Ma £50,000 ayaad ka dooran lahayd fursad aad ku heli karto £1m?

Haweeney dhoolla-caddeyneysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Kevin Peachey
    • Role, Wariye ku takhasusay arrimaha qiimaha nolosha
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaad haysataa laba doorasho: inaad isla markiiba hesho £50,000, ama inaad bakhtiyaa nasiib gasho si aad u hesho 50% fursad aad ku guulaysan karto £1 milyan.

Adigu kee baad dooran lahayd?

Sida lagu ogaaday sahan ay samaysay YouGov oo ay ka qaybqaateen kumannaan qof, dadka intooda badan waxay doorteen inay qaataan £50,000 ee la hubo. Dumarku waxay codkooda ku taageereen lacagta la hubo boqolkiiba 82%.

Sahankan ayaa dhaliyay dood ku saabsan sababta dadka reer Britain ay ugu muuqdaan kuwo ka taxaddar badan qaadashada khatarta marka loo eego dadka ku nool Maraykanka.

Haddaba maxaa ka dhigaya natiijooyinkan kuwo sidaas u cad? Maxayse yihiin arrimaha dhaqaale iyo kuwa nafsiyeed ee saamaynta ku leh go'aankan?

Nasiib darro, fursadda ah in qofku dhab ahaantii la kulmo doorasho noocan oo kale ahi aad bay u yar tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ku jira casharro xiiso leh oo ku saabsan sida aan u maamulno lacagteena.

Maku raacsan tahay go'aanka ay qaateen dadka intooda badan?

Ku dhowaad saddex meelood laba (73%) oo ka mid ah 4,600 qof oo waaweyn oo laga qaybgeliyay sahanka ayaa sheegay inay dooran lahaayeen inay isla markiiba qaataan £50,000.

Wax yar oo ka badan shan meelood meel (21%) ayaa doortay inay qaataan fursadda £1 milyan, halka 6% ka mid ah dadka la waydiiyay ay ku adkaatay inay go'aan gaaraan, iyagoo aan dooran midna.

Kala duwanaanshaha u dhexeeya ragga iyo dumarka ee natiijooyinka ayaa ahaa mid aad u muuqda. Qiyaastii 82% dumarka ayaa doortay £50,000 ee la hubo, halka 63% ragga oo keliya ay sidaas sameeyeen.

Tani waxay waafaqsan tahay cilmi-baarisyo kale oo muujinaya in raggu laba jibbaar uga badan yihiin dumarka inay maalgashadaan saamiyada shirkadaha. Dhanka kale, dumarku waxay uga badan yihiin ragga inay lacagtooda dhigtaan xisaabaadka kaydka ee cash ISA, kuwaas oo ah xisaabaad kayd oo faa'iidooyinkooda canshuur laga dhaafo.

Go'aankaagu ma ku xiran yahay heerka dakhligaaga?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan ayaa laga yaabaa inay doortaan £50,000 ee la hubo, iyagoo u arka inay tahay lacag keliya isbeddel weyn ku keeni karta noloshooda.

Ka dib oo dhan, lacagtaasi waxay £10,000 ka badan tahay celceliska dakhliga sannadlaha ah ee shaqaalaha waqti-buuxa ka shaqeeya Boqortooyada Midowday (UK), sida ay muujinayaan tirakoobyada rasmiga ah.

Laakiin dadka da'da yar guud ahaan waxay helaan dakhli ka hooseeya. Si kastaba ha ahaatee, sahankan wuxuu muujiyay in dadka da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 24 jir ay ka diyaar badan yihiin koox kasta oo kale inay qaataan khatarta 50/50 ee lagu heli karo £1 milyan.

Qiyaastii 28% dadka da'daas ah ayaa doortay lacagtuurista ama bakhtiyaa nasiibka, halka dadka 65 jir iyo ka weyn ay boqolkiiba 11% oo keliya sidaas sameeyeen—kuwaas oo ah jiilka awoowayaashood.

Qof kastaa wuxuu leeyahay heer uu go'aankiisu is beddelo. Haddii sahanka lagu celiyo iyadoo lagu siinayo £5 oo la hubo ama 50/50 fursad aad ku heli karto £100, dadka intooda badan waxay u badan tahay inay doortaan fursadda £100.

Ka dib oo dhan, dad badan ayaa ugu yaraan £2 toddobaadkii ku bixiya tigidhada National Lottery, iyagoo rajaynaya inay ku guulaystaan abaalmarinta weyn.

Marka ay lacagahaasi sii kordhaan, waxaa si cad u muuqata heerka uu qofku diyaar ugu yahay inuu qaato khatar dhaqaale.

Maxaad si fudud ugu maalgashan weyday £50,000-ka?

Hal doorasho ayaa ah inaad qaadato £50,000 ee la hubo, adigoo rajaynaya inay lacagtaasi muddo ka dib sii korodho.

Haddii aad kaydsato lacagta, koritaankeeda waxaa ka caawin kara waxa loo yaqaan dulsaarka is-biirsada (compound interest), kaas oo ah marka dulsaarka aad hesho uu isaguna dhalo dulsaar kale muddo ka dib.

Doorasho kale ayaa ah inaad qaadato khatar badan adigoo maalgashanaya lacagta, taas oo laga yaabo inay keento faa'iido ka weyn, inkasta oo ay sidoo kale leedahay khatar sare.

Si kastaba ha ahaatee, waxyaabihii hore uga dhacay suuqyada maalgashigu ma dammaanad qaadayaan inay mustaqbalka sidaas oo kale u dhici doonaan.

Laakiin sida ay sheegtay Sarah Coles, oo ka tirsan shirkadda maalgashiga AJ Bell, haddii aad £50,000 ku maalgelin lahayd sanduuq caalami ah oo caadi ah ku dhowaad 38 sano ka hor, maanta qiimaha maalgashigaasi wuxuu gaadhi lahaa £1 milyan.

Go'aankani ma wuxuu ku salaysan yahay sida maskaxdeennu u fikirto?

Sida ay sheegtay Coles, maskaxdeennu si dabiici ah ayay ugu janjeertaa inay doorato £50,000-ka la hubo.

Taasi waa sababta oo ah, ayay tiri, waxaan khasaaraha u dareemnaa si ka xoog badan faa'iidada aan helno.

Waxay tiri:

"Farxadda laga yaabo in lagu helo ku guulaysiga £1 milyan si la mid ah looma dareemo sida cabsida ah in laga tanaasulo £50,000 oo la hubo, dabadeedna lagu dhammaado waxba la'aan."

Si kale haddii loo dhigo, haddii aad haysato £50,000 oo aad ogtahay inaad fursad u haysay inaad hesho £1 milyan, arrintaasi waxay maskaxdaada ku sii jiri kartaa oo aad ka fikiri kartaa.

Laakiin ma aha mid la mid ah inaad isku daydo inaad hesho £1 milyan dabadeedna aad ogaato inaad lumisay lacag u dhiganta lacagtii hore ee qof caadi ahi ugu baahan yahay inuu guri ka iibsado West Midlands.