You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Askar 'is qarxisay' oo ammaan uu u jeediyay madaxweynahooda
Kim Jong Un ayaa ammaanay askarta Kuuriyada Waqooyi ee is-dilay iyaga oo isku qarxiyay bambaanooyinka gacanta laga tuuro xilli ay u dagaallamayeen Ruushka oo ka soo horjeeday Ukraine, isagoo caddeeyay siyaasad goob dagaal oo muddo la tuhunsanaa.
Qudbad uu jeediyay isbuucan, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in kuwa "si aan uga laba labeyn u doortay is-qarxinta, weerarka ismiidaaminta, si ay u difaacaan sharafta weyn" ay yihiin "geesiyaal".
Kuuriyada Koonfureed ayaa ku qiyaastay in ugu yaraan 15,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah loo diray inay ka caawiyaan Ruushka dib u qabsashada qaybo ka mid ah galbeedka Kursk, in ka badan 6,000 ayaa la dilay ilaa hadda. Pyongyang iyo Moscow midkoodna ma xaqiijin tirada.
Hay'adaha sirdoonka iyo kuwa soo goostay ayaa sheegay in askartan ay ku hoos jireen amarkii Pyongyang ee ahaa in ay isdilaan halkii ay Ukraine maxbuus ahaan u qaadan lahayd.
"Nafta-hurnimadooda adiga oo aan filayn wax magdhow ah, daacadnimo aanfilayn abaal-marin...Tani waa qeexida daacadnimada ciidankeenna," Kim ayaa ka sheegay Pyongyang Isniintii isaga oo soo bandhigay xus loo sameeyay ciidamadii dhintay, warbaahinta dawladda ee KCNA ayaa sheegtay.
Wasiirka gaashaandhigga Ruushka Andrey Belousov iyo afhayeenka baarlamaanka Ruushka, Vyacheslav Volodin, ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay munaasabadda.
Waqooyiga Kuuriya, askarta ayaa in la qabto ay tahay fal khiyaano qaran ah.
Horaantii sanadkan, TV-ga Kuuriyada Koonfureed ee MBC ayaa sii daayay barnaamij ay ku muujinayaan labo maxbuus oo kuuriyada waqooyi looga qabsaday dagaalka Ukraine, kuwaas oo mid ka mid ah uu kaamirada ka sheegay in uu ka qoomameynayo in uusan naftiisa dilin.
"Qof kasta oo kale ayaa is qarxiyay, waan guuldarreystay," ayuu yiri maxbuusku.
Sirdoonka qaranka ee Seoul ayaa sheegay in sanadkii hore ay heleen qoraalo ku saabsan askarta Kuuriyada Waqooyi ee dhintay kuwaas oo tilmaamaya dhaqankan xad dhaafka ah.
Khudbadiisa Isniintii, Kim wuxuu sidoo kale ku amaanay kuwii ku dhintay dagaalka.
"Kuwa ku dhacay gacmaha ciidamada iyo kuwa ka careysnaa inay gudan waayeen waajibaadkooda ciidan ee la amray, halkii ay xanuujin lahaayeen jirkooda - iyagana waxaa loogu yeeri karaa dagaalyahannada daacadda ah ee xisbiga iyo waddaniyiinta," ayuu yiri Kim.
Bishii Juun 2024, madaxweynaha Ruushka Putin iyo Kim waxay saxiixeen heshiis ay ku ballanqaadayaan in dalalkoodu ay is caawin doonaan haddii ay dhacdo "gardarro" ka dhan ah labada waddan. Waqtigaas, Kim wuxuu bogaadiyay heshiiska inuu ahaa "kii abid ugu xoogganaa".
Marka laga soo tago in ay direen askarta, Kuuriyada Waqooyi waxa ay sidoo kale ballan qaaday in ay u diri doonto kumanaan shaqaale ah si ay gacan uga geystaan dib u dhiska Kursk.