TOOS, Iiraan oo diidday soo-jeedinta Cumaan ee ku saabsan maamulidda Marinka Hormuz

Cumaan waxay soo jeedisay heshiis cusub oo heer gobol ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan marinka istaraatiijiga ah, kaas oo qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka caalamka iyo gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ay mari jireen ka hor intii aysan Maraykanka iyo Israa'iil weerarin Iiraan bishii Febraayo.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo diidday soo-jeedinta Cumaan ee ku saabsan maamulidda Marinka Hormuz

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tehraan ayaa diidday soo jeedintii Cumaan ee ku saabsanayd in si wadajir ah oo heer gobol ah loo maamulo Marinka Hormuz, sida uu sarkaal sare oo Iiraan u dhashay u sheegay Reuters Arbacadii. Tani waxay meesha ka saartay rajadii laga qabay in xal laga gaaro ismariwaaga hakiyay ganacsiga Khaliijka muddo bilooyin ah.

    Cumaan waxay soo jeedisay heshiis cusub oo heer gobol ah oo lagu xallinayo khilaafka ka taagan marinka istaraatiijiga ah, kaas oo qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka caalamka iyo gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ay mari jireen ka hor intii aysan Maraykanka iyo Israa'iil weerarin Iiraan bishii Febraayo.

    Si kastaba ha ahaatee, Tehraan ayaa diidday soo jeedintii Cumaan ee ahayd in si wadajir ah oo heer gobol ah loo maamulo Marinka Hormuz, iyadoo sheegtay in qorshahaasi aanu lahayn wax fursad ah oo uu ku guulaysan karo.

    Sarkaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanka iyo Sacuudiga ay isku dayayaan inay ku cadaadiyaan Cumaan sidii ay u hirgelin lahayd waxa uu ku tilmaamay "qorshayaal aan macquul ahayn" oo la xiriira marinka istaraatiijiga ah. Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay ku adkaysanayso in dhammaan marinka ay maraakiibtu ku soo galaan Marinka Hormuz iyo qayb ka mid ah marinka ay kaga baxaan ay noqdaan kuwo ay Iiraan gacanta ku hayso.

    Sarkaalku wuxuu sheegay in nidaam maamulka wadajirka ah ee 50-50 ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan aanu dan u ahayn Iiraan, inkasta oo Tehraan ay Cumaan u aragto deris muhiim ah oo qiimo weyn leh.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa Arbacadii sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen saddex markab oo shidaal sida oo ku sugnaa Marinka Hormuz, islamarkaana ay ku qasbeen inay istaagaan kaddib markii ay iska dhega tireen digniinno lagu siiyay iyagoo maraya waddo ay ku tilmaameen mid "aan ammaan ahayn oo sharci-darro ah."

    Warar dheeraad ah:

  2. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

    Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

  3. Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo uu ka mid yahay socdaalka

    Somalia

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Soomaaliya oo kulan laba geesood ah oo dhinaca shirka ah la yeelatay Kenya intii uu socday shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika

    Intii lagu guda jiray shirkii 49-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Musalia W. Mudavadi oo ka tirsan Kenya, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurbo-joogta, sida ay shaaciyeen labada dowladood.

    Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga ku saabsan adeegyada qunsuliyadaha iyo fududeynta isu-socodka dadka.

    Labada dhinacba waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ku saabsan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida gobolka.

    Warar dheeraad ah:

  4. Daawo: Waqtigii dhulgariirka xooggan uu ku dhuftay Japan

    Qoraalka Muuqaalka, Waqtigii uu dhulgariirkii xoogganaa ku dhuftay Japan

    Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay jasiiradda Kyushu ee dalka Japan 28-kii Luulyo, taasoo keentay in in ka badan 150,000 oo qof ay ka barakacaan guryahooda.

    Dhulgariirka ayaa sababay koronto la'aan, waxyeello soo gaartay waddooyinka, burbur qayb ka mid ah derbiga qalcadda, iyo burburka buundo dadka lugaynaya loogu talagalay.

    In ka badan 40,000 oo qoys ayaa koronto la'aan ah, waxaana la la'yahay dhowr qof ka dib markii ay soo duntay tuubbada qiiqa ee warshad waraaqaha lagu sameeyo oo ku taal gobolka Kumamoto; sida ay sheegeen booliiska oo ay soo xigatay idaacadda qaranka Japan ee NHK.

    Lifaaqa kore ka daawo:

  5. Shukulaatada madow ma caawisaa dhimista miisaanka?

    Sgukulaato

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxa laga yaabaa i naan inta badan aad u xiisaynno cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, gaar ahaan haddii aan leenahay cudurka macaan. Tusaale ahaan, aan soo qaadanno shukulaatada.

    Faa'iidooyinka shukulaatada madow ayaa si weyn loo shaaciyay muddo dheer. Ma laga yaabaa in shukulaatada caanaha lagu beddelo, midda ay ku jiraa kookaha badan ayna noqoto mid qancisay rabitaankeena shukulaatada ee u wanaagsan caafimaadkeena?

    Waxay ka kooban tahay qaybo ka faa'iido badan shukulaatada caanaha, laakiin ma aha cunto caafimaad leh.

    Ludlam-Raine waxay leedahay, "Wali waa cunto ay tahay in marmar la cuno, waxaana ku badan kara kalooriinta iyo dufanka oo badan, markaa uma arko in ay ahay cunto caafimaad leh, laakiin waa doorasho caafimaad leh marka loo eego shukulaatada caanaha."

  6. Trump oo Aqalka Cad ku casuumay "geesi" qabsaday baraha bulshada

    Xeebta

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Wiil da'yar oo badbaadiyay wiil ay qaadayeen hirar xooggan oo ka dhacay xeebta Santa Cruz, California, ayaa lagu casuumi doonaa Aqalka Cad si loogu maamuuso geesinimadiisa, sida uu Talaadadii sheegay Madaxweyne Donald Trump.

    Hawlgalkii samatabbixinta ee cajiibka ahaa, kaas oo ka dhacay Xeebta Seabright dhammaadkii usbuucii hore, ayaa laga duubay muuqaal. Muuqaalka ayaa muujinayay waardiyaha xeebta oo 16 jir ah isagoo si adag u haya wiilka, isla markaana madaxiisa ka ilaalinaya inuu biyaha hoos u galo, iyadoo hirar waaweyn ay si isdaba joog ah ugu dhacayeen. Ugu dambayn, isaga iyo waardiye kale oo xeebta joogay waxay ku guuleysteen inay wiilka si nabad ah ugu soo saaraan dhulka qallalan.

    “Waxaan Aqalka Cad ku casuumi doonnaa wiilkan geesiga ah iyo qoyskiisa, waxaana laga yaabaa inuu la yimaado wiilka uu badbaadiyey, si aan u guddoonsiinno Abaalmarinta Sare ee Rayidka. Aad buu geesi u yahay, wuuna mudan yahay!” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.

    Wiilka Madaxweyne Trump, Eric Trump, ayaa isaguna sheegay in waardiyaha xeebta la guddoonsiin doono abaalmarinta ugu sarreysa ee rayidka.

    Warar dheeraad ah:

  7. Iiraan: Waxaan joojinnay saddex markab oo shidaal qaada

    Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ku sheegay inay joojiyeen saddex markab oo shidaal qaada.

    Bayaanka oo la sii daayay Arbacadii ayaa lagu yiri: “Saacado ka hor, saddex markab oo xadgudub sameeyay, kuwaas oo sii waday inay ku socdaan jiho aan ammaan ahayn isla markaana sharci-darro ah inkastoo digniino loo jeediyay, ayaa la beegsaday lana joojiyay.”

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan maraakiibtan weli lama sii deyn.

    Shalay, wakaaladda Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas'uuliyiin heer gobol ah, sheegtay in Cumaan ay Iran u gudbisay soo-jeedin cusub oo lagu dhisayo hannaan wadajir ah oo heer gobol ah oo loogu talagalay maamulka Marinka Hormuz. Sida lagu sheegay warbixinta, soo-jeedintu waxay ku jiri doontaa ururinta khidmadaha ikhtiyaariga ah ee laga qaadayo waddamada ka qaybgalaya.

    Ilo xog-ogaal ah oo gobolka ka tirsan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa Reuters u sheegay in qorshaha Cumaan uu haysto taageero heer gobol.

    Warar dheeraad ah:

  8. Ma £50,000 ayaad ka dooran lahayd fursad aad ku heli karto £1m?

    Waxaad haysataa laba doorasho: inaad isla markiiba hesho £50,000, ama inaad bakhtiyaa nasiib gasho si aad u hesho 50% fursad aad ku guulaysan karto £1 milyan.

    Adigu kee baad dooran lahayd?

    Sida lagu ogaaday sahan ay samaysay YouGov oo ay ka qaybqaateen kumannaan qof, dadka intooda badan waxay doorteen inay qaataan £50,000 ee la hubo. Dumarku waxay codkooda ku taageereen lacagta la hubo boqolkiiba 82%.

    Sahankan ayaa dhaliyay dood ku saabsan sababta dadka reer Britain ay ugu muuqdaan kuwo ka taxaddar badan qaadashada khatarta marka loo eego dadka ku nool Maraykanka.

    Haddaba maxaa ka dhigaya natiijooyinkan kuwo sidaas u cad? Maxayse yihiin arrimaha dhaqaale iyo kuwa nafsiyeed ee saamaynta ku leh go'aankan?

  9. War deg deg ah, Dhimashada dhulgariirka Japan oo gaadhay 13 qof

    Jabaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Japan, Sanae Takaichi, ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhinteen dhulgariirkii ku dhuftay koonfurta galbeed dalka Japan, iyadoo intaas ku dartay in hawlgallada samatabbixintu ay yihiin “tartan ka dhan ah waqtiga”.

    Hawlgallo samatabbixin ayaa ka socda xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Kumamoto, halkaas oo dad badan ay ku xanniban yihiin.

    Mid ka mid ah goob-joogayaashu ayaa sheegay in dabaqa labaad ee xaruntaasi uu dumay.

    Mas’uul u hadlay dowladda Japan ayaa hore u sheegay BBC-da in dad badan weli lagu la’yahay xarunta ganacsiga iyo warshad kale, kaddib markii ay duntay dhuun-qiiqdii warshadd halkaas ku taalay.

  10. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo isweydaarsaday weerarro, taas oo soo afjartay hakadkii koobnaa ee colaadda

    Markab

    Xigashada Sawirka, Handout photo by US. Navy via Getty Images

    Iiraan ayaa ridday dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay ku sheegtay “weerar lama filaan ah” oo lagu beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanka, taas oo soo afjartay xasilloonidii ku-meelgaarka ahayd ee colaadda.

    Weerarkan ayaa dhacay 5:45 galabnimo waqtiga Bariga Maraykanka (21:45 GMT) maalintii Talaadada, waxaana dhammaan gantaalladii “si guul leh ayaa loo qabtay loona burburiyey”, sida uu sheegtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM), kaas oo aan shaacin goobaha la beegsaday.

    Dhanka kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Sacuudiga ayaa duqeymo ku qaaday “argagixisada taageersan Iiraan” ee ku sugan Ciraaq, iyagoo sheegay in ay jawaab u tahay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo Iiraan hagaysay, sida uu sheegay taliska CENTCOM.

    Iiraan weli wax war ah kama soo saarin arrintan. Haddii wararkani sax noqdaan, is-weydaarsiga weerarradu wuxuu soo afjari doonaa hakad kooban oo colaadda u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo loogu talagalay in dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada labada dhinac.

    CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo Sacuudigu ay duqeeyeen “goobo badan oo lagu kaydiyo hubka iyo saadka argagixisada” oo ku yaalla bariga Ciraaq.

    Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay “jawaab adag oo ka dhan ah in ka badan 30 weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo uu hagayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) intii lagu jiray 72-kii saacadood ee la soo dhaafay.”

    CENTCOM waxa uu sheegay in ciidamada Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ay tahay inay joojiyaan weerarradan si looga baaqsado jawaab milatari oo dheeraad ah oo uga timaadda Maraykanka.

    Hore maalintii Talaadada, Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadiisu ay qabteen oo burburiyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee gobolka bari ee dalkaas.

    Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, Sarreeye Guud Turki Al-Maaliki, ayaa ku eedeeyey maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan dhulka Ciraaq inay ka dambeeyeen weerarradaas.

    Dib u soo cusboonaanshaha colaaddan ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in wadaxaajoodyo “aad u saaxiibtinimo badan” ay la leeyihiin Iiraan. Xilligaas, labada dhinac saddex maalmood oo xiriir ah iskuma ay qaadin wax weerar ah.

    Xakamaynta iyo marin-u-helidda marin-biyoodka Hormuz ayaa weli ah qodobka ugu weyn ee muranka ka taagan wadaxaajoodyada, inkasta oo Iiraan ay beenisay in wadaxaajoodyo noocaas ahi ayba socdaan.