You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa keenay in Iimaaraadku uu ku dhawaaqo ka bixitaanka ururka OPEC
Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in ay ka baxayaan ururka dalalka saliidda dibadda u dhoofiya ee OPEC iyo isbaheysiga OPEC+, go'aankan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 1-da bisha May, tallaabadaas oo loo arko in ay wax weyn ay ka bedeshay siyaasaddeeda shidaalka kadib ku dhawaad lixdan sano oo ay xubin ka ahayd.
Go'aankan ayaa loo arkaa mid dhabar jab ku ah isbaheysiga shidaalka, iyadoo dadka falanqeeya ay ku tilmaameen inuu yahay "billawga dhamaadkii OPEC", marka loo eego saameynta ay ku yeelan karto isku duubnida ururka iyo awooda uu u leeyahay inuu maamulo suuqyada.
Sacuudi Carabiya waxay ku boorineysaa waddamada OPEC inay u hoggaansamaan heshiiska dhimista wax soo saarka saliidda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Emirates, tallaabadani waa mid la jaan qaadaysa "aragtida istaraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee mustaqbalka fog" ee dalka, waxayna ka tarjumaysaa horumarinta qaybteeda tamarta, oo ay ku jirto dardargelinta maalgashiga wax soo saarka gudaha, iyada oo xoojinaysa kaalinteeda sii socota "sida soo-saare mas'uul ah oo lagu kalsoonaan karo oo eegaya mustaqbalka suuqyada tamarta adduunka".
Wakaaladdu waxay sharraxday in go'aanku yimid ka dib markii "dib u eegis dhammaystiran lagu sameeyey" siyaasadda wax-soo-saarka iyo awoodaha dawladda ee hadda iyo mustaqbalka, iyo iyadoo la eegayo waxa "danta qaranka" looga baahan yahay, marka laga soo tago baahida loo qabo in si wax ku ool ah looga qayb qaato buuxinta baahida caalamiga ah, iyada oo ay jiraan isbeddello siyaasadeed oo ay ka mid yihiin mushkiladda ka taagan Khaliijka Carabta iyo marinka Hormuz ee saameynaya isla'ekaanta saadka.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in ka bixitaanka Imaaraadku ay siineyso dabacsanaan weyn oo ku aaddan dejinta heerarka wax soo saarka ka madax bannaan ballanqaadyada kootada ee xulafada.
Saul Kavonic, oo ah madaxa cilmi baarista tamarta ee MST Financial, ayaa sheegay in OPEC ay lumin karto qiyaastii 15 boqolkiiba awooddeeda wax soo saar iyo mid ka mid ah xubnaheeda aadka u heellan, isaga oo ka digay in Sacuudi Carabiya ay isku aragto in uu culeys weyn saaran yahay si ay u ilaaliso dheelitirka suuqa, iyadoo dalalka kale ay suurtagal tahay inay raacaan hoggaanka Abu Dhabi.
Sida laga soo xigtay xogta OPEC, UAE waxay soo saartaa ilaa 2.9 milyan oo fuusto oo saliid ah, marka la barbar dhigo ilaa 9 milyan oo barmiil oo ay soo saarto Sacuudi Carabiya, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee ururka.
In kasta oo uu jiro ka bixitaanka, Haddana iimaaraadka carabta waxa uu xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan "doorkooda mas'uulka ah" iyada oo si tartiib tartiib ah oo feker ah u kordhinaysa wax soo saarka iyada oo la raacayo baahida iyo xaaladaha suuqa, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in go'aanka "uusan beddelayn ballanqaadkooda xasilloonida suuqyada caalamiga ah" laakiin halkii ay kor u qaadi lahayd awoodda ay uga jawaabto isbeddellada.
Waxay sidoo kale UAE muujisay mahadnaq dadaalka OPEC iyo isbahaysiga OPEC+, laakiin waxay sheegtay in "waqtigii la gaadhay" si ay diiradda u saarto mudnaanta qarankeeda, ballanqaadyadeeda ku wajahan bahwadaagteeda iyo maalgashadayaasha, iyo baahida suuqa.
OPEC waxaa la aasaasay 1960-kii iyada oo ay iska kaashadeen shan waddan - Iiraan, Ciraaq, Kuwait, Sacuudiga iyo Venezuela - iyada oo ujeedadu ahayd iskudubaridka wax soo saarka iyo hubinta dakhliga deggan, ka hor inta aan la ballaarin oo aan lagu darin tiro ka mid ah waddamada wax soo saarka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.