Maxkamadda Sare ee Kenya oo go'aan kasoo saartay cabidda shiishadda

Shisha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa qaadday xayiraaddii Shiishadda, iyadoo go'aamisay in sii socoshada dhaqangelinta mamnuuciddaasi ay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Xukunkiisa, Garsoore Bahati Mwamuye wuxuu go'aamiyay in Xeerarka Caafimaadka Dadweynaha (Xakamaynta Sigaarka Shiishada), 2017 uu joojiyay inuu yeesho saameyn sharci ah ka dib markii ay dowladdu ku guuldareysatay inay ku soo celiso muddada sagaalka bilood ah ee ay bixisay maxkamaddu 2018.

Garsooraha ayaa ogaaday in mas'uuliyiintu aysan ku tiirsanaan karin xeerarkii dhacay si loo dhaqan geliyo mamnuucista, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay war-saxaafadeed 3-dii Febraayo, 2025 iyo amar 14-kii Abriil, 2025-ka oo lagu shaaciyay howlgal ka dhan ah xarumaha Shiishada.

Garsoore Mwamuye waxa kale oo uu qabtay in sii wadida fulinta mamnuucista ay ku xad gudubtay xuquqaha dastuuriga ah ee dacwoodayaasha, oo ay ka mamnuucday dawladda in ay fuliso xeerarka dhacay iyo awaamiirta ka dambaysa ee ka dhanka ah xubnaha Ururka Wax Soo-saarka Tubaakada Cusub.

Maxay Kenya u mamnuucday?

Shiishadda

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Kenya ayaa mamnuucday shiishada sanadkii 2017-kii hase-yeeshee waxaa weli meelaha qaar laga adeegsanayay shiishadda.

Dhuuqidda shiishadda oo sidoo kale loo yaqaanno narghile, haanta biyaha, hookah amaba nuugidda hubble bubble, ayaa asal ahaan laga keenay Bariga Dhexe iyo qeybo ka mid ah qaaradda Aasiya. Waa hab lagu dhuuqayo tubaako ku jirta weel.

Haanta ayaa leh af uu qofku ka nuugo qiiqa. Si kastaba, inta badan si fiican looma nadiifiyo haanta shiishada oo ay dad badan wada wadaagaan marka ay ku sugan yihiin maqaayadaha iyo baararka, taasoo keeni karta xanuunnada faafa sida TB iyo hepatitis, sida ay sheegtay NACADA.

Shiishadda ayaa caadi ahaan waxaa ku jirta tubaako mararka qaarna waxaa lagu dhex daraa khudrad amaba sokor. Noocyada ugu badan waxaa ka mid ah tab tufaaxa, strawberry, nacnaaca iyo cola. Dhuxul ayaa la hoos dhigaa haanta si loo diiriyo tubaakada uuna uga soo baxo qiiqa.

Sanadkii 2017, Kenya ayaa hirgelisay mamnuucidda shiishadda, oo ay ku jirto isticmaalkeeda, soo dhoofinteeda, sameynteeda, iibkeeda, xayeysiinteeda iyo dhiirrigelinta isticmaalkeedaba. Wuxuu dalkan noqday kan afaraad ee ku yaalla Bariga Afrika ee mamnuuca shiishadda, kadib Uganda, Tanzania iyo Rwanda.

Balse xitaa kadib mamnuuciddeeda, shiishadda ayaa weli aad looga iibiyaa gudaha Kenya, gaar ahaanna baararka habeenkii lagu caweeyo.

Ma saameyn caafimaad ayay leedahay?

Shisha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasado badan oo marar kala duwan laga sameeyay shiishadda ayaa lagu ogaaday inay leedahay dhibaatooyin la mid ah kuwa cabidda sigaarka.

Inkastoo dadka isticmaala ay u maleeyaan inay ka saameyn yar tahay, haddana daraasadahan ayaa muujinaya in shiishadda ay ku jiraan walxo la mid ah kuwa laga helo sigaarka, sida nicotine, tar, iyo bir culus.

Haanta biyaha waxaa ku jirta nicotine—oo ah isla daroogada aadka la qabsiga u leh ee laga helo tubaakada.

Tubaakada ku jirta shiishadda ayaa lagu kululeeyaa dab awood badan, qiiqana ayayna khubarrada caafimaadku sheegayaan inuu yahay sun si la mid ah sigaarka.

Kulka lagu gubo shiishadda ayaa soo daaya walxo kale oo khatar ah, sida carbon monoxide, taasoo ay khubarradu sheegeen inay dhibaato kale ku tahay dadka caba.

Dadka shuuqa shiishadda ayaa aalaaba muddo aad u dheer fadhiya, taasna waxay keentaa in mararka qaar ay 100–200 oo jeer ay nuugaan qiiq la mid ah hal mar oo aad jiiddo sigaarka.