Kumuu ahaa Cali Cabdullaahi Cosoble?
Taariikh nololeedkii iyo waayihii siyaasadda ee Cali Cabdullaahi Cosoble

Xigashada Sawirka, Khalid Cosoble
Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, horena u soo noqday wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa xalay ku geeriyooday magalada Qaahira, sida ay BBC u xaqiijiyeen ehelladiisa.
Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu xaalad caafimaad u joogay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Xigashada Sawirka, Khalid Cosoble
Cali Cabdullaahi Cosoble waxaa uu dhashay dabayaqadi sanadkii 1962, waxaa uuna ku dhashay magaalada Muqdisho .
Sida uu BBC u sheegay walaalkii oo lagu magacaabo Maxamed rashiid Cabdullahi Cosoble waxaa uu ahaa nin heer sare ka gaaray dhanka tacliinta.
Cali Cabdulahi Cosoble ayaa waxaa uu ka baxay iskuulka Yaasiin Cusmaan, ka dib-na waxaa uu dugsiga sare ku qaatay buulo tigniko iskoolki la dhihi jiray ee xisaabaadka.
Allah ha u naxariistee Cali waxaa uu ka dib u hayaamay dalka Mareykanka halkaasi oo uu ku biiray jaamac Sam Houston State University oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka .
Cali ayaa soo bartay culuumta ganacsiga iyo Beeraha oo xilligaa aad dalka looga baahnaa.
Aabihii Cabdulahi Cosoble ayaa sidoo kale ahaa nin caan ah islamarkana wasiir ka ahaa dowladdii Soomaaliya.
Meelaha uu ka soo shaqeeyay
Sida uu BBC u sheegay walaalkiis oo lagu magacaabo Maxamed Rashiid Cabdullaahi Cosoble ayaa ka dib markii uu jaamacadda soo dhameeyay waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka.
Shaqadii ugu horeysay ee uu qabtay ayaa ahayd inuu ku biiray bangigii horamrinta ee dalka ka jiray.
Allah ha naxariistaa Cali ayaa ka dib waxaa uu shaqo ka bilaabay Warshadii Baastada ee dowladii Kacaanka Soomaaliya.
"Waxaa uu noqday maareeyihii warshaddii baastada ee dowladdii kacaanka ka dib waxaa burburtay dowladdii kacaanka". ayuu yiri Maxamed Rashiid.
Markii ay dowladdii dhexe burburtay ayaa meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay Marxuum Cali Cabdulahi Cosoble waxaa ka mid ah dhanka samafalka .
Waxaa uu muddo dheer u shaqeynayay hay'adda Oxfam oo uu ka howlgali jiray gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale mar ahaa ganacsade ka shaqeeya arrimaha hotelada isaga oo huteel ku lahaa magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka.

Xigashada Sawirka, socail
Sida uu ugu soo biiray siyaasadda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Allah ha u naxariistee Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hayaankiisii siyaasadda waxaa uu ka soo bilaabmay shirkii Embakasi ee lagu soo dhisay dolwaddii kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya.
Markii la soo dhisay dowladdii kumeel-gaarka ahayd , Cali waxaa uu ka mid ah dadkii ka soo shaqeeyay magaalada Beydhabo oo fariisin u ahayd dowladdii kumeel-gaarka ahayd.
Waxa uu sannadkii 2004-tii, ku biiray Baarlamaankii Federaalka Kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya oo uu muudo dheer ka tirsanaa.
7-dii Janaayo 2005, xukuumaddii ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo uu hoggaaminayay madaxweynihii xilligaas Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa Cosoble u magacawday wasiirka waxbarashada.
Dib-u-habayn lagu sameeyay golaha wasiirrada kaddib, ayaa Cosoble mar kale loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha.
Waxaa Cosoble loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee Hirshabeelle 17-kii Oktoobar 2016, kaddib markii la dhisay dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Intii uu xilka hayay, Cosoble waxa uu hoggaaminayay dhismaha hay'adihii ugu horreeyay ee maamulka cusub iyo dejinta qaab-dhismeedka dowladnimadiisa, xilli Hirshabeelle ay bilowday dhismaha nidaamkeeda siyaasadeed iyo maamul.
Hase yeeshee, muddadii uu xilka hayay way koobnayd. 14-kii Agoosto 2017, baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday, kaddib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo xildhibaannada.























