Lixda qodob ee ugu waaweynaa khudbaddii uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey QM

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay fiidkii (xilliga Afrikada Bari) fadhiga loo dhan yahay ee QM ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ugu weyn tahay xaaladda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo khudbadiisa ku soo qaaday arrimaha caalamka ka taagan, iyo caqabada haysta Soomaaliya.

Laakinse wuxuu ku bilaabay in Qaramada Midoobay ay xilligan wajahayso caqabado.

Arrimaha caalamka

Madaxweynuhu wuxuu qaybaha hore ee khudbadiisa kaga hadlay arimaha caalamka.

"QM waxay muddo sanooyin ah ka shaqaynaysay in dagaallada wadahadal lagu beddelo, jujuubka oo iskaashi lagu beddelo, rajo la'aantana rajo lagu beddelo, welise qiyamkaas aan sida wadajirka ah u difaacaynay ayaa wax la iska weydiiyey" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sida muuqata u duurxulayey arrimaha waweyn eek a taagan caalamka iyo kuwa gobolka.

"Xushmaynta shuruucda caalamiga ah waxay noqdeen kuwo si gaar ah loo xusho, waxaana daciifay iskaashiyada laba geesoodka ah, dagaallada, xurgufta hanaanka Juquraafi siyaasadeed iyo kalsooni darrida ayaa noqday kuwo jaangooya xilligeenna" ayuu sii raaciyey.

Arrimaha ku saabsan isbeddelka cimilada iyo yaraanta tas-hiilaadka loo qoondeeyey ayuu carabka ku dhiftay.

Matalaadda Golaha amaanka ee QM

Madaxweynaha Soomaliya wuxuu dhaliilay sida aysan Afrika matalaad ugu lahayn golaha amaanka ee QM. "Golaha amaanka waa in uu noqdaa mid metelaadiisu ay balaaran tahay, muuqato oo waxtar leh" ayuu yiri, isagoo xoojinayey dareen ay qabaan dalal badan oo ah kuwa soo koraya. "Afrika waxay noqotay mid aan lagu matalin kaalinta joogtada ah, si waafi ahna looguma matalo kaalinta joogtada ah".

Wuxuu intaa ku daray in isbeddel lagu sameeyo QM uusan ahayn weerar, balse uu yahay in la ilaaliyo sharciyadeeda, dib loo cusboonaysiiyo kalsoonida hay'adaheeda, lana xaqiijiyo in ay noqoto mid awood u leh in ay ka jawaabi karto xaqiiqooyinka jira xilligeenan.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya ayadoo Soomaaliya ay wakhtigan tahay xubin ka mid ah xubnaha aan joogtada ku ahayn golaha amaanka.

Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mar kale ku celiyey in ay dawladiisu ka soo hor jeeddo in xad gudub lagu sameeyo madax banaanida Soomaaliya, xilli ay madaxda Somaliland Maraykanka ka wadaan olole ay ku doonayaan in lagu aqoonsado.

"Soomaaliya waxay si adag gaashaanka ugu dhufanaysaa falalka gaarka ah ee wiiqaya madax banaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay".

Wuxuu intaa ku daray "Soomaaliya waxay si adag u barbar taagan tahay Shacabka reer Falastiin iyo xuquuqdooda sharciga ah ee aayo-ka-tashiga iyo nay dal yeeshaan. Wuxuu taageeray qorshaha 'xal laba dal ah' oo Falastiiniyiintu dal ku yeeshaan, si waafaqsan xuduudihii 1967. Wuxuu intaa ku daray in xalka uu Falastiiniyiinta uu ku xiran yahay 'bariga dhexe iyo ka sii shishe'.

Mashaariicda QM iyo Soomaaliya

Ayadoo taageeradii dhaqaale ee uu Maraykanku ku xoojin jiray hawlgalka QM ee Soomaaliya uu sheegay inuu joojinayo ayuu madaxweynaha Soomaaliya dhaliilay qaabka loo maamulo mashaariicda QM ee Soomaaliya.

"Dal sida keenna oo kale ah oo QM ay muddo dheer oo ka badan 30 sano ay joogtay, hawlagalladu waxay noqon karaan kuwo waxtar leh marka ay aad ugu dhow yihiin oo ku xiran yihiin waxyaabaha mudnaanta inoo leh ayadoo la isticmaalayo hanaan heer qaran ah oo lagu kalsoonaan karo".

Inta badan gargaarka Qaramada midoobay waxaa lagu bixiyaa hanaan is dhinac socda, mashaariic kala qoqoban, iyo nidaam aan waafaqsanayn miisaaniyadda Soomaaliya. Tani waxay arrin adag ka dhigaysaa in dawladda Soomalaiya ay qorshayso tas-hiilaad isku xiran" ayuu yiri.

Qorshayaasha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu khudbadiisa ku soo qaaday hawlaha xukuumadiisa. "Soomaaliya waxay si guul leh u hogaaminaysaa horumarkeeda heer qaran, xukuumadeena waxay dhaqan galinaysaa qorshaheeda qorshaheeda heer qaran ee isbeddelka, waxay xoojinaysaa hanaanka dhaqaale ee dawliga, waxay balaarinaysa dakhliga gudaha, waxayna xoojinaysaa wax qabadka hay'adaheenna heer qaran.

Wuxuu kaloo soo qaaday arrimaha doorashooyinka, isagoo sheegay in muddo 50 sano ka badan ay dadka Soomaaliyeed markii ugu horreysay suurto gal u noqotay inay hogaan soo doortaan.

Wuxuu intaa ku daray in qaybaha bulshada sida maaml gobleedyada iyo bulshada rayidka, qurbo joogta, dumarka iyo dhallinyarada laga qayb galiyey hanaankaas.

Dhaqaalaha iyo Marinka Hormuz

Wuxuu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in dhaqaaluhu kobcayo isagoo ku taagan isbeddel adag. Heerka koboca dhaqaalaha (GDP) ayuu ku tilmaamay in sannadkan uu yahay 3.1 "Sidaasoo ay tahayna waxaan wajahaynaa dhamaan mushaakilaadka dunida haysta" ayuu yiri.

"Carqaladda ka jirta marinka Hormuz waxay nagu yeelatay cawaaqib dhaqale iyo mid bani'aadminimo oo adag. Maadaama aan nahay dal ku tiirsan waxyaabaha dibadda uga yimaada, gaar ahaan bariga dhexe, inta badan shidaalka, cunnada iyo baayac mushtarka, Soomaaliya waxay durba wajahaysaa qiimaha oo qaaliyoobay, sicir barar, ayadoo dhanka kalena ay abaarta lala xiriirinayo isbeddelka cimilada ay saamaynayso in ka badan 6 malyan oo qof oo ku nool Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in carqaladda ay sababatay in 40% inuu hoos u dhaco dakhligii ka soo xaroon jiray kastammada.

Khudbadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqatay mid diblomaasiyadeysan oo inta badan uu ku soo qaatay mushkiladda Soomaaliya haysata, waxa ay ilaa hadda qabatay iyo caqabadaha hor taagan.