Sideebey dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeysaa xanuunka Ebola ee laga sheegay dalka dariska la ah?
Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heegan sare la galiyay shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala marinnada iyo xuduuddaha dalka laga soo galo, si feejignaan gaar ah loogu yeesho xanuunka Ebola oo oo kiiskiisii ugu horreeyay laga xaqiijiyay wadanka Kenya ee dariska la ah Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si dhaw ula soctay warrarka xunuunkaasi la xiriirra, tan ay markii Kenya ay ku dhawaaqday in kiiskii ugu horeeyay ee xanuunkaasi laga helay wadankeeda.
Dr Xuseen Abuukar oo ah Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka oo qaabilsan dhammaan cilmi baarisyada caafimaadka dalka iyo ka jawaabista xaaladdaha degdeg ah ee cudur dilaaca, ayaa BBC-da uga waramay feejignaanta ay ku jiraan. Ibraahim Maxamed Aadan ayuu u waramay, waxa uuna marka hore ka jawaabayaa su'aal ahayd sida uu ku soo gaaray warka dhiilada leh ee ka yimid Kenya























