Sahan cusub oo lagu ogaaday in mid ka mid ah 3dii jawaab bixiye ay xarumaha warbaahinta kala kulmaan dhibaato galmo

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sahan cusub oo waddamo badan laga sameeyay, kuna saabsan saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ayaa lagu ogaaday in xadgudubyada galmada ay weli ka jiraan goobahooda shaqo, iyadoo mid ka mid ah saddexdii jawaab bixiye uu sheegay inay la kulmeen nooc ka mid ah dhibaataynta.

"Waxaa jiray waqtiyo aan dareemo in saxafiyiintu aysan ahayn mihnadeyda ... tifaftirayaasha doonaya inay ila seexdaan xil sare dartii, ama kaliya si aan shaqo u helo ama aan sii joogo. Aad ayaan u xishooday oo aan ka qajilay inaan xitaa raadsado caawimo. Hal mar oo aan si kalsooni leh u wada hadalnay tifaftirahaygii waagaas wuxuuna iigu jawaabay isagoo leh arrimaha qaarkood waa inaan lagaga hadlin meel fagaare ah" wariye u dhashay Zambia ayaa u sheegtay cilmi-baarayaal ka tirsan warbaahinta BBC-da.

Daraasaddan cusub oo ka hadlaysa 21 waddan oo ku kala baahsan Afrikada Saxaraha ka hooseysa, gobolka Carabta iyo Aasiya iyo sidoo kale Ukraine, ayaa waxaa maanta soo saaray WAN-IFRA Women in News; City St George's, Jaamacadda London, iyo BBC Media Action hay'adda BBC ee arrimaha samafalka caalamiga. Waxay ka soo qaadanaysaa jawaabaha in ka badan 2,800 shaqaalaha warbaahinta ah.

Ilaa 69% ka mid ah kuwa la kulmay dhibaateynta ayaa sheegay in aysan soo sheegin, sababta oo ah waxaa ugu wacan cabsida laga qabo aargoosiga iyo la'aanta habab warbixin lagu gudbin karo oo la aamini karo.

Sahankan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dumarka ka shaqeeya xarumaha baahinta wararka ay 2.4 jeer kaga dhow yihiin ragga inay la kulmaan dhibaataynta afka ah iyo ku dhawaad labanlaab inay la kulmaan dhibaataynta galmada ee internetka.

"Cilmi baaristeenu waxay muujinaysaa ayadoo loo eegin nooca dhibaataynta ay la kulmeen hoos u dhaca qanacsanaanta shaqada, kororka ka tegitaanka shaqada, iyo qaar badan oo kale oo saamayn maskaxeed iyo xitaa mid jireed oo taban ku leh dhibbanayaasha / badbaadayaasha. Hoos u dhigista dhibaataynta galmada waxay ka tarjumaysaa kalsooni la'aanta nidaamka warbixinta waxayna muujinaysaa aqbalaadda guud ee rabshadaha xatumaha wararka, "ayey tiri Dr Lindsey Blumell, oo ah hogaamiyaha cilmi-baarista ee Jaamacadda St George ee London.

Baahsanaanta dhibaataynta ayaa ahayd midda ugu sarraysa ee xarumaha warbaahinta ee ka hooseeya saxaraha (33%) iyo gobolka Carabta (31%), marka la barbar dhigo 19% Koonfur-bari Aasiya iyo 12% Ukraine, oo lagu daray daraasaddan markii ugu horreysay 2025.

Natiijooyinka ayaa imaanaya iyadoo xorriyadda saxaafaddu ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee 25-sano, sida ay sheegeen hay'adda suxufiyiinta aan xuduudda lahayn, iyo iyadoo warbaahinno badan ay wajahayaan caqabado dhaqaale oo sii kordhaya.

"Dhaqamada aan badbaadada iyo sinaanta lahayn ee goobta shaqada waxay abuuraan caqabado qaab dhismeedka la xiriira oo xaddidaya cidda ka qaybqaadan karta, hoggaamin karta, oo qaabayn karta go'aannada tifaftirka, iyo ugu dambeyntii, saxaafadda ayuu dhibku ku dhacayaa. Waxaan rajeyneynaa in warbixintan ay gacan ka geysan doonto in talaabooyinka xogogaalnimada leh ee ay hay'addu qaadi karto iyo ficillada dhanka hogaanka ee xarumaha wararka ee hay'adaha warbaahinta iyo sidoo kale siyaasadda iyo u qareemidda – kuwaasoo was ku kordhin kara hay'ado warbaahineed oo bedqab leh, lagu wada jiro, loona siman yahay" ayey tiri Valeria Perasso, oo ah la taliye sare oo BBC Media Action kala Talisa horumar inta warbaahinta.

Khubarada ku lugta leh daraasadan ayaa sidoo kale sheegay in natiijadani ay muujinayso baahida loo qabo in wax laga qabto ixtiraamka goobaha shaqada ee warbaahinta iyo in la abuuro habab warbixineed cad oo hubinaya in kuwa ka badbaada dhibaataynta ay awood u leeyihiin in ay warbixin soo gudbin karaan iyaga oo aan ka baqayn cawaaqib xumo.

"Ka hadlidda xadgudubka galmada waxay u baahan tahay wax ka badan siyaasadaha oo keliya. Ururada warbaahintu waa inay maalgashadaan wacyigelinta joogtada ah, tababarka, iyo wacyigelinta dhammaan heerarka xarumaha wararka si ay u caawiyaan beddelka dhaqamada goobta shaqada, xoojinta hababka warbixinta, iyo in la hubiyo in dhibaataynta la aqoonsan karo, wax laga qabto, laga hadlo, oo aan loo qaadan wax caadi ah" ayey tiri Susan Makore, Agaasimaha Maamulka, WAN-IFRA Women in News.

BBC Media Action ayaa sheegtay in ay la shaqaynayso warbaahinta maxaliga ah iyo saxafiyiinta in ka badan 30 wadan si ay u taageeraan siyaasado iyo dhaqamo adag oo wax looga qabanayo xadgudubyada galmada ee ka dhaca xarumaha wararka.

Dalalka sahankan laga sameeyey ayaa kala ah

  • Botswana
  • Itoobiya
  • Kenya
  • Malawi
  • Rwanda
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya/Somaliland
  • Suudaanta koofureed
  • Tansaaniya
  • Yuganda
  • Saambia
  • Simbabwe
  • Bangladesh
  • Myanmar
  • Indonesia
  • Philippines
  • Masar
  • Urdun
  • Lubnaan
  • Dhulalka Falastiiniyiinta (Falastiin)
  • Yukrayn