Somaliland oo guddi u saartay ololahooda aqoonsi-raadinta

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay machad u ololeeya aqoonsiga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 35-guurada xilliga ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, ayaa sheegay in Machadka Aqoonsiga iyo Madax-bannaanida Somaliland uu guddoomiye u noqonayo "saaxiibka Somaliland" Sir Gavin Williamson.

Sir Gavin Williamson, oo ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka Ingiriiska, ayaa muddo dheer u ololeynayay in caalamku aqoonsado Somaliland.

"Waxaa u diyaar ah in ka badan 2000 oo saaxiibbada Somaliland ah, oo dunida oo dhan kala jooga inay gacan ka geystaan machadkaas," ayuu yiri.

Machadkaas ayuu Madaxweyne Cirro sheegay inuu ururin doono taariikhda iyo doodda sharci ee ictiraafka Somaliland, waxaana laga diwaan geliyay magaalada London ee caasimadda UK.

"Waxaa isugu tegay dad badan oo jaamacadaha wax ka dhiga oo sharciga u badan, arrintaasi waxay soo dhoweyn doontaa doodda Somaliland ee dunida, waana rag ay ka go'an tahay in qadiyadda Somaliland si buuxda looga mira-dhaliyo." Ayuu intaas raaciyay.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2024 u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas'uuliyiin ka dhow dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson, waxa uu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay uu ku kalsoonyahay inuu ka dhabayn doono aqoonsiga Somaliland.

"Waa in ay oggolaadaan oo nagu raacaan, inkastoo marka uu xafiiska la wareego Madaxweyne Donald Trump ay u badan tahay in ay qaadan doonto wakhti ka badan inta aanu rajaynayo." Ayuu yidhi Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo la hadlayey Wargeyska Wargeyska The Independent, waxaanu intaasi sii raaciyey, "laakiin waxa aanu yeelannay kulamo wanaagsan dadka siyaasaddiisa hormuudka u ah, waanu isfahannay".

Dad u dabaal-degaya 18 May

Xigashada Sawirka, TELEFISHINKA QARANKA SOMALILAND

Qoraalka sawirka, Dadweyne u dabaal-degaya munaasaabadda 18 May
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jamhuuriyadda iskeed isu magacowday ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May 1991. Tan iyo waagaasna waxay raadineysay in caalamku aqoonsado.

Israa'iil ayaa bishii December ee sanadkii hore qaadatay go'aan muran badan dhaliyay oo ah inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, taasoo dhalisay cambaareyn ka timid dalal badan.

Israa'iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya adduunka, in ka badan 30 sano.

Madaxweynaha Somaliland ayaa arrintan ku tilmaamay "waqti taariikhi ah," balse Soomaaliya ayaa si carro leh u diidday tallaabada Israa'iil, iyadoo u aragtay weerar lagu qaaday madax-bannaanideeda.

Tan iyo markaas, tobannaan dal iyo ururro ay ka mid yihiin Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay bayaankan lama filaanka ahaa.

Shiinaha ayaa sidoo kale ku biiray dhawaaqyada diidmada, iyadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Lin Jian uu wariyeyaasha u sheegay: "Ma jiro dal ay tahay inuu dhiirrigeliyo ama taageero xoogagga gooni-goosadka ah ee dalal kale si uu danihiisa gaarka ah ugu fuliyo."

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa difaacay go'aanka Israa'iil intii lagu jiray kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu uga hadlayay arrintan, isagoo sheegay in falcelintan ay ka duwan tahay go'aan ay qaateen dalal badan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay horaantii sannadkii hore oo ahaa inay aqoonsadaan dowlad Falastiin ah — tallaabadaas oo Maraykanku si adag uga soo horjeestay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Somaliland waxay ku fadhidaa dhul istaraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah Gacanka Cadmeed, waxayna leedahay lacag u gaar ah, baasaboor iyo ciidan booliis ah.

Iyadoo ay ku nool yihiin ku dhowaad lix milyan oo qof, jamhuuriyadda iskeed isu magacowday ayaa sidoo kale dhawaan noqotay xarunta dhowr muran oo goboleed oo u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar.

Horraantii sanadkii 2024, heshiis dhex maray Itoobiya oo bad la'aan ah iyo Somaliland oo ku saabsan in Itoobiya ay kiraysato qayb ka mid ah xeebta si ay uga dhisto deked iyo saldhig ciidan ayaa ka careysiiyay Soomaaliya.

Miisaanka Siyaasadeed ee Gavin

Sir Gavin Williamson ayaa muddo u ololeynayay aqoonsi u raadinta Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Sir Gavin Williamson ayaa muddo u ololeynayay aqoonsi u raadinta Somaliland

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra'isulwasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xilligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhigga UK xilligii Ra'isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday.

Inta uu wasiirka gaashaandhigga ahaa waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, balse ma uusan dhaafin xerada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha.