Feeryahankii Muslimka ahaa ee dhexdhexaadiyey kiisas waaweyn lana kulmay Sadaam Xuseen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaydka sawirrada ee Maxamed Cali (Kalaay) waxaa ka buuxa sawirro muujinaya safarradiisii iyo booqashooyinkii uu ku tagay dalalka Carabta. Feeryahankan caanka ah ee Mareykanka, oo saddex jeer ku guuleystay horyaalka adduunka, diinta Islaamkana qaatay, kana soo horjeeday cunsuriyadda iyo siyaasadaha Mareykanka, ayaa sidoo kale jacayl iyo soo dhoweyn gaar ah ka helay Muslimiinta ku nool meel ka baxsan Mareykanka. Mar kasta oo uu booqdo dal Carbeed, waxaa loo sameyn jiray soo dhoweyn heer sare ah.
Maqaamkiisii iyo sumcaddiisii ayaa markii dambe u suurageliyay in Maxamed Cali door diblomaasiyadeed ka qaato arrimo caalami ah, isaga oo dhexdhexaadiye ka noqday dadaallo lagu doonayay in lagu sii daayo muwaadiniin Mareykan ah oo la afduubtay.
Maxaa Maxamed Cali, keenay magaalada Bayruut xilligii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, iyo magaalada Baqdaad dhowr bilood kaddib duullaankii Ciraaq ee Kuwait, isla markaana toddobaadyo ka hor inta uusan qarxin dagaalkii labaad ee Khaliijka?
Dabayaaqadii bishii Nofeembar 1990-kii, Maxamed Cali oo haystay horyaalnimada feerka ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, isaga oo iska diiday amaraddii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee ka mamnuucaysay muwaadiniinta Mareykanka inay u safraan Ciraaq.
Booqashadii Kalaay ee Ciraaq ma ahayn mid caadi ah. Waxay timid in ka badan 100 maalmood kaddib markii madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Xuseen, uu duullaan ku qaaday Kuwait, xilli xaaladda siyaasadeed iyo milatari ee gobolka Khaliijka ay aad u kacsanayd.
Qiyaastii sagaal sano ayaa laga joogay markii Maxamed Cali, uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee feerka, isla markaana uu go'aansaday inuu ka fariisto ciyaaraha oo uu gebi ahaanba ka tago tartanada feerka. Sidoo kale, waxaa ku dhowaad shan sano laga joogay markii laga helay cudurka Parkinson.
Ciidanka Ciraaq ayaa Kuweyt ku duulay 2-dii Agoosto 1990-kii. Isla maalintaas, diyaarad rakaab oo laga leeyahay Britain, taas oo ay saarnaayeen ku dhowaad 400 oo qof, ayaa soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha Kuweyt si ay shidaal uga qaadato.
Ciidanka Ciraaq ayaa la wareegay diyaaradda, waxayna xireen rakaabkii ajaanibta ahaa ee saarnaa, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin British, Faransiis iyo Mareykan ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaaa intaas dheeraa, kumannaan ajaanib ah oo haystay jinsiyado kala duwan ayaa ku go'doonsanaa Kuweyt iyo Ciraaq kaddib duullaankii.
Saddam Xuseen ayaa si tartiib-tartiib ah u sii daayay tiro ka mid ah dadkii la haystay, halka qaar kalena loo oggolaaday inay dalka ka baxaan. Hase yeeshee, qaar ka mid ah.
la-haystayaasha ayaa loo adeegsaday gaashaan dadeed, waxaana la geeyay goobo iyo xarumo ay suuragal ahayd in ciidanka Mareykanku bartilmaameedsadaan.
Dhibaatada la xiriirtay afduubka iyo haynta ajaanibta ayaa ugu sii dartay xaaladda gobolka, waxaana la bilaabay dadaallo dhexdhexaadin iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in lagu xaqiijiyo sii deyntooda.
Wufuud rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn ayaa bilaabay inay si isdaba joog ah u tagaan Ciraaq, iyagoo codsanayey inay la kulmaan madaxweynaha Ciraaq, si ay u dhex-dhexaadiyaan dhinacyada, ugana codsadaan inuu sii daayo ajaanibta la haysto ama u oggolaado inay dalka ka baxaan.
Saddam Xuseen ayaa qoysaska dadka la haystay ku casuumay inay ugu yimaadaan Ciraaq si ay halkaas ugu dabaaldegaan munaasabadda Kirismaska, iyadoo sannadku dhammaanayay, isla markaana aan weli xal loo helin dhibaatada la-haystayaasha.
Qoysas ka mid ah ayaa awooday inay tagaan Ciraaq oo ay la kulmaan Saddam Xuseen. Madaxweynaha Ciraaq ayaa oggolaaday in qaar ka mid ah dadka la haystay la sii daayo, isla markaana ay dalalkooda dib ugu laabtaan iyagoo la socda eheladooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrintan waxaa wargeyska The New York Times ka qoray 27-kii Nofeembar 1990-kii, warbixin uu cinwaan uga dhigay "Suuqa Ciraaq: Qof walba wuxuu doonayaa la-haystayaasha" Cinwaanka ayaa tilmaamayay tirada badan ee wafdiyada, ergooyinka iyo booqashooyinka Ciraaq ku tagayay, kuwaas oo dhammaantood raadinayay xal lagu sii daayo dadka la haysto.
Wargeysku wuxuu soo xigtay siyaasiyiin ka tirsanaa maamulkii madaxweynihii hore ee Mareykanka George H.W. Bush, kuwaas oo muujiyay sida ay uga xumaayeen booqashooyinka ay wafdiyada aan rasmiga ahayn ku tagayeen Ciraaq. Waxay xuseen in dadka booqashadaas sameeyay ay ku jireen shaqsiyaad caan ah, sida feeryahankii Maxamed Cali (Kalaay).
Sida uu wargeysku xusay, feeryahan Maxamed Cali, ayaa Wargeysku ayaa kulammo isdaba joog ah ka waday magaalada Baqdaad tan iyo markii uu halkaas gaaray.
Wargeyska The New York Post ayaa markii uu dib u eegay dhacdadan sannadkii 2015-kii, isagoo sheegay in Maxamed Cali, uu maalmo sugayay inuu la kulmo Saddam Xuseen, balse uusan helin wax jawaab ah ama calaamad muujinaysa in madaxweynuhu doonayo inuu la kulmo.
Intii uu muddadaas sugayay, Maxamed Cali, wuxuu booqday xarumo kala duwan oo ku yaalla Ciraaq. Mana uusan diidin codsi uga yimaada qofkii ka dalbada inuu saxiixiisa siiyo ama sawir la galo.
Wargeysku wuxuu qoray in feeryahankii hore uu la tacaalayay astaamaha cudurka Parkinson, isla markaana ay ku adkayd dhaqdhaqaaqa jirkiisa.
Ugu dambayntii, horyaalka feerka adduunka ayaa ku guuleystay inuu Saddam Xuseen la kulmo 27-kii Nofeembar, iyadoo kamaraduhu duubayeen kulanka. Muuqaalka kulankaas waxaa baahiyay telefishinka dowladda Ciraaq.

Xigashada Sawirka, Getty Images
La-haystayaashii Maraykanka ahaa ayaa isku duubaya Maxamed Cali.
Kulankaas, Muhammad Ali wuxuu madaxweynaha Ciraaq u ballanqaaday inuu dadka Maraykanka ah siin doono. Saddam Xuseen ayaa isaguna ku jawaabay inuusan Maxamed Cali ka tagi doonin Ciraaq isaga oo aan wadan dhowr muwaadin oo Maraykan ah.
Runtii, Maxamed Cali, wuxuu Ciraaq ka baxay 2-dii Diseembar, isaga oo saarnaa diyaarad siday 15 muwaadin oo Maraykan ah oo lagu haystay dalkaas. Diyaaraddu waxay marka hore tagtay Cammaan, ka dibna waxay u duushay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy ee magaalada New York.
In ka badan soddon sano kaddib dhacdadaas, in ka badan 90 muwaadin oo British ah oo saarnaa diyaaraddii British Airways ee ka degtay Kuwait bilowgii duullaankii Ciraaq, ayaa sannadkii 2024 dacwad ka dhan ah dowladda Britain iyo shirkadda diyaaradaha gudbiyay. Waxay ku eedeeyeen dayacaad iyo in si ula kac ah khatar loo geliyay nolosha rakaabka.
Dacwaddan ayaa timid kaddib markii la baahiyay xog ku saabsan doorka sirdoonka Britain, kaas oo wakiilladiisa saaray diyaaradda si ay uga degto Kuwait, inkasta oo ay heleen digniino ku saabsan khatarta ka jirtay garoonka diyaaradaha.
6-dii Diseembar, Saddam Xuseen wuxuu soo saaray wareegto lagu sii deynayo la-haystayaashii ajaanibta ahaa ee weli ku haray Ciraaq.
Maxamed Cali (Kalaay, ayaa la kulmay dhaleeceyn ku saabsan dhexdhexaadintii uu ka sameeyay Ciraaq. Dadka dhaliilayay waxay ku doodayeen in ujeeddadiisu ahayd inuu naftiisa caan ka dhigo oo uu sumcad dheeraad ah raadsado.
Hase yeeshee, tani ma ahayn markii ugu horreysay ee Cali, uu ka qayb qaato dhexdhexaadin lagu doonayay in lagu sii daayo la-haystayaal. Wuxuu hore, sannadkii 1985-kii, u booqday magaalada Beirut, ujeeddo taas la mid ahayd.
Maxamed Cali (Kalaay) oo Beyruut u tegay raadinta muwaadiniin Maraykan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannado ka hor, baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawir muujinaya feeryahan Maxamed Cali, oo rag kale kula tukanaya gudaha hoolka masaajid, iyaga ku daba tukanayey sheekh Shiico ah. Sheekhaasi ma ahayn qof kale ee wuxuu ahaa xoghayaha guud ee hadda ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, Sheekh Naciim Qaasim. Sida la sheegay, masaajidku wuxuu ku yaallay xaafadda Bir al-Cabid ee duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut.
Bishii Febraayo 1985-kii, Maxamed Cali, wuxuu gaaray magaalada Beyruud, isaga oo u tegay inuu dhexdhexaadiyo arrin la xiriirtay afduubka afar muwaadin oo Maraykan ah.
Waxaa dalka Lubnaan ka dhacay afduubyo isdaba joog ah oo lala beegsanayay ajaanib, oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo suxufiyiin. Xilligaas, maleeshiyaad hubaysan oo kala duwan ayaa gacanta ku hayay qaybo ka mid ah dalka.
Magaca kooxda la oran jiray "Jihaadka Islaamiga ah" ayaa lala xiriiriyay inta badan afduubyadii ajaanibta ee muddadaas dhacay. Sidoo kale, kooxda ayaa lagu eedeeyay qaraxyo kale oo lala beegsaday ciidamada Faransiiska iyo Maraykanka ee Beyruud iyo sidoo kale safaaradda Maraykanka ee magaaladaas sannadkii 1983-kii.
Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhexe ayaa kooxda ku tilmaamay garabkii xilligaas fulin jiray hawlgallada "argagixiso" ee Xisbullah.
Sida uu qoray wargeyska United Press International, Maxamed Cali, wuxuu Beyruud gaaray isagoo sii maray Paris, wuxuuna wariyeyaasha u sheegay: "Dunidu way ogtahay inaan Muslim ahay, afduubayaashuna ay Muslimiin yihiin."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan isku dayi doonaa, haddii Alle idmo, inaan gacan ka geysto sii deynta la-haystayaasha."
The Irish Times ayaa qoray in markii uu feeryahan Maxamed Cali, gaaray magaalada Beyruud, isaga iyo qofkii la socday ay hoteelka Summerland ka baxeen abaare 2:00-dii habeenimo. Markaas ayay arkeen laba baabuur oo nooca Marshediska ah iyo rag hubaysan oo xiran cimaamado, kuwaas oo halkaas ku sugayay.
Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in indhaha laga xiray feeryahan Cali, kadibna isaga iyo ninkii la socday ay ku degeen bar koontarool, halkaas oo ay ka raaceen gaari yar oo xamuul ah. Gaarigaas ayaa geeyay goob ay kula kulmeen dad loo malaynayay inay wakiil ka ahaayeen afduubayaashii.
Kalaay, wuxuu watay gal ay ku jireen xogta afarta muwaadin ee Maraykanka ah ee la afduubtay: William Buckley, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa safaaradda Maraykanka ee Lubnaan; wadaadka Benjamin Weir; Peter Kilburn, oo ahaa agaasimaha maktabadda Jaamacadda Maraykanka ee Beyruud iyo wadaadka Lawrence Genko, oo ahaa agaasimaha hay'adda Catholic Relief Services.
Wakaaladda wararka United Press International, ayaa sheegtay in Cali, uu sidoo kale doonayay inuu ogaado halka uu ku dambeeyay qunsulkii Sacuudiga, Xuseen al-Faraash, kaas oo horaantii sannadkii 1984-kii lagu afduubtay Beyruud.
Maxamed Cali, wuxuu soo laabtay isaga oo aan wax natiijo ah oo wanaagsan ka gaarin.
Wargeyska Los Angeles Times ayaa 20-kii Febraayo qoray in Cali, uu joojiyay dadaalladii uu ugu jiray sidii loo sii deyn lahaa la-haystayaashii Maraykanka iyo Sucuudiga, isla markaana uu Beyruud ka duulay kuna laabtay Yurub.
Wargeysku wuxuu soo xigtay kaaliyihiisa oo sheegay in feeryahanku uu sidoo kale baajiyay safar uu xilligaas qorsheynayay inuu ku tago Suuriya, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inuu la kulmo madaxweynihii Suuriya, Xafid al-Asad, si uu qayb uga noqdo dadaalladaas.
Sida uu wargeysku sheegay, Maxmaed Cali, ayaa markii uu soo dhammaaday booqashadiisii Beyruud, wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan qabo, isla markaana uusan filayn in afduubayaashu ay la-haystayaasha ku sii deyn doonaan gudaha Lubnaan.
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan aaminsanahay in afduubayaashu ay heleen farriintii aan u gudbinay," sida uu qoray Los Angeles Times.
Wuxuu yiri: "Haddii Alle idmo, dhowaan ayay sii deyn doonaan. Marka ay dhab ahaan diyaar u noqdaan, way og yihiin halka ay naga heli karaan iyo sida ay nala soo xiriiri karaan."
Qunsulkii Sucuudiga Xuseen Al-Faraash, wadaadka Benjamin Weir iyo wadaadka Lawrence Genko ayaa dhammaantood la sii daayay bilo kaddib booqashadii Maxamed Cali Kalaay, kaddib heshiisyo iyo dadaallo dhexdhexaadin oo kala duwan. Hase yeeshee, lama xusin doorkii feeryahan Maxamed Cali ee sii deyntooda.
Maydka Peter Kilburn ayaa la helay bilo kaddib markii la sheegay in la afduubtay bishii Diseembar 1984-kii.
Sidoo kale, waxaa la helay maydka William Buckley, kaas oo la jirdilay ilaa uu ka dhintay intii uu afduubka ku jiray. Sida lagu sheegay bogga internetka ee CIA-da, markii dambe ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa hawl-wadeen ka tirsanaa hay'adda sirdoonka Maraykanka.

























