You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wasiirka arimaha gudaha Pakistan: 'Warqad qaas ah' ayaa la iigu dhiibay Mojtaba Khamenei
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa sheegay inuu u safray Tehran si uu u gaarsiiyo warqad gaar ah oo ka socota madaxda dalkiisa, taasoo uu u gudbiyay hogaamiyaha Iran.
Waxa uu Tehran ka sheegay in fariinta ka timid Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidamada General Asim Munir ay tahay "muhiim".
Mohsen Naqvi ayaa u safray dalka Iran iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada ka taagan gacanka Faaris.
Waxa uu magaalada Tehran kula kulmay dhiggiisa Iran Eskandar Momani habeenimadii Sabtida. Labaduba waxay ka wada hadleen "horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha la xiriira amniga gudaha", iyo arrimo kale, Naqvi ayaa ku sheegtay baraha bulshada.
30-kii bishii May, Naqvi waxa uu booqasho ku tagay dalka Iran markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah, waxaana uu inta uu ku guda jiray safarradaas uu la kulmay Madaxweynaha Iran, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisad ka soo cusboonaatay gobolka Khaliijka. Axadii, taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa shaaca ka qaaday inay soo rideen laba diyaaradood oo "Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran".
Sida ay sheegeen, diyaaradahan ayaa loo qorsheeyay weeraro hal dhinac ah, waxaana ay halis ku ahaayeen ammaanka isu socodka badda caalamiga ah ee marinka Hormuz.
CENTCOM ayaa ku soo qortay X in ciidamada Mareykanka ay weli ku jiraan "diyaar garoow sare iyo feejignaan" si ay u sii wadaan ka hortagga weerar kasta oo Iran.
Horaantii, CENTCOM waxay sheegtay fiidnimadii Jimcaha inay soo dirtay afar diyaaradood oo kale oo Iran ah oo ku wajahan isla marinkaas waxayna sidoo kale beegsadeen goobaha raadaarka ee xeebaha Iran.
Iyada oo ka jawaabeysa, Iran ayaa sheegtay in ay gantaallo ku garaacday "xarumaha militariga" ee Mareykanka ee Kuwait iyo Bahrain. Dhinaca kale ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay soo rideen lix gantaal oo nooca Ballistic-ga ah, isla markaana gantaalkii toddobaad uusan gaarin bartilmaameedkii ay lahaayeen.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u bedelay hanjabaadda olole militari oo soo cusboonaaday iyo inuu rajo ka muujiyay horumar diblomaasiyadeed. Arbacada, waxa uu sheegay in heshiis la dhamayn karo dhammaadka usbuuca.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Lubnaan Rudolf Heckel ayaa isna booqday Pakistan.
Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in booqashadan ay ku timid casuumaad uu ka helay taliyaha guud ee ciidamada Pakistan General Asim Munir.
Ciidamada Lubnaan ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin ujeeddooyinka safarka, balse dadaalka Pakistan ay ku doonayso inay ku soo afjarto dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil kula jiraan Iran ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay xaaladda Lubnaan.
Gudaha, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Iran qarax xooggan ayaa laga maqlay meel u dhow jasiiradda Kharg ee dalkaasi.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ayaa sheegay in dhawaqa la sheegay in uu la xiriiro walxaha qarxa oo lagu tuuray deegaanka Bahrgan. Xafiiska xiriirka dadweynaha ee ciidamada badda ee IRGC ayaa sheegay in rasaasta ay ka hartay dagaalkii ugu dambeeyay.
Bahrgan waa gobol ka tirsan gobolka qaniga ku ah saliidda ee Bushehr, oo qiyaastii 60 kiiloomitir u jira Jasiiradda Kharg.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay IRGC horay u shaacisay in ay gantaalo iyo weerarro ay la beegsatay saldhigyada ciidamada cirka ee Maraykanka ee Kuwait iyo ciidamada badda ee Maraykanka ee Baxrayn.
Ciidamada Maraykanka, Kuwaiti iyo Baxrayn ayaa sheegay inay qabteen dhammaan gantaalladaasi.
Dhanka kale, iyadoo uu sii xumaanayo khilaafka Iiraan iyo Khaliijka, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi wuxuu u safray Tehran, sida ay sheegtay warbaahinta Iran, wuxuu la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Iran oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araqchi.
Pakistan ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadanaysa wadahadalka Iran iyo Maraykanka. Sida ay sheegtay warbaahinta Iran, Mohsen Naqvi waxa uu fariin u gudbinayaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.