Sidee ayey calalintu u kordhisaa shaqada maskaxda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo si weyn loo og yahay in calalin badan ay hagaajiso dheef-shiidka, daraasado qaar ayaa muujinaya in ay sidoo kale kordhin karto shaqada maskaxda, xitaa laga yaabee in ay ka hortagto cudurka Asaasaqa.
Horace Fletcher, oo calalin jiray waxyaabo cagaaran ilaa iyo 722 jeer ka hor inta uusan liqin, waxa loo bixiyay "ninkii ugu weynaa ee wax calaliya." Fletcher oo u dhashay Maraykanka, wuxuu aaminsanaa in cuntada la "calaliyo ilaa ay gabi ahaan noqoto dareere" oo ay "ku dhowaad iskeed isu dheefshiido."
Fletcher wuxuu sheegay in calalin xooggan ay dhaqaalaha Mareykanka u badbaadin lahayd horaantii qarnigii 20aad ilaa nus milyan doolar maalintii, taas oo maanta u dhiganta qiyaastii 19.5 milyan oo doolar, sababtoo ah qofka caadiga ahi wuxuu cuni lahaa 227 garaam oo cunto ah maalintii.
Aragtida Fletcher waxay u muuqan kartaa mid xad-dhaaf ah, balse "siyaabaha qaar wuu saxan yahay," ayuu yiri Mats Trollsson, oo ah Prof. ka tirsan waaxda nadaafadda ilkaha ee Machadka Karolinska ee Sweden.
Calalinta badan waxay leedahay faa'iidooyin caafimaad oo badan, laga bilaabo hagaajinta dheef-shiidka iyo dhimista kalooriyada la qaato, ilaa yaraynta walbahaarka iyo welwelka, iyo xoojinta xusuusta iyo feejignaanta.
Maadaama uu xiriir ka dhexeeyo caafimaadka ilkaha, cudurka Asaasaqa iyo hoos u dhaca garashada, waxay khubarada qaar aaminsan yihiin in hagaajinta caafimaadka afka iyo ilkaha ay sidoo kale yareyn karaan calaamadaha gabowga maskaxda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda hore ee xanjo calalinta
Sida xayawaanno badan, bani'aadamku "wuxuu leeyahay ilko iyo daan soo maray isbeddello badan oo taariikhi ah," ayuu yiri Adam van Casteren, oo ah khabiir ku takhasusay bayoolajiga deegaanka iyo horumarka, kana tirsan Machadka Max Planck ee Jarmalka.
Dadkii ugu horreeyay ee bani'aadamka ee noolaa qiyaastii lix ilaa toddobo milyan oo sano ka hor, waxay lahaayeen ilko la mid ah kuwa daanyeerrada casriga ah, kuwaas oo si gaar ah ugu habboonaa cunista "miraha waaweyn ee jilicsan" ee kaymaha ku badnaa waqtigaas.
Laakiin markii kaymihii yaraadeen bani'aadamku wuxuu ku khasbanaaday in ay la qabsadaan "cuntooyin adag" sida, lawska, iyo xididdada dhirta. Van Casteren wuxuu sheegay in taasi sababtay in ay yeeshaan ilko waaweyn, daamo waaweyn, iyo murqo calalin oo xooggan.
"Aragtidu waxay tahay in calalintu ay u shaqeyso sida graacis xooggan, oo dhiigga gaarsiiya maskaxda," ayuu yiri Mats Trollsson.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Calalintu waxay sidoo kale sii daysaa nafaqooyinka cuntada, taas oo u oggolaanaysa jirka in uu si wax ku ool ah u nuugo. Daraasad la sameeyay sanadkii 2009-kii ayaa 13 qof oo caafimaad qaba laga codsaday in ay calaliyaan qadar yar oo laws ah 10, 25, ama 40 jeer.
Markii cilmi-baarayaashu ay ururiyeen saxarada ka qaybgalayaasha, waxay ogaadeen in kuwii si badan u calaliyay ay dufan yar soo saareen, taas oo muujinaysa in nuugista tamarta nafaqooyinka ay kordhay ilaa saddex meelood meel.
Daraasad kale oo sanadkii 2013-kii la sameeyay ayaa taageertay xiriirkaas. Daraasaddan, 21 qof ayaa laga codsaday in ay cunaan xabbad pizza ah oo yar iyagoo midkood calalinaya 15 jeer halka kooxda kale ay 40 jeer calalinayeen.
Natiijadu waxay noqotay in kooxda 40-ka jeer calalisay in ay si weyn u yaraatay dareenkooda gaajada.
Laba falanqayn oo waaweyn oo dib u eegay ku dhowaad 50 daraasadood ayaa sidoo kale muujiyay in calalinta badan ay guud ahaan horseeddo cunis yar.
Sababtu waxay tahay, jirku wuxuu u baahan yahay qiyaastii 20 daqiiqo si uu u habeeyo hormoonnada gaajada, una diro maskaxda calaamadaha dheregta, halka calalintu ay qofka siinayso waqti dheeraad ah ka hor marxaladdaas.
Daraasad lagu sameeyay 92 carruur ah oo ku nool Brazil ayaa lagu ogaaday in carruurta cayilan ay "waqti yar wax calaliyaan, degdegna wax u cunaan" marka loo eego carruurta miisaankoodu caadiga yahay.
Hagaajinta caafimaadka maskaxda
Hab wanaagsan oo lagu yareeyo xawaaraha sida wax loo cunno, waa in la doorto cuntooyin u baahan calalin badan. Daraasado badan ayaa ku taliya in la cuno cunto adag halkii laga cabbi lahaa dareere.
Marka laga soo tago nafaqada iyo dheef-shiidka, cilmi-baarayaashu waxay sii ogaanayaan in calalintu door muhiim ah ka ciyaarto dhinacyo kale oo caafimaadkeenna ah, gaar ahaan caafimaadka maskaxda marka aan sii gabowno.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Daraasad ay ka qayb galeen in ka badan 28,500 qof oo ka weyn 50 sano kana kala yimid 14 waddan oo Yurub ah ayaa lagu ogaaday in dadka leh awood calalin oo wanaagsan ama aan isticmaalin ilkaha macmalka ah in ay garashadoodu fiican tahay.
Daraasad kale oo ay ka qayb galeen 273 qof oo caafimaad qaba oo da'doodu u dhaxaysay 55 ilaa 80 sano ayey saynisyahannadu ku ogaadeen in dadka leh ilkaha dabiici ah ee badan ay lahaayeen "xusuus fikradeed" oo ka wanaagsan kuwa kale oo aan laheyn intaas.
Xiriirka ka dhexeeya calalinta iyo xusuusta
Calalinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ay hagaajiso feejignaanta dadka caadiga ah.
Daraasad kale oo madaxbannaan oo ay ka qayb galeen 80 qof ayaa lagu ogaaday dadka calaliya xanjada in ay kororto feejignaantooda boqolkiiba 10 inta lagu jiray cilmibaarista.
Falanqayn badan oo dib loogu eegay 21 daraasadood ayaa muujiyay in dadka xanjada calaliya lagu arkay horumar yar laakiin tirakoob ahaan muhiim ah oo ku saabsan feejignaanta iyo diiradda marka loo eego dadka kale intii lagu jiray daraasadda.
Mats Trollsson wuxuu sheegay in saynisyahannadu "aanay si buuxda u fahmin sida ay tani u dhacdo," laakiin xiriirka u dhexeeya calalinta iyo kororka feejignaantu uu u muuqdo mid xooggan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yaraynta walbahaarka
Calalintu ayaa sidoo kale u muuqataa hab wax ku ool ah oo lagu yareeyo walbahaarka.
Cilmi-baarayaal Turki ah oo daraasad ku sameeyay 100 arday oo gabdho kalkaaliyayaal ah oo isu diyaarinayay imtixaanno ayey ku ogaadeen in kooxdii xanjada calalisay ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta ay muujiyeen heerar hoose oo walbahaar, welwel, iyo niyad-jab ah.
Koonfurta Kuuriya, xanjo calalintu waxay dadka sidoo kale ka caawisay yareynta welwelka dumarka isu diyaarinayay qalliinno.
Saameyn la mid ah ayaa sidoo kale lagu arkay 73 carruur Turki ah markii lagu rakibayay irbado xididka gala.
Calalintu, maadaama ay qayb muhiim ah ka tahay cunista, waxay sii daysaa dhadhanka cuntada "waxay ka dhigtaa waayo-aragnimada cunnada mid hodan ah oo lagu raaxeysto," ayuu yiri Jianshi Chen, oo ah cilmi-baare ku takhasusay habka cuntada loogu farsameeyo afka kana tirsan Machadka Sayniska, Teknolojiyadda iyo Cilmi-baarista ee Singapore,
Si kastaba ha ahaatee, waa in aan calalinta xad dhaaf laga dhigin. Si ka duwan Horace Fletcher, khubarada badankoodu ma aaminsana "tiro sax ah" oo wax la calaliyo.









