Sarkaal
Mareykan ah ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump uusan ku
qanacsanayn soo jeedin ka timid Iiraan, sababtoo ah ma aysan ka hadlin
barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Reuters
ayaa soo xigatay sarkaalka Mareykanka isagoo oronayaTrump: “Ma jecla soo
jeedintan.”Trump
ayaa kala hadlay soo jeedinta la-taliyeyaashiisa sare-sare ee amniga qaranka
Mareykanka.
Khilaafka
u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa weli meel sare taagan, iyadoo sahayda
tamarta ee gobolka ay hoos usii dhacayso.
Ilo
dhanka Iiraan ah ayaa horrey u sheegay in soo jeedintu ay dib u dhigeyso
wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ilaa uu dagaalku
dhammaado, lana xalliyo khilaafaadka la xiriira maraakiibta iyo marin-biyoodka Hormuz.
Washington
ayaa sheegtay in arrimaha nukliyeerka ay tahay in la wajaho bilowga hore.
Ilo
ka socda Pakistan, oo dhexdhexaadin ka dhex wada, dhinacyada ayaa sheegay in
dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo farqiga u dhexeeya Mareykanka iyo
Iiraan aysan istaagin.
Si
kastaba ha ahaatee, rajada dib u soo nooleynta dadaallada nabadda ayaa sii
yaraanaysa tan iyo markii Trump uu toddobaadkan dhammaadkiisa ku dhawaaqay inuu
baajiyay booqasho ay ku tegi lahaayeen magaalada caasimadda Pakistan ee
Islamabad ergaygiisa gaarka ah Steve Wittkopf iyo wiilka uu sodogga u yahay ee
Jared Kushner.