Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalka lagu dilay burcad-badeed laguna soo furtay markab

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ilaalada xeebaha ay dib ula wareegeen markabka shidaalka qaada ee MT Sibu 1, oo burcad-badeed Soomaali ahi afduubteen bishii Agoosto, iyadoo sheegtay in mid ka mid ah burcad-badeedda la dilay, afar kalena dhaawac tahay, halka 42 kalena la qabtay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Bile Maxamuud Qabowsade oo BBC la hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha saarnaa markabka oo gaaraya 20 ay bed-qabaan oo aysan waxba kasoo gaarin howlgalka.

"Ma xaqiijin karno dalalka ay u kala dhasheen," ayuu yiri wasiirka. Markabka ayaa haatan loo soo wadaa dekadaha Puntland.

Wuxuu sheegay in sababta ay muddo dheer u qaadatay fulinta howlgalkan ay tahay in dabelyaha xagaaga ay dhacayeen.

"Burcad-badeedda sharciga ayaa la horkeenayaa," ayuu yiri.

"Hal markab oo la heysto caawa biyaha Puntland kuma hoyanayo." Ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale, Saciid Muumin Axmed, oo ka tirsan hoggaanka warfaafinta ciidanka badda Puntland ee PMPF, ayaa BBC-da u sheegay in howlgal qorsheysan oo socday muddo ku dhow 40 saacadood lagu soo afjaray gacan-ku-hayntii burcad-badeedda ee markabka, xilli uu ku sugnaa meel u dhow xeebaha gobolka Mudug.

Wuxuu intaas ku daray in aysan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Puntland iyo 20-ka shaqaale ee markabka.

Sidee loo afduubtay Sibu 1?

MT Sibu 1 waa markab qaada wax soo saarka shidaalka oo ku goosha calanka Eritrea.

Hay'adda UK Maritime Trade Operations, UKMTO, ayaa sheegtay in markabka la afduubtay 20-kii Agoosto 2026, isagoo marayay meel qiyaastii 136 mayl-badeed dhanka bari ka xigta magaalada Al Mukalla ee Yemen.

Markabka ayaa marka hore sheegay inay kusoo dhowaaneyso doon uusan aqoonsan, ka hor inta aysan lix nin oo hubeysan fuulin oo la wareegin maamulka markabka.

Kadib waxaa loo soo jiheeyay dhinaca Soomaaliya.

Sibu 1 waxaa saarnaa 20 shaqaale ah. Warbixinno laga helay dowladda Hindiya iyo ilo kale oo la socda maraakiibta ayaa sheegay in 16 ka mid ahi yihiin Hindi, halka kuwa kale ay ku jiraan muwaadiniin Suuriyaan, Suudaani iyo Ciraaqi ah.

Markabka ayaa sidoo kale lahaa taariikh ka baxsan dhacdada burcad-badeednimada. Sibu 1, oo horay loogu magacaabi jiray SEAMULL, waxaa bishii Diseembar 2025 cunaqabateyn saartay dowladda Mareykanka.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa markaas sheegtay in SEAMULL iyo maraakiib kale oo ay maamuleysay shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta ay dhowr jeer qaadeen wax soo saarka batroolka Iran.

Markabka ayaa tan iyo markaas magaca iyo calankaba beddeshay.

Puntland waxay muddo dheer lahayd ciidamo badeed oo ka howlgalaya xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya, gobolkaas oo sannadihii hore xarun muhiim ah u ahaa kooxihii burcad-badeedda Soomaalida.

Sannadihii 2010-meeyadii, dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda Soomaalida ayaa si weyn hoos ugu dhacay kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada maxalliga ah iyo maraakiibta caalamiga ah, iyadoo sidoo kale shirkadaha maraakiibtu xoojiyeen ilaalinta iyo hababka ay iskaga difaacaan weerarrada.

Laakiin sannadkan waxaa soo baxay walaac cusub oo ku saabsan dib u soo laabashada burcad-badeedda.

Hay'adda Caalamiga ah ee Badaha ee IMO ayaa 24-kii Agoosto sheegtay in Sibu 1 uu noqday markabkii lixaad ee xilligaas ay kooxaha burcad-badeedda ku haysteen gobolka, iyadoo in ka badan 90 badmaaxayaal ah lagu hayay afduub.

IMO waxay xaaladda ku tilmaantay dib u soo cusboonaansho burcad-badeednimo oo ka jirta Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku hareereysan.

Sibu 1 wuxuu ka mid ahaa dhowr markab oo la afduubtay tan iyo bishii Abriil.

Waxaa ka horreeyay maraakiibta Honor 25, Sward, Eureka, Asana iyo Lutuf, kuwaas oo lagu weeraray meelo kala duwan oo xeebaha Soomaaliya iyo Yemen ah.

Xogta International Maritime Bureau waxay sidoo kale muujisay in inkastoo tirada guud ee dhacdooyinka burcad-badeedda caalamka ay hoos u dhacday qeybtii hore ee 2026, burcad-badeedda Soomaalida ay weli khatar weyn ku ahaayeen shaqaalaha maraakiibta. Afar markab ayaa gobolka lagu afduubtay intii u dhexeysay Abriil iyo May oo keliya.

"Waan baareynaa cidda ka dambeysa"

Wareysigan, Puntland waxay mar kale soo celisay sheegasho ay horay u jeedisay oo ahayd in kooxaha burcad-badeedda ay taageero ka helayaan dhinacyo gudaha iyo dibadda Soomaaliya ah.

"Xogaha ay dowladdu hadda heyso waxay sheegayaan in falalkan burcad-badeedda ay dhiirrigelinayaan oo ay ka dambeeyaan laamo ka baxsan Soomaaliya iyo Puntland gudaheeda," ayuu yiri Saciid Muumin Axmed.

Wuxuu sheegay in baaritaan uu weli socdo, isla markaana Puntland ay faahfaahinta soo bandhigi doonto marka uu soo dhammaado.

Ma uusan magacaabin dowlad, urur ama shirkad gaar ah oo Puntland ay ku eedeyneyso inay maalgeliso ama hubeyso kooxaha.

Sarkaalka PMPF ayaa sidoo kale sheegay in dib ula wareegidda Sibu 1 aysan ahayn dhammaadka howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda.

Wuxuu sheegay in PMPF iyo ciidamada kale ee Puntland ay wadaan "howlgallo qorsheysan" oo lagu doonayo in kooxaha burcad-badeedda looga saaro xeebaha maamulku ka arrimiyo.

"Ilaa inta Puntland laga waayayo falal burcad-badeed, xeebaha Puntland-na xasilloonidooda iyo nabadgelyadooda dib loo soo celinayo, howlgalladaasi way socon doonaan." Ayuu yiri.