You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iiraan iyo Mareykanka oo saxiixay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka

Weli lagama heshiin arinta nukliyeerka Iiraan oo muddo uu muran ka taagnaa, dibna u dhigeysay heshiisyo hor leh

Tebin toos ah

  1. Sir ay Israa'iil qarinaysay 50 sano oo uu hadda banaanka u soo saaray dagaalkii Qasa

    Ma ku saxsan yihiin Masaaridu inay u baqaan Siinaay, marka la eego mushkiladda haysata Falastiiniyiinta ee la xiriirta weerarrada ay Israa’il ka waddo marinkak Qasa ee ay deriska yihiin? Dukumntiga Ingiriiska ayaa jawaabta haya.

    Dukumentiga, oo uu arkay wariye BBC ka tiran wuxuu daaha ka rogayaa in Israa’iil ay samaysay qorshe ay Falastiiniyiinta Qasa ugu dhoofinayso waqooyiga Siinaay 52 sano ka hor.

    Ka dib markii askarta Israa’iil ay galeen Qasa, daanta galbeed, bariga Quddus, iyo buuraleyda Suuriya ee Golan Heights dagaalkii Juun 1967kii, marinku wuxuu israa’iil ku noqday meesha ay kala kulanto dhibaatada ugu weyn ee dhinaca amniga.

    Xeryaha qaxootiga ee buux dhaafay waxay noqdeen halka ay ka samaysanto iska caabbinta askarta Israa’iil, duullaankana looga soo qaado ciidanaka soo galay iyo kuwa la shaqeeya.

    Sida ay sheegayaan qiyaasaha uu ingiriisku sameeey, markii Israa’iil ay galaysay Gaza waxaa marinkaas ku sugna ilaa 200,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid deegaannada kale ee Falastiiniyiinta, waxaana caawinayey hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA, waxaana intaa dheeraa 150,000 oo Falatiiniyiin ah oo degganaa marinka.

  2. Hubka nukliyeerka Iiraan ma laga heshiiyay?

    Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in dib loogu furo marinka Hormuz.

    Dhanka kale Iiraan ayaa ogolaatay in aysan samaysan ama soo iibsan hubka Nukliyeerka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la tacaalaan uranium-ka la tanaadiyey ee Tehran ay horey u heysatay.

    Habka loo maareynayo maadooyinkaas ma cadda. Dukumeentigu wuxuu xusayaa in habka "lagu heshiin doono si labada dhinacba u cuntanta" wadahadalada xiga, waxaana dusha ka ilaalin doonta Hay'adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.

    Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay "halbeegga ugu yar" iyo "guul weyn" oo u soo hoyatay Maraykanka.

    Trump ayaa sheegay in ka hortagista Iiraan in ay haysato hubka Nukliyeerka ay tahay "99%" waxa uu rabo markii uu bilaabayey howlgalka Epic Fury horaantii sanadkan.

    Maadaama uu Maraykanku ku tilmaamay heshiiska mid ku salaysan waxqabad, qaadidda cunaqabataynta ee lagu qeexay qodobka 7 waxay ku xiran tahay Iiraan iyada oo raacaysa qodobka 8.

    Sidoo kale akhri

  3. Dhiigga dahabka ah: Haddii aad leedahay dhiigga noocan ah waxaad leedahay dhiig qiimo badan

    Dhiigga la yidhaahdo Rh null oo mararka qaarkood loogu yeedho "dhiigga dahabka ah," waa nooca dhiigga ugu naadirsan adduunyada, iyadoo kaliya 50 qof ay haystaan.

    Dhiig-shubistu waa hannaan beddelay sidii la isku daawayn jiray wakhtiyadii hore. Marka uu qofku la kulmodhaawac culus, waxa lagu shubaa dhiig qof kale oo ay isku nooc yihiin si naftiisa loo badbaadiyo.

    Laakiin waxaa jira dad aan ka faa'iideysan karin habkan. Dadka leh noocyada dhiigga ee naadirka ah waxay la kulmi karaan dhibaato weyn marka ay raadinayaan dhiig laga keenay qof kale oo noociisa ah.

    Nooca dhiigga ee ugu naadirsan adduunyada waa kan lagu magacaabo Rh null —waxa lagu ogaaday in kaliya 50 ay dhiiggaasi leeyihiin.

    Haddii dadkaas la dhaawaco ama u ay u baahdaan in dhiig loo shubo, fursadda ay ku heli karaan dhiigga loo baahan yahay waa mid aad u yar. Sidaas darteed, dadka leh noocan dhiigga ah waxaa lagu talinayaa in ay kaydiyaan dhiiggooda si ay mustaqbalka u isticmaali karaan.

    Waxyaabaha ka dhigaya dhiiggan mid qiimo leh ma aha oo kaliya in uu dhif yahay. Qaybaha caafimaadka iyo cilmi-baadhistu waxay dhiiggan ugu yeedheen "dhiigga dahabka ah" sababta oo ah faa'iidooyinka badan ee laga heli karo

  4. Waa kee dalka xiga ee aqoonsan kara Somaliland kadib Israa'iil?

    Israa’iil kadib, yaa xiga oo aqoonsan doona Somaliland? Waa su’aal ay warbaahinta i24 weydiisay madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la weydiiyay xili wareysi gaar ah uu bixinayay.

    Madaxweynaha ayaa ku jawaabay inay jiraan dalal badan oo liiska ku jira balse uusan dooneyn inuu haatan shaaciyo dalalkaas, sababo jira awgood.

    Ilaa goorma ayay aqoonsan karaan Somaliland? ayaa la weydiiyay madaxweynuhu.

    “Dhawaan ayay noqon kartaa”, ayuu ku jawaabay madaxweyne Cirro.

    Dhanka kale, waxaa madaxweyne Cirro wax laga weydiiyay inuu xiriir la leeyahay madaxweynaha Mareykanka iyo dowladda Mareykanka markay timaado aqoonsi, waxaana uu sheegay in ay jiraan xiriiro ay la sameeyaan iyagoo u mara wadooyin diblumaasiyadeed.

    Wadamada kale ee gobolka sida Itoobiya, Kenya iyo Imaaradka ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay inay iyaguna la sameeyaan xiriiro diblumaasiyadeed.

    Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.

    Mudnaan ma siinayaan Somaliland? aya la weydiiyay

    "Haa, way u yihiin, waxaanan iyagana la leenahayxiriir oo furan", ayuu yiri madaxweynuhu..

    Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.

    Sidoo kale akhri

  5. Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda F-16

    Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

    Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

    Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

    ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

    Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

    Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

  6. 'Somaliland waxay ogolaatay 3 shuruudood oo ay Israa'iil aqoonsi uga beddelatay' - Xassan Sheekh

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa'iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

    Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go'aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa'iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay "ku beddelatay aqoonsi" ay ka hesho Israa'iil iyo xulufadeeda.

    "Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba - in Israa'iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa'iil ee Somaliland aqbshay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.

    Waxa uu intaas ku daray haddii ay dhaqan galaan qodobadaan in ay noqonayaan "halis amni oo caalamka kaga imaan doontaa geeska".

    Haddii sadexdaas qodob dhaqan galaan Somaaliya waxa ay ku furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxa ayna horseedi doonaan xasillooni darro", ayuu yiri Madaxweynaha.

  7. Masjidka Al-Aqsa oo halis wajahaya

    Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib markii dadka ay wadaniyadda madax martay ee Israa’iil ay ka soo horjeesteen xeerar horey uga jiray masjidka.

    Dadkan ayaa doonaya inay macbad weyn oo yuhuuduu leedahay ka dhisaan masjidka oo 1400 oo sano oo la soo dhaafay ay ku cibaadeysanayeen dadka Muslimiinta ah.

    Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

    Wuxuu masjidku gaar u yahay dadka muslimiinta ah, balse taasi ayay doonayaan inay wax ka bedelaan, oo hadii ay dhacdo lagu soo warramayo, inay dhalin karto dagaal diimeed oo ka qarxa gobolka oo dhan.

    Dadka aan Muslimiinta ahayn waa loo ogol yahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola inay halkaas ku tukadaan ama ay sameeyaan cibaado diimeed.

    Wargayska Middle East Eye, ayaa ilo wareedyo badan u sheegeen in hay'ad cusub oo ay samaysay dowladda Israa'iil ay dooneyso in masjidka al-Aqsa ku dhawaaqdo in laga dhiagyo "goob diimeed badan".

    Dalalka khaliijka ayaa dhamaantood cambaareeyay markii uu soo baxay warkan halka dowladda Ingiriiskana, ay ku baaqday in la ixtiraamo goobaha taariikha ah gaar ahaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa si isdaba joog ah u sheegay, in wax isbeddel ah uusan ku imaan xaaladda hadda jirta.

    Waxaa masjidka Al-Aqsa haatan gacanta ku haya oo maamula wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka Jordan.

    Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.

    Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.

    Sidoo kale akhriso

  8. Ma dhab baa in Israa’iil ay saldhig ka furaneyso Somaliland?

    Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay bishii Maarso ee sanadkan, ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada ka mid tahay.

    Hadalkan ayaa ahaa mid la hadal hayay.

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Israa’iil, ayaa wareysi gaar ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa’iil.

    “Hadda ma aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.

    Markii la weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.

    Waxaa arrntan sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la yeelatay.

    Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi "labada dal" si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen 'midba midka kale', taas oo u oggolaanaysa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari ah.

    Markii la weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.

    Sidoo kale akhri

  9. Arrimaha muhiimka ah ee ku jira heshiiska ay saxiixeen Mareykanka iyo Iiraan

    Donald Trump ayaa tan ka dhigay shuruuddiisa koowaad tan iyo bilowgii dagaalka bishii Febraayo. Waxay sidoo kale sheegeen in uranium-ka la kobciyey ee Iiraan “la khafiifin doono” isla gudaha dalka, iyadoo kormeer ay sameynayso Hay’adda Caalamiga ah ee atoomikada iyo Nukliyeerka ee .

    Markii hore, Maraykanku wuxuu dalbanayay in gebi ahaanba dalka laga saaro, taasoo ah isbeddel cusub.

    Arrinta dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, saraakiishu waxay sheegeen in 60 maalmood aan wax lacag ah laga qaadi doonin maraakiibta maraysa.

    Ka dib muddadaas, Iiraan iyo dalalka dariska ah ayaa ka wada xaajoon doona waxa dhici doona. Taasi waxay furaysaa suurtagalnimada in mustaqbalka lacago la saaro, halka markii hore dagaalka ka hor aysan wax lacag ah jirin.

    Kadib waxaa jira muranka ku saabsan sanduuqa dib-u-dhiska ee $300 bilyan. Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay “war been ah”, balse wuxuu ku jiraa dukumentiga.

    Saraakiisha Maraykanku waxay ku adkaysteen in Maraykanku uusan bixin doonin “hal senti”, isla markaana uu ku xirnaan doono Iiraan “inay si wanaagsan u dhaqanto,” sida ay hadalka u dhigeen.

    Heshiiskan ayaa la filayaa in si faahfaahsan loo baaro maalinba qodobkiisa. Su’aasha weyn ee taaganna waa: maxay dhab ahaan Maraykanku ka helay dagaalka uu la galay Iiraan?