Abiy Axmed oo farriimo nabad iyo hanjabaad isugu jira u diray dalalka Somaaliya, Eritrea iyo gobolka

Itoobiya
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, isla markaana ay soo baxayaan warar sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo ciidamo la isugu ururinayo xuduudda labada dal, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Eritrea ugu baaqay inay wada-hadal nabadeed kala gasho Itoobiya sidii ay ku heli lahayd marin ay badda ku gaarto.

Ra'iisul Wasaare Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa farriimo labo dhinac daaran u diray dalka ay deriska yihiin ee Eritrea isagoo maanta khudbad u jeedinayey Barlamaanka dalkiisa.

Mar uu si gaara ugu dheeraaday arrinta Eritrea ayuu Abiy isweydiiyey su'aashan.

Maxaan ka dooneynaa dowladda Eritrea? Laba arrimood.

"Tan koowaad: inay joojiso hubeynta cadowga Itoobiya, inay u noqoto marin sahayda loo mariyo, isla markaana ay taageerto. Waa inay arrintaas si buuxda u joojiso.

Tan labaad: aan iska kaashanno horumarinta labada dhinac dan u ah, dhammaan qaybaha kala duwan.

Marka aan wada shaqeyno, annaga ayaa keeni doonna fikradaha, dhaqaalaha iyo xoogga shaqaalaha. Taasi waa kaalinteena; waxa keliya ee aan idinka dooneynno waa inaad nala shaqeysaan. Intaas oo keliya."ayuu yiri Abiy.

Isagoo ka is waydiiye in haddii taas dhici waydo, wuxuu diray farriin goodis ah "Haddii aad sidaas sameyn kartaan, waxaan ku wada noolaan karnaa nabad. Hase yeeshee, haddii xisbiga Shaebia uu ku sii adkeysto khalad aan laga sixi karin, burburka ka dhalanaya wuxuu ku dhici doonaa Eritrea.

Qaar ayaa sheegaya in Itoobiya ay duullaan ku qaadi doonto Eritrea si ay marin ugu hesho Badda Cas iyo arrimo kale. Taasi gabi ahaanba waa khalad. Ma weerari doonno Eritrea; waxaan dooneynaa inaan marin-badeed ku helno nabad iyo wada-hadal. "ayuu intaas raaciyey Abiy.

Abiy oo farriin u diray Soomaaliya, Jabuuti iyo dalalka kale ee gobolka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii uu jeedinayey khudbadiisa wuxuu marwelba ku soo celiyey in Itoobiya mudan tahay inay hesho marin ay ku gaarto badda cas.

"Horumarkeenna iyo faa'iidada aan ka helayno waxba uma dhimayaan Eritrea, Soomaaliya ama Jabuuti. Dhab ahaantii, Itoobiya ayaa leh tirada ugu badan ee Soomaalida ku nool meel ka baxsan Soomaaliya. Ha la jeclaado ama yaan la jeclaan, walaalo ayaan nahay. Sidoo kale, waxaan Jabuuti la wadaagnaa bulsho tiro badan, sidaas darteed iyagana walaalo ayaan nahay. Sidoo kale waa arrin la mid ah Eritrea, Suudaan, Kenya iyo Koonfurta Suudaan. Waxaan nahay sida qoys isku mid ah.

Hase yeeshee, ma noqon karno hal qoys haddii mid la takooro halka kan kale uu faa'iido helayo. Haddii helitaanka marin-badeedka Badda Cas ee Itoobiya uu waxyeello u geysanayo Eritrea, taasi gebi ahaanba waa khalad.

Laakiin in Eritrea ay meel muddo 30 sano ah iska indho-tirto, ayna marna ku fikirin inay ka dhisto xitaa hal kiiloomitir oo waddo laami ah, dabadeedna si kedis ah u tiraahdo: 'Ma isticmaali kartaan', wax macno ah ma samaynayso.

Iyaga ha isticmaalaan, annaguna aan isticmaalno. Aan si wadajir ah u horumarno."

Abiy, oo muddo ka badan saddex sano ku hawlanaa dhiirrigelinta dadaallada Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin-badeed, ayaa tusaale u soo qaatay dalal marin-badeed ku helay wada-xaajood halkii ay dagaal u adeegsan lahaayeen.

"Urdun iyo Sacuudi Carabiya ayaa wada-hadlay, waxaana Urdun ay ku heshay marin-badeed. Taasi waa waxa aan dooneyno, inaan marin-badeed ku helno habkii Urdun. Ciraaq markii hore ma lahayn marin-badeed, balse markii dambe ayay heshay. Tani waa waayo-aragnimo dhab ah. Ingiriiska ayaa ka caawiyay, sidoo kalena wuu na caawin karaa. Poland waxay Jarmalka ka heshay marin-badeed. Waxa keliya ee aan u baahan nahay waa inaan waayo-aragnimadaas ku dhaqanno. Looma baahna dagaal. Uma baahnin inaan xoog wax ku qabsanno, balse waxaan dooneynaa inaan ku gaarno mabda'a wax-is-weydaarsiga iyo tanaasulka labada dhinac," ayuu yiri.

In kasta oo Abiy uu marar badan carrabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn dagaal lala galo Eritrea, haddana wuxuu sheegay in Itoobiya ay guuleysan doonto haddii uu dagaal dhaco, isaga oo sidoo kale ku dooday in Eritrea aysan filan taageero dibadeed.

"Haddii dagaal dhaco, uma maleynayo in cid kale u imaan doonto inay Eritrea caawiso. Taladaydu waa inaan dagaal loo baahnayn. Ma aha wax lagama maarmaan ah. Haddii aan dagaalno, shaki kuma jiro in Itoobiya guuleysan doonto," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in aanu jirin cid Eritrea u soo gurman doonta.

Waxa uu sidoo kale yiri: "Haddii nabad la doonayo, waxaa muhiim ah in hadda laga bilaabo la iska kaashado. Badda Cas waa kheyraad ku filan."