You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dibi lagu naanayso "Donald Trump" oo xiddig ka noqday baraha bulshada
Marka ay soo dhowaanayaan maalmaha Ciidul-Adxaa, suuqyada xoolaha waa la qurxiyaa waxaana sii kordha ciriiriga dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha lagu qalo.
Xaaladdan oo kale, xoolo badan ayaa noqda kuwo caan ah—qaarkood qiimahooda awgiis, halka kuwo kalena caan ku noqdaan cabbirkooda iyo astaamahooda jireed.
Bangladesh, maalmahan, xoolo loo diyaariyay qurbaan ayaa si weyn u caan baxay sabab la xiriirta magaca loo bixiyay, iyadoo dad badani ay saf ugu jiraan inay sawirro la galaan.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dibigan albino-ga ah ee leh timo dahab ah ayaa loogu bixiyay magaca "Donald Trump" sabab la xiriirta timihiisa.
Milkiilaha xoolahaas oo 37 jir ah, Ziauddin, ayaa sheegay in walaalkiis uu u bixiyay magaca madaxweynaha Maraykanka sababo la xiriira timaha gaarka ah ee dahabiga ah isagoo miisaankiisu yahay 700 kiiloogaraam.
Ziauddin ayaa AFP u sheegay isagoo jooga beertiisa oo ku taalla degmada Narayanganj ee u dhow caasimadda Dhaka: "Walaalkay yar ayaa u bixiyay magacaas sabab la xiriirta timahiisa aan caadiga ahayn."
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in bishii May ay dad badan si joogto ah u imanayeen si ay u arkaan dibigan.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in isku ekaanshaha u dhexeeya dibigan iyo Madaxweyne Trump uu ku ek yahay oo keliya timaha.
Sida uu sheegay Ziauddin, dibigan waxaa loo qubeeyaa afar jeer maalintii.
Waxaa xusid mudan in inta badan dadka Bangladesh ay Muslimiin yihiin, waxaana la filayaa in dhammaadka bishan ay u dabaaldegaan Ciidul-Adxaa.
Ziauddin ayaa sidoo kale sheegay in sababta ciriiriga joogtada ah, miisaanka dibigan uu bilaabay inuu hood u dhaco, taasoo ku qasabtay inay mamnuucaan in dadweynaha loo soo bandhigo. Si kastaba ha ahaatee, carruurtu wali waxay isku dayaan inay ka arkaan iyagoo ka dhex fiirinaya albaabbada meelaha bannaan.
Faysal Axmed ayaa ka mid ahaa dadka ay u suurtagashay inay si dhow u arkaan dibigan isla markaana ay sawirro ka qaadaan.
Faysal Axmed ayaa AFP u sheegay: "Runtii waxaa jira wax yar oo isku ekaansho ah oo u dhexeeya dibiga iyo Madaxweyne Donald Trump."
Isaga oo ay la socdeen shan qof oo ka kala tirsan saaxiibbadiis iyo qoyskiisa ayaa u yimid si ay u arkaan. Wuxuu intaas ku daray in wiilka uu abtiga u yahay uu hal saac oo safar ah u soo maray si uu kaliya u arko "Donald Trump."
Inkasta oo dibigan uu noqday xiddig baraha bulshada ah, haddana ma aha xayawaanka kaliya ee magac gaar ah loo bixiyay.
Xoolaha kale ee beerta ku jira waxaa ka mid ah dibi lagu magacaabo "Toofan (Duufaan)", mid weyn oo lagu naanayso "Wiilka Buuran", iyo dibi deggan oo lagu magacaabo "Wiilka Deggan".
Sidoo kale, dibi leh timo dahabi ah ayaa loo bixiyay magaca ciyaaryahanka kubadda cagta ee Brazil, Neymar.
Iyadoo dibigan uu cunayo cunto, Ziauddin ayaa si kalgacal leh u eegaya oo yiri: "Waan u xiisi doonaa Donald Trump, laakiin macnaha ugu weyn ee Ciidul-Adxaa waa in la bixiyo qurbaan."