Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa Arbacadii fiidkii waqtiga magaalada Washintong uga qeyb-galay munaasabadda lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa Peng Liyuan, xilli ay ka soo degeen saldhigga militariga Andrews ee ku dhow Washington. Weriyeyaashu soo dhaweynta waxay ku tilmaameen mid “aan caadi ahayn".
Bernd Debussman Jr., oo ah weriyaha BBC-da ee Aqalka Cad, kana qaybgalay munaasabadda ka dhacday saldhigga ciidamada cirka ee Andrews, ayaa sheegay in xaflad milatari oo aad u ballaaran loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha Shiinaha.
“Waxaan tebiyay kulamo badan oo ay yeesheen madaxda dalalka, oo ay ku jiraan madaxda dalalka xulafada la ah Mareykanka iyo saaxiibbada muhiimka ah ee Mareykanka ee Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, balse habka loo qabtay xafladdan lama mid ahayn wax aan horay u soo arkay,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in marka madax shisheeye ay booqasho rasmi ah ku yimaadaan Mareykanka, ay caadiyan ka soo galaan albaabka waqooyi ee Aqalka Cad, halkaas oo ay maraan saf ay taagan yihiin ciidamo milatari oo dareys ah. Trump ayaa inta badan ku soo dhaweeya albaabka garabka galbeed ee Aqalka Cad.
Kulamada aan sida rasmiga ahayn, madaxdu mararka qaar waxay ka soo galaan albaab dhinaca ah oo u dhexeeya Aqalka Cad iyo Dhismaha Xafiiska Fulinta, halkaas oo aysan warbaahintu si toos ah uga arki karin.
Dhab ahaantii, tani waa markii ugu horreysay tan iyo 1962-kii ee madaxweyne Mareykan ahi uu si shaqsi ah hoggaamiye shisheeye ugu soo dhaweeyo saldhig milatari. Sannadkaas, madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas John F. Kennedy ayaa saldhig milatari ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii Britain Harold Macmillan.
Soo dhaweyntan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Donald Trump siinayo booqashadan, waxayna sidoo kale si weyn uga tarjumaysaa arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac ay u baahan yihiin inay ka wada hadlaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin sirdoonka macmalka ah, ganacsiga, dagaalka Iran iyo sheegashada muddada dheer ee Beijing ee ah inay Taiwan leedahay.
Sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Aqalka Cad, waxaa xusid mudan in Trump uusan helin soo dhaweyn noocan oo kale ah markii uu bishii May ee sannadkii hore booqday Shiinaha.