You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraykanka oo sheegay in ay soo rideen laba daroon oo Iran leedahay

Taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa sheegtay in ay soo rideen labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay soo rideen Iran.

Tebin toos ah

  1. Kooxda wadahadalka Iran ee Islamabad oo shuruud ku adkaystay si loo galo wajiga xiga ee wadahadalka

    Xubin ka tirsan kooxda warbaahinta ee kooxda wada xaajoodka Iran ee Islamabad ayaa sheegay in sii deynta hantida la xayiray ay ka mid tahay shuruudaha gelitaanka wejiga xiga ee wada xaajoodka, Irana ay ku bixinayso dadaal kasta oo ay ku soo ceshanayso.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, Amir Hossein Yazdanpanah ayaa beeniyay wararka sheegaya in Maraykanku uu doonayo in uu siiyo hantida Iran ee la xayiray wadamada Carabta ee Gacanka Faaris si dib u dhis burbur loo sameeyo.

    Sida laga soo xigtay Yazdanpanah, "Siideynta hantida Iran ee la xayiray waa mid ka mid ah shuruudaha buuxintooda u ogolaanaya Iran inay gasho marxaladda xigta ee wadahadalka.

    Asal ahaan, haddii hantida Iran aan la sii deyn sida ku cad heshiiska isfahamka, ma jiri doono isfaham ku meel gaar ah ama gorgortanka heshiis kama dambays ah."

    Wuxuu yiri: "Shir ka mid ah kulamadii dhexdhexaadiyeyaasha, ayaa loo sheegay Qalibaf inuu arrintaan ka gudbo inta isfaham laga gaarayo, balse wuxuu si cad ugu nuux-nuux saday in hantidaas ay leeyihiin dadka reer Iran, wax yarna ka tanaasuli mayno."

  2. Hay'adda Nukleerka ee caalamiga oo ah ka dalbatay Iran in ay sii xogta saxda ah ee goobaheeda Nukleerka ee la duqeeyey

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay aragtay qaraar qabyo ah oo uu Maraykanku soo diyaariyay loona diray dalalka kale ee xubnaha ka ah guddiga sare ee hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka.

    Qaraarkan ayaa lagu eegi doonaa maalinta berito ah kulanka ay yeelanayaan gudiga maamul ee wakaalada ee Vienna.

    Sida warbixinta lagu sheegay qoraalka qaraarkan oo maanta ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Iran ay ku qasban tahay in ay hay’adda siiso xog sax ah oo ku saabsan cadadka walxaha Nukliyeerka ah iyo xarumaha nukliyeerka ee lagu ilaalinayo Iran”iyo “in ay siiyan hay’adda dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso xogtan iyada oo aan dib loo dhigin.

  3. Warqdii Araqchi oo baahiyay sawirka warqada madaxda Pakistan u direen Mojtaba Khamenei

    Cabbaas Arakchi ayaa soo galiyay kanaalka Telegram-kiisa sawiro dheeraad ah oo uu ka soo qaaday kulankii uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi, waxaana ka mid ahaa sawir isaga oo haya warqad ay madaxda Pakistan u dirtay Mojtaba Khamenei.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, kulanka ayaa looga hadlay " hindisayaashii dublamaasiyadeed ee ugu dambeeyay ee waddada wadahadalka Iran iyo Maraykanka."

    Sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Naqvi "wuxuu u safray Tehran si uu u sii wado dhexdhexaadinta Iran iyo Maraykanka."

    Ka dib markii uu xalay la kulmay Eskandar Momeni, Naqvi wuxuu sheegay inuu u safray Tehraan si uu u gaarsiiyo "warqad gaar ah" iyo "fariin muhiim ah" oo ka timid Asim Munir iyo Shahbaz Sharif, Taliyaha guud iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Mojtaba Khamenei.

  4. Toogasho ka dhacday bartamaha Israa’iil ayaa sababtay dhimashada hal qof

    Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in shan qof ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo ka dhacay magaalada Kochav Yair ee bartamaha Israa’iil.

    Waxa ay sheegeen in ciidamada amaanka ay dileen ninkan hubeysan oo ahaa Carab Israa’iili kana soo jeeda magaalada Tayyiba, waxaana la sheegay in uu isticmaalayey gaari ay ku xiran tahay taariko Israel.

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay xireen marinka laga galo Daanta Galbeed ee u dhow, ayna isku gadaameen dhowr tuulo oo Falastiiniyiin ah.

  5. Maraykanka oo walaac ka qaba in Israa'iil ay 'basaasnimo' ku wado isaga

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Pentagon-ka uu sare u qaaday khatarta sirdoonka Israa’iil oo gaartay heerkii ugu sarreeyay sababo la xiriira walaac laga qabo howlaha basaasnimada.

    NBC News ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah, in Hay'adda Sirdoonka Difaaca ee Pentagon-ka ay ka digtay in awoodda Israel ay "ku sameyso basaasnimada bani'aadamka iyo ururinta sirta iyadoo ku tiirsan tignoolajiyada ay gaartay heerar 'muhiim ah'."

    NBC ayaa sheegtay in isbedelka heerka khatarta sirdoonka uu ku soo beegmayo iyadoo laga walaacsan yahay dadaalka Israel ay ku basaaseyso saraakiisha Mareykanka si ay wax uga bartaan "baaritaannada gudaha ee maamulka Trump iyo go'aannada la xiriira iskahorimaadyada Bariga Dhexe."

    Dhanka kale, New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay walaac ka muujiyeen warbixinnadii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhageysiga taleefoonnada Israa’iil ee saraakiisha Mareykanka, oo ay ku jiraan dhageysiga taleefoonnada Steve Whittaker, oo ah wakiilka ugu sarreeya ee Donald Trump ee wada-xaajoodka Iran.

    Labada wargeys ee New York Times iyo NBC ayaa sheegay in Pentagon-ka uu diiday inuu ka hadlo arrintan; Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa arrintaasi beeniyay, waxaana afhayeen u hadlay safaaradda Israa’iil ee Washington uu beeniyay inay wax basaasnimo ah ku sameeyeen Maraykanka.

  6. Maxaad ka taqaannaa Mahad Karate, hoggaamiyaha awoodda badan ee Mareykanku raadinayo?

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

    Kahor Al-Shabaab iyo burburkii doaladdii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC.

    Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa ka hor burburka iyo ka dib ba ku biiray ururrada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.

    Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu ballaaran, ugu na awoodda weyn ururrada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda Al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen billowgii kooxda.

  7. Dowladda Kenya ayaa amartay in shaqaalaha guryaha ay tahay in la siiyo ugu yaraan $140 bishii

    Xeerarka cusub ee mushaharka ugu yar ee shaqaalaha guryaha ee Kenya ayaa kordhiyey mushaharkooda kana dhigay ugu yaraan 18,047 shilinka Kenya ah, una dhiganta ilaa 140 doolarka Maraykanka ah.

    Loo-shaqeeyayaasha ku xad-gudba qodobadan ayaa muteysan doona ilaa 3 bilood oo xarig ah ama ganaax dhan 50,000 oo shilinka Kenya ah.

    Dib u habeyntan ayaa daba socota go'aankii dowladda ee ahaa in lagu kordhiyo mushaarka ugu yar 12 boqolkiiba, tallaabadaas oo looga dan lahaa in lagu caawiyo shaqaalaha si ay ula qabsadaan qiimaha maciishada ee sii kordhaya.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Nation, heerarka cusub ayaa lagu dabaqayaa kumannaan shaqaale guri ah, oo ay ku jiraan caawiyayaasha guryaha, kuwa carruurta ilaaliya, beeralayda iyo shaqaalaha kale ee adeegga guriga ee dalka oo dhan.

    Sida ku cad qaab dhismeedka cusub ee mushaharka, shaqaalaha guryaha ee magaalooyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo Eldoret ayaa hadda xaq u leh in la siiyo ugu yaraan 18,047 shilin bishii.

    Kordhinta ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta ballaaran ee waaxda shaqada ee looga golleeyahay in lagu wanaajiyo daryeelka shaqaalaha iyo xoojinta hirgelinta sharciyada shaqada ee Kenya.

    Si kastaba ha ahaatee, shacabka Kenya ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sida ay uga xun yihiin amarkan cusub.

  8. Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil

    Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho lagu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Muslimiinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah.

    Balse waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jarmalka, iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin.

    Go'aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka mudaaharaadyada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin.

    Gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaabka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dambeeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay. Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsanaya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa'iil.

    Wareegtada ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in "Israa’iil ay xaq u leedahay in ay jirto, taasna ay la micno tahay jiritaanka dowladda Jarmalka”, sidaas awgeed, codsadayaasha waa in ay arrintan ku qaab qirtaan qoraal ahaaneed.

  9. Maraykanka oo sheegay in ay soo rideen laba daroon oo Iran leedahay

    Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen labo diyaaradood oo kuwa daroonka ah oo ay Iran leedahay, xilli ay marayeen marin biyoodka Hormuz.

    Soo ridida diyaaradahan ayaa dhacday inkastoo ay jirto xabad joojin labada dal u dhaxeysa.

    Horaantii, Sabtidii, mowjado weeraro ah oo Iran ay ku qaaday Bahrain iyo Kuwait ayaa la soo sheegay.

    Sida laga soo xigtay Tehraan, weeraradan ayaa loo qaaday aargudasho weerarrada Maraykanku ku qaaday qalabka Raadaarka Iran ee ku sugan xeebaha dalkaas.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in iyaga oo ka jawaabaya weerarka Maraykanku ku qaaday munaaradaha isgaarsiinta ee jasiiradaha Qeshm iyo Sirik, "laba saldhig oo ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin Kuwait, oo lagu magacaabo Ali al-Salem, iyo tas-hiilaadka muhiimka ah ee haray ee qaybta shanaad ee ciidamada badda ee Maraykanka ee Baxrayn, ayaa lala beegsaday gantaalaha ballistic-ga ee ciidamada hawada sare ee IRGC."

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka jawaabeen dhaq-dhaqaaqyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ee ka dhanka ah maraakiibta isku dayaya in ay maraan marin biyoodka Hormuz.

  10. Wuqooyiga Kuuriya oo sheegtay in barnaamijkeeda Nukeerlka uusan gorgortan galin

    Kim Yo-jong, oo la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaasi uu yahay “mid aan gabi ahaanba gorgortan laga geli karin”.

    "Mawqifkayaga quwadda nukliyeerka ah maaha mid laga gor-gortami karo sinaba," ayay ku tiri bayaanka, oo lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee xisbiga talada haya, Rodong Sinmun.

    Waxa ay sidoo kale intaa ku dartay in Kuuriyada Waqooyi " aysan u dulqaadan doonin hanjabaad kasta."

    Kim Yo-jong, oo xubin muhiim ah u ah isgaarsiinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa hadalkan jeedisay ka hor booqasho uu ku tagayo Kuuriyada Waqooyi madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo lagu wado in uu safarkiisa bilaabo Isniinta, uuna sii socdo ilaa Talaadada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Safarka Xi Jinping uu ku tagayo Pyongyang ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago Kuuriyada Waqooyi muddo 7 sano ah.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Shiinaha uu kulamo xiriir ah la qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin bishii hore.

    Shiinaha ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah taageereyaasha ugu muhiimsan ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi.