Sir ay Israa'iil qarinaysay 50 sano oo uu hadda banaanka u soo saaray dagaalkii Qasa
Ma ku saxsan yihiin Masaaridu inay u baqaan Siinaay, marka la eego mushkiladda haysata Falastiiniyiinta ee la xiriirta weerarrada ay Israa’il ka waddo marinkak Qasa ee ay deriska yihiin? Dukumntiga Ingiriiska ayaa jawaabta haya.
Dukumentiga, oo uu arkay wariye BBC ka tiran wuxuu daaha ka rogayaa in Israa’iil ay samaysay qorshe ay Falastiiniyiinta Qasa ugu dhoofinayso waqooyiga Siinaay 52 sano ka hor.
Ka dib markii askarta Israa’iil ay galeen Qasa, daanta galbeed, bariga Quddus, iyo buuraleyda Suuriya ee Golan Heights dagaalkii Juun 1967kii, marinku wuxuu israa’iil ku noqday meesha ay kala kulanto dhibaatada ugu weyn ee dhinaca amniga.
Xeryaha qaxootiga ee buux dhaafay waxay noqdeen halka ay ka samaysanto iska caabbinta askarta Israa’iil, duullaankana looga soo qaado ciidanaka soo galay iyo kuwa la shaqeeya.
Sida ay sheegayaan qiyaasaha uu ingiriisku sameeey, markii Israa’iil ay galaysay Gaza waxaa marinkaas ku sugna ilaa 200,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid deegaannada kale ee Falastiiniyiinta, waxaana caawinayey hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA, waxaana intaa dheeraa 150,000 oo Falatiiniyiin ah oo degganaa marinka.