Shukulaatada madow ma caafimaad baa? Waa maxay faa'iidooyinka iyo khataraha ay leedahay?

Faa'iidooyinka shukulaatada madow ayaa si weyn loo shaaciyay muddo dheer. Ma laga yaabaa in shukulaatada caanaha lagu beddelo mid ka ay ku jiraa kookaha badan ayna qanciso rabitaanka shukulaatada oo u wanaagsan caafimaadkeena?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxa laga yaabaa i naan inta badan aad u xiisaynno cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, gaar ahaan haddii aan leenahay cudurka macaan.

Tusaale ahaan, aan soo qaadanno shukulaatada.

Faa'iidooyinka shukulaatada madow ayaa si weyn loo shaaciyay muddo dheer. Ma laga yaabaa in shukulaatada caanaha lagu beddelo, midda ay ku jiraa kookaha badan ayna noqoto mid qancisay rabitaankeena shukulaatada ee u wanaagsan caafimaadkeena?

Nichola Ludlam-Raine, oo ah khabiir cuntooinka oo diiwaangashan isla markaana ah qoraaga buug ku saabsan cuntooyinka la warshadeeyay, ayaa sharraxaysa runta ku saabsan mowduucan.

Shukulaatada madow ma noqon kartaa mid caafimaadka u wanaagsan?

Haa, haddii si dhexdhexaad ah loo sameeyo.

Shukulaatada madow, gaar ahaan kuwa ka kooban 70% ama ka sameysan kookaha badan waxay yeelan kartaa faa'iidooyin caafimaad. Si kastaba ha ahaatee, tayadeedu way kala duwan tahay iyadoo ku xiran nooca ay tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in ay wali ku badan tahay kalooriinta, sidaa darteed in cabbirka yar yahay (qiyaastii 20-30 garaam) waa muhiim.

Waa maxay shukulaatada madow?

Shukulaatada madow waxay ka kooban tahay xaddi badanoo shukulaatada caanaha iyo subagga kookaha. Shukulaatada caanaha waxay sidoo kale ka kooban tahay sonkor badan. (Shukulaatada cad ma laha wax adag oo kookaha ah.)

Ludlam-Raine waxay leedahay, "UK iyo Midowga Yurub, shukulaatada madow guud ahaan waxay ka kooban tahay ugu yaraan 35% walxo adag oo kookaha ah, laakiin inta badan waxyabaaha lagu sameeyo shukulaatada madow waxay ka kooban tahay inta u dhaxaysa 50-90%."

"Marka kasta oo xaddiga boqolleydu sareeya, ayaa isku-darka kookaha laga helo ay sii badanayaan, taasoo ka dhigaysa mid yar sonkorta loogu tala galay in lagu daro"

Shukulaatada caadiga ah guud ahaan waxa loola jeedaa shukulaatada madow ee aanay ku jirin caano. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad qabto xasaasiyad laktoos ama xasaasiyad kale, hubi liiska maaddooyinka si aad u hubiso badbaadadaada.

Shukulaato 100% ma tahay doorshada ugu caafimaadka badan?

Shukulaatada madow waxay ka kooban tahay maadadooyinka kookaha, antioxidants-ka kuwaa oo la sheegay inay faa'iido u leeyihiin caafimaadka. Shukulaatada 100% waxay leedahay kookaha ugu badan mana jirto sonkor lagu daray. Sidaa darteed, waxay u badan tahay inay leedahay heerka ugu sarreeya ee flavanols ee kookaha.

Laakiin tani waa dhadhan la bartay, mana jirto baahi qasab ka dhigeysa haddii aysan ku habboonayn dhadhankaaga.

"Shukulaatada madow ee tayo sare leh oo ka kooban 70-85% kookaha waxay bixisaa qaybo badan oo faa'iido leh isla markaana waa mid aad u xiiso badan in la cuno."

Shukulaatada madow hoos ma u dhigi kartaa cadaadiska dhiigga?

"Waxa jira caddaymo muujinaya in flavanol-ka kookaha uu taageeri karo caafimaadka xididdada dhiigga isla markaana uu faa'iido u leeyahay cadaadiska dhiigga iyo socodka dhiigga."

"Daraasado qaar ayaa tilmaamaya in isticmaalka joogtada ah ee waxyaabaha laga sameeyo kookaha ee hodanka ku ah flavanol ay la xiriirto horumar yar oo ku yimaada caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga."

Shukulaatada madow ma ka caawisaa dhimista miisaanka?

Waxay ka kooban tahay qaybo ka faa'iido badan shukulaatada caanaha, laakiin ma aha cunto caafimaad leh.

Ludlam-Raine waxay leedahay, "Wali waa cunto ay tahay in marmar la cuno, waxaana ku badan kara kalooriinta iyo dufanka oo badan, markaa uma arko in ay ahay cunto caafimaad leh, laakiin waa doorasho caafimaad leh marka loo eego shukulaatada caanaha."

"Dhibaatadu waxay tahay in maaddada flavanol ee ku jirta shukulaatada ay aad u kala duwan tahay, macluumaadkanna si dhif ah ayaa loogu sheegaa baakadaha."

"Qayb yar oo shukulaato madow ah oo leh kookaha badan, sida 20-30 garaam, ayaa lagu dari karaa cunto caafimaad leh, laakiin xaddiga loo baahan yahay si loo helo faa'iidooyinka caafimaad lama oga."

Maaddada caffeine ma ku jirtaa shukulaatada madow?

Shukulaato madow ah waxa ku jiraqiyaastii 20-30 mg oo kafeyn ah, halka koob qaxwo ah uu ku jiro qiyaastii 95 mg oo caffeine ah.

Ludlam-Raine waxay leedahay shukulaatada leh kookaha cufan waxay yeelan kartaa heerar caffeine oo sarreeya.

Sidaa darteed, haddii aad xasaasiyad ku tahay caffeine, "gaar ahaan haddii aad dhibaato ku qabtid hurdada, waxa ugu wanaagsan inaad si dhexdhexaad ah u isticmaasho waxyaabaha kookaha ku badan yahay gelinka dambe."

Sidee ayaad u akhrisaa calaamadda?

Guud ahaan, maaddooyinka yar ee shukulaatada ku jirto, ayaa kasii fiican. Si kastaba ha ahaatee, tani macnaheedu ma aha inaan cuni karno tiro aan xadidnayn oo shukulaato ah oo laga sameeyay saddex maaddo oo keliya.

"In kasta oo shukulaatada madow ay leedahay qaybo waxtar leh, haddana waxaa ku badan kalooriinta, guud ahaanna waxay ka jira dufan badan."

Sidaa darteed, isticmaalka xaddi badan oo joogto ah waxay keeni kartaa qaadashada kalooriin xad-dhaafka ah.

"Dadka badankood, 20-30 garaam waa cabbir macquul ah oo u oggolaanaya inay ku raaxaystaan dhadhanka iyo faa'iidooyinka suurtagalka ah iyagoon iska badin ."