Aqalka Cad oo difaacay hadalkii Trump ee ahaa in Iran 'ay baabi'in karto' Los Angeles iyo San Diego

Qoraalka Muuqaalka, Trump
    • Author, Jamie Whitehead
    • Author, Bernd Debusmann Jr
    • Role, Weriyaha Aqalka Cad
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Hadal uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sheegay in Iran ay "burburin karto" magaalooyinka Los Angeles iyo San Diego ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka timid hoggaamiyeyaasha gobolka California, waxaana arrintaas ka dhalatay jawaab adag oo ka timid Aqalka Cad.

Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii Trump ka jeediyay isu soo baxa ololaha ee Nebraska, isagoo ku tilmaamay mid "waalan oo khatar ah". Dhankeeda, Duqa Magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa hadalkaas ku tilmaamtay hanjabaad iyo isku day lagu "dhiirri-gelinayo weerarro ka dhan ah shacabka Mareykanka".

Aqalka Cad ayaa difaacay Trump, isagoo sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasirtay. Waxay caddeeyeen in ujeedkiisu ahaa in haddii aan Iran horraantii sanadkan wax laga qaban, magaalooyinka Mareykanka ay khatar weyn geli lahaayeen.

Los Angeles iyo San Diego waxaa lagu tiriyaa magaalooyinka ay ku yaallaan qaar ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan dekedo waaweyn oo ciidanka badda iyo saldhigyo muhiim ah oo ciidanka cirka ah.

Isagoo ku sugan Nebraska oo ka hadlayay qiimaha lagu bixinayo amniga caalamka iyo kan Mareykanka, Trump wuxuu yiri: "Tani waa wax yar oo aan ugu jirno ilaalinta nabadgelyada adduunka iyo dalkeena. Iran waxay awood u leedahay inay magaalo dhan ciribtirto. Haddaba u daaya ha burburiso Los Angeles, u daaya ha burburiso San Diego."

Hadalkaas ayaa dhaliyay jawaab kulul oo ka timid Duqa Magaalada San Diego, Todd Gloria, kaas oo bartiisa X ku qoray in magaaladiisu aysan ahayn "khasaare dhinac ah oo la iska indho tiri karo", isagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka laabto "hadallada khatarta ah ee uu dagaalka ku saabsan jeedinayo".

Ilaa hadda Trump si toos ah ugama jawaabin dhaleeceynta uga timid hoggaamiyeyaasha California.

Balse Agaasimaha Isgaarsiinta Aqalka Cad, Steven Cheung, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in buuqa warbaahintu ka abuurtay hadalka Trump uu yahay mid "aan sal iyo raad toona ku lahayn xaqiiqda", isagoo ku tilmaamay "argagax warbaahineed".

Cheung wuxuu intaas ku daray: "Wuxuu si cad u sheegay in magaalooyinka Mareykanka ay khatar weyn geli lahaayeen haddii aan la joojin Iran oo haysata hubka nukliyeerka. Maanta Mareykanka aad ayuu u ammaan badan yahay, waxaana mahad iska leh Madaxweynaha. Iran hadda ma laha barnaamij nukliyeer ah, ciidan badeed, ciidan cirka ah, iyo xitaa dhaqaale toona."

Madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee maamulkiisa ayaa marar badan ku celceliyay in carqaladeynta barnaamijka nukliyeerka Iran ay ahayd arrin lama huraan u ah amniga qaranka Mareykanka, isla markaana wixii khasaare ah ee ka dhasha khilaafkaas loo arko mid aan laga maarmi karin.

California
Qoraalka sawirka, Trump iyo Newsom ayaa kulmay markii madaxweynuhu booqday California bishii Janaayo, kadib markii gobolkaas ay saameeyeen dab-ka-kacay kaymaha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoraal kale oo lagu daabacay barta rasmiga ah ee Jawaabta Degdegga ah ee Aqalka Cad ayaa saxafiyiinta wargeyska Los Angeles Times ee hadalladaas wax ka qoray loogu yeeray "majaajiliistayaal", iyadoo mar kale la beeniyay qaabka ay Newsom iyo kuwa kale u fasirteen hadalka Madaxweynaha.

Bartaas ayaa intaas ku dartay: "Wuxuu sheegayay in Mareykanku uu u dagaallamayo sidii looga hortagi lahaa Iran inay hesho awood ay ku burburiso Los Angeles iyo San Diego hub nukliyeer ah, taas oo ay si dhab ah u samayn lahayd haddii fursad la siiyo."

San Diego waxay 27 KM u jirtaa xadka Mexico, waana magaalada 8-aad ee ugu weyn Mareykanka. Waxaa ku yaalla Saldhigga Badda ee San Diego, oo ah dekedda ugu weyn ee Ciidanka Badda Mareykanka ku leeyahay Badweynta Pacific, iyo Saldhigga Coronado, oo ah xarunta ugu weyn ee lagu tababaro ciidanka gaarka ah ee SEAL-ka ee Xeebta Galbeed.

Sidoo kale waxaa ku taalla xerada Camp Pendleton ee ciidanka badda, oo ay ka howlgalaan ilaa 70,000 oo isugu jira askar iyo shaqaale rayid ah.

Los Angeles oo qiyaastii 193 KM waqooyi kaga beegan San Diego, waa magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Mareykanka. Waxaa ku taalla xarunta taliska nidaamyada hawada sare ee Ciidanka Hawada Sare ee Mareykanka, iyo Saldhigga Cirka ee Los Angeles.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka iyo Guddoomiyaha California — oo la filayo inuu u tartamo madaxtinimada 2028 — ay si toos ah isaga hor yimaadaan.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Trump ku tilmaamay Newsom hoggaamiye aan karti layan, isagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay inuu si habboon wax uga qabto markii qaar ka mid ah dibadbaxyadii ka dhanka ahaa fulinta sharciga socdaalka ee Los Angeles ay isu beddeleen rabshado.

Newsom ayaa dhankiisa Trump ku eedeeyay "ku takrifal xad-dhaaf ah oo uu ku sameeyay awoodda", ka dib markii uu ciidamo u diray magaalada si ay u ilaaliyaan dhismayaasha dowladda federaalka xilligii ay socdeen dibadbaxyadaas.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii Trump ku jeesjeesay cilladda akhris-qoraalka ee Newsom uu qabo, isagoo sheegay in madaxweynayaashu aysan yeelan karin dhibaatooyin dhanka waxbarashada ah, hadalkiisaas oo dhaleeceyn xooggan kala kulmay ururrada u dooda dadka qaba cilladda dyslexia-ga.