Nin xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu saxaro bini'aadam ku kaydiyay bannaanka gurigiisa

    • Author, Mansur Abubakar
    • Reporting from, Kano
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Nin ku nool waqooyiga Nigeria ayaa lagu xukumay labo toddobaad oo xabsi ah, ka dib markii dadka deriska la ah ay ka cawdeen inuu bacaha saxarada bini'aadamka ku kaydsanayay bannaanka gurigiisa, taasoo ay sheegeen inay nolosha ka dhigtay mid aan loo adkaysan karin.

Maxamed Saidu ayaa loo gudbiyay maxkamad ku taal magaalada Kano ee dalkaasi ka dib markii dadka deegaanka ay ku wargeliyeen ur xun saraakiisha deegaanka.

Garsooraha Maxkamadda Xaliimo Wali ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo 14 maalmood iyo ganaax lacageed oo dhan 100,000 naira (£55; $74). Waxay ku tilmaantay ficilkiisa mid aan laga fiirsan oo khatar ku ah caafimaadka deriskiisa.

Saidu, oo shaqadiisu ay tahay inuu faaruqiyo haamaha saxarada ku jiraan, ayaa la rumeysan yahay inuu saxarada ka iibin jiray beeralleyda si ay ugu adeegsadaan bacriminta - taasoo ah caado caan ah oo ka jirta gobolka, laakiin si dhif ah ayaa loo qirtaa.

"Waxaan u malaynayaa in markii ugu horreysay ee cabashadu i soo gaadhay uu haysto ku dhawaad ​​50 kiish oo saxaro ah," ayuu yidhi madaxa deegaanka Muuse Cabdullaahi oo la hadlay BBC-da.

Dadka deriska la ah ayaa sheegay in ur ka soo baxaysa guriga uu noqday mid aad u adag oo aan suurtagal ahayn in lagu nasto guriga.

Samaila Inuwa oo ka mid ah dadka cabanayay ayaa BBC-da u sheegay in markii hore ay isku dayeen in ay arrinta si hoose u xalliyaan.

"Waan kala hadalnay arrintaas laakiin ma uu joojin," Inuwa ayaa yidhi.

Maxkamadda dhexdeeda, Saidu waxa uu ka qirtay dambiga lagu soo oogay oo ahaa in uu khatar geliyey caafimaadka bulshada.

Kahor inta aysan soo saarin xukunkeeda, Qaadiga Wali waxay booqatay guriga si ay u aragto boorsooyinka saxarada.

Waxay ku amartay Saidu inuu ka nadiifiyo dhammaan khashinka goobta, uuna ballan-qaado inuusan dib dambe u soo noqon dembiga.

Inuwa waxa uu sheegay in noloshu ay hore u soo roonaatay oo ay nasteen dadka deegaanka tan iyo markii kiiska maxkamadda la keenay.

"Ugu dambayntii, xaafaddeennu aad bay u raaxaysanaysaa mar kale iyada oo aan lahayn ur xun," ayuu yidhi.

Caaqilka deegaanka ayaa sheegay in uu soo galay arrinta markii Saciidu bilaabay kaydinta khashinka.

"Markii ugu horreysay ee uu bilaabay, waan kala hadlay isaga, wuuna ka saaray wuuna joojiyay," ayuu yidhi. "Ma garanayn goorta uu dib u bilaabay."

Waxa uu intaa ku daray in deriska ay doorteen in ay maraan sharciga markan oo ay si toos ah ugu tagaan maamulka.

Cabdullaahi waxa uu sheegay in gurigiisa uu aad uga fog yahay oo aanay wax ur ahi soo gaadhin, balse ay u yeereen buu yidhi dadka deegaanka.

"Hammigeygu waa in qof walba oo aaggan jooga uu nabad ugu noolaado," ayuu yidhi. "Marka la sii daayo, waxaan la hadli doonaa isaga iyo deriska mar kale."