You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Marco Rubio - Horumar ayaa laga sameeyay wada-hadallada Iran

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Syed Mohsin Naqvi ayaa Tehran kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araqchi.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Hoggaamiye mucaaradka Turkiga oo shaqo joojin lagu sameeyay

    Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa amar ku bixisay in shaqada laga joojiyo hoggaamiyaha hadda ee xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi. Tani waa go’aankii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsanayo xisbiga CHP, kaas oo wajahaya eedeymo badan oo uu xisbigu sheegay inay yihiin kuwo siyaasadaysan.

    Amarkan ayaa ka dhigan in hoggaamiyaha hadda ee xisbiga, Özgür Özel, shaqada laga joojin doono, halka hoggaamiyihii hore, Kemal Kılıçdaroğlu, uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

    Go’aankan wuxuu la xiriiraa dacwad sharci ah oo laga gudbiyay shirkii guud ee xisbiga ee sanadkii 2023, kaas oo lagu doortay Özel.

    Waxaa la filayaa in racfaan laga qaato go’aankaas. Özel ayaa ugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa inay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si loo qabto kulan degdeg ah.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  2. Gabdho uu kufsaday Sheekh Qur'aan saarayey

    Digniin: Maqaalkani waxa uu xambaarsan yahay sharraxaad ku saabsan faraxumayn, gogol-dhaaf qasab ah iyo erayo kale oo laga yaabo in dadka qaar ay dhibto

    "Aria" waxay ahayd 13 jir markii uu faraxumeeyay imaam u sheegay inuu "daawayn" u samaynayo.

    Cabdul Xaliim Khaan oo ahaa wadaad dhanka diinta aad loogu qadariyo masaajid ku yaalla Bariga London ayaa gabdhaha yaryar iyo waalidkood u sheegi jiray inay u baahan yihiin "daawayn" looga saarayo "ruuxaanta ama jinka noociisa xun".

    Gabar kasta marka uu ula dhaqmo si aan wanaagsaneyn waxa uu u sheegi jiray in aysan cidna la wadaagin, isaga usii raacin jiray laga yaabo in qaar kamid ah qoyskeeda ay waxyeello soo gaari karto.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  3. Dad caraysan oo gubay isbitaal uu ku jiray maydka qof looga shakiyay inuu ku dhacay Ebola

    Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay isbitaal ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kadib geerida bukaan looga shakiyay inuu qabay cudurka Ebola.

    BBC-da ayaa fahamsan in qaraabada bukaanka ay xoog ku galeen xarunta caafimaadka oo ku dhow magaalada Bunia, kadib markii shaqaalaha caafimaadku ay diideen in lala baxo meydka bukaanka.

    Intii uu qalalaasuhu socday, lix bukaan ayaa baxsaday, kuwaas oo saddex kamid ah si rasmi ah looga xaqiijiyay inay qabaan Ebola.

    Shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Rwampara ayaa hadda ku jira ilaalin militari, iyadoo boolisku isku dayayaan inay dib u soo celiyaan kala dambeynta.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cudurka dillaacay uu dilay in ka badan boqol iyo konton (150) qof, halka in ka badan lix boqol (600) oo kiis oo looga shakisan yahay lasoo sheegay.

    (Hore, kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee gobolka South Kivu, taas oo sare u qaaday cabsi laga qabo faafitaanka fayraska ee meelaha ay colaadaha hubeysan ka jiraan.)

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  4. War deg deg ah, Cristiano Ronaldo oo ugu dambayn ku guulaystay koobka Saudi Pro league

    Ciyaaryahan reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa soo afjaray abaartii ka haysatay dhanka koob la’aanta, kadib markii ciyaar kooxdiisa ay la yeelatay Damac ay kaga adkaadeen 4:1, taasi oo 86 dhibcood ugu suurtagalisay in ay koobka Saudi Pro League ay ku qaadaan.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  5. War deg deg ah, Horumar ayaa laga sameeyay wada-hadallada Iran - Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii sheegay inuu rajo ka qabo in booqashada taliyaha ciidanka Pakistan ee Iran ay horumar u horseedi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, isagoo xusay in horumar laga sameeyay wada-hadallada.

    Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu ka warqabo in saraakiil Pakistani ah ay maanta u safri doonaan Tehran.

    Wuxuu sheegay inuu rajaynayo in tani ay sii dardargelin doonto wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale mar kale dhaleeceeyay NATO, isagoo ku eedeeyay inaanay taageero siin dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iran.

    Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in Donald Trump “uusan ka codsanayn inay diraan diyaaradaha dagaalka, balse ay diidan yihiin inay wax kasta qabtaan. Arrintaas aad ayaan uga niyad-jabsanahay.”

    SII AKHRI WARBIXINO KALE