You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Boqoradda ayaa horkaceyso aaska loo sameeyey Amiir Philip
Boqoradda ayaa hoggaamin doonta xubnaha qoyska boqortooyada iyo mas'uuliyiinta qaranka ee ka qayb galaya aaska loo sameynaya seygeeda geeriyooday Amiir Philip oo maanta oo sabti ah ka dhacaya Windsor Castle.
Tira kooban oo ka mid qoyska boqortooyada oo ay ka mid yihiin afar carruur ah oo uu Amiirku dhalay iyo Amiir William iyo Amiir Harry ayaa ka mid ah dadka daba soconaya naxashka Amiirka. Waxaana la sii qaadi doonaan masaafada u dhaxeysa gudaha qalcada qasriga boqortooyada ilaa iyo dhismaha St George's Chapel iyada oo naxashkana lagu qaadayo gaari Land Rover ah uu naqshadeyntiisu Amiirka gacan ka geystay.
Aamusnaan qaran oo daqiiqad ah ayaa la sameeyn doonaa saacaddu markay tahay 15:00 xilliga Ingiriiska waxyar un ka hor inta uu aasku dhicin.
Munaasabadda aaskana wuxuu ka dhici doonaa gudaha qasriga iyada oo dadweynaha laga codsaday iney ku soo uruurin goobta uu aaska ka dhacay ama qasriyada kale ee boqortooyada.
Xubnaha qoyska boqortooyada iyo xubnaha qoyska Amiirka geeriyooday ee aan sagootinta ka qayb qaadanin ayaa gaaray St George's Chapel.
Kumannaan shacab ah ayaa daawanaya ciidamada fardooleyda ee boqortooyada oo safaf dhaadheer ku socda una sii jeeda Windsor castle.
Tobanannaan ciidmada fardooleyda ah oo xiran dhar ka kooban midabbada madowga, dahabiga iyo casaanka oo hubkoodana wata ayaa iyagana ku sii socda albaabka kore ee Cambridgedhismaha laga soo galo.
Qaar ka mid ah ciidamada ayaa muddo daqiiqada ah bariga Windsor Castle ka gani doono madaafiic marka naxashka Amiir Philip laga qaado qarsiga oo loo wado halka lagu aasayo.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa soo gaaray Windsor si ay Amiirka qaddarin ugu muujiyaan balse goobta ayaa u muuqata mid aamusan maadaamaa xayiraadaha dartood loo diiday iney dad badan iisu yimaaddaan.
Amiirka laftiisa ayaa doortay in lagu aaso St George's Chapel.
Abaalmarinnada, billadaha iyo hadiyadaha uu Amiirka ka guddoomay dalka UK iyo waddamada barwaaqa sooranka ayaa sida oo kale la soo bandhigay.
Dhammaan sawirrada waxay leeyihiin xuquuqda Sawirka.