You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Afrikaanka soo galootiga ah oo digniin lagu siiyey inay dukaamadooda Koofur Afrika xiraan
Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku sugan caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa loogu baaqay inay muujiyaan "feejignaan dheeri ah" inta lagu guda jiro socod ka dhan ah soo galootiga sharci darrada ah, iyadoo laga cabsi qabo weeraro naceyb ah.
Safaaradda Ghana ayaa kula talisay muwaadiniintooda inay xiraan meheradaha oo ay "is gaabiyaan", halka madaxa ururka Nigeria ee Koonfur Afrika uu u sheegay xubnahooda inay ku jiraan guryaha gudahooda. Socod kale ayaa Arbacada lagu wadaa in uu ka dhaco Johannesburg.
Dareenka ka dhanka ah soo galootiga ayaa helay dhaqaale siyaasadeed sanadihii ugu dambeeyay iyadoo dadka qaar ay aaminsan yihiin in ajaaniibta ay qaadanayaan shaqooyin, isla markaana si aan cadaalad aheyn uga faa'iideysanayaan adeegyada bulshada.
Laakiin madaxweynaha ayaa sheegay in muwaadiniintu ay tahay in aysan u oggolaan in walaacooda ay "abuuraan nacayb loo qabo walaalaheenna Afrikaanka ah".
Isagoo cambaareeyay weerarradii dhawaan lagu qaaday ajaanibta, ayuu Madaxweyne Cyril Ramaphosa u adeegsaday khudbadiisii maalinta xorriyadda ee Isniintii oo ku beegan doorashadii ugu horreysay ee dimuqraadi ah ee dalka ka dhacda 1994-tii, in uu sidoo kale xasuusiyo dalkiisa qaanta ay ku leeyihiin quruumaha kale ee qaaradda, kuwaasoo taageeray halganka ay uga soo horjeedeen nidaamka midab takoorka.
Talaadadii ayaa boqollaal qof ayaa waxay isugu soo baxeen waddooyinka Pretoria, mudaaharaad socod ah oo ay soo abaabuleen, ayagoo ku sii jeeday dhismayaasha Union Buildings oo ah xarunta rasmiga ah ee dowladda.
Qaarkood waxay xirnaayeen funaanado ay ku qoran yihiin halku dhigyo, halka qaar kalena ay ku dhawaaqayeen oo ay siteen calaamado gacan ku sameys ah.
Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa BBC-da u sheegay in "qulqulka muhaajiriinta sharci darrada ah" ay tahay sababta uu halkaas u joogo, arrin uu sheegay in aanay siyaasiyiintu waxba ka qaban.
"Waan ka mahadcelineynaa in hadda aan helnay kooxo noocan oo kale ah oo u soo baxay in ay kaalmeeyaan codka wixii aan mar walba ku wacdinaynay, waana tahriibka sharci-darrada ah oo dhibaato weyn ku ah bulshadeena".
Mudaaharaadyadii hore ee lala xiriirinayey socdaalka ayaa mararka qaarkood isu beddelayey rabshado, taasoo dhalisay in la xakameeyo lana ilaaliyo bulshooyinka nugul.
Koonfur Afrika waxaa ku nool ilaa 2.4 milyan oo soo galooti ah, waana wax ka yar 4% dadka dalka u dhashay, sida lagu sheegay tirokoobyada rasmiga ah. Inta badan waxa ay ka yimaadaan waddamada dariska ah sida Lesotho, Zimbabwe iyo Mozambique, kuwaas oo taariikh u leh in ay shaqo soo galooti ah siiyaan jaarkooda hodanka ah.
Shisheeye-nacaybka ayaa muddo dheer ka taagnaa dalka Koonfur Afrika oo ay barbar socdeen rabshado ay dad ku dhinteen oo mararka qaar dhacayay.
Ergada diblumaasiyadeed ee Ghana ayaa u sheegtay dadka Ghana ee ku sugan dalkaasi inay "mudnaanta ugu sarreysa siiyaan badbaadada shakhsi ahaaneed... [oo] ay qaadaan tillaabooyin taxaddar leh" inta lagu guda jiro mudaaharaadyada.
Hadal ay soo saartay Talaadadii waxay "si xooggan ugu dhiirigelisay" milkiilayaasha dukaamada inay xiraan meheradaha, ka fogaadaan meelaha ay mudaaharaadyadu ka dhacayaan, oo aanay ka qayb gelin isu imaatinka dadweynaha ee "kordhin kara iska-horimaad".
Sidoo kale, guddoomiyaha ururka Nigeria ee Koonfur Afrika, Olaniyi Abodedele, ayaa u sheegay xubnaha dadkiisa inay "xiraan dukaamadooda, iyo inay gudaha u galaan aqallada oo aysan dibadda u bixin".
"Dhammaanteen aad ayaan u feejigannahay" ayuu u sheegay laanta Pidgin ee BBC.
"Waxaan ku jirnaa mugdi, sababtoo ah ma garanayno sida ay dawladeena uga falcelinayso haddii mid naga mid ah la rabo in la dilo".
Sida uu sheegayo hogaamiyaha jaaliyada Nigeria, Pretoria iyo Johannesburg, waxay leeyihiin bulshooyinka soogalootiga "ugu weyn".
"Waa la i dhibay" ayuu yiri isagoo BBC la hadlayey. "Annaga, micnuhu maaha inaad sharci ku joogto iyo in kale, waana sababta qof walba uu aad ugu feejigan yahay hadda".
"Marba haddii aad tahay Nigerian, waa lagu beegsanayaa, waana lagu faquuqayaa isla markiiba".
Meel ka fog halka uu mudaaharaadku ka socdo ayay BBC-da kula hadashay qaar ka mid ah dadka Nigeria ee ku sugan Pretoria.
Nin ay qasab ku noqotay inuu dukaankiisa xiro ayaa yidhi kuma faraxsanayn.
"Ma ahan wax caadi ah sababtoo ah waxaan nahay madow, waxaan nahay walaalo... qof walba wuxuu halkan u yimaadaa si uu u noolaado".
Waardiye aan awoodin in uu shaqada aado mudaharaadka dartiis, ayaa BBC u sheegay "ma ahan wixii aan filaynay haddaan nahay dadka Afrikaanka".
"Waxay nagu abuuraysaa cabsi, bal qiyaas haddii aan ka baqno qaaraddeena Afrika, ka waran haddaan aadno Yurub?" ayuu weydiiyey.
Isagoo ka hadlayay naceybka ka jira Koonfur Afrika, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "falalka dambiyada ah ee ay geystaan shaqsiyaad hurinaya rabshadaha iyo ka faa'iidaysiga xaaladaha dhaqan-dhaqaale".
Hadal uu jeediyay afhayeenkiisa Stéphane Dujarric Isniintii, wuxuu xasuusiyay dadka Koonfur Afrika sida ay halgankooda uga soo horjeedeen midabtakoorka , kaasoo ahaa buu yiri garab istaagga caalamiga ah iyo kan Afrika".
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay wararka sheegaya "weerarada naceybka ah iyo falalka handadaada iyo cagajuglaynta" isagoo raaciyay: "Rabshadaha, feejignaanta iyo dhammaan noocyada kicinta nacaybka meelna kuma laha bulsho dimoqraadi ah oo loo dhan yahay".
In ka badan toban sano, nacaybka ajnabiga ah ee lagu hayo soo galootiga ayaa weli ah arrin siyaasadeed, gaar ahaan waddanku wuxuu ka mid yahay heerka shaqo la'aanta ugu sarreeya adduunka oo dhan 33%.
Sanadihii la soo dhaafay, waxaa soo kordhayay kooxaha diiddan soo galootiga sida March iyo March iyo Operation Dudula, kuwaas oo ku caan baxay dalabaadkooda ah in dadka ajaanibka ah laga saaro dalka.