You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee buu "Xisbiga baranbarada" caan uga noqday Hindiya
Waxaa siyaasadda Hindiya kasoo ifbaxay astaan xisbi oo layaab leh: Baranbaro.
Ma aha ubax sida xisbiga ugu weyn dalka (BJP), ama calaamad gaar ah oo xisbiga mucaaradka ah, balse waa baranbaro adag, dhib badan, isla markaana aan si fudud loo baabi'in karin—taas oo dhowaan noqotay astaan caan ah oo lala xiriiriyo dhalinyarada siyaasadda Hindiya.
Baranbaro ayaa si weyn looga hadlayaa Hindiya tan iyo usbuucii hore kadib hadal uu jeediyay Wasiirka Sharciga ee dalka, Surya Kant.
Intii lagu guda jiray fadhi, wasiirku wuxuu dhalinyarada shaqo la'aanta ah ee ku lug leh macdanta iyo warbaahinta ku tilmaamay baranbaro ama shillimo.
Markii dambe ayuu caddeeyay, isagoo sheegay in dadka uu ula jeeday baranbaro ay ahaayeen "qalin-jabiyeyaal been abuur ah", ee aanay ahayn dhammaan dhalinyarada Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta uusan caddeynin, hadalkiisa si weyn ayaa loogu faafiyay baraha bulshada, taas oo dhalisay dood kulul isla markaana saldhig u noqotay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loo bixiyay "Cocroach Janta Party" ama Xisbiga Dadka Baranbarada (CJP).
Xisbigu ma aha mid la mid ah xisbiyada kale ee si rasmi ah loo aqoonsan yahay, balse waa koox dad ah oo isugu yimid kaftan ahaan, shuruudda lagu biirayana waxay tahay in qofku ahaado shaqo la'aan, dhibaato badan, had iyo jeer online ah, isla markaana buuq badan.
Xisbigan waxaa aasaasay khabiir dhanka warbaahinta ah iyo arday ka tirsan Jaamacadda Boston, Abhijeet Dipke. Wuxuu sharaxay inuu u bilaabay kaliya kaftan ahaan.
Ninkan oo hadda ku nool Maraykanka ayaa sheegay inuu hore uga shaqeyn jiray xisbiga Aam Aadmi Party (AAP) ee Hindiya ka hor inta uusan u guurin Maraykanka—xisbi ka soo baxay dhaqdhaqaaqyo la dagaallama musuqmaasuqa oo aad ugu caan ah baraha bulshada.
Wuxuu u sheegay BBC: "Waxaan is iri aan koox yar isugu keenno."
Laakiin waxa dhacay ayaa ka badnaa wixii uu filayay.
Maalmo gudahood, xisbiga cusub ee CJP wuxuu soo jiitay tobanaan kun oo qof oo doonayay inay ku biiraan iyagoo buuxinaya foom online ah, iyadoo halku-dhiggiisu ahaa #Aniguna waxaan ahay baranbaro, isla markaana uu helay taageero ay muujiyeen hoggaamiyayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka kale.
Dhaqdhaqaaqan sidoo kale wuxuu aad ugu faafay baraha bulshada, halkaas oo dhalinyaro badan ay soo dhigeen sawirro ay kaga qaybgalayaan madadaalo ahaan.
Si kastaba ha ahaatee, hadda waxaa muuqata in bog Facebook ah oo xisbiga lahaa, oo lahaa in ka badan 200,000 oo taageerayaal ah, la tir-tiray, iyadoo dadka doonayay inay ku biiraan loo sheegay in la hakiyay "sababo sharci awgood".
Si kastaba ha ahaatee, xisbigu weli wuu sii kordhayaa caannimadiisa.
Taageerayaasha dhaqdhaqaaqan waxay ku tilmaamaan inuu yahay "xorriyad cusub" oo ka dhalatay jawi siyaasadeed oo kacsan oo ay hareeyeen falal xunxun.
Dadka taageersan waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin mucaarad caan ah sida Mahua Moitra iyo Kirti Azad, iyo sidoo kale qareenka sare Prashant Bhushan.
Dadka dhaleeceeya waxay u arkaan dhaqdhaqaaqan inuu yahay madal la xiriirta mucaaradka, iyagoo tilmaamaya xiriirka Dipke uu la leeyahay AAP, isla markaana u arka dhacdadan inay tahay mudaaharaad siyaasadeed.
Laakiin si ka baxsan muuqaalka kore, tani waxay muujinaysaa niyad-jabka dhalinyarada Hindiya ee arrimaha siyaasadda, kuwaas oo dareemaya in inkastoo ay aqoon u leeyihiin siyaasadda, haddana aan si dhab ah loo matalin.
Hindiya waxay ka mid tahay dalalka ugu dhalinyarada badan dunida, iyadoo ku dhowaad kala bar 1.4 bilyan oo dadka ah ay ka yar yihiin 30 jir, balse ka-qaybgalka siyaasadeed waa mid hooseeya.
Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in 29% dhalinyarada Hindiya aysan xiiso u qabin siyaasadda, halka kaliya 11% ay haystaan kaarka xisbi.
"Dadku way ka daaleen inay dareemaan in fikradahooda aan la qiimeyn oo aysan si dhab ah u matalnayn," ayuu yiri Dipke.