You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxii hore ee FBI da oo lagu oogay dacwad ah in uu ku hanjabay qatar galinta nolosha Trump
- Author, Nardine Saad
- Author, Sareen Habeshian
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Agaasimihii hore ee FBI-da James Comey ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu u hanjabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, eedeymo rasmi ah oo ka dhashay muuqaal uu si kooban ku faafiyay baraha bulshada.
Sawirka la soo galiyay Instagram-ka sanadkii hore ayaa muujinayay qolof badeed loo sameeyay lambar "86 47". "Siddeetan iyo lix" waa afgarasho loo isticmaalo "saaritaan" ama "bixin".
Comey waxa uu ku adkaystay in aanu garanayn micnaha tirooyinka sawirka ku jira, balse Trump iyo madaxda kale ee maamulka ayaa sheegay in boostigaas uu khatar ku yahay madaxweynaha 47-aad.
Isagoo ka jawaabayay eedeymaha Talaadadii, Comey wuxuu yiri: "Weli dambi ma lihi, weli ma cabsanayo, waxaana weli aaminsanahay garsoorka federaalka ee madaxa banaan."
Shir jaraa'id oo uu ku shaacinayay eedeynta, ayuu Agaasimaha FBI Kash Patel sheegay in isaga oo ah agaasimihii hore ee hay'adda, Comey "uu si fiican u garanayay dareenka iyo cawaaqibka ka dhalan kara samaynta boostiga nuucaas ah".
"James Comey waxa uu si sharaf dhac ah u dhiirri-geliyay khatar ku wajahan nolosha Madaxweyne Trump, wuxuuna soo dhigay Instagram-ka si ay dunidu u aragto," Kash Patel ayaa sidaas yiri Talaadadii.
Comey waxaa xilka ka qaaday Trump intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay, kaddib markii agaasimihii hore ee FBI-da uu furay baaritaan ku saabsan faragelintii Ruushka ee doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2016-kii.
Tan iyo markaas, Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu baaqay in dacwad lagu soo oogo - eedeymaha Talaadada ayaa ah isku daygii labaad ee maamulka uu sameeyo.
"Hagaag, way soo noqdeen. Markan iyaga ii sawirka qolof badeeda ee xeebta North Carolina sanad ka hor wata. Tanina ma noqon doonto dhamaadka, laakiin waxba aniga igama bedelin," Comey ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Comey ayaa wajahaya eedeymo ah in uu hanjabaad u jeediyay madaxweynaha iyo in uu u gudbiyay hanjabaad ku saabsan ganacsiga dowlad goboleedyada, sida ku cad warqadaha maxkamadda. Eedeyn kastaa waxa ay xanbaarsan tahay ugu badnaan 10 sano oo xarig ah.
Eedeynta dambiyada ayaa lagu soo oogay degmada bari ee North Carolina, oo ah isla gobolka la sheegay in qolof badeedka laga helay.
Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Todd Blanche ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in "Hanjabaadda nolosha Madaxweynaha Maraykanka ay tahay xad gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda qarankeena". "Xeerbeegtida weyn waxay soo celiyeen eedeymo sheegaya in James Comey uu sidaas sameeyay."
Wakiilada sirdoonka ee Maraykanka ayaa Comey bishii May ee la soo dhaafay ka wareystay sawirka badda.
Comey waxa uu ka tirtiray barta Instagram-ka, isaga oo sheegay in uu "u qiyaasay in [qolofyada xeebta yaalay] ay ahaayeen fariin siyaasadeed".
"Ma aanan ogeyn in dadka qaar ay tirooyinkaas la xiriiriyaan rabshad," ayuu raaciyay. "Weligay iguma dhicin laakiin waxaan ka soo horjeedaa rabshadaha nooc kasta oo ay tahay sidaas darteed waan tiray boostigii."
Trump, oo muddo dheer dhaleeceeyay Comey, ayaa sheegay in "ilmaha uu garanayo waxa ay ula jeedaan" sawurka.
Qaar ka mid ah khubarada sharciga ayaa sheegay in dacwadda ay u muuqatay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ay su'aalo cusub ka dhalisay dadaalka wasaaradda cadaalada mee lagu bartilmaameedsanayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda Trump.
"Aad bay xaleef u tahay," ayuu yiri Michael Gerhardt, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga dastuurka ee UNC School of Law.
Boostiga barta bulshada ee Comey waxa ay u badan tahay in ay maxkamaduhu u arki doonaan xoriyatul qawl taa oo uu ilaalinayo dastuurku, ayuu raaciyay Gerhardt.
Jimmy Gurulé, oo hore u ahaan jiray dacwad ooge heer federaal ah, horena u ahaan jiray kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo uu magacaabay madaxweyne George W Bush, ayaa sheegay in eedda cusub ay " ceeb ku tahay nidaamka cadaaladda dembiyada Mareykanka".
"DOJ ma awoodi doonto in ay caddeyso shaki macquul ah oo ka baxsan in James Comey uu lahaa ujeedo uu ku handadayo ama uu waxyeeleeyo madaxweyne Trump," Gurulé, oo hadda borofisar ka ah Notre Dame Law School, ayaa ku yiri hadal uu siiyay BBC. "Eedaynta waa isku day daah-furnaan ah oo lagu cabsi gelinayo mid ka mid ah cadawga siyaasadeed ee uu aaminsan yahay Madaxweynaha."
Waa markii labaad ee waaxda cadaaladdu ay dacwad ku soo oogto Comey.
Comey waxaa dacwad ku soo oogay xeerbeegti heer federaal ah dabayaaqadii Sebtembar isagoo lagu eedeeyay inuu ka been sheegay Congress-ka Sebtembar 2020 oo uu hor yimid kongareeska.
Eedeymaha ayaa yimid maalmo kadib markii Trump uu ugu baaqay sarkaalka ugu sareeya ee fulinta sharciga ee dalka in uu si adag u baaro cadawgiisa siyaasadeed oo uu ku jiro Comey.
Comey waxa uu qirtay in aanu wax danbi ah gelin intii lagu guda jiro muddo kooban oo maxkamad taagnayd bishii October ka hor inta aan kiiska la burin bishii November.
Xaakimka dagmada Mareykanka Cameron Currie ayaa tuuray eedeymaha ka dhanka ah Comey sababtoo ah dacwad oogaha Lindsey Halligan ee xilligaas oo "aan si sax ahayn" loogu magacaabin qareenka Mareykanka markii horaba.
Garsooraha, si kastaba ha ahaatee, waxa uu albaabka u furay in dawladdu mar kale isku daydo.
Horaantii talaadadii, garsoore gooni ah ayaa go'aamiyay in dacwad oogihii hore ee federaalka Maurene Comey - gabadha James Comey - ay horay u sii wadi karto kiiskeeda iyada oo ka soo horjeeda in uu shaqada ka eryo maamulka Trump.