You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Pakistan oo mar kale dadaal ugu jirta dhexdexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Syed Mohsin Naqvi ayaa Tehran kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araqchi.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dalal badan oo cambaareeyay fal uu sameeyay wasiirka Israa'iil

    In ka badan labaatan waddan ayaa hadda cambaareeyey Israa’iil kadib markii wasiirkeeda amniga qaranka uu soo dhigay muuqaal muujinaya dad u dhaqdhaqaaqaya Gaza oo la xidhay, kuwaas oo si qalafsan loola dhaqmay laguna qasbay jagooyin cadaadis leh, isagoo ku jees-jeesaya.

    Waddamo badan ayaa dalbaday in safiirrada Israa’iil ay bixiyaan jawaabo la xiriira falalka Itamar Ben Gvir. Talyaanigu wuxuu aad uga sii gudbay arrintaas, isagoo ku boorriyey Midowga Yurub inuu cunaqabatayn saaro Ben Gvir, isagoo sheegay inuu ku xadgudbay xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.

    In ka badan 400 oo qof oo dhaqdhaqaaqayaal ah oo laga soo qabtay doomaha lagu weeraray biyaha caalamiga ah ayaa hadda laga masaafuriyey Israa’iil.

    Sidoo kale akhriso:

  2. Sheekada gabdho uu kufsaday Sheekh Qur'aan saarayey

    Digniin: Maqaalkani waxa uu xambaarsan yahay sharraxaad ku saabsan faraxumayn, gogol-dhaaf qasab ah iyo erayo kale oo laga yaabo in dadka qaar ay dhibto.

    "Aria" waxay ahayd 13 jir markii uu faraxumeeyay imaam u sheegay inuu "daawayn" u samaynayo.

    Cabdul Xaliim Khaan oo ahaa wadaad dhanka diinta aad loogu qadariyo masaajid ku yaalla Bariga London ayaa gabdhaha yaryar iyo waalidkood u sheegi jiray inay u baahan yihiin "daawayn" looga saarayo "ruuxaanta ama jinka noociisa xun".

    Gabar kasta marka uu ula dhaqmo si aan wanaagsaneyn waxa uu u sheegi jiray in aysan cidna la wadaagin, isaga usii raacin jiray laga yaabo in qaar kamid ah qoyskeeda ay waxyeello soo gaari karto.

    Aria waa magac aan sheekada ugu talo galnay inaan ku tebinoo maaha magaceeda saxda ah, mar ay ka sheekeeneesay ayey tiri "Runtii waxaan aaminsanaa inuu leeyahay awoodo ka sarreeya dadka caadiga ah".

  3. Israa'iil oo dooneysa inay xirto safaaraddeeda Istanbul

    Israa’iil ayaa ka fikiraysa inay xirto qunsuliyaddeeda ku taalla Istanbul sabab la xiriirta sii xumaanshaha khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Turkiga.

    Haddii tallaabadaas la qaado, safaaradda Israa’iil ee Ankara ayaa noqon doonta wakiilka rasmiga ah ee kaliya ee Israa’iil ku leedahay Turkiga.

    Warkan ayaa markii ugu horreysay kasoo baxay warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan bogga Ynet Global. Warbixintu waxay sheegtay in diblomaasiyiin Israa’iiliyiin ah oo loo xilsaaray Turkiga ay hadda ku sugan yihiin Bulgaria, halka shaqaalaha maxalliga ah ay wali ka shaqeynayaan guryahooda.

    Mas’uuliyiin Israa’iili ah oo ay wareysatay BBC Turkish ayaa xaqiijiyey in wadahadallo ay socdaan oo ku saabsan suurtagalnimada xiritaanka qunsuliyadda, balse waxay sheegeen in aan weli wax go’aan ah laga gaarin.

    Sidoo kale akhriso:

  4. Iran oo shacabka u billowday tababar ku saabsan hubka

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa bilaabay inay ku tababaraan muwaadiniintooda isticmaalka hubka kaasoo lagu qabanayo aagga Vank Square, sida ay sheegtay Reuters.

    Macallimiin ku labisan dharka ciidanka ayaa baraya sida loo isticmaalo la isuguna rakibo qoryaha, iyo sidoo kale sida loo beegsado bartilmaameedyada.

    Hawshan ayaa sidoo kale ka kooban casharro aragtiyeed iyo habab difaac oo lagaga hortago cadowga, iyadoo wax walba lagu sameynayo kormeerka macallimiinta.

    Fiidiyow ku wareegaya internetka ayaa muujinaya haween baranaya sida bartilmaameed loo beegsado.

    Arrintan ayaa timid kadib markii Iran ay uga digtay Maraykanka in haddii la weeraro, ay la kulmi doonaan jawaab lama filaan ah.

    Wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Iran ay casharro badan ka baratay dagaalka tan iyo markii uu billowday bishii Febraayo.

    Dhanka Maraykanka, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan ku degdegin wadahadallada Iran. Waxa uu si gaar ah u doonayaa in la furo marinka Hormuz, oo ay ka gudbaan ku dhowaad 20% shidaalka dunida.

    Sidoo kale akhriso

  5. Xanuunnada jabtada iyo waraabowga oo Yurub ku badanaya

    Infakshannada lagu kala qaado galmada (STIs), oo ay ku jiraan jabtada (gonorrhoea) iyo waraabowga (syphilis), ayaa gaaray heerarkoodii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo Yurub, sida ay muujinayso xog cusub.

    Xarunta Yurub ee Ka-hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada (ECDC) ayaa sheegtay in labadan cudur ay gaareen heerarkoodii ugu sarreeyay in ka badan 10 sano gudaheed sannadka 2024.

    Jabtadu waxay gaartay 106,331 kiis — taasoo ah koror dhan 303% tan iyo 2015 — halka waraabowgana uu in ka badan labo jeer kordhay muddadaas isla markaana gaaray 45,557 kiis.

    Hay’adda caafimaadka ayaa sheegtay in “farqiyada badan ee baaritaanka iyo ka-hortagga” ay qayb ahaan sabab u yihiin kororka faafitaanka, waxayna ku baaqday in tallaabo degdeg ah la qaado.

    “Infakshannadani waxay keeni karaan dhibaatooyin culus, sida xanuun joogto ah iyo dhalmo la’aan, iyo marka ay timaaddo waraabowga, dhibaatooyin ku yimaada wadnaha ama habdhiska neerfaha,” ayuu yiri Bruno Ciancio, madaxa qaybta cudurrada si toos ah la isugu kala gudbiyo iyo kuwa tallaalka lagu hortagi karo ee hay’adda.

    Wuxuu sheegay in kiisaska waraabowga ku dhaca ilmaha uurka ku jira ama ku dhasha — “halkaas oo caabuqu si toos ah ugu gudbo dhallaanka oo keeni kara dhibaatooyin nolosha oo dhan socon kara” — ay ku dhowaadeen inay labanlaabmaan intii u dhaxaysay 2023 iyo 2024.

    Spain ayaa lahayd tirada ugu badan ee kiisaska la xaqiijiyey ee jabtada iyo waraabowga dalalka Yurub ee ka qayb galay sannadka 2024, iyadoo laga diiwaangeliyey 37,169 iyo 11,556 kiis.

    In kasta oo kalamiidiya (chlamydia) ay weli ahayd infakshanka bakteeriyada ee ugu badan guud ahaan la soo sheego, haddana kiisasku waxay hoos u dhaceen 6% tan iyo 2015, iyagoo gaaray 213,443.

    Sidoo kale akhriso

  6. Pakistan oo mar kale dooneysa inay dhexdhexaadiso Iiraan iyo Mareykanka

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Syed Mohsin Naqvi, ayaa maanta kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, magaalada Tehran.

    Kulankaas waxaa xaqiijiyay war-saxaafadeed lagu daabacay barta X ee dowladda Iran.

    Booqashadan ayaa imaaneysa xilli Iran iyo Mareykanku ay is dhaafsanayaan farriimo, oo ay dhexdhexaadinayso Pakistan, si loo gaaro xabbad-joojin joogto ah iyo dib u billowga wada-hadallada.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Iran, xiriirka labada dal iyo arrimo ay wadaagaan ayaa laga hadlay intii uu socday kulanka Mohsin Naqvi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

    Waxaa xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, uu Tehran gaaray Arbacadii.

    Horey, Hassan Naqvi wuxuu ku sugnaa Iran muddo ku dhow afar maalmood toddobaadkii labaad ee bisha May, wuxuuna Talaadadii la soo dhaafay ku laabtay Pakistan, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin badan oo Iiraaniyiin ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Iran Masoud Peshkeshkian, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi.

    Sidoo kale akhriso:

  7. Trump oo sheegay inuu la hadli doono madaxweynaha Taiwan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hoggaamiyaha Taiwan, Lai Ching-te kala hadli doono arrin la xiriirta suurtagalnimada iibinta hub, taasoo noqon karta ka leexasho weyn oo laga sameeyo dhaqanka diblomaasiyadda.

    Hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Taiwan si toos ah uma aysan wada hadlin tan iyo 1979‑kii—waqtigaas oo Washington ay jartay xiriirkii rasmiga ahaa ee Taiwan si ay u aqoonsato dowladda Beijing.

    Beijing waxay Taiwan u aragtaa inay ka tirsan tahay dhulkeeda, meesha kama aysan saarin suurtagalnimada ah inay xoog ku qabsato. Lai, oo xilka la wareegay 2024‑kii, ayaa hormuud u ah dadaallada ugu xooggan ee sanadihii u dambeeyay lagu xoojinayo difaaca jasiiradda.

    Mareykanka muddo dheer wuxuu taageerayay Taiwan, waxaana sharci ahaan waajib ku ah inuu siiyo awood ay isku difaacdo, balse waa inuu sidoo kale dheellitiro arrintan isagoo ilaalinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Shiinaha.

    Markii Arbacadii la weydiiyay haddii uu qorsheynayo inuu la hadlo Lai ka hor inta uusan go’aan ka gaarin iibinta hubka Mareykanka, Trump wuxuu yiri: “Waan la hadli doonaa. Qof walba waan la hadlaa… waan ka shaqeyn doonaa arrintaas, dhibaatada Taiwan.”

    Wuxuu sidoo kale xiriirkiisa madaxweynaha Shiinaha Xi ku tilmaamay “mid cajiib ah,” taasoo timid kadib shir socday labo maalmood oo ka dhacay Beijing toddobaadkii hore.

    Sidoo kale akhriso:

  8. Shey aan laga waayin cuntada Soomaalida oo carfiya shiirka ragga iyo dumarka

    Toonta, alkolka, hilibka iyo soonka ayaa ka mid ah waxybaaha badalikara uduga iyo urka jirkaaga.

    Dadku way kala duwan yihiin. Wax kasta laga soo bilaabo shaqsiyadaada, sida aad u dhaqanto, welwelka, xaaladaada iyo caafimaadkaaga ayaa saameyn ku leh sida aan u soo shiirno.

    Tobankii sano ee u dambeeyay waxay noqotay wax iska cad in shiirka jirkeena uu ku xiran yahay hiddo-sidaheena, hormonadeena iyo nadaafada sida uu sheegay Prof. Craig Roberts oo ka tirsan jaamacadda University of Stirling ee Scotland.

    "Kuma xirno rag iyo dumar, yaraan iyo weynaan, jiro iyo fiyoowi" ayuu yiri Prof Craig oo sheegay in aysan ku xirneyn waxyaabo badan oo ka baxsan awoodeena.

    Mid ka mid ah waxybaaha saameynta ku leh sida jirkeena u soo shiiro ayaa ah cuntada aan cuno. Sida lagu sheegay cilmibaaris yar, waxa aan cuno ayaa saameyn ku leh sida guud ee jirkeena u soo shiiro iyo sida dadka kale u arkaan.

    Cuntooyinka aan qaadano waxay jirkeena u saameeyaan labo nooc sida ay sheegeyso Prof. Lina Begdache oo ka tirsan jaamacada New York ee Binghamton. Tan koowaad waa maqaarka iyo tan kale oo ah gudaha jirkeena sida caloosha iyo mindhiciraha.

    Marka aad cuntada qaadato oo dhiifshiidkaaga kala shaandheeyo waxaa howlgalaya bakteeriyada.

  9. Maxay tahay cabsida laga qabo in taleefannada gacantu sababaan kansar?

    Ka dib markii lagu dhawaaqay talefoonnadii ugu horreeyay oo ah ah jilka shanaad (5G) sannadkii 2019 wixii ka dambeeyay, ayey soo bexeen walaacyo ku aaddan dhibaatada ay taleefannadan casriga ah u geysan karaan bini'aadamka. Isla markiiba waxaa soo baxay dad sheegaya in taleefannada noocan ah ay sababaan cudurro iyada oo dadka qaar ay la xiriiriyeen cudurka Covid-19 oo ay isku xilliyo kusoo beegmeen.

    Suurtagalnimada ah in ay sababi karaan cudurka daran ee kansarka ayaa ka mid ahayd waxyaabaha qabsaday baraha bulshada iyo weliba warbaahinta qaar. Balse waxyaabahan oo dhan ayaan la xaqiijin karin maaddaama ay jireen dadyow mar walba kalahaa ujeeddo gaar ah, sida in teknoolajiyaddani ay ahayd mid cusub isla markaana ay dalalka horumaray ku tartamayeen iyo in dadka dawladahooda dhaliilsan ku eedeynayeen in aysan dawladdoodu ka walwalsanayn bed qabka shacabka.

    Waxaa baraha bulshada ka abuurmay kooxo bilaabay olole ka dhan ah isgaarsiinta casriga ah ee ku shaqaynaysa tamarta jilka shanaad.

    Taleefannada ayaa sii daaya hirar shucaac ah maaddaama ay adeegsanayaan waxa loo yaqaan ‘Electromagnet’ oo ah tamar ka kooban magnet iyo koronto labadaba. Telefoonnada casriga ah ee jilalka labaad, saddexaad iyo afraad (2G, 3G, 4G) ayaa sii daaya hirar shuucaac oo gaaraya 0.7 ilaa 2.7 GHz oo ah cabbirka mowjadda. Jilka shanaad oo goor dhow soo baxay (5G) ayaa isagu isticmaala cabbir gaaraya ilaa 80GHz.

  10. Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furanayso Quddus

    Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay "tallaabada maamulka Woqooyi Galbeed ugu xadgubay qadiyadda magaalada Quddus".

    Qoraal ay baahisay wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeeddo safaaradda ay Somaliland sheegtay inay ka furayso magaalada Quddus.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go'aannada ay soo saareen hay'adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah" ayaa lagu yiri qoraalka.

    Waxaa kale oo wakaaladdu ay intaa ku dartay in talaabadaas ay ka soo horjeeddo "dareenka iyo mowqifka dalalka carabta iyo islaamka".

    Arrintan ayaa soo shaac baxday markii uu danjiraha Somaliland sheegay Talaadadii, sida ay soo werisay wakaaladda wararka Reuters, in goor dhow ay Somalland ay safaarad ka furan doonto magaalada Quddus ka dib markii Israa'iil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoosada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida.

  11. Adduunka oo ku baraarugay faa'idada caafimaad ee Geela u leeyahay "raganimada"

    Caanaha Geela ayaa la sheegay inay kamid yihiin cuntooyinka ugu nafaqada badan ee ka qeyb qaadanaya sare u qaadidda caafimaadka.

    Waxaa caanaha Geela ku jiraa maddooyin dhowr ah oo isugu jiro kuwo ka qeybqaadanaya jir dhiska iyo Fitamiinno kale.

    Warbixin ay qortay barta QZ.com ayaa lagu sheegay in 12.2 milyan oo neef oo Geel ah ay ku nool yihiin Bariga Afrika, waana meesha ugu badan ee Geela laga dhaqdo.

    Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in caanaha Geela ay dawo u yihiin cudurrada Sokorta, Alarjiga iyo waxay sare u qaadeysaa shahwada ama awoodda ragga.

    Caanaha Geela waxaa nolol ahaan ku tiirsan xoolo dhaqato badan oo ku nool dhulka Soomaalida.

    Waxaa caanaha Geela Soomaalida loo dhoofiya dalal badan oo ka tirsan caalamka.

    Barta Qz ayaa sidoo kale sheegtay in dalal Afrikaan ah sida Mauritania, Masar iyo Chad ay si weyn u isticmaalaan caanaha Geela ee gudaha dalalkaasi laga soo saaro intii ay ku tiirsanaan lahaayeen caanaha dibadda uga yimaado.

    Caadiyan Geela waxa uu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta nolashooda.

    Soomaalida dhexdeeda, Geela ayaa ah midka laga guursado oo lagu bixiyo yaradda iyo gabbaatiga, magta ayaa lagu bixiyaa oo lagu illaawaa xanuunka geerida nin boqollow ah isla markaana ragga coladda dhexmartay ee waranka isu sita ayaa lagu kala maslaxaa.

  12. Muxuu yahay hadalka uu yiri wasiir Fiqi ee ay ka xanaaqeen mucaaradka?

    Siyaasiinta mucaaradka Soomaaliya ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed, kaas oo ay ku cambaareynayaan hadal uu yiri wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi.

    Wasiir Fiqi ayaa hadal uu jeediyay soo dhigay bartiisa Facebook-ga, taas oo ku yiri:

    “Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, ciidanka xoogga dalka, walaa nabadsugid iyo boolis, cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa”.

    “Maleeshiyaad hadaad adeegsatid oo aad isku daydid oo aad noo celisid sagaashamaadkii, iyo dagaal oogayaashi, gacmahaa layska jebinayaa”, ayuu intaas raaciyay wasiirka.

    Warqadda ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay inay hanjabaadaas u arkaan hadal shaqsiyeed, balse lagu matalayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Waxay yiraahdeen;

    “Goluhu uma arko hanjabaadahaas hadal shaqsiyeed, balse wuxuu u arkaa in uu ku matalayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa abaabul ciidan iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo lagu gambanayo amni iyo xasillooni”.

    Warqadda ay soo saareen mucaaradka kadib, wasiir Fiqi ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga oo uu kaga falcelinayo hadalkii mucaaradka isagoo sheegay in ay u qiil dayayaan acarqaladeynta nabadda iyo xasiloonida dalka.

    Waxaa uu yiri:

    "Anigu weligey ma dhiiragelin cunfi iyo gacan ka hadal, waa la yaqaan diiwankayga, hadalkaygii maantana waxaa uu tilmaamayay dhacdo la soo gudbay oo kooxdani ay si bareer ah ku weerareen ayagoo hubaysan saldhigga Degmada Wardhiigley sanadkii hore bishii September, oo dawladdu aysan ka falcelin weerarkoodii, haddii laga falcelin lahaana uu xaalku intaas ka xumaan lahaa.Waxaase marag madoonto ah in kooxdani ay muddo sanad ah marna soo qorayeen “qof iyo qori” marna ay dhiiragalinayeen in la dhinto, marna ay si toos ah u bixinayeen hanjabaado hubaysan.".

    War-saxaafadeedka mucaaradka oo dhameystiran hoos ka akhriso

  13. Howlgal uu Mareykanka fuliyay oo lagu dilay ugu yaraan 175 oo ka tirsanaa kooxda Daacish

    Ciidamada dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidankooda iyo Mareykanka ay horseedeen in lagu dilo ugu yaraan 175 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish waqooyi-bari Nigeria.

    Ciidanku waxay sheegeen in tani ay xiligii ugu xumaa u tahay xubnaha kooxda kadib weerarka ay fuliyeen ciidamada labada dal.

    War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamada, oo billowday dhowr maalmood ka hor, uu sidoo kale sababay burburka koontaroollada kooxda, bakhaarrada hubka iyo baabuurtooduba.

    Xarunta dhexe ee amniga ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay taliyayaal sare oo ka tirsan kooxda, oo uu ku jiro ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish, oo loo yaqaan Abu Bilal Al-Minoki, waxayna intaas ku dartay in ciidanku ay baacsan doonaan meel kasta oo ay joogaan argagixisada si gacanta ugu soo dhigaan.

    Xarunta amniga ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay, in 175-ta dagaalyahan ee ay ku dishay howlgalkii socday maalmahan ay ka mid ahaayeen taliyayaasha ISIS iyo ISWAP, kuwaas oo kala ah:

    • Abu Bilal Al-Minoki - Ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish.
    • Abd-al Wahhab - Taliye qorsheeya weeraro iyo faafinta dacaayado.
    • Abu Musa al-Mangawi - Madaxa ISWAP.
    • Abu al-Muthanna al-Muhajir – Sarkaal sare oo dhanka warbaahinta ah iyo saaxiibka dhow ee al-Minoki.

    Sidoo kale akhriso

  14. Saddex waxyaabood oo dhici kara dhamaadka adduunka

    Waxaa laga yaabaa in la arko marka dunidu dhamaaneyso qabow, mugdi ama welwel. Waxaa suuragal ah in dagaal iyo burbur ku dhamaado.

    Kuwani waa qaar ka mid ah aragtiyaha ugu waaweyn ee ku saabsan sida dhammaadka adduunku u ekaan karo mustaqbalka fog, marka qiyaamaha la gaaro.

    Su'aalaha ugu dahsoon cilmi-seyniska waxaa ka mid ah sida dunida ku noqoneyso mid dhammaata. Seynisyahanada ayaa aaminsan in su'aalaha la xiriira qiyaamaha in ay ka badan yihiin jawaabaha.

    Si aan u fahanno qaar ka mid ah siyaabaha uu koonku ku dhammaan karo, marka hore waa in aan fahannaa sida uu koonku ku bilowday.

    Bilowga Koonka

    Sida ay sheegtay hay'adda sahanka hawada sare Mareykanka ee NASA, waxay cirbixiyeenda ku sheegeen koonku iyo waxkasta oo saaran in ay ku bilowdeen waxa loogu yeero Big Bang.

    Aragtidani waxay sheegaysaa in qiyaastii 13.8 bilyan oo sano ka hor, koonku uu ahaa walax aad u kulul oo aad isugu urursan, isla markaana uu sii ballaaranayay tan iyo markaas.

    Koonku wuu sii fidayay, muddo aad u dheer gudahoodna waxaa sameysmay qaab-dhismeedyo sida xiddigo iyo meerayaal.

    Nidaamka uu koonku ku sii fidayay sida ay seynisyahanada sheegayaan weli way sii socotaa.

  15. Safiirka Somaliland ee Israa'iil oo ku sugan Athens

    Safiirka ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Maxamed Xaaji ayaa ku sugan magaalada Athens ee dalka Giriigga.

    Qoraal uu Maxamed soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, ayuu ku sheegay inuu halkaas uga qeyb galayo shirka Difaaca Athens isagoo ku metalaya Somaliland.

    Waxaa uu sheegay in Somaliland ay ka qeyb gasho shirka uu ka turjumayo doorkeeda sii kordhaya ee wadahadallada istaraatijiyadeed iyo amniga caalamiga ah.

    Sidoo kale akhri

  16. Iska eeg arrimahan kahor inta aadan joojin qaadashada sokorta

    Waxaa muddooyinkan jira dad dhalinyaro u badan oo joojinaya isticmaalka sokorta. Dhowr sababood ayaa tan loo aaneyn karaa, sida isbeddel habka nolosha ah iyo qaadashada cunno ay ku yar tahay kaarboohaydaretiska.

    Waxaase laga yaabaa in sababta ugu weyn ay tahay khatarta ay sokorta badan u leedahay caafimaadkeenna.

    Inaad yareyso qaadashada sokorta waxay leedahay faa'iidooyin aan la dafiri karin, waxaana ka mid ah kaloriga aad qaadaneyso oo yaraada, taasoo kaa caaiwn karta inaad miisaan iska dhinto iyo sidoo kale inay u fiican tahay caafimaadka ilkahaaga.

    Maaddada la yiraahdo carbohydrates ayaa siyaabo kala duwan ku timaadda – sida sokor ahaan, oo si dabiici ah ugu jirta cunnooyinka sida maaddada fructose ee laga helo furutada iyo lactose oo caanaha laga helo.

    Dr. Cabdiraxmaan Dhiblaawe oo ku takhasusay cudurrada guud ayaa BBC-da u sheegay in sokorta oo qaadashadeeda laga badiyo xadka loogu talo-galay ay ka dhalan karto miisaanka qofka oo kordha.

    "Adduunyadana waxaa la ogaaday in miisaanka oo bata uu siyaadiyo cudurro badan, sida sokorta, dhiig-karka, xubnaha kala goysyada oo xanuuna sababtoo ah culeyska ayaa qofka ku bata, iyo cudurrada kale sida wadnaha," ayuu yiri.

  17. Baasaboorrada sanadkan ugu awoodda badan iyo kaalinta ay Soomaaliya gashay

    Tusmada ugu dambeysay ee tilmaanta Baasaboorka Henley ayaa muujinaysa waxqabadka guud ee baasaboorrada, gaar ahaan baasaboorrada Afrika, marka la eego socdaalka caalamiga ah.

    Dalal badan oo ku yaal Afrika ayaa lagu kala darajeeyay heerar kala duwan, qaar ka sarreeya kuwa kale inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho dhab ah oo dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ah.

    Sida lagu sheegay warbixintan, qaar ka mid ah baasaboorrada Afrika ayaa helay darajooyin wax yar ka wanaagsan marka loo eego sannadkii hore, taasoo muujinaysa horumar yar oo laga sameeyay helitaanka safarro aan fiiso lahayn ama fiiso lagu helo marka la yimaado.

    Darajooyinka baasaboorrada Afrika ayaa isbeddello waaweyn soo maray sannadihii la soo dhaafay, iyadoo qiimahooda kor u kacay 2000-meeyadii, balse si lama filaan ah hoos ugu dhacay horraantii 2020-meeyadii.

    Guud ahaan, baasaboorrada Afrika waxay bixiyaan fursad safar oo bilaa fiiso ah oo kooban iyadoo loo eego dalal yar.

    "Bilaa fiiso" waxay ka dhigan tahay in aan loo baahnayn nidaamyo hore si loo galo dalka la aadayo, halka fiisada marka la yimaado la bixiyo marka la gaaro dalka la tagayo.

  18. War deg deg ah, Ghana oo maanta dib u celinaysa muwaadinteeda ka baxsanaya ajnabi nacaybka Koonfur Afrika

    Koox muhaajiriin oo u dhashay Ghana kuna noolaa Koonfur Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu laabanaya dalkooda kadib diyaarad ay dowladdoodu si gaar ah ugu kiraysay.

    Waxay ka cararayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta oo ka socda magaalooyin kala duwan oo Koonfur Afrika ah, halkaas oo dibadbaxayaashu ay muhaajiriinta sharci darrada ah ku eedeynayaan mushahar hooseeya iyo shaqo la’aan.

    Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in in ka badan boqol muwaadiniinteeda ah ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo diyaarad.

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay rabshad kasta iyo falal dembiyeed kasta oo lala beegsado ajaaniibta ku nool dalkaas.

    Bayaan uu hore bishan u soo saaray, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu wax ka qabto socdaalka sharci darrada ah.

    WARBIXINO KALE

  19. Jasiirado haddii aad guri ka iibsato ku siinaya baasaboor aad ku mari karto adduunka

    Rogrog oo eeg guryaha iibka ah ee ku yaalla Bariga Kariibiyaanka mana aha keliya xeebo indho-daraandar ah iyo nolol qurux badan oo lagu soo jiidanayo dadka iibsanaya.

    Xayeysiinno badan oo guryaha ah ayaa waxaa ku jira in sidoo kale dadka baasaboor la siirnayo – siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee aan degganeyn ee Mareykanka ayaa sidoo kale sare usii qaadaya daneynta badan ee loo qabo arrintan.

    Shan ka mid ah jasiiradaha ku yaalla bariga – waa Antigua iyo Barbuda, Dominica, Grenada, St Kitts iyo Nevis, iyo St Lucia – ayaa bixinaya dhalashada haddii aad ku maalgashato lacag yar sida $200,000 (£145,000).

    Iibso guri, waxaadna sidoo kale heleysaa baasaboor kuu suurto-gelinaya inaad fiiso la'aan ku gasho ilaa 150 dal oo ay ku jiraan UK iyo dalalka Yurub ee Schengen la isku yiraahdo.

    WARBIXINO KALE

  20. War deg deg ah, Villa ayaa sii noolaysay rajada kooxaha Ingiriiska ee lix boos oo Champions League ah

    Kooxda uu hoggaamiyo Unai Emery ayaa horey u xaqiijisay ka qaybgalka tartanka heerka sare ee Yurub xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ku dhammeysteen shanta sare ee horyaalka, balse hadda Bournemouth iyo Brighton waxay ogaan doonaan in kaalinta lixaad ay sidoo kale keeni karto u soo bixidda Champions League.

    Haddii Villa ay ku dhammaato kaalinta shanaad ee Premier League, kooxda Unai Emery waxay u soo bixi doontaa Champions League maadaama ay ku guuleysteen Europa League.

    Booska dheeriga ah ee Champions League ee Premier League ku heshay nidaamka “European Performance Spot” ayaa markaas loo wareejin doonaa kooxda ku dhammaata kaalinta lixaad.

    Villa waxay ku dhammaan lahayd kaalinta shanaad haddii ay guuldarro kala kulanto Manchester City halka Liverpool ay gurigeeda kaga badiso Brentford.

    Haddii taas dhacdo, diiradda u soo bixitaanka Champions League waxay markaas u wareegi doontaa kaalinta lixaad. Haddii Bournemouth ay ka badbaado guuldarro ay la ciyaareyso Nottingham Forest, ama Brighton ay ku guuldarreysato inay gurigeeda ku garaacdo Manchester United, Bournemouth ayaa ku dhammaysan doonta kaalinta lixaad.

    Haddii Bournemouth laga badiyo isla markaana Brighton ay guuleysato, markaas Brighton ayaa qaadan doonta kaalinta lixaad.

    WARBIXINO KALE