dhacdo ragga iyo dumarka way kala duwan tahay.
Ragga, nooca ugu badan ee bidaartu waa mid loo yaqaan androgenetic alopecia. Waxay ku bilaabataa timaha hore oo daata, iyadoo sidoo kale meel timo-beel ah ay ka soo baxdo bartamaha sare ee madaxa.
Dumarka, timuhu waxay u badan tahay inay khafiifaan qaybta sare ee madaxa, taas oo keenta in kala-baxa timuhu sii ballaadho. Arrintan waxaa sababi kara hidde-sideyaal ama isbeddello hormoonno. Waxaa kale oo ay sii xoogaysan kartaa marka da'du korodho.
Dumarka, xaaladaha caafimaad qaarkood, sida Polycystic Ovary Syndrome (PCOS) oo ah xanuun ku dhaca ugxan-sidaha, iyo isbeddellada hormoonnada ee dhaca xilliga uurka ama dhalmada ka dib, waxay keeni karaan timo-daadasho.
Sidoo kale, hormoonnada qanjirka tayroodhka oo aad u bata ama aad u yaraada ayaa qayb ka qaadan kara dhibaatadan.
Dr Shaila Haq, oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada maqaarka iyo daawaynta quruxda, ayaa sheegtay in timo-daadashadu ka dhalan karto hidde-sideyaal ama isku-dheelitirnaan la'aan hormoonno.
Wareysi ay siisay BBC-da ayay ku sheegtay in dadka aan cunin cunto nafaqo ku filan leh, gaar ahaan kuwa ay ka maqan yihiin nafaqooyinka muhiimka u ah samaysanka dhiigga, iyo sidoo kale fitamiin D-ga iyo zinc-ga, ay u nuglaan karaan timo-daadashada.
Waxay intaas ku dartay in walbahaarka iyo welwelka badan ay iyaguna qayb ka qaadan karaan dhibaatadan.

Xigashada Sawirka, Sharon Chepkoech
Sida uu sheegay Dr Haq, qaabka timo-daadashada ragga wuu ka duwan yahay kan dumarka.
Dalka Bangladesh, dumar badan ayaa la ildaran dhiig-yaraan ka dhalata nafaqooyinka muhiimka ah ee jirka oo ku yaraada. Xaaladdan ayaa ka mid ah waxyaabaha sababi kara timo-daadashada.
Sidoo kale, miisaanka oo si kedis ah hoos ugu dhaca, taas oo ka dhalata cunto-dhimis adag, soon muddo dheer ah ama nafaqo ku filan oo aan jirka la siin, waxay keeni kartaa timo-daadasho xad-dhaaf ah.
Dadka qaarkood waxay dareemi karaan in timuhu si kedis ah u daataan laba ilaa saddex bilood ka dib marka ay la kulmaan walbahaar xooggan, qandho daran ama cudurro ay ka mid yihiin jadeecada, tiifowga iyo COVID-19. Arrintan ayaa sidoo kale dhici karta qalliin ka dib ama marka haweeneydu umusho.
Cudurrada maqaarka qaarkood, sida fangaska maqaarka, bararka maqaarka ee loo yaqaan seborrheic dermatitis iyo xaalado kale oo la mid ah, ayaa ku dhici kara maqaarka madaxa, waxayna sababi karaan timo-daadasho xad-dhaaf ah.
Waxaa intaas dheer, cudur difaaca jirka ah oo loo yaqaan Alopecia Areata (timo-goosasho), kaas oo hab-dhiska difaaca jirku si khaldan u weeraro unugyada jirkiisa, ayaa isaguna sababi kara timo-daadasho.
Daawooyinka qaarkood ayaa sidoo kale keeni kara timo-daadasho. Kuwaas waxaa ka mid ah daawooyinka kiimoterabiga ee loo isticmaalo daaweynta kansarka, iyo sidoo kale daawooyinka lagu daweeyo dhiig-karka, welwelka iyo xanuunka kala-goysyada.
Sida uu sheegay Dr Haq, isticmaalka joogtada ah ee habab kala duwan oo timaha lagu qurxiyo ama lagu daweeyo, sida kiimikooyinka iyo timaha oo la toosiyo iyadoo la adeegsanayo farsamooyin, ayaa iyaguna qayb ka qaadan kara timo-daadashada.
Qaar ka mid ah fikradaha khaldan ee laga aaminsan yahay timo-daadashada
Waxaa jira fikrado badan oo khaldan oo aan sal cilmiyeed lahayn oo la xiriira sababaha timo-daadashada iyo siyaabaha loo daweeyo. Dadka qaarkood waxay waqti iyo lacag badan ku lumiyaan tijaabinta dawooyin kala duwan, halkii ay talo caafimaad ka raadsan lahaayeen.
Beddelidda shaambada waxay ka hortagi kartaa timo-daadashada
Dad badan ayaa aaminsan in shaambada oo la beddelo ay ka hortagi karto timo-daadashada. Hase yeeshee, shaqada ugu weyn ee shaambadu waa nadiifinta timaha iyo maqaarka madaxa, mana aha inay kiciso koritaanka timaha.
Shaambo wanaagsan waxay gacan ka geysan kartaa nadaafadda maqaarka madaxa iyo yaraynta dhibaatooyinka timaha, balse ma daweyn karto sababaha gudaha ee keeni kara timo-daadashada, sida isku-dheelitirnaan la'aanta hormoonnada ama nafaqo-yaraanta.
Saliidda timaha oo aan maalin kasta la marin waxay keentaa timo-daadasho
Saliidda timuhu waxay jilcisaa timaha, waxayna yarayn kartaa qallaylka maqaarka madaxa, balse ma kiciso dib-u-soo-bixidda timaha.
Dhanka kale, saliidda oo si xad-dhaaf ah loogu mariyo maqaarka madaxa waxay dadka qaarkood uga sii dari kartaa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin qolofta madaxa ama caabuqyada fangaska.
Casiirka basasha, sinjibiisha iyo toonta ayaa daweyn kara bidaarta
Ma jiraan caddaymo cilmiyeed oo muujinaya in maaddooyinkan ay daweyn karaan bidaarta.
Dhab ahaantii, dadka qaarkood waxay ku keeni karaan cuncun ama waxay carqaladayn karaan dheellitirka dabiiciga ah ee maqaarka madaxa.
Wareysi ay siisay BBC Bangla ayay Dr Shaila Haq ku sheegtay in sheegashooyinkaas aanay sal cilmiyeed lahayn. Waxay ku talisay in la isticmaalo shaambooyin aan ku jirin kiimikooyin adag, gaar ahaan kuwa aan lahayn maaddooyinka loo yaqaan sulfates ama ay ku jiraan maaddooyin jilicsan oo aan waxyeello u geysan maqaarka madaxa.
Waxay sidoo kale ku talisay isticmaalka saliidaha si ay uga caawiyaan ilaalinta qoyaanka timaha.
Dhanka kale, dad badan ayaa aaminsan in timo-daadashadu calaamad u tahay kansar ama cudur kale oo halis ah. Qaar kalena waxay u haystaan in qofka mar haddii uu bidaar yeesho aanay suurtagal ahayn in timihiisu dib u soo baxaan.
Hase yeeshee, khubaradu waxay tilmaamayaan in xaaladaha badankood sababaha timo-daadashadu aanay ahayn kuwo khatar gaar ah leh.
Si kastaba ha ahaatee, haddii qofku arko in timuhu si kedis ah oo aad u badan u daadanayaan, tusaale ahaan iyagoo mar keliya ku soo go'aya xaddi badan, ama uu maqaarka madaxa ku arko nabarro iyo cuncun, waxaa muhiim ah inuu si degdeg ah dhakhtar ula xiriiro.


























