You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka ugu qanisan Afrika oo qaadaya tallaabo muhiim u ah Itoobiya iyo Jabuuti
Bilyaneerka reer Nigeria Aliko Dangote, ayaa Itoobiya iyo Jabuuti kula heshiiyeen inay iska kaashadaan dhismaha mashruuc shidaal oo ku kacaya 660 milyan oo doollar, kaas oo isku xiri doona labada dal.
Mashruuca ayaa ka koobnaan doona dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 kiiloomitir, taas oo isku xiri doonta dekedda Damerjog ee Jabuuti iyo xarun qaybinta shidaalka oo ku taalla Dewele ee Itoobiya. Waxa kale oo mashruucu yeelan doonaa goobo kayd ah oo qaadi kara ku dhowaad 400 milyan oo litir oo shidaal ah.
Waxaa la filayaa in mashruucu uu shaqo bilaabo 18 bilood gudahood.
Abiy Axmed wuxuu sheegay in dhuunta shidaalku ay sahli doonto in shidaalka Jabuuti laga keeno Itoobiya, taasoo waqtiga gaadiidka shidaalka ee u dhexeeya dekedda Jabuuti iyo Addis Ababa ka dhigi doonta hal maalin, halkii uu hadda ka qaadan lahaa shan maalmood.
Marxaladda koowaad ee mashruuca ayaa lagu qaadi doonaa noocyada muhiimka ah ee shidaalka, oo ay ka mid yihiin shidaalka diyaaradaha, naaftada iyo baatroolka.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Aliko Dangote ayaa sheegay in mashruucu xoojin doono amniga tamarta Itoobiya, isla markaana uu sahayda shidaalka dalka ka dhigi doono mid si wanaagsan ugu adkaysata caqabadaha iyo carqaladaha.
Itoobiya oo aan lahayn xeeb iyo deked u gaar ah ayaa si weyn ugu tiirsan dekedda Jabuuti si ay uga soo dejiso badeecooyin kala duwan, oo uu jiro shidaalku.
Kaabayaasha cusub ayaa la filayaa inay yareeyaan culayska saaran nidaamyada gaadiidka ee hadda jira, kuwaas oo taageera warshadaha iyo qaybaha ay ka mid yihiin gaadiidka, duulista, beeraha iyo dhismaha.
Jabuuti ayaa iyaduna la filayaa inay ka faa'iido mashruuca, iyadoo kordhaysa dhaqdhaqaaqa dekedda, la abuurayo shaqooyin cusub, isla markaana ay kor u kacayaan dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha dalka.
Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dangote uu ku horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha wax-soo-saarka ee guud ahaan Afrika.
Shirkadda Dangote Cement ayaa sanadkii awood u leh inay soo saarto ku dhowaad 55 milyan oo tan oo sibir ah. Sidoo kale, warshadda sifaynta shidaalka ee uu ku leeyahay Nigeria ayaa hadda awood u leh inay maalintii sifayso 700,000 oo foosto oo saliid ceyriin ah, waxaana qorshuhu yahay in awooddaas la gaarsiiyo 1.4 milyan oo foosto maalintii.
Warshadda sifaynta shidaalka ayaa dhowaan suuqa saamiyada Nigeria ku qortay 4.1 bilyan oo saamiyo caadi ah, iyadoo la doonayo in laga helo ku dhowaad 1.63 bilyan oo doollar.
Kenya gudaheeda, shirkadda ayaa toddobaadka soo socda lagu wadaa inay dhagax-dhigto mashruuc la qorsheeyay oo ah warshad sifaysa shidaalka ceyriinka ah, taas oo laga dhisayo Lamu, awoodna u yeelan doonta inay maalintii sifayso 700,000 oo foosto oo saliid ceyriin ah.