Malaga yaabaa in Turkigu ku qasbanaado in uu qayb ka noqdo dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo oo sii socdo dagaalka ciidamada Xuutiyiinta ee Yemen iyo weerarrada ay kooxdu ku hayso Sacuudi Carabiya, waxaa soo baxay su'aal ku saabsan in Turkiga, oo ka mid ah dalalka saxiixay "Heshiiskii Makka," lagu qasbi doono inuu dhanka Riyaad istaago.
Inkastoo heshiisku uu ka kooban yahay qodob ku saabsan difaac wadajir ah, haddana jawaabta taxaddarka leh ee dowladda Turkiga iyo shakiga baahsan ee ka dhex jira warbaahinta iyo falanqeeyayaasha dalkaas ayaa muujinaya in Ankara aysan hadda diyaar u ahayn inay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Yemen, isla markaana ay ka walaacsan tahay in lagu jiido waxa qaarkood ugu yeeraan "godka madow ee Yemen" (xaalad adag oo aan laga soo bixi karin).
Sida uu dhigayo heshiis ay horraantii bishii Agoosto kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Baakistaan, saddexda dal waxay ku heshiiyeen in weerar kasta oo hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah dalalkaas loo arki doono weerar lagu qaaday saddexdaba.
Hase yeeshee, Turkigu ilaa hadda ma muujin wax calaamad ah oo muujinaysa rabitaan toos ah oo uu ku geli karo dagaalka; waxayse 8-dii Sebtembar soo saareen bayaan ay ku cambaareynayaan falalkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta.
Warbaahinta Turkiga ayaa guud ahaan hoos u dhigtay suurtagalnimada ah in dalku uu ciidamo u diro difaaca Sacuudi Carabiya ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, inkastoo uu jiro qodobka difaaca wadajirka ah ee ku jira "Heshiiskii Makka."
Falanqeeye u dhashay Turkiga ayaa sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay ku hayaan Sacuudi Carabiya ay noqon karaan isku-day lagu "tijaabinayo" sida uu Turkigu uga go'an yahay heshiiska, balse falanqeeye kale ayaa ka digay in ka qayb-galka Ankara ee dagaalkaasi uu noqon doono "qalad istiraatiijiyadeed."
Warbaahin ku dhow dhinaca mucaaradka ayaa sidoo kale dagaalka Yemen ku tilmaantay "kharashkii ugu horreeyay ee dhiigga ku baxay ee ka dhashay isbahaysiga Maka," waxayna ka digtay in Turkiga lagu jiido dagaal shisheeye.
Guud ahaan, warbaahinta Turkiga ayaa shaki ka muujinaysa dhaqan-gelinta qodobka difaaca wadajirka ah ee "Heshiiska Maka" si loo difaaco Sacuudi Carabiya xilliga ay iska hor-imaad kula jirto Xuutiyiinta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixinadooda ku saabsan colaadda u dhaxaysa Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta, warbaahinta dowladda taageerta badanaa ma aysan xoojin qodobka ku saabsan difaaca wadajirka ah ama suurtagalnimada ka qayb-galka Turkiga.
Kanaalka telefishinka ee "A Khabar", oo leh mowqif dowladda u dhow, ayaa sharraxay dhinacyada kala duwan ee colaadda, goobaha ay Xuutiyiintu beegsadeen, iyo tirada dadka waxyeelladu soo gaartay, balse ma uusan soo hadal-qaadin Heshiiskii Makka.
Shabakadda wararka ee dowladda laga leeyahay ee TRT News ayaa iyaduna warbixinadeeda colaadda ku soo bandhigtay horumarka ay sameeyeen Xuutiyiintu, iyadoo aan soo hadal-qaadin Heshiiskii Makka.
Wargeyska muxaafidka ah ee dowladda taageera ee Yeni Akit ayaa arrintan soo qaaday isagoo cinwaan uga dhigay "Ma la dhaqan-gelin doonaa Heshiiskii Makka ee ku saabsanaa Yemen?", balse warbixintiisu waxay diiradda saartay doorka suurtagalka ah ee Pakistan ay ku yeelan karto difaaca Sacuudi Carabiya, mana aysan ka hadlin cawaaqibka suurtagalka ah ee arrintan u yeelan karto Turkiga.
Shaki iyo walaac
Iyadoo warbaahinta dowladda taageerta ay isku dayday inay hoos u dhigto muhiimadda qodobka ku saabsan difaaca wadajirka ah ee ku jira Heshiiskii Makka, haddana dhinacyo kale ayaa ka digay in Ankara ay si aan ula kac ahayn isku arki karto iyadoo wajahaysa kooxda Xuutiyiinta.
Mareegta bidixda ah ee ka soo horjeedda dowladda ee "Soul Khabar" ayaa qortay in dagaalka Yemen uu noqon karo "qiimaha ugu horreeya ee dhiigga ku baxaya ee isbahaysiga Makka," waxayna ku eedaysay dowladda Turkiga inay suurtagal tahay inay dalka ku jiiddo colaad aan wax badan ka khuseyn danaha qaranka Turkiga.
Barçin Yenanç, oo ah qoraa tiirka ra'yiga ku leh mareegta madaxa-bannaan ee T24, ayaa barta bulshada ee X ku qortay: "Miyaanay tallaabada Xuutiyiintu ku beegsanayaan Sacuudi Carabiya ahayn isku-day lagu tijaabinayo sida uu Turkigu ugu hoggaansan yahay mabda'a ah in weerar lagu qaado hal xubin uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha?"
Ha ku dhicin dabin-ka Yemen.
Cem Gordeniz, oo ah sarkaal sare oo ciidamada badda hawlgab ka noqday (admiral) isla markaana ah falanqeeye caan ah oo leh aragti waddaniyad ku dhisan, ayaa sheegay inaysan habboonayn in Turkigu "ku dhaco dabinkan" oo lagu jiido "dhibaatada cakiran ee Yemen," isagoo ka jawaabaya baaq ka yimid senator Maraykan ah oo ku baaqayay in loo adeegsado Heshiiskii Makka (Mecca Pact) ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Wuxuu qoray: "Waxay noqon lahayd qalad istiraatiijiyadeed in Turkiga lagu jiido colaad lala galo Xuutiyiinta, iska daa in dagaal hubaysan lala galo. Ankara waa inay taageertaa diblomaasiyadda iyo amniga ganacsiga badda, halkii ay iska horimaad la geli lahayd Xuutiyiinta."
Bekir Sedgi Sahin, oo ah dhaqdhaqaaqe ka tirsan urur aan dawli ahayn oo Islaami ah, ayaa sidoo kale ka digay in qodobka difaaca wadajirka ah ee ku jira Heshiiskii Makka uu khatar gelinayo in Turkiga lagu jiido colaaddan.
Wuxuu ku dooday in haddii Sacuudi Carabiya ay mustaqbalka ku biirto "Heshiisyada Abraham" (Abraham Accords), ay suurtagal tahay in Turkigu si aan ula kac ahayn uga mid noqdo "xisbi gobolleed la safan Israa'iil."
Saadaalin ku saabsan doorka milateri ee Turkiga
Iyadoo shakigaas jiro, hal qoraal oo caan ah oo taageera militariga oo ku jira shabakadda X ayaa qiyaasay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka ee Turkiga iyo qalabka kale ee militariga ee ka imanaya dalka ay ka soo muuqan karaan Yemen "dhawaan."
Ka dib markii uu saxiixay Heshiiskii Makka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in qodobka difaaca wadajirka ah ee heshiiska uu farsamo ahaan la mid yahay Qodobka 5aad ee Heshiiska NATO, laakiin ma uusan xoojin in qodobkan si toos ah loo hirgelin doono.
Wuxuu yiri: "Marka la eego qoraalka heshiiska, waxaa jira ballanqaadyo guud... Sida iyo qaabka loo hirgelinayo ballanqaadyadan guud waxay ku xirnaan doontaa la-tashiga iyo go'aan qaadashada hay'adaha khuseeya."













