TOOS , Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan beegsanay diyaaraddii 58-aad ee Maraykanku leeyahay

Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen diyaarad casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca MQ-9, taas oo uu leeyahay milatariga Maraykanka, kuna sugnayd hawada sare ee marin-biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Trump oo shaaciyay hadal aan horey looga maqli jirin

    .

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ka gaabsaday inuu sheego inuu qaadan lahaa go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee weerarka milatari ee Iiraan, haddii go’aankaasi isaga gacantiisa ku jiri lahaa.

    Vance oo Jimcihii weriyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka weerarka uu qaatay Trump, isla markaana shaqadiisu tahay taageeridda madaxweynaha.

    Hadalkiisa ayaa yimid xilli Trump uu mar kale difaacay weerarka, isaga oo sheegay inuu go’aankaas mar kale qaadan lahaa haddii xaaladdu soo noqoto.

    Vance ayaa hore dagaalka Iiraan ugu tilmaamay sabab weyn oo keentay guuldarradii xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinkii dhexe ee Kongareeska, isaga oo yiri: “Sababta guuldarradeennu waxay ahayd dagaalka.”

    Trump ayaa sheegay inuusan ka xumaan mowqifka Vance, balse uu jeclaan lahaa inuu si cad u taageero go’aanka weerarka.

    Vance kama uusan hadlin inuu taageersan yahay ama ka soo horjeedo dagaalka, balse wuxuu sheegay in ka hortagga in Iiraan hesho hubka nukliyeerka uu yahay ujeeddo muhiim u ah Maraykanka.

    Vance oo hore door muhiim ah uga lahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Iiraan, ayaa hadda Trump faray inuu xoogga saaro arrimaha gudaha ee Maraykanka.

  2. War deg deg ah, Qarax ka dhacay Ciraaq oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac

    Ciraaq

    Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen dab ka dhashay qarax ka dhacay warshad koronto oo ku taalla magaalada Basra ee koonfurta Ciraaq. Mas’uuliyiinta ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashadu ay intaas ka badato.

    Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Ciraaq, dhacdadu waxay ka dhacday warshadda korontada ee Haritha oo ku taalla waqooyiga magaalada Basra. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Ciraaq, INA, ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka dab-demiska ay goobta gaareen, isla markaana ay xakameeyeen dabka.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inaan weli la ogeyn sababta keentay qaraxa iyo dabka, sidoo kalena aan la shaacin qiyaasta khasaaraha guud ee ka dhashay. Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in dabku uu ku fiday xaafado ku dhow warshadda, taas oo sababtay in la hakiyo howlihii ay warshaddu waday.

    Saraakiisha ayaa sheegay in warshadda Haritha ay awood u leedahay inay soo saarto 800 oo megawatt oo koronto ah, balse ka hor dhacdada ay soo saari jirtay qiyaastii 400 oo megawatt.

    Qaybta korontada ee Ciraaq ayaa muddo tobannaan sano ah la daalaa-dhacaysay maalgelin yari, dayactir la’aan iyo dhibaatooyin ka jira kaabayaasha dhaqaalaha. Dalka ayaa marar badan la kulma koronto la’aan muddo dheer socota iyo cilado ku yimaadda nidaamka korontada, gaar ahaan xilliga xagaaga oo baahida korontadu kororto.

    Dababka iyo ciladaha farsamo ee ka dhaca xarumaha tamarta, saldhigyada korontada iyo warshadaha korontada ayaa horey u saameeyay sahayda korontada ee qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo weerarro ku qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyad

    .

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu soo riday saddex gantaal oo riddadoodu dheer tahay, kuwaas oo fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen magaalada caasimadda ah ee Riyad.

    War qoraal ah oo lagu baahiyay barta X ayuu isbahaysigu ku sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudigu ay ogaadeen, qabteen, isla markaana soo rideen dhammaan saddexda gantaal, sidaasna looga hortagay isku day lagu doonayay in lagu weeraro caasimadda.

    Dhanka kale, fallaagada Xuutiyiinta ayaa war-saxaafadeed ay iyaguna ku baahiyeen X ku sheegtay in ay bartilmaameedsadeen goobo kala duwan oo ku yaalla Sacuudiga, oo ay ku jiraan xaafado ay dadku deggan yihiin oo ku yaalla caasimadda Riyad.

    Shalay, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa weerarro ka fuliyay dekedda Xudeydah iyo goobo kale oo ku teedsan xeebta Badda Cas ee Yemen. Isbahaysigu weerarradaas ayuu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah”.

    Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan weerarradaas.

    Dagaallada sokeeye ee Yemen ayaa toddobaadyadii u dambeeyay mar kale sii xoogaystay, iyadoo ay kordheen weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadayaan Sacuudiga.

  4. Xanuunka Istarooga iyo waxyaabaha soo dadajiya ee ay Soomaalidu Isticmaasho

    Istarooga

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  5. War deg deg ah, War cusub: Markab shidaal oo hadda lagu weeraray Marin-biyoodka Hormuz iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya

    .

    Markab shidaal oo marayay marin-biyoodka Hormuz ayaa dhabarka dambe lagaga dhuftay shay aan la aqoonsan, meel qiyaastii 11 mayl waqooyi ka xigta magaalada Khasab ee dalka Cumaan, sida ay sheegtay Hay’adda Ganacsiga Badaha ee UK.

    Lama soo sheegin cid wax ku noqotay dhacdada, halka aan weli la ogeyn saameynta ay ku yeelatay deegaanka.

    Khasab waxay ku taallaa Jasiiradda Musandam ee dalka Cumaan, halkaas oo laga galo marin-biyoodka Hormuz.

    Ka hor inta uusan bilaaban dagaalka milatari ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, marin-biyoodkan istaraatiijiga ah waxaa mari jiray qiyaastii shan boqolkiiba saliidda cayriin ee dunida.

    Gaadiidka badeecadaha ee mara marin-biyoodkan ayaa hakad iyo carqalad galay tan iyo markii Iiraan ay tallaabo milatari ka qaaday 28-kii Febraayo.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Laba hay’adood oo kale oo dowladda Maraykanka oo weeraro lagu qaaday

    Weerar Internerka ah

    Waxaa la soo sheegay laba kiis oo kale oo la xiriira weerarro dhanka internetka ah oo lagu qaaday hay’ado ka tirsan dowladda Maraykanka.

    Weerarradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee ka mid ah weerarro dhanka internetka ah iyo cilado isdaba joog ah oo dhawaanahan saameeyay kaabayaasha tiknoolajiyadda ee Maraykanka.

    Hay’adda Dambi-baarista Federaalka ee FBI-da ayaa baaraysa weerar la tuhunsan yahay in lagu jabsaday kaydkeeda xogta dambiyada, kaas oo isku xira hay’adaha heer federaal, heer gobol iyo heer deegaan.

    Dhanka kale, waxaa weerar dhanka internetka ah lagu qaaday nidaamyada lacag-bixinta beeraleyda ee wasaaradda Beeraha Maraykanka. Wasaaraddu waxay ka walaacsan tahay in qaybo kale oo ka mid ah shabakaddeeda ay iyaguna saameeyeen weerarradu.

    Bishii la soo dhaafay, waxaa weerarro dhanka internetka ah lagu qaaday nidaamyada duulista, bangiyada iyo amniga qaranka ee Maraykanka. Weerarradaasi waxay sababeen carqalado baahsan, waxayna horseedeen inuu is casilo Sean Cairncross, oo ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee Aqalka Cad u qaabilsanaa amniga internetka.

    Waxaa la rumeysan yahay in kooxaha wax jabsada ay adeegsanayaan garaadka macmalka ah (AI) si ay u ogaadaan meelaha nugul ee nidaamyada, kuwaas oo laga yaabo in aadanuhu uusan si fudud u ogaan karin.

  7. War deg deg ah, Trump oo qiray in qiimaha shidaalka uu ku xiranyahay Iran

    Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu hoos u dhici doono ka hor intii uusan bilaaban hawlgalka milatari ee Maraykanku ka fulinayo Iiraan, isaga oo saadaaliyay in qiimuhu si weyn hoos ugu dhici doono dhawaan.

    “Waxaad arki doontaan qiimaha oo aad u hooseeya muddo aan fogayn,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay qabtay.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaas ku daray in qiimaha shidaalka wixii hadda ka dambeeya uu ku xirnaan doono sida Maraykanku u xalliyo khilaafka kala dhexeeya Iiraan.

    Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay doonayso inay heshiis la gaarto Maraykanka, balse aysan diyaar u ahayn inay aqbasho shuruudaha Washington.

    “Waxaan doonaynaa heshiis dhab ah, ee ma doonayno heshiis been ah,” ayuu yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Sacuudiga oo hadda war ka soo saaray qaraxyo laga maqlay

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu soo riday saddex gantaal oo lagu soo tuuray caasimadda Riyadh.

    Waxaa magaalada laga soo sheegay qaraxyo.

    Tani waa markii labaad oo Xuuthiyiintu ay weerar ku qaadaan Riyadh muddooyinkii u dambeeyay. Khamiistii, waxaa la weeraray dhismaha dabaqyada ugu dheer magaalada, waxaana waxyeello soo gaartay dhowr dabaq iyo dhismayaal kale oo ku dhowaa.

    Xuuthiyiinta ayaa hore ugu hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyo ku yaalla guud ahaan Sacuudiga, kaddib weerarradii Jimcihii ay isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu ku qaadeen dekedda Xudeyda ee Badda Cas iyo bartilmaameedyo kale.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. BBC-da oo ogaatay arrin halisteeda leh oo Imaaraadku dhaqaale ku bixiyo

    Imaaraatka

    Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliyay dilal siyaasadeysan oo ka dhacay Yemen, baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa sidaa lagu ogaaday, taasoo oo sii xumeyneysa colaadda ay ku lug leeyihiin dowladda Yemen iyo kooxaha ka dagaalamaya Yemen oo dhawaanahan soo jiidatay indhaha caalamka ee badda cas.

    Tababarro ka dhan ah argagixisada oo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay siiyeen saraakiisha Imaaraadka ee Yemen ayaa loo adeegsaday in lagu tababaro dadka gudaha ah oo ku shaqeynaya qaab hoose, taasoo dhalisay sare u kac weyn oo xagga dilalka qorsheysan ah, sida ay BBC-da Carabi u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

    BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka ay sheegeen in ujeeddada ay tahay mid lagu ciribtirayo kooxaha jihaad doonka ah ee Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah (IS) ee koonfurta Yemen, haddana Imaaraadku wuxuu sii waday in ay xubno hore oo Al-Qaacida ka tirsan uu u qoro ciidamada amaanka ee Yamen si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubeysan.

    Xusuusin-Warbixintaan waa sheeko ay BBC-du horey u baahisay

  10. War deg deg ah, Madaxweynaha Ukraine oo Putin-ka Ruushka ugu yeeray "gacan ku dhiigle" halka Trump ugu yeeray eray saaxibkiis

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ku tilmaamay “gacan-ku-dhiigle”, isaga oo ka jawaabaya hadallo uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump hoggaamiyaha Ruushka ugu yeeray “saaxiibkiis” intii uu booqashada ku joogay Shiinaha toddobaadkan.

    Zelensky oo la hadlayay CNN ayaa yiri: “Annaga Putin waa cadowgeenna, waana gacan-ku-dhiile.”

    Trump ayaa Khamiistii, intii uu socoday kulan saddex geesood ah oo taariikhi ah oo uu la yeeshay yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo Putin, ka sheegay in Putin uu yahay “saaxiibkiis”, isla markaana ay muddo sannado ah lahaayeen xiriir wanaagsan.

    Zelensky ayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka ku qaaday Ukraine ku tilmaamay kuwii ugu cuslaa ee sanadkan dhaca. Waxa uu sheegay in weerarradaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, kaddib markii Ruushku uu adeegsaday 110 gantaal, oo ay ku jiraan 27 gantaal oo riddadoodu gaaban tahay, iyo in ka badan 400 oo diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

    Saacado kaddib weerarrada Ukraine, Trump ayaa weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isaga oo sheegay in Putin uu doonayo in dagaalka la soo afjaro.

    “Zelensky iyo Putin labaduba waxay doonayaan in dagaalku istaago, waana arrin wanaagsan inaan xiriir la leeyahay labadoodaba,” ayuu Trump yiri Jimcihii.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay weerarro uu Ruushku Jimcihii ku qaaday buundooyin ku yaalla Kyiv iyo saldhigyo tareen, maalmo uun kaddib markii Ukraine ay si weyn u waxyeelleysay Buundada Crimea.

    Hase yeeshee, Zelensky ayaa sheegay in isaga, inkastoo mowqifka Trump uu sidaas yahay, uu Putin u arko “gacan-ku-dhiile”.

    “Waxaan aaminsanahay in dad badan oo dunida ku nool ay u arkaan gacan-ku-dhiile, maadaama uu habeen iyo maalinba dad dilayo,” ayuu yiri.

    Isweydaarsiga hadalladan kulul ayaa yimid xilli Poland oo deris la ah Ukraine ay ku dhawaaqday in gantaal nooca cruise-ka ah oo Ruushku leeyahay uu ka mid ahaa saddex walxood oo Jimcihii aroortii hore soo galay hawadeeda, gaar ahaan koonfur-bari dalkaas.

  11. Bahal laga helo inta badan guryaha Soomaalida oo sababay geerida qoys 5 qof ka kooban

    Pakistan

    Waxay ahayd 22kii Oktoobar markii xaaska Qaasim Cali ay quraac ahaan u samaysay macmacaan, tuulada 'Mahmood Khanike' oo u dhow magaalada Kanganpur, degmada Kasur ee gobolka Punjab.

    Qoysku wuxuu ka koobnaa shan qof: Qaasim Cali (55 jir), xaaskiisa Hasna Bibi (52 jir), iyo saddex wiil oo kala ah Asif Cali (28 jir), Nazim Cali (25 jir), iyo Amanat Cali (15 jir).

    Qasim Cali wuxuu ahaa beeraley, saddexdiisa wiilna waxay kala shaqeynayeen beeraha. Maadaama xilligaas lagu guda jiray diyaargarowga goosashada dalagga, waxay caado u ahayd aabaha iyo wiilashiisa inay subaxdii hore kacaan oo ay aadaan beeraha.

    Sida ay sheegeen booliiska deegaanka iyo ehellada qoyska, xaaska Qaasim Cali, Hasna Bibi, ayaa 22-kii Oktoobar cuntay macmacaankaas, waxayna sidoo kale siisay ninkeeda iyo saddexdeeda wiil; intaas ka dibna raggu waxay aadeen beeraha si ay u shaqeeyaan.

    Hase yeeshee, markii la gaaray saacadda 12-ka duhurnimo, xubnaha qoyska ayaa bilaabay inay dareemaan xanuun, oo marba uu mid soo rito.

  12. War deg deg ah, Maxaad ka ogtahay afartii arrimood ee Farmaajo lagula taliyay xilligii ay Imaaraadka is qabteen?

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

    Ururka xasaradaha caalamiga ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

    Hadalka ICG ayaa ku soo beegmaya sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii uu billaamay muranka Khaliijka.

    Bishii June ee sannadkii hore waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynayn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.

    Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda qaniga ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

    Soomaliya ayaa qaadatay go'an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.

  13. War deg deg ah, Tallaabo uu qaaday Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska oo hadal hayn xooggan dhalisay

    .

    Andy Burnham Ra'iisul Wasaaraha UK, ayaa sheegay in Britain ay kala hadli doonto Midowga Yurub fursado lagu sii xoojin karo xiriirka labada dhinac, kaddib markii la gaaray heshiisyo khuseeya dhoofinta cuntada Britain, ganacsiga qiiqa kaarboonka iyo barnaamij dhalinyarada u oggolaanaya inay labada dhinac ku kala noolaadaan khibrad iyo waxbarasho.

    Ra'iisul wasaaraha Britain ayaa heshiiska ku tilmaamay “arrin wanaagsan” oo u soo hoyatay Britain iyo Yurub, isagoo intaas ku daray in wasaaradda maaliyaddu ay aaminsan tahay in heshiisku dhaqaalaha Britain ku kordhin karo ilaa 17 bilyan oo gini sannadkii.

    Madaxweynaha Golaha Yurub, António Costa, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu weli diyaar u yahay inuu Britain lala yeesho xiriirka ugu dhow ee suurtagalka ah.

    Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Kemi Badenoch, ayaa sheegtay in heshiisku aanu ahayn mid caddaalad ah, halka Nigel Farage oo ka tirsan xisbiga Reform ayaa ku tilmaamay “khiyaano loo geystay shacabka Britain”.

    Sharciga lagu dhaqan-gelinayo heshiiska ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda la horgeeyo baarlamaanka Britain.

    Burnham ayaa gaaray magaalada Brussels si uu u soo gabagabeeyo marxaladdii ugu dambeysay ee qorshaha dowladda Britain ee dib-u-habaynta xiriirka Midowga Yurub kaddib ka bixitaankii Midowga Yururb, kaas oo markii hore uu bilaabay ra'iisul wasaarihii hore Sir Keir Starmer.

    Heshiisyada lagu dhawaaqay Jimcihii waxaa ka mid ah in la baabi'iyo inta badan baaritaannada lagu sameeyo cuntada Britain ee loo dhoofiyo Midowga Yurub, iyadoo Britain ay beddelkeeda laga doonayo inay raacdo qaar ka mid ah xeerarka Midowga Yurub laga bilaabo sannadka 2028.

    Dowladda Britain ayaa aaminsan in isbeddelladani ay hoos u dhigi doonaan kharashaadka ganacsatada, isla markaana ay suuragal tahay inay qiimaha badeecadaha dhimaan.

    Hase yeeshee, dadka dhaliila heshiiska ayaa ku doodaya in isbeddelku Britain ka dhigi doono dal raaca xeerarka Brussels halkii ay iyadu ka ahaan lahayd dal dejista xeerarkeeda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. War deg deg ah, Trump oo ka jawaabay in Iran qorsheynayso in ay weerarto Washington

    Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ogeyn in ay run tahay wararka sheegaya in Iran ay sameysanayso hubka loo yaqaan “Dirty Bomb”, balse haddii ay dhab ahaantii dhisayso, Maraykanku wuu ogaan doonaa isla markaana ka hortagi doono.

    Trump oo Jimcihii shalay shir jaraa'id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sidaas kaga jawaabay su'aal la xiriirtay warbixinno sirdoon oo sheegaya suuragalnimada in Iran ay bam noocaas ah ku weerarto magaalada Washington.

    “Ma garanayo. Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya inay sameysanayaan bam wasakhaysan,” ayuu yiri Trump.

    Wuxuu intaas ku daray: “Wax badan ayaan ka ognahay waxa ka socda Iran. Waan ognahay wax kasta oo ay sheegayaan, cidda ay yihiin iyo meelaha ay joogaan. Arrintan waan ogaan doonnaa, mana oggolaan doonno inay dhacdo.”

    Warbaahinta CNN ayaa hore u baahisay warbixin sheegaysa in xogaha sirdoonka ee hay'adaha amniga Maraykanku ay muujinayaan in Iran laga yaabo inay isku dayayso inay sameysato bam wasakhaysan oo ay ku qarxiso Washington.

    Hase yeeshee, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin warbixinta CNN.

    Saraakiisha Iran ayaa beeniyay eedeymahaas, halka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio uu hore u sheegay inuusan rumaysnayn inay jirto khatar degdeg ah oo Washington ku wajahan.

    Waa maxay bamka wasakhaysan?

    Waa hub ka sameysan walxaha qarxa ee caadiga ah si uu hawada ugu faafiyo walxo shucaac leh. Wuu ka duwan yahay bamka nukliyeerka, maadaama uusan ahayn hub nukliyeer ah.

  15. War deg deg ah, Iran oo sheegtay in ku dhawaad 60 diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay dhulka soo dhigtay

    Diyaarad

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen diyaarad casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca MQ-9, taas oo ay leedahay milatariga Maraykanka, kuna sugnayd hawada sare ee marin-biyoodka Hormuz.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda la ogaaday, lala socday, dabadeedna lagu beegsaday nidaamka difaaca cirka ee ciidanka cirka ee IRGC, saacad ka hor.

    Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tani ay tahay diyaaraddii 58-aad ee Maraykanka ee nooca MQ-9 oo ay beegsadaan.

    Saraakiisha Maraykanka ayaan weli ka hadlin sheegashadan, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in diyaaradda la soo riday.