Trump oo muran dhaliyay kaddib hadalladiisii uu ka jeediyay Dublin: "Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Ireland oo midowday"

 Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho ku jooga Ireland
    • Author, Caitriona Perry
    • Role, Chief Presenter
    • Reporting from, in Dublin
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Marka hoggaamiye kale oo caalami ah uu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxa keliya ee la hubo ayaa ah hubanti la'aanta ku saabsan waxa dhici kara.

Arrintan ayaa si dhab ah u dhacday ka hor booqashadii Madaxweynaha Trump ee labada maalmood ahayd ee uu ku tagay Ireland.

Qofna ma saadaalin karin in dhammaadka maalintii koowaad, cinwaanka ugu weyn ee wararka caalamka uu noqon doono rabitaankiisa ah inuu arko Ireland oo midoobay.

Iyadoo hadalladiisu ay gilgileen jasiiraddan iyo Great Britain, lama caddayn in tani ay ka dhigan tahay siyaasad cusub oo uu qaatay maamulka Maraykanka, mise ay ahayd hadal uu iska yiri madaxweyne jecel inuu su'aalo ka dhegeysto weriyeyaasha, isla markaana jecel inuu jawaabo bixiyo.

Micheál Martin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump oo uu wehliyo Taoiseach-ka (Ra'iisul Wasaaraha Ireland) Micheál Martin

Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga, Mick Mulvaney, ayaa ahaa ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsanaa Waqooyiga Ireland xilligii uu madaxweynenimada hayay muddadiisii koowaad.

Waxa uu ka digay in aan hadallada madaxweynaha si weyn loo fasiran.

"Tani ma ka dhigna isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka," ayuu yiri.

"Waxaa weli si buuxda nooga go'an heshiiska Jimcaha Wanaagsan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, Brendan Boyle, ayaa ku raacay.

"Waxaa heshiiskaas taageero ka hela labada xisbi, taasina isma beddeli doonto."

Inkasta oo labadooduba ay isku raaceen in Donald Trump ay u badan tahay inuu saxan yahay marka uu leeyahay "ugu dambayn" ay Ireland midoobi doonto, haddana taasi macnaheedu ma ahayn in Maraykanku uu bilaabayo inuu ku dadaalo sidii midowgaas loo hirgelin lahaa.

In qof su'aal lagu weydiiyo shir jaraa'id oo si furan u socda oo uu uga jawaabo waa arrin, balse Donald Trump ayaa dareenkiisa ku celiyay wax yar kaddib, xilli uu khudbad ka jeedinayay hoyga safiirka Maraykanka, oo ay isugu yimaadeen dad si gaar ah loogu casuumay.

Runtii, waxay ahayd ku dhowaad arrintii ugu horreysay ee uu ka hadlay, taas oo muujinaysa in laga yaabo inuu garwaaqsaday inuu hadalkiisii hore ku furay arrin muran badan dhalin karta.

Inta kale ee khudbaddiisu waxay ahayd mid xiiso leh. Waxaa lagu sheegay inay noqon doonto khudbad 20 daqiiqo ah oo uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha ganacsatada Irish-ka iyo Irish-American-ka ah, balse waxay qaadatay ku dhowaad laba jibbaar waqtigaas, waxayna inta badan ku leexatay arrimaha gudaha ee Maraykanka.

Madaxweyne Trump wuxuu leeyahay qaab hadal oo uu isagu ugu yeero "the weave", oo ah hadal mawduucba mawduuc ugu boodaya.

Inta uu khudbad jeedinayo, wuxuu ka leexan karaa hal mowduuc oo u gudbi karaa mid kale, isaga oo ka baxaya hadalkii loo diyaariyay, kaddibna dib ugu soo laabanaya qodobkii uu markii hore ka hadlayay.

Maanta wuxuu ammaanay waxqabadkiisa, sida uu isagu u arko, oo ay ka mid yihiin adkaynta tallaabooyinka ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah, heshiisyo uu galay iyo kordhinta wax-soo-saarka difaaca.

Waxa uu mar kale ku celiyay dhaliilihiisa ku aaddan waxa uu u arko taageero la'aanta Boqortooyada Midowday ee hawlgalkiisa milatari ee Iran.

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Donald Trump oo la kulmay madaxweynaha Ireland Catherine Connolly

Doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa si degdeg ah u soo dhowaanaya

Laakiin yaa ahaa dhageystayaashii uu beegsanayay? Ma hoggaamiyeyaashii ganacsatada ahaa ee Dublin isugu yimid, mise dhageystayaal Maraykan ah oo daawanayay ama dhageysanayay khudbadda xilli inta badan dalka Maraykanka aysan weli waagu baryin?

Doorashooyinka xilliga dhexe ee muhiimka ah ee la qabanayo bisha November ayaa si xawli ah u soo dhowaanaya, Xisbiga Jamhuurigana wuxuu wajahaya cadaadis xooggan oo ka dhashay siyaasadaha madaxweynaha.

Waxay lumin karaan gacan-ku-haynta mid ama labada aqal ee Kongareeska.

Qiyaastii toban meelood meel dadka Maraykanka ah ayaa sheegta inay asal ahaan Irish yihiin, balse dadkaasi ma aha koox cod-bixiyeyaal ah oo isku aragti ah.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bill Clinton oo garab taagan madaxweynihii hore ee Ireland, Mary Robinson, sannadkii 1995

Ma wuxuu isku dayayay inuu beegsado cod-bixiyeyaasha Irish-American-ka ah ee madaxbannaan ama kuwa aan weli go'aan ka gaarin cidda ay u codeynayaan ee Maraykanka, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay sannadihii u dambeeyay mar u codeeyeen Xisbiga Jamhuuriga, marna Xisbiga Dimuqraadiga?

Qaar ka mid ah cod-bixiyeyaashaas waxay taageeraan midowga Ireland, sidaas darteed, xilli cod kasta la raadinayo, waxaa laga yaabaa in arrintaasi qayb ka qaadatay.

Bill Clinton wuxuu taageero badan ka helay Irish-American-ka markii uu u tartamayay madaxweynaha, isagoo ballanqaaday inuu si firfircoon uga qaybqaadan doono geeddi-socodka nabadda.

Waxay u codeeyeen isaga, isaguna wuu ka dhabeeyay ballanqaadkiisii, waxaana shaqadii badnayd ee uu arrintaas ka qabtay ay horseedday aasaaska Heshiiska Jimcaha Wanaagsan.

Laakiin Irish-American-ku maanta waa bulsho ka duwan sidii hore. Runtii, Maraykankuba maanta waa dal ka duwan sidii hore, maadaama siyaasaddiisu noqotay mid aad u kala qaybsan.

Ololaha doorashooyinka bisha November ayaa muujinaya inaanay jirin wax calaamad ah oo muujinaysa in xaaladdaasi isbeddeli doonto mustaqbalka dhow.

Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Ireland waxay rajayn doonaan in doodda keliya ee berri laga hadlayo ay noqoto ciyaarta golf-ka.