You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa tuma kalkaalisada ku soo biirtay qoyska boqortooyada UK?
Peter Phillips waa wiilka amiirad Anne oo ah gabadha kaliya ee Queen Elizabeth II. Peter Phillips wuxuu guursaday kalkaaliso ka tirsan hay'adda caafimaadka UK ee loo yaqaanNHS oo lagu magacaabo Harriet Sperling. Waxay isku guursadeen xaflad gaar ah oo ka dhacday sabtigii Kaniisadda All Saints. Boqor Charles oo ah boqorka UK ayaa abti u ah Peter Phillips.
Xafladda gaarka ah ee lammaanahan, oo ay sidoo kale ka soo qayb galeen Amiirka iyo Amiiradda Wales, ayaa la qabtay kaddib markii ay shaaciyeen guurkooda bishii Agoosto ee sanadkii hore ee 2025.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa waxyaabaha laga ogyahay gabadhan ku soo biirtay qoyska Boqortooyada.
Guurka Peter Phillips oo 48 jir ah, iyo Harriet Sperling, oo 45 jir ah waxaa lagu dhawaaqay sanadkii hore.
Qoraal ka soo baxay qoyska boqortooyada ayaa lagu faahfaahiyay guurkooda, "Peter waxaa dhalay Mark Phillips oo hore bilad dahab ah ciyaaraha olombikada ugu guuleystay. Wuxuu ku tartamay fardo fuulka. Ms Harriet Sperling iyadana waxaa dhalay Mr Rupert Sanders and Mrs Mary Sanders, waxayna qaraabo dhow la yihiin qoyska boqortooyda".
Qoyska Boqortooyada ayaa lagu wargeliyey arrintaas, waxaana la sheegay in ay "aad ugu faraxsan yihiin warka wanaagsan ee guurka", sida ku xusan bayaanka lammaanaha.
Munaasabadaha guurka ee boqortooyda
Labo sano ka hor ayey markii ugu horeysay ku dhawaaqeen xiriirkooda in uu bilowday ka hor arooskii dhacay shalay oo sabti aheyd.
Sida ay qortay majalladda Hello oo ah mid lagu qoro wararka dadka caanka ah, Phillips iyo Sperling waxay markii ugu horreysay ku kulmeen munaasabad ciyaareed oo ay ka qayb galeen gabdhahooda, halkaas ayuuna ka yimid xiriirkooda.
Iyagoo isla socda oo gacmaha ishaysta ayaa markaa kaddib lagu arkay munaasabado kale. Tii ugu dambeysay waxay aheyd mid dhacday bishii June taas oo ay joogeen boqor Charles iyo boqorad Camilla.
Lammaanaha ayaa sidoo kale ka qayb qaatay gaadiidka dhaqameedka xubnaha qoyska boqortooyadu raacaan, kuna galaan goobta marka la furnayo tartanka fardaha.
Bishii hore waxay sidoo kale joogeen munaasabadda amiir William ee deeqaha loogu ururiyo taas oo ka dhacday Wimbledon.
Sperling ayaa ka hadashay shaqada NHS-ta iyo in ay tahay hooyo kaligiid ah
Xaflada meherka ee ka dhacday kaniisadda Gloucestershire, waxaa Sperling la socday gabadheeda dhowr iyo toban jirka ah oo lagu magacaabo Georgina. Waxay sidoo kale internetka ku qortay waayo-aragnimadeeda ku saabsan hooyo kali ah.
Iyadoo adeegsanaysa magaca Harriet Sanders, kalkaalisada NHS-ta ayaa bishii Maarso 2024 qortay maqaal ku saabsan barbaarinta carruurta, kaas oo lagu daabacay majalladda diinta Masiixiga ee Woman Alive.
Sperling waxay nolosheeda iyo qofka ay tahay ku qortay qeybta nolosha qofka looga hadlo, waxayna u qoran tahay sidan."Harriet Sanders waxay ku nooshahay Gloucestershire, koonfur galbeed England, waa qoraa madax-bannaan, waxayna NHS-ta uga shaqaysaa kalkaaliso takhasus u leh carruurta. Waxay aad u danayneysaa horumarka maskaxda ee dhallaanka iyo in ay aragto carruurta oo si wanaagsan loo koriya."
Maqaallo ay qortay oo ay kaga hadashay nolosheeda ayey ku sheegtay in ay tahay qof haysta diinta Masiixiga hadana ah hooyo kaligiid ilmo korisa
Hadallada ay qortay waxaa ka mid ah mid ah, "aniga iyo inanteyda waxaan soo galnay safar 10 sano ah oo aan kaligeen nahay". Waxayna intaas ku dartay, "Waxaan la mid ahay jasiirad taas oo ay adag tahay in aan qiyaaso in qof kale uu ku soo biiro".
Ninkeeda cusub, Peter Phillips, isaguna wuxuu leeyahay laba carruur ah oo xaas kale ay u dhashay. Labada carruur ayaa kala ah, Savannah (15 jir) iyo Isla (14 jir). Wuxuu soo guursaday 2008-dii, waxayna kala tageen xaaskiisa hore sanadkii 2021-kii
Arooskii ugu dambeeyay qoyska boqortooyda
Sperling, oo hadda loo yaqaan Mrs Phillips, waxay xiratay dhar aroos oo ay naqshadaysay Emilia Wickstead, dhego-dhego ay samaysay Pragnell, iyo taajka qoyska Pragnell.
Haweeneydan 45 jirka ah waxaa la soo galay goobta arooska oo gacanta ka hayay walaalkeed Nicholas Sanders maadama uu aabaheed Rupert Sanders geeriyooday.
Dadka kale ee munaasabadda arooska ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa ehelkeeda iyo qoyska boqortooyda