Baasaboorrada ugu awoodda badan 2026 iyo Somaaliya oo ka horreysa dalal badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tusmada ugu dambeysay ee tilmaanta Baasaboorka Henley ayaa muujinaysa waxqabadka guud ee baasaboorrada, gaar ahaan baasaboorrada Afrika, marka la eego socdaalka caalamiga ah.
Dalal badan oo ku yaal Afrika ayaa lagu kala darajeeyay heerar kala duwan, qaar ka sarreeya kuwa kale inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho dhab ah oo dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ah.
Sida lagu sheegay warbixintan, qaar ka mid ah baasaboorrada Afrika ayaa helay darajooyin wax yar ka wanaagsan marka loo eego sannadkii hore, taasoo muujinaysa horumar yar oo laga sameeyay helitaanka safarro aan fiiso lahayn ama fiiso lagu helo marka la yimaado.
Darajooyinka baasaboorrada Afrika ayaa isbeddello waaweyn soo maray sannadihii la soo dhaafay, iyadoo qiimahooda kor u kacay 2000-meeyadii, balse si lama filaan ah hoos ugu dhacay horraantii 2020-meeyadii.
Guud ahaan, baasaboorrada Afrika waxay bixiyaan fursad safar oo bilaa fiiso ah oo kooban iyadoo loo eego dalal yar.
"Bilaa fiiso" waxay ka dhigan tahay in aan loo baahnayn nidaamyo hore si loo galo dalka la aadayo, halka fiisada marka la yimaado la bixiyo marka la gaaro dalka la tagayo.
Tilmaanta Baasaboorka Henley waxaa lagu saleeyaa awoodda ay u leeyihiin gelitaanka caalamiga ah, iyadoo dalalka leh dhibco isku mid ah la siiyo darajo isku mid ah.
Qiimeyntan waxaa lagu saleeyay xog laga helay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), waxayna cabirtaa awoodda baasaboorka ee lagu oggolaan karo safar bilaa fiiso ah ilaa 227 goobood oo adduunka ah.
Singapore, Japan, iyo Koonfur Kuuriya ayaa ah saddexda dal ee leh baasaboorrada ugu awoodda badan caalamka.
Japan, Imaaraadka Carabta, iyo Koonfur Kuuriya waxay helaan safar bilaa fiiso ah oo gaara 187 dal oo adduunka ah, halka Singapore ay gaari karto 192 meelood.
Dhanka kale, Ciraaq, Suuriya, iyo Afgaanistaan ayaa ku jira boosaska ugu hooseeya ee qiimeynta. Afgaanistaan waxay ku jirtaa kaalinta 101aad, iyadoo fursad u leh oo kaliya 23 dal.
Seychelles iyo Mauritius ayaa ah dalalka Afrika ee ugu sarreeya darajooyinka, iyagoo kala galay boosaska 22aad iyo 25aad siday u kala horreeyaan.

Xigashada Sawirka, Osarieme Eweka/Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadihii u dambeeyay, dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Itoobiya, Zambia, Zimbabwe, Lesotho, Soomaaliya, Mauritania iyo São Tomé iyo Príncipe ayaa shuruudo fiiso ah kusoo rogay muwaadiniinta Nigeria, taasoo xaddidaysa tirada dalalka ay dadka heysta baasaboorka Nigeria u safri karaan iyaga oo aan fiiso hore u qaadan, taasoo hadda noqotay 44 dal.
Sida ku cad tilmaanta Baasaboorka Henley, Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay ku jirtaa kaalinta 6aad ee caalamka, iyadoo muwaadiniinteedu ay si bilaa fiiso ah u geli karaan 183 dal.
Canada iyo Australia ayaa ku kala jira kaalinta 7aad, iyagoo siinaya muwaadiniintooda marin bilaash ah oo fiiso la'aan ah oo gaara 182 meelood.
Iceland iyo Maraykanka ayaa ku wada jira kaalinta 10aad, iyadoo la gaari karo 179 dal iyada oo aan fiiso loo baahnayn.
Kaalinta 4aad waxaa ku jira Belgium, Denmark, Finland, Germany, France, Ireland, Italy, Luxembourg, Norway, Netherlands iyo Switzerland, kuwaas oo baasaboorradoodu u oggolaanayaan safar bilaa fiiso ah oo gaaraya 185 dal.
Dalalka leh baasaboorrada ugu awoodda badan caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images/Riska
- Singapore – 1aad
- Japan – 2aad
- Koonfur Kuuriya – 2aad
- Imaaraadka Carabta – 2aad
- Sweden – 3aad
- Belgium – 4aad
- Denmark – 4aad
- Finland – 4aad
- France – 4aad
- Germany – 4aad
- Ireland – 4aad
- Italy – 4aad
- Luxembourg – 4aad
- Netherlands – 4aad
- Norway – 4aad
- Spain – 4aad
- Switzerland – 4aad
- Austria – 5aad
- Greece – 5aad
- Malta – 5aad
Falastiin waxay ku jirtaa kaalinta 94aad iyadoo leh marin aan fiiso lahayn oo gaaraya 38 dal, halka Bangladesh ay ku jirto kaalinta 95aad oo ay gaari karto 36 dal.
Waqooyiga Kuuriya waxaa lagu daray kaalinta 96aad iyadoo leh marin aan fiiso lahayn oo 35 dal ah, Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 97aad iyadoo leh marin aan fiiso lahayn oo 32 dal ah, halka Pakistan ay ku jirto kaalinta 98aad oo gaari karta 31 dal.
Yemen sidoo kale waxay ku jirtaa kaalinta 98aad iyadoo gaari karta 31 dal iyada oo aan fiiso loo baahnayn, Ciraaq waxay ku jirtaa kaalinta 99aad oo leh 29 dal, Suuriya waxay ku jirtaa kaalinta 100aad oo leh 26 dal, halka Afgaanistaan ay ku jirto kaalinta ugu dambeysa iyadoo gaari karta kaliya 23 dal iyada oo aan fiiso loo baahnayn.
Tobanka baasaboorrada ugu awoodda badan Afrika
- Seychelles
- MAURITIUS
- South Africa
- Botswana
- Namibia
- Lesotho
- eSwatini
- Kenya
- Gambia
- Tanzania











