"Ha i toogan, waxaan ahay Muslim" – Sheekada kabtan markab Indooniisiyaan ah oo burcad-badeed Soomaali ah afduubtay

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Afar muwaadin oo Indooniisiyaan ah ayaa toddobaad ka hor burcad-badeed Soomaali ah afduubteen kadib weerar dhacay 21 April. Wadahadallo madax-furasho lagu dalbanayo ayaa socda, qoysaskooduna waxay sheegeen in xaaladda weli aan xal gaarin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Indonesia waxay sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso dhammaan dhinacyada khuseeya gudaha Soomaaliya si loo xalliyo arrinta.

Qaar ka mid ah khubarada xiriirka caalamiga ah waxay ku taliyeen in ururro Islaami ah loo adeegsado fududeynta bad-baadinta iyo sii deynta dadka afduubka loo haysto.

Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in kororka budhcad-badeedda Soomaaliya uu la xiriiri karo xiisadaha siyaasadeed ee caalamka, gaar ahaan khilaafka Mareykanka, Israa'iil iyo Iran, iyadoo weerarrada badda Soomaaliya ay dib u soo noqdeen kadib muddo deggenaansho ah.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Indooniisiyaan lagu afduubo Soomaaliya; horey ayaa loo soo maray dhacdooyin la mid ah tan, mid ka mid ahna wuxuu noqday mid loo xalliyay hab guul ah.

Ilbiriqsiyo kooban oo weerar lagu soo sheegay fariin cod ah

Santi Sanaya ayaa weli si qoto dheer uga welwelsan ninkeeda Ashari Samadikun oo ah kabtanka markabka MT Honor 25, kaas oo ay burcad-badeed Soomaaliyeed afduubteen, iyagoo ahaa 30 nin oo hubeysan.

Weerarku wuxuu dhacay habeenkii Talaadada ,21 April xilli markabku ka shiraacday Oman kuna sii jeeday Soomaaliya. Intii lagu jiray weerarka, Ashari ayaa WhatsApp ugu soo diray xaaskiisa Santi fariin cod ah, isagoo ku sheegay in markabku wajahayo weerar iyo khatar.

Santi ayaa isla markiiba dib u wacday, balse taleefoonka lama qaban. Dhowr saacadood kadib, telefoonka Ashari wuu dansanaa, waxaana gabi ahaanba go'ay xiriirkii.

Markabka MT Honor 25 waxaa saarnaa 17 shaqaale ah: 4 Indooniisiyaan ah oo ku jiro Ashari, 11 Pakistaniyiin ah, 1 Sri Lankan ah iyo 1 Indian ah. Waxaa la sheegay in dhammaantood ay ku jireen xaalad afduub ah oo ay gacanta ku hayaan burcad-badeedd

'Assalaamu calaykum, ha i toogan'

Burcad-badeedda ayaa maalintii ugu horreysay ee ay afduubteen Ashari iyo shaqaalihii markabka u diiday adeegsiga telefoonnadoodii. Balse Jimcihii 24 April, Ashari waxaa loo oggolaaday inuu adeegsado telefoonka markabka si uu ula xiriiro shirkadda iyo qoyskiisa.

Intii uu la hadlayay, wuxuu xaaskiisa u sheegay in ay soo mareen xaalado aad u adag, isla markaana dhowr jeer loogu hanjabay qori.

Markii xaaladdu adkaatay, Ashari wuxuu isku dayay inuu dejiyo burcad-badeedda isagoo u sheegaya inuu yahay Muslim, kuna salaamay "Assalaamu calaykum, ha i toogan, waxaan ahy Muslim." Burcad-badeedduna waxay ku jawaabeen in iyaguna Muslim yihiin.

Lammaanaha oo leh laba carruur ah waxay markii ugu dambeysay wada hadleen Axaddii 26 April, markaas oo Ashari uu sheegay in la wado wada-xaajood madax-furasho ah, isla markaana uu ka codsaday in aan mar dambe lala soo xiriirin si aan telefoonkiisa burcad-badeeddu uga qaadan ama ugu qaban.

Santi waxey sheegtay in inta afduubka loo haysto xaaladdoodu caafimaad ay wanaagsaneed, oo cunto la siinayay isla markaana salaaddana loo oggolaa, balse mararka qaar xaaladdu ay halis ahayd gaarahaan marka ay dareemaan khatar weerar.

Waxay sidoo kale sheegtay in muuqaal wicitaan ah Ashari uu ku tusay meelaha markabka ay xabbaduhu uga dhaceen.

Sidee ayuu weerarka burcad-badeedda Soomaaliyeed u dhacay, tallaabo tallaabo?

Santi Sanaya waxay sheegtay in ninkeeda Ashari Samadikun uu ogaaday weerarka burcad-badeedda kaddib markii ku dhowaad 15 nin oo hubeysan ay horey u fuuleen markabka. Markii ay gudaha u galeen, dhammaan shaqaalihii waxaa lagu amray in ay soo ururiyaan telefoonnadooda, kuwaas oo markiiba laga qaaday.

Santi waxay sheegtay in ka hor inta uusan ninkeeda u bixin safarka Soomaaliya, ay ka walwalsaneyd ammaankiisa, isla markaana ay weydiisay haddii uu markabku heli doono cid ammaankiisa sugaysa. Ashari ayaa u sheegay in aysan jirin ilaalin rasmi ah, balse uu ku kalsoonaa in markabku siday saliid ay leedahay dowladdu, sidaas darteed-na "wax dhibaato ah ma dhici doonto, haddii Eebbe idmo."

Hadda, Santi waxay sheegtay in Ashari iyo shaqaalihii kale loo qaaday saldhig burcad-badeed oo ku yaalla qiyaastii saddex mayl badda gudaheeda, halkaas oo si adag loo ilaalinayo, islamarkaana ay joogaan ku dhowaad 30 burcad-badeed ah oo ku sugan meel u dhow saldhiggooda.

Waxay intaas ku dartay in Ashari iyo saaxiibbadiis ay wadaan dadaallada lagu xallinayo arrintan, iyadoo saaxiib ku sugan Jakarta uu u gudbiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Indonesia warbixinta dhacdadan.

Santi waxay sidoo kale ka dalbatay dowladda Indonesia inay si degdeg ah uga falceliso, gaar ahaan Madaxweynaha, si loo badbaadiyo ninkeeda iyo shaqaalaha kale ee la haysto loona soo celiyo iyagoo nabad qaba.

Sida laga soo xigtay xogta maraakiibta, markabkan ayaa ka baxay dekedda Berbera 20 February, kaddibna u dhowaa xeebaha Imaaraadka Carabta, ka hor inta uusan dib ugu laaban biyaha u dhow Soomaaliya horraantii April, halkaas oo markii dambe lagu afduubtay.

Kabtanka mas'uulka ah

Santi waxay sheegtay in Ashari yahay nin xilkas ah oo masuul ah. Waxay sheegtay in xitaa intii lagu jiray afduubka markabka MT Honor 25 uu weli ka fikirayay xaaladda shaqaalaha kale ee la socday.

Waxay tiri Ashari wuxuu ka welwelsanaa saaxiibbadiis oo badankood qoysaskoodu aanay wax war ah ka hayn. Santi waxay intaas ku dartay in ay ku faanto ninkeeda, maadaama isagoo xaalad khatar ah ku jira, haddana uu ka hormarinayay daryeelka shaqaalihiisa iyo qoyskiisa.

Dowladdu tallaabo noocee ah ayay qaadayso?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Indonesia waxay xaqiijisay in afar muwaadin Indooniisiyaan ah ay burcad-badeedd Soomaali ah haystaan.

Agaasimaha Ilaalinta Muwaadiniinta Indooniisiya, Heni Hamidah, ayaa sheegtay in la daba socdo warbixinta la xiriirta afduubka markabka MT Honour 25 oo lagu qabsaday biyaha u dhow Xafun, Soomaaliya, 22-kii April.

Waxay intaas ku dartay in Safaaradda Indonesia ee Nairobi ay si dhow ula shaqaynayso dhammaan dhinacyada khuseeya gudaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan maamulka deegaanka, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo ganacsatada.

Safaaraddu waxay sidoo kale la socotaa xaaladda si loo hubiyo in xalinta arrintan ay si habsami leh u socoto, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shaqaalaha markabka.

Hab cusub oo loo maro ururrada Islaamiga ah

Khubaro ka tirsan BRIN ayaa sheegay in dowladda Indonesia ay adeegsan karto dhowr waddo si loo badbaadiyo afarta muwaadin ee lagu haysto Soomaaliya.

Ugu horreyn, waxaa la samayn karaa wada-hadal toos ah oo u dhexeeya Indonesia iyo Soomaaliya. Marka labaad, waxaa cadaadis la saari karaa milkiilaha markabka si uu uga shaqeeyo sii deynta shaqaalihiisa la haysto. Markabkan Honor 25 wuxuu sitaa calanka dalka Palau, wuxuuna siday 18,500 foosto oo saliid ah xilligii la afduubayay.

Saddexaad, waxaa la soo jeediyay "hab cusub" oo ah diplomasiyad ku saleysan diinta, taas oo lagu adeegsanayo ururro Islaami ah, hoggaamiyeyaasha diinta iyo shabakado bulsho si loo fududeeyo wada-xaajoodka iyo xallinta khilaafaadka.

Khubaradu waxay sheegeen in tani ay suurtagal tahay maadaama Soomaaliya ay tahay dal Muslim ah, isla markaana xiriirka diimeed uu ka caawin karo xalinta xaaladaha adag marka waddooyinka rasmiga ah aysan ku filnayn.

Waxaa la tuhunsan yahay in xaaladdan ay ka dhalatay xiisadaha caalamiga ah

Khubaradu waxay sheegeen in dib u soo noqoshada burcad-badeedda Soomaaliya ay weli sabab u yihiin arrimo hore oo is biirsaday, sida xaaladda adag ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay sababo ay ka mid yihiin dowladda tabarta daran, saboolnimo xeebaha ka jirta, shaqo la'aan, kalluumaysi sharci-darro ah oo biyaha Soomaaliya ka socda, iyo in burcad-badeednimadu noqotay ganacsi abaabulan oo faa'iido leh.

Khubaradu waxay intaas ku dareen in ku tiirsanaanta ilaalinta maraakiibta caalamiga ah ay sidoo kale door ku leedahay.

Waxaa la sheegay in xiisadaha caalamka sida Bariga Dhexe, Ukraine iyo meelaha kale ay sababtay in feejignaanta amniga badda Soomaaliya ay yaraato, maadaama loo leexday meelaha kale ee colaaduhu ka socdaan.

Kormeere badeed ayaa isna sheegay in kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ay ka faa'iideysanayaan xaaladda siyaasadeed ee caalamka, iyadoo dunidu diiradda saareyso xiisado kale, taas oo hoos u dhigtay ilaaladii badaha Soomaaliya.