Qoyska boqortooyada si ay murugo iyo bani aadaminimo ku jirta uga qayb galeen aaska Amiir Philip

Published

Amiir Philip ayaa maanta lagu aasay St George's Chapel oo ku yaalla Windsor Castle.

Madaxa Windsor oo qaddarin u muujiyey Amiir Philip wuxuu ku ku ammaanay "Naxariistiisa, Kaftankiisa iyo dadnimadiisa."

Munaasabadda aaska ayaa dhacday iyada oo dadku ay kala fogaayeen isla markaana ay xirnaayeen afxirka si loo fuliyo awaamiirta la xiriirta Covid-19 waxaana la arkayey boqoradda oo kaligeed fadhida.

Ubadka uu Amiirka dhalayna waxay dhinac socdeen naxashka waalidkooda, kaddibna waxaa dhacday aamusnaan daqiiqad ah oo heer qaran.

In ka badan 730 ka mid ah ciidamada qalabka sida ayaaka qab qaatay munaasabadda, balse gudaha St George's Chapel waxaa galay oo keli ah 30 qof iyada oo la raacayo awaamiirta lagu xakameynayo fayraska korona.

Amiir Philip oo ay da'diisu ahayd 99 jir ayaa Jimcihi oo ku beegneed 9-ka April ku geeriyooday Windsor Castle.

Naxashka Amiirkana waxaa meel aan ka fogeyn St George's Chapel looga soo qaaday gaari Land Rover oo dib loo habeeyey oo naqshadeynta gaarigaasina uu gacan ku lahaa Amiirka laftiisa.

Socdaalka aaskana waxaa hoggaaminayey ciidamada ilaalada gaar ah, ciidamada madaafiicda munaasabadaha gana iyo taliyeyasha ciidamada qalbka sida.

Amiir Anne iyo Amiir Charles ayaa l aarkayey iyaga oo horsocda gaariga Naxashka Amiirka sida, waxaana daba socday Amiir Edward iyo Amiir Andrew.

Amiir William iyo Amiir Harry waxay dhinacyada ka socdeen ina adeerkood Peter Philips.

Walaalaha marka uu soo dhammaaday munaasabadda aaska waxay fadhiisteen ka soo horjeedka laamiga waxaana la arkayey iyaga oo wada sheekeysanaya.

Admiral xigeenka Sir Timothy Laurence iyo David Linley oo iyaguna naxashka hareera socda, iyaga oo ay daba socdaan xubno ka mid ah shaqaalaha u shaqeynayey guriga Amiirka geeriyooday.

Boqoradda oo ay da'deedu tahay 94 jir waxay israacday amiirad sugaha gobolka Bentley.

Madaafiicda unaasabadaha gaarka ah oo loo rido oo laga riday 9 goobood oo dalka UK ku yaalla iyo Gibraltar ayaa lagu billaabay waxaana lag soo afmeeray aamusnaan 1 daqiiqa ah oo dalka oo dhan laga sameeyey.

Muddo 6 daqiiqa ahna garoonka caalamiga ah ee Hithrow diyaarad kama kicin kamana soo degin, ciyaaraha dhacayeyna waa la joojiyey tallabadaasi oo qayb ka ah aamusnaanta qaran ee Amiirka loo sameeyey

Munaasabadda aaskana waxaa horkacayey madaxa Windsor oo uu wehliyo badariga Canterbury oo halkaa ka duceeyey.

Madaxa Windsor oo qaddarin u muujiyey Amiir Philip wuxuu ku ku ammaanay "Naxariistiisa, Kaftankiisa iyo dadnimadiisa" isaga oo sheegay noolasha Amiirka aan wax badan ka baraneyno.

"Waxaa naloo hibeeyey daacadnimadiisa aan kala go'a lahayan uu boqradda u hayey, adeegga uu qaranka iyo waddamada barwaaqa sooranka u hayey, geesinimadiisa iyo iimaankiisa" ayuu yiri inti uu ammaanta Amiirka waday.

Kaalinta uu Amiirka ku lahaa ciidamada badda boqortooyada iyo jaceylka uu u qabay badda ayaa ka mid ahayd adeegyada xusitaanka mudan uu dalkiisa u soo qabtay amiirka inti uu noolaa.

Qasriga Buckingham waxaa laga sheegay in qorshaha aaska wax laga beddelay iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka bulshada danta u ah.

Munaasabadda aaskana waxaa lagu qabtay waxaa shacabka laga codsaday iney ku kulmin goobta aaska ka dhacaya ama qasriyada kale ee boqortooyada.

Balse munaasabadda aaska la xiriiray waxay u dhacayeen si waafaqsan rabitaanka Amiir Philip waxayna ka tarjumayeen noolashiisa ciidannimo iyo midda shaqsi ahaaneedba.

Aaska ka horna boqraddu waxay seygeeda geeriyooday la wadaagtay sawirkeeda ay ugu jecleyd ee ay ku gashay Aberdeenshire.

Sawirka oo la qaaday sanadkii 2003-dii, sawirkaasi oo muujinaya lammaanaha (Boqorad Elizabeth iyo Amiir Philip) oo ku nadsanaya dhul cagaar ah oo ku yaalla Coyles ee ka tirsan Muick, oo ku dhow guriyaha ay boqoradda gaarka u leedhaya ee ku yaalla Balmoral.

Windsor wey aamustay si ay u xusuusato Amiir Philip

Wariyaha BBC Harry Farley ayaa wrbixintan ka diyaariyey

Windsor gabigeedba wey aamustay saacaddu marka y ahayd aamusnaantaasi oo loogu tala galay aaska Amir Philip.

Qoyska boqortooyadana waxay codsadeen iney dadku kala fogaadaan xayiraadaha fayraska krona awgii. Waddooyinka magaalada Windsor waxay ahaayeen kuwo maran marka loo eego sia ay ahaan jireen.

Balse boqollaal aya waddooyinka taagnaa cadceeddana u dhabar adeygayey si ay qaddarin ugu muujiyaan Amiirka geeriyooday.

Arooski ka dhacay meel aan ka fogeen hoolka Windsor ayaa wuxuu ku soo dhammaaday aaska Amiirka looogu sameeyey St George's Chapel oo aan wax badan ka fogeyn goobti uu lammaanaha arooskoodu ka dhacay.

Mikey Durnian iyo mataantiisa Jodie iney xafladda arooskooda ilaa shan jeer dib u dhigeen cudurka safmarka awgii.

Wuxuuna sheegay iney la yaab ku noqotay usbuuci la soo dhafay goob dhowr meter u jirta halka lagu aasay uu fargashigood ka dhacay.

"Marnaba kuma fikirin waxa maanta dhacay iney xafladda meherkannaga ay ka daba dhici doonaan balse muhiimaddu waxaa weeye inuu guurkannaga dhahay" ayey tiri Jodie.

Dad aan ka badneen 30 qof ayaa munaasabadda aaska ka soo qayb galay iyaga oo ay dadku xirnaayeen dhar madow oo ay ka muuqata bilad iyo labbis caadi ah oo wada socda balse waxaan marnaba goobta aaska lagu arkin tuuta ciidan.

Boqoradda iyo Amiirka geeriyooday afar carruurt ah oo ay dhaleen iyo sideed carruur ah oo ay awoow iyo ayeeyo u yihiin, balse carruurta ay awoowa labaad ama ayeeyo labaad u yihiin aaska kama soo qayb gelin.