Nin ku dhawaad 20 sano dambi uusan gelin xabsi ugu jiray

Xigashada Sawirka, Pete Milson
Andrew Malkinson ayaa ugu baaqay dowladda in ay soo farageliso, arrinta ku saabsan in laga codsaday inuu bixiyo lacagihii ku baxay adeegyadii qareennimo ee loo sameeyey markii ay socotay dacwaddiisii xilli uu ku xunnaa kufsi uusan gelin.
Waxaa kale oo uu ka baqayaa in lagu soo rogo lacago gaaraya £10,000 oo loogu talagalay sharci-yaqaannadiii ka caawiyey dacwaddiisii guulaysatay ee maxkamadda, isaga oo ku tilmaamay dalabka lacag-bixintaas 'bakhaylnimo'.
"Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay arrin uu Xoghayaha Cadaaladda David Lammy ku xallin karo saxiix qalin oo keliya si fudud," ayuu u sheegay barnaamijka Today ee BBC Radio 4.
Malkinson ayaa xabsi ku jiray in ka badan 17 sano, kadib markii lagu soo eedeeyey weerar arxan-darro ah oo ka dhacay 2003 gudaha Greater Manchester, taas oo noqotay mid ka mid ah gefafkii ugu xumaa ee caddaalada taariikhda Ingiriiska
"Ma garanayo sababta loo sameeyey arrintan, balse wax macno ah ma samaynayso marka laga reebo inay si cad iskugu dayayaan in ay doonayaan in ay dib u ceshtaan lacagahii magdhowga aan helay intii ay awoodaan" ayuu yiri.
Wasaaradda Cadaaladda oo BBC-da la hadashay ayaa tiri: "Nidaamka magdhowga xukunnada caddaalad-darrada ku dhaca, waxaa loogu talagalay inuu ka caawiyo dadka inay dib u dhistaan noloshooda, sannadkii horena waxaan kordhinay lacagta ugu badan ee magdhowga ah ee uu qofka helayo illaa 30%, taas oo gaartay £1.3 milyan".
"Guddiga Dib-u-eegista Sharciga ayaa hadda ka tashanaya sharciyada la xiriira rafcaannada dambiyada, oo ay ku jirto magdhowga gefafka caddaalad-darrada ah ee dadka ku dhaca, waxaana si adag uga fiirsan doonnaa tallaabooyinka aan qaadi karno," ayey hadalkooda raaciyeen.
Malkinson oo wareysiyo kala duwan siiyey BBC Today Radio 4 iyo podcast-ka BBC ee Shadow World: Stolen Years ayaa sheegay in la khiyaanay, kadib markii bishii hore Paul Quinn loo xukumay dambigii loo heestay isaga "Waa la i khiyaamay, si aad u xun ayaa la ii khiyaamay," ayuu yiri Malkinson.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in maxkmaduhu ay "ugu dambayn heleen dambiilihii dhabta ahaa".
Isaga oo tilmaamay in rubuc qarni noloshiisa kamid ah uu ahaa waqti xanuun iyo silic badan.
Maalintii Quinn oo 52 jir ah lagu helayey dambi kufsi, ceejin iyo dhaawac culus, Malkinson waxa uu ku jiray dalxiis uu ku joogay Talyaaniga isagoo booqanayay dhismayaasha qadiimiga ah ee Rome.
"Waan carooday sababtoo ah aniga ayaa muddadaas dheer dusha la ii saarayey eedda oo dhan," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inuu "qaadanayay ciqaab qof kale" inkastoo aysan jirin caddeyn DNA ah oo ku xiraysay dambiga.
Malkinson, oo hadda 60 jir ah, mar walba wuxuu ku doodayay inuusan wax dambi ah lahayn, balse ma jirin cid dheggeysatay waana la xukumay.
Balse, isku dayo badan oo fashilmay oo uu ku doonayay inuu xukunka iskaga difaaco ayaa ugu dambayn waxaa la baabi'iyay xukunkiisa sannadkii 2023 kadib markii xafiiska dacwad-oogista Boqortooyada uu aqbalay in DNA laga helay dharka dhibbanaha ay caddeeneysay in dambiilaha dhabta uu yahay Quinn.
Maxkamadda Racfaanka ayaa sidoo kale ogaatay in caddaymo kale oo caawin lahaa doodda Malkinson aan la shaacin waqtigaas.

Dedaalka Malkinson ee caddaalad raadinta wali ma dhammaan. Wuxuu sugayaa natiijada baaritaan uu hoggaaminayo garsoore oo lagu eegayo sababta si khaldan loogu xukumay. Natiijooyinkaas ayaa noqon doona qayb muhiim ah oo ka mid ah dagaalkiisa sharci ee magdhowga.
Guddiga Dib-u-eegista Kiisaska Dambiyada oo ah hay'adda qaabilsan xukunnada caddaalad-darrada ku dhaca oo laba jeer diiday inay caawiso ayaa si adag loo dhaliilay sannadkii hore warbixin madax-bannaan oo si faahfaahsan loogu sheegay khaladaadka ay ku jirto, iyo inay wax tallaabo ah qaadi waayeen markii ay ogaadeen caddeynta cusub ee DNA-da.
Dhanka kale, sida Booliiska Greater Manchester u maareeyeen kiiska iyo falalka lix sarkaal booliis ah ayaa waxaa baaraya Xafiiska Madaxa-bannaan ee Anshaxa Booliiska oo ah hay'adda booliiska u qaabilsan cabashooyinka.
Waxay baarayaan in saraakiishu raaceen habraacyadii saxda ahaa markii Malkinson loo xirayey kiiskan, in markhaatiyaal loo wakiishay inay bixiyaan caddeymo, iyo caddeymo caawin lahaa dooddiisa aan meesha la keynin maxkamada.
Intii lagu jiray dacwadihii bishii hore, maxkamaddu waxay maqashay in dhibbanuhu uu booliiska u sheegay intii lagu jiray maxkamaddii Malkinson ee 2004 inuusan hubin inuu ahaa qofka dhibka u geystay.
Waxay sheegtay in sarkaal booliis ahi uu u sheegay inay kaliya dareemayso walwal iyo in ay caadi tahay in dacwaddu sii socoto. Dhibbanaha ayaa maxkamadda u sheegtay inay waqtigaas cabsi qabtay isla markaana ay sameysay wixii saraakiishu u sheegeen.
Podcast-ka afar qaybood ka kooban ee BBC Radio 4, weriyayaashu waxay la socdeen Malkinson isagoo isku dayaya inuu dib u dhiso noloshiisa kadib markii laga sii daayay xabsiga.
"Aad ayaan u xiiseynayaa inaan ogaado sababta noloshayda sidan loogu rogay," ayuu yiri Malkinson, markaas ayaan fahmi karaa, sababtoo ah markaas waxaad ogaanaysaa waxa runta dhabta ahi tahay, markaas ayaan qanci karaa, waana k gudbi doonaa."

Xigashada Sawirka, PA
Quinn, ayaa noqday dambiilaha kiis kufsi ah oo dhacay saacadihii hore ee subaxnimada 19-kii Luulyo 2003, Quinn ayaa wareeray oo uu kufsaday, sida lagu helay hooyo da'yar ah, iyadoo ku sii socotay gurigeeda magaalada Salford.
Gabadha ayaa jirkeeda lagu arkay dhawaacyo waaweyn oo kasoo gaaray jirdil, qaniinyo iyo jug xoogan oo jebisay lafta dhabankeeda, Kadib Quinn ayaa ceejiyey ilaa ay miyir beeshay, isaga oo ugu dambeyn kufsaday.
Guddiga Maxkamadda Sare ee Manchester ayaa ogaaday in DNA laga helay candhuufta Quinn laga helay funaanad uu dhibbanuhu xirnaa habeenkaas.
DNA-giisa ayaa sidoo kale laga helay sannadkii 2023 qalab caafimaad oo loo adeegsaday baaritaanka dhibbanaha, kaas oo aan waligiis hore loo baarin. Wuxuu sidoo kale internetka ka baaray muddada ay booliisku hayaan muunadaha noocaas ah. Quinn ayaa la xukumi doonaa 5-ta Juun.
Dambi-baare Jim Partington ayaa sheegay in GMP ay dib u eegayso kiisaskii hore ee aan wali la xallin, kuwaas oo Quinn laga yaabo inuu ku lug lahaa maadaama uu adeegsaday arrimo badan oo keenay kiiskaan la qariyo.
"Waxaan u malaynayaa inay u badan tahay inay jiraan dhibbanayaal kale," ayuu yiri Partington. Wuxuu intaas ku daray: "Waxaa jira saddex dembi, kuwaas oo u dhexeeya sidaan filayo 2003 ilaa 2010 oo hadda si qoto dheer loo baaray… caddeyn cad dhab ahaantii lama helin, balse waxaan si dhab ah dib ugu eegaynaa dambiyada deegaanka ka dhacay."
GMP waxay ugu baaqday dadka laga yaabo inay xiriir la yeesheen Quinn inay soo gudbiyaan macluumaad kasta oo ay hayaan.

Xigashada Sawirka, GMP
Malkinson ayaa sidoo kale ka hadlay culayska maskaxeed ee uu la kulmayo, maadaama uu muddo 23 sano ah si joogto ah ugu doodayay inuusan wax dambi ah lahayn.
"Waan ka daalay kiiskan oo dhan," waxay si joogto ah u socotay runtii tan iyo 2003, waa xanuun in arrintan mar walba ay hortaada taagnaato." ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in uu isku dayi jiray inuu mararka nasasho ka qaato dagaalka sharciyeed, taas oo uu sheegay inay u saamaxday inuu "helo waqti uu ku nasto." Australia oo ah mid ka mid ah meelaha uu dhowaan booqday, halkaas oo ay ku nool yihiin laba gabdhood oo ay walaalo yihiin kuwaas oo uusan arag muddo 35 sano ah.
Wuxuu sheegay inuu xiddigaha ku riyoon jiray markii uu xabsiga ku jiray, balse ay ku adkeyd inuu si fiican u arko, sababtoo ah nalalka xooggan ee xabsiga HMP Frankland ayaa hawada iftiin badan ka dhigayay.
"Haddii aan qiyaaso inaan noolaado ilaa 80 sano, waxaa ii haraya kaliya 20 sano, 20-kaas sannona si degdeg ah ayay ku dhammaan doonaan," ayuu yiri. "Sidaas darteed waa inaan sida ugu fiican uga faa'iidaystaa inta aan awoodo."










