Afar jeer ayaan isku dayay inaan rag shukaansado, dhammaantood waxay ahaayeen khaa'imiin

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dhowr sano ka dib markii ay wayday lammaaneheedii oo ay 40 sano wada joogeen oo u dhintay coronavirus, Julie Osgood waxay go'aansatay inay tijaabiso adduunka shukaansiga casriga ah.

Laakiin waayo-aragnimadu waxay ku qancisay 60-jirtaan ku nool Middleton inay 'kaligeed joogto' sababtoo ah 'afartii nin ee ugu horreeyay ee ay la kulantay dhammaantood waxay noqdeen khi'miin.'

Julie, oo la socotay lammaaneheeda Tony Donohue tan iyo markii ay 17 jir ahaayeen oo ay la sii joogtay isaga ilaa dhimashadiisii Noofambar 2020, waxay sheegtay in iska diiwaangelinta abka shukaansiga ay ahayd 'tallaabo weyn'.

Waxa ay sheegtay in aysan kaliya fahmin ulajeedka dhabta ah ee khayaanada balse sidoo kale aan laga qalin shubatayn wax lacag ah.

"Weligay mar dambe ma geli doono bogga shukaansiga," ayay tiri. "Ma fahmin meesha aan kula kulmayo dadka dhabta ah."

'Qaab isku mid ah'

Jolie waxa ay sheegtay in ay doonayso si ay uga hortagto in dadka kale ay ku dhacaan khiyaamo la mid ah tii iyada ku dhacday iyo in ay cadaadis ku saarto goobaha shukaansiga in ay tallaabo qaadaan.

Marka loo eego tirooyinka ay heshay BBC-da sannadkii hore, lacagta ku luntay kiisaska khiyaanada jacaylka ee loo soo gudbiyay Action Fraud ayaa kor u dhaaftay 92 milyan oo ginni sannadkii 2024, marka loo eego £82 milyan oo sannadkii ka horeeyay ah.

Saddexdii jeer ee ugu horreysay Julie ayaa lala beegsaday isla barnaamij shukaansi isku mid ah, waxay sheegtay in mid kasta uu raacay tallaabooyin isku mid ah.

Sawirada raggan oo ay BBC-da la wadaagtay ay muujinayaan calaamado cad oo muujinaya in la abuuray iyadoo la adeegsanayo garaadka macmalka ah (AI), sida qoraallada oo gadaal laga faafiyay laga dareemayo.

"Dhammaantood waxay ku bilaabaan wada sheekeysi ku dhawaad sheeko isku mid ah," ayay tiri. "Dhammaan waxay sheeganayaan inay doob yihiin, marka laga reebo mid sheegay in la furay, laakiin dhammaan waxay leeyihiin gabdho qaan-gaar ah oo inta badan la nool hooyadood."

"Waxay ku qaadataa dhowr toddobaad inay dhab ahaantii wax weydiistaan."

Ka dib markii niyad jabkii shukaansiga online-ka Julie way ka quustay mar dambe in ay wax ka shukaansato madalahaas.

Si kastaba ha ahaatee ka dib markii ay ka guurtay gurigeeda, maada qofkii ugu dambeeyay ee carruurteeda uu ka tagaya guriga, waxay go'aansatay inay isku daydo hal mar oo kale.

"Kali ayaan ahaanayaa, mana doonayo in aan keligay ahaado weligeey," ayay tiri.

"Waxaan u maleynayay in dariiqa kaliya ee an wax ku helo karo uu yahay runtii website-yada la iska shukaansado, sidaa darteed waxaan siin doonaa hal jaanis oo kale oo dheeri ah, waxaana ku biiray madal ka duwan kuwii hore hal bil oo kale si aan u arko sida ay wax u dhaceen."

'Waa I kanaa mar kale'

Markan Julie waxay saxiixday app shukaansi oo ujeedadiisu tahay dadka ka wayn 50 ka sano, kaa loo yaqaan Ourtime.

Wax yar ka dib, waxay isku soo dhaceen nin wata magaca Franck.

Kaa oo qaab wanaagsan leh iyo timo qurxoon, Franck wuxuu u sheegay Julie inuu yahay naqshadeeye ku nool UK oo ka yimid waddankiisa Faransiiska saddex sano ka hor.

Mar labaad, Franck wuxuu sheegay in ay xaas kala tageen oo uu leeyahay gabar da'yar, laakiin waxay u muuqatay mid run ah ka dib markii ay ku sheekeysteen WhatsApp dhowr toddobaad, Julie waxay doonaysay inay waydiiso haddii uu la kulmi karo oo ay cabitaan wadaagi karaan si ay u aragto haddii uu yahay mid dhab u socda.

Waxay tiri: "Waxaan u maleynayay, qaab waa habka aan ku ogaan karo inaad qof rub wax u raba tahay iyo in kale. Waxa uuna I yiri 'haa taas waa mid fiican', laakiin qiyaastii afar maalmood ka dib, si lama filaan ah, wuxuu yiri waxaan qasbanaaday inaan aado Faransiiska waxaanan u maleeyay isla khiyaanadii inaan dhexda uga jiro."

Markan Julie waxa ay la ciyaartay ninkaan ciyaar dheer si ay u aragto waxa ugu danbeeya ee Franck damacsan yahay.

Waxa uu doonayey markiiba way caddaatay.

Qofkii ka dhex hadlayay akoonkan ayaa bilaabay inuu sheeko isku xiro taa oo ku saabsan in uu ku jiro kiis maxkamadeed oo la xiriira hantida aabihiis - ka dibna wuxuu ku andacooday in xukun isaga ka dhan ah lagu riday iyo in xisaabaadkiisa bangiga la xayiray.

Farriimaha uu u diray Julie, Franck waxa uu ku sheegay in xaaladdu ay "maskax ahaan iyo niyad ahaanba baabi'inayso".

Julie waxay sheegtay inay kiiska ku wargelisay Booliska Greater Manchester, kuwaas oo lala xiririay si ay wax uga waydiiyaan.

Julie oo la weydiiyay sababta ay u rabto in ay sheekadeeda ay la wadaagto, ayaa tiri: "Waan xanaaqsanahay sababtoo ah waa afar jeer, inta waxaan oo kale igu dhaceen.

"Sida iska cad waxay ku samayn doonaan qof kale, qof kalena waxaa laga yaabaa inuusan nasiib u yeelan, oo laga dhaco lacag badan."

Julie waxay arrinta la wadaagtay Ourtime.

Email loo diray Julie oo lala wadaagay BBC, Ourtime waxay dheheen: "Badbaadada xubnaheenna waa mudnaantayada ugu sareysa waxaana hiigsaneynaa inaan abuurno jawi nabdoon oo saaxiibtinimo dhammaan isticmaaleyaasha."

Adeeggu wuxuu codsaday macluumaad dheeri ah oo ku saabsan akoontiga wuxuuna sheegay in haddii booliisku ay rabaan caawintooda inay "caawin doonaan baaritaanka si kasta oo aan awoodno".

BBC waxay la xiriirtay Ourtime si ay faallo dheeraad ah uga hesho.

Julie waxay sheegtay in waayo-aragnimadu ay la kulantay ay waxyeeshay kalsoonideeda.

"Hadda waan ka quustay, keligay ayaan joogi doonaa," ayay tiri.