You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo saxiixay heshiiska Mareykanka iyo Iran

Waxa kale oo la sheegay in uu saxiixay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxa hay'adda Atoomikada oo soo dhaweeyay heshiiska Mareykanka iyo Iran

    Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka, Rafael Grossi, ayaa sheegay in heshiiska la filayo in Jimcaha ay kala saxiixdaan Maraykanka iyo Iiraan uu yahay “tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday,” balse uu ka digay in weli shaqo muhiim ah ay harsan tahay.

    Grossi ayaa BBC-da kula hadlay Geneva ka hor inta uusan u ambabixin goobta Bürgenstock ee Switzerland, halkaas oo saxiixa heshiisku ka dhici doono.

    Markii la weydiiyay in shuruudaha heshiiskan ay ka wanaagsan yihiin ama ka liitaan heshiiskii hore ee lagu xaddidayay awoodda nukliyeerka Iiraan (oo lagu gaaray xilligii Madaxweyne Barack Obama, isla markaana uu ka baxay Madaxweyne Donald Trump), Grossi wuxuu sheegay in aan si toos ah loo isbarbar dhigi karin labada heshiis.

    Wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay “heshiis dagaal kadib,” halka kii hore loogu talagalay in Iiraan loo oggolaado inay sii waddo awood nukliyeer oo xaddidan oo loogu talagalay ujeeddooyin nabadeed oo keliya.

    Heshiiskan cusub, ayuu sheegay, wuxuu ku lug yeelan doonaa tirakoob iyo qiimeyn lagu sameeyo uranium-ka aadka loo kobciyey ee Iiraan ka haray, isagoo tilmaamay in hawshu noqon doonto mid adag maadaama burbur ballaaran uu soo gaaray kaabeyaasha nukliyeerka intii uu socday dagaalku.

  2. Trump oo mar kale ka hadlay ficilada Netanyahu

    Donald Trump ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, uu maalmahan dambe ka muujinayay niyad-jab. Trump wuxuu ku tilmaamay “nin wanaagsan,” balse wuxuu sheegay inuu mararka qaar “si xad dhaaf ah u kaco.”

    Trump ayaa intaa ku daray in Netanyahu uu u baahan yahay “hab ka dabacsan,” isagoo yiri: “Uma baahnid inaad dhismo dumiso mar kasta oo qof ka tirsan Hezbollah uu gudaha galo.”

  3. Trump oo si rasmi ah u saxiixay Heshiiska ay la galeen Iran

    Waxaan hadda na soo gaaray faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida is-afgaradka iran iyo mareykanka uu si rasmi ah u dhaqan galay.

    Donald Trump ayaa ka qeyb galay casho ka dambeysay shir-madaxeedka G7 oo lagu qabtay Qasriga Versailles ee Faransiiska habeenkii Arbacada.

    Sidoo kale isla wakhtigaa, Trump ayaa saxiixay dukumentiga la xiriira Iiraan, sida ay BBC-da uu usheegay Aqalka Cad. Waxa kale oo la sheegay in uu saxiixay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian.

    Saxiixa labada hoggaamiye ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ay si elektaroonik ah u saxiixeen heshiiska Axaddii hore, sida ay Aqalka Cad sharxday.

    Horaantii, Trump iyo mas’uuliyiin Iiraani ah labaduba waxay sheegeen in la qaban doono munaasabad rasmi ah oo saxiix ah dabayaaqada toddobaadkan. Hase yeeshee, hadda lama hubo in munaasabaddaas ay weli dhici doonto.

  4. Aqalka Cad:Heshiiska ayaa dhaqan galay

    Heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ayaa hadda dhaqan galay, Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay.

    Waxay taasi micnaheedu tahay in ay billaabanyso 60-ka maalmood ee lagu kordhinayo Mareykanka iyo Iran si ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah.

    Heshiiska ayaa lagu wadaa in jimcaha si rasmi ah loo saxiixo.

  5. Saddex arrimood oo muhiim ah oo ku jira heshiiska Maraykanka iyo Iran

    Saraakiisha aqalka cad ayaa bixiyay faahfaahin aan caadi ahayn oo ay, kuwaas oo si toos ah u akhriyey waxa ay sheegayaan inuu yahay qoraalka is-afgaradka ee Iiraan.

    Saddex qodob oo muhiim ah ayaa si gaar ah u muuqday:

    Arrinta nukliyeerka, saraakiisha sare waxay sheegeen in Iiraan ay ballanqaadday inaysan horumarin doonin ama heli doonin hub nukliyeer ah.

    Donald Trump ayaa tan ka dhigay shuruuddiisa koowaad tan iyo bilowgii dagaalka bishii Febraayo. Waxay sidoo kale sheegeen in uranium-ka la kobciyey ee Iiraan “la khafiifin doono” isla gudaha dalka, iyadoo kormeer ay sameynayso Hay’adda Caalamiga ah ee atoomikada iyo Nukliyeerka ee .

    Markii hore, Maraykanku wuxuu dalbanayay in gebi ahaanba dalka laga saaro, taasoo ah isbeddel cusub.

    Arrinta dib u furista Marin-biyoodka Hormuz, saraakiishu waxay sheegeen in 60 maalmood aan wax lacag ah laga qaadi doonin maraakiibta maraysa.

    Ka dib muddadaas, Iiraan iyo dalalka dariska ah ayaa ka wada xaajoon doona waxa dhici doona. Taasi waxay furaysaa suurtagalnimada in mustaqbalka lacago la saaro, halka markii hore dagaalka ka hor aysan wax lacag ah jirin.

    Kadib waxaa jira muranka ku saabsan sanduuqa dib-u-dhiska ee $300 bilyan. Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay “war been ah”, balse wuxuu ku jiraa dukumentiga.

    Saraakiisha Maraykanku waxay ku adkaysteen in Maraykanku uusan bixin doonin “hal senti”, isla markaana uu ku xirnaan doono Iiraan “inay si wanaagsan u dhaqanto,” sida ay hadalka u dhigeen.

    Heshiiskan ayaa la filayaa in si faahfaahsan loo baaro maalinba qodobkiisa. Su’aasha weyn ee taaganna waa: maxay dhab ahaan Maraykanku ka helay dagaalka uu la galay Iiraan?

  6. Trump oo wax laga waydiiyay halka uu marayo baaritaanka gabdhihii lagu dilay iskuul Iran

    Trump ayaa la weydiiyay inuu hayo wax faahfaahin ah oo ku saabsan baaritaanka weerar ka dhacay meel u dhow dugsi hoose oo ku yaalla koonfurta Iiraan, halkaas oo ay mas’uuliyiinta Iiraan sheegeen in 168 qof, oo ay ku jiraan ku dhowaad 110 carruur ah, lagu dilay.

    Wuxuu su’aasha ku tilmaamay mid “yaab leh”, ka hor inta uusan sheegin in weli baaritaan ku socdo.

    Trump wuxuu sii raaciyay: “Ka waran kumannaan qof oo ay Iiraan dishay? Khaladaad way dhacaan, dagaalkuna waa mid naxariis daran, balse waan ogahay in arrintaas ay baaritaan ku socoto.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in weriyuhu uu su’aashaasi u weydiiyo Wasiirka Difaaca Pete Hegseth si uu u helo war dheeraad ah.

  7. Iran ay muujisay in wali kalsoonida ay ku qabaan Mareykanka ay hooseyso

    Ninka ugu sareeya wdaxaajoodayaasha Iran Maxammad Bagher Ghalibaf, oo la sheegay inuu heshiiska la gaaray maamulka Donald Trump, ayaa sheegay in weli uu jiro kalsooni-darro uu ku qabo Maraykanka, isla markaana Iiraan ay “farteedu saaran tahay keebka qoriga.”

    Hadallo uu siiyay warbaahinta dowladda ee Fars ayuu Ghalibaf ku sheegay in xitaa haddii heshiis nabadeed oo kama dambays ah la gaaro, “weli aan lagu kalsoonaan karin.”

    “Farteennu waxay saaran tahay keebka, haddii cadowgu uusan fahmin luqadda caqliga, waxaan dib ugu laaban doonnaa luqadda awoodda,” ayuu yiri.

    Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii Trump uu sheegay in Maraykanku “si xun u duqayn doono” Iiraan haddii aysan u hoggaansamin qodobada heshiiska.

  8. Iran oo ka digtay sii socoshada duqeymaha Israa'iil ee Lubnaan

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in joogitaanka sii socda ee Israa’iil ee Lubnaan uu noqon doono “jebinta” heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.

    Sida ay baahisay telefishinka dowladda Iiraan, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” la qaadi doono haddii Israa’iil ay sii waddo waxa uu ku tilmaamay “qabsashada” Lubnaan.

    Lubnaan ayaa noqotay qodobka ugu weyn ee muranka ka taagan heshiiskan. Israa’iil waxay sheegtay in arrinta Lubnaan aysan qayb ka ahayn heshiiska, halka Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, uu sheegay in wada-hadallada dalkiisu la leeyahay Israa’iil ay yihiin kuwo “madaxbannaan” oo aan ku xirnayn heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, Iiraan iyo dalka dhexdhexaadinta ka qayb qaadanaya ee Pakistan ayaa ku adkaysanaya in xabbad-joojinta Lubnaan ay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah is-afgaradka (MoU) la filayo inay saraakiisha Maraykanka iyo Iiraan saxiixaan ugu dambayn berri.

    Nuqulka heshiiska ee dhinaca Maraykanka, oo ay saraakiil sare la wadaageen BBC-da, ayaa ku baaqaya “joojin degdeg ah oo joogto ah oo lagu soo afjarayo dhammaan hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.”

  9. Trump oo dhalil u jeediyay dalka Itoobiya

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (GERD) uu dhibaatooyin waaweyn ku hayo Masar.

    Trump ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, intii uu socday shir-madaxeedka G7 ee Faransiiska.

    Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhinaca shir-madaxeedka G7, Trump iyo Madaxweyne al-Sisi ayaa dhaliilay biyo-xireenka Itoobiya, iyagoo sheegay in Masar ay dhibaato ka haysato arrintaas.

    Trump wuxuu sheegay inuu kala hadli doono al-Sisi arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo qodobo kale, oo ay ku jirto biyo-xireenka Webiga Nile.

    “Waxaan si wadajir ah uga shaqaynaynaa arrintan. Waxa kale oo aanu ka caawinaynaa isaga [al-Sisi] mashruuca biyo-xireenka ,” ayuu yiri.

    “Waxaan ganacsi badan la leenahay Masar. Waxaan ka wada hadli doonaa ganacsiga iyo Webiga Nile,” ayuu raaciyay, isagoo sheegay in biyo-xireenka Itoobiya uu sababay hoos u dhac ku yimid biyaha Nile.

    “Webiga Nile wuu sii yaraanayaa. Waxaan halkan u joognaa inaan ka wada hadalno arrintan. Biyo-xireenka laga dhisay Itoobiya wuxuu dhibaatooyin badan ku hayaa Masar. Arrintan waan ka warqabaa,” ayuu yiri.

    Sidoo kale akhri

  10. Iran o dhankeeda shaacisay qodobada ay Mareykanka ku heshiiyeen

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan, Islamic Republic News Agency, ayaa daqiiqado ka hor soo bandhigtay nuqul ka mid ah Is-afgaradka.

    Marka la barbar dhigo nuqulka ay IRNA daabacday iyo xogta ay BBC-du heshay kadib isbarbardhig faahfaahsan oo lagu sameeyay labada nuqul ee heshiiska ka kooban 14-ka qodob, waxay u muuqataa in labada qoraal ay ku dhowaad isku mid yihiin.

    Farqiga yar ee la arkay wuxuu ku jiraa qodobka lixaad, kaas oo ku bilaabanaya:

    “Maraykanka, isagoo la kaashanaya dalalka gobolka, wuxuu ballanqaadayaa inuu dejiyo qorshe kama dambays ah oo ay labada dhinac ku heshiiyaan, kaas oo qiimihiisu ugu yaraan yahay 300 bilyan oo doolar, looguna talagalay dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Habka lagu fulinayo qorshahan waxaa lagu dhamaystiri doonaa heshiiska kama dambaysta ah muddo 60 maalmood gudahood ah.”

    Jumladda ugu dambaysa ee qodobkan ee ku jirta nuqulka Maraykanka ayaa oranaysa:

    “Dhammaan rukhsadaha, ka-dhaafitaannada iyo oggolaanshaha loo baahan yahay ee la xiriira macaamillada bilowga ah (initial transactions) waxaa bixin doona Maraykanka.”

    Hase yeeshee, nuqulka ay IRNA daabacday waxaa ka maqan erayga “initial” (bilowga ah) ee ku jira jumladdaas ugu dambaysa.

    Si kastaba ha ahaatee, farqigani uma muuqdo mid weyn ama wax ka beddelaya macnaha guud ee heshiiska.

    Sidoo kale akhri

  11. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran: Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Iran ayaa laga yaabaa inay saxiixaan heshiis is afgarad

    Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa, iyadoo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, sheegtay inay suurtagal tahay in Madaxweynayaasha Iiraan iyo Maraykanka, Massoud Pezeshkian iyo Donald Trump, ay saxiixaan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

    Sida ay sheegtay Tasnim, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa yiri: “Arrintan waa la soo hadal qaaday, welina dib ayaa loo eegayaa.”

    Hadalkaasi wuxuu yimid kadib markii Donald Trump uu shir jaraa’id oo ka dhacay shir-madaxeedka G7 ee Faransiiska ku sheegay inuu “laga yaabo” inuu sii joogo si uu uga qayb galo munaasabadda saxiixa heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, taas oo loo qorsheeyay inay ka dhacdo Switzerland maalinta Jimcaha.

    Sidoo kale akhri

  12. Maxay Iran ugu muuqataa inay aad u riyaaqsan tahay dhinacyada dhaqaalaha ee heshiiska?

    Dhaqaalaha Iiraan ayaa muddo sanado ah cadaadis weyn ku jiray.

    Waxaa lagu qiyaasaa in Tehran ay leedahay hanti ka badan 24 bilyan oo doolar oo ku xayiran bangiyo shisheeye.

    Hase yeeshee, dagaalku wuxuu Iiraan ku kacay lacag aad uga badan taas — laga yaabee inuu gaarayo ku dhowaad toban jeer lacagtaas aan la heli karin.

    Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa ku qiyaasay khasaaraha ka dhashay weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil inuu gaarayo 270 bilyan oo doolar.

    Ka hor dagaalkii ugu dambeeyay, cunaqabatayno sanado badan socday oo ay dalalka reer galbeedku saareen Iiraan, kuwaas oo inta badan la xiriiray barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee dalkaas, ayaa sidoo kale dhaawac weyn u geystay dhaqaalaha dalka.

    Wadahadalaha ugu sarreeya ee Iiraan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa isagoo qiraya xaaladda adag ee dhaqaalaha Iiraan iyo xanuunka ay cunaqabatayntu keentay, sheegay in Iiraan aysan “isu dhiibi doonin” si looga qaado cunaqabataynta.

    Kadibna waxaa jira shacabka caadiga ah.

    Dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee ka dhacay Iiraan bishii Janaayo ayaa ka dhashay xaaladda dhaqaale ee dalka. Hase yeeshee, xaaladda dhaqaale ee Iiraan hadda ayaa aad uga sii xun sidii ay ahayd markaas.

    Weli lama oga in heshiis lala gaaro Maraykanka uu dib u soo noolayn karo dhaqaalaha Iiraan iyo in kale.

  13. Qodobada Iiraan muhiimka u ahaa ee Mareykanku aqbalay

    Waxyaabaha ay Iran aadka u dakbanaysay waxaa ka mid ahaa qaadida cunaqabataynta.

    Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu qaadi doono dhammaan cunaqabataynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, inkastoo waqtiga iyo habka loo fulinayo arrintan lagu go’aamin doono heshiis dambe oo ay labada dhinac gaaraan.

    Qodobka lixaad ee is-afgaradkan waxaa loo qoondeeyay “qorshe dib-u-dhis iyo horumar dhaqaale oo loogu talagalay Iiraan,” kaas oo lagu fulin doono iyadoo lala kaashanayo dalalka gobolka, qiimihiisuna aanu ka yarayn 300 bilyan oo doolar.

    Is-afgaradku wuxuu sheegayaa in habka fulinta qorshahan lagu dhamaystiri doono 60 maalmood gudahood iyadoo qayb ka ah heshiiska kama dambaysta ah.

    Mareykanka waxaa uu dalbanayay qodobka muhiimka ah ee in Iran aysan helin Niyukleer.

    Maraykanka iyo Iiraan waxay ku heshiiyeen in Iiraan aysan waligeed heli doonin hub nukliyeer ah, isla markaana labada dhinac ay iska kaashan doonaan baabi’inta walxaha nukliyeerka ee la kobciyey ee Iiraan.

    Arrintan waxaa lagu fulin doonaa iyadoo walxahaas lagu burburinayo gudaha dalka Iiraan, iyadoo ay kormeerayso hay'adda caalamiga ah ee atoomikada .

  14. Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa soo saaray qoraalka heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka

    Aqalka Cad ayaa soo saaray qoraalka is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka. Dukumentigan, oo si elektaroonik ah loo saxiixay, ayaa la qorsheeyay in saraakiil Iiraani ah iyo kuwo Maraykan ah ay si rasmi ah ugu kala saxiixdaan munaasabad ka dhacaysa Switzerland maalinta Jimcaha.

    Qoraalka la daabacay wuxuu ka kooban yahay 14 qodob.

    Qodobka koowaad wuxuu dhigaya in Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyo sidoo kale xulafadooda ku lug leh dagaalka hadda socda, ay ku dhawaaqayaan joojin degdeg ah oo joogto ah oo lagu soo afjarayo dhammaan hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.

    Waxa kale oo ay ballanqaadayaan inaanay weerar ama hawlgal militari isku qaadin, inay ka fogaadaan hanjabaad ama adeegsiga xoogga, isla markaana ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Lubnaan.

    Is-afgaradku wuxuu sheegayaa in heshiiska kama dambaysta ahi uu xaqiijin doono dhammaadka joogtada ah ee dagaalka dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan, iyo fulinta qodobadan kale.

    Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay “ballanqaadka ah inaan la faragelin arrimaha gudaha ee midba midka kale.”

    Dukumentigu wuxuu sidoo kale sheegayaa in Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen inay ka wada xaajoodaan heshiis kama dambays ah oo lagu gaaro ugu badnaan 60 maalmood gudahood, iyadoo muddadaas la kordhin karo haddii labada dhinac ay isla oggolaadaan.

    Marka laga hadlayo go'doominta badda ee dekedaha koonfureed ee Iiraan iyo marinka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz, waxaa lagu sheegay in qaadista xayiraadda badda ay bilaaban doonto isla marka la saxiixo is-afgaradka, halka Maraykanku uu si buuxda u joojin doono xayiraaddaas muddo 30 maalmood gudahood ah.

    Dhanka kale, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay dib u soo celin doontaa isu-socodka maraakiibta ee Hormuz heerkii uu ahaa ka hor dagaalka.

    Maraykanka ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu ciidamadiisa kala bixi doono meelaha ku dhow Iiraan muddo 30 maalmood gudahood ah marka heshiiska kama dambaysta ah la gaaro.

    Sarkaal Maraykan ah ayaa sharxay in tani ay ka dhigan tahay in haddii heshiis rasmi ah lala gaaro Iiraan, joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka lagu soo celin doono heerkii uu ahaa ka hor bilowga colaadda.

    Qodobka lixaad ee is-afgaradkan waxaa loo qoondeeyay “qorshe dib-u-dhis iyo horumar dhaqaale oo loogu talagalay Iiraan,” kaas oo lagu fulin doono iyadoo lala kaashanayo dalalka gobolka, qiimihiisuna aanu ka yarayn 300 bilyan oo doolar.

    Is-afgaradku wuxuu sheegayaa in habka fulinta qorshahan lagu dhamaystiri doono 60 maalmood gudahood iyadoo qayb ka ah heshiiska kama dambaysta ah.

    Maraykankuna uu bixin doono dhammaan rukhsadaha, ka-dhaafitaannada iyo oggolaanshaha lagama maarmaanka ah.

    Maraykanka ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu qaadi doono dhammaan cunaqabataynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, inkastoo waqtiga iyo habka loo fulinayo arrintan lagu go’aamin doono heshiis dambe oo ay labada dhinac gaaraan.

    Maraykanka iyo Iiraan waxay ku heshiiyeen in Iiraan aysan waligeed heli doonin hub nukliyeer ah, isla markaana labada dhinac ay iska kaashan doonaan baabi’inta walxaha nukliyeerka ee la kobciyey ee Iiraan.

    Arrintan waxaa lagu fulin doonaa iyadoo walxahaas lagu burburinayo gudaha dalka Iiraan, iyadoo ay kormeerayso hay'adda caalamiga ah ee atoomikada .

  15. Donald Trump oo in "laga yaabaa" inuu isaga uu u goob-joog ka noqdo jimcaha saxiixo heshiiska isfahamka ee Iran

    Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee shirkiisa jaraa’id ee lagu qabtay shir-madaxeedka G7 ee Faransiiska, Donald Trump ayaa la weydiiyay inuu sii joogi doono Yurub si uu uga qayb galo munaasabadda saxiixa heshiiska lala gelayo Iiraan, taas oo loo qorsheeyay inay ka dhacdo Switzerland maalinta Jimcaha.

    Wuxuu ku jawaabay: “Malaha.”Kadib wuxuu si kaftan ah ugu daray in haddii heshiisku u shaqayn waayo sidii la filayay, uu eedda dusha ka saari karo ku-xigeenkiisa, J.D. Vance.

    Sidoo kale akhri

  16. Ruushka oo Israa’iil ugu baaqay inay u hoggaansanto isfahamka Iiraan iyo Maraykanka

    Sergei Lavrov, isagoo taageeraya isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, ayaa ugu baaqay Israa’iil inay u hoggaansanto qodobada heshiiskaas.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Russia ayaa sheegay in Moscow ay soo dhoweynayso heshiis kasta oo gacan ka geysta dhimista xiisadaha gobolka, isla markaana ay u aragto tallaabo loo qaaday xasilloonida.

    Sida uu sheegay, “Waa muhiim in dhammaan dhinacyadu si buuxda u hirgeliyaan heshiiskan, mana filan karno in dalal qaarkood ay u hoggaansamaan halka kuwo kalena laga dhaafo.”

    Israa’iil ayaa saaka weerartay goobo ku yaalla koonfurta Lebanon. Iiraan waxay sheegtay in joojinta dagaalka Lubnaan ay ka mid tahay qodobada lagu xusay is-afgaradka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Sidoo kale akhri

  17. War deg deg ah, Wasiirka Difaaca Israa’iil : Somaliland waxaan iska kaashanaynaa Ammaanka

    Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay kadib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inay iska kaashanayaan ammaanka, dhaqaalaha iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay wada leeyihiin Somaliland ayna labada dhinac la dagaalamayaan xubno ‘’argagixiso’’ oo gobolka, sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters.

    Reuters ayaa intaa ku dartay “Katz oo leh: ‘Sanado badan ayaan si qarsoodi ah uga wada shaqaynaynay hawlgallo taxane ah oo weligood sir sii ahaan doona.’”

    Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa sheegay in ‘’Somaliland ay u furan tahay ganacsi iyo in Somaliland ay diyaar u tahay maalgelinta Israa’iil’’

  18. War deg deg ah, Trump oo sheegay Maraykanka uusan lacag siin doonin Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku sheegay ‘’sheeko been abuur ah’’. wararka ay warbaahinta Maraykanka ay tabiyeen ee ah in Iiraan helayso dhaqaalaha dib u dhiska ee gaaraya $300 bilyan oo doolar taasi oo qayb ka ah heshiiska lagu dhammaynayo dagaalka.

    ‘’Lacag ma siinayno,’’ ayuu yiri. ‘’Wax intaasi kamid ah ma aynaan siin.’’

    Waxaa uu ka hadlay mustaqbalka wadahadalada isaga oo sheegay inay qayb ka noqon doonaan dalalka gacanka iyo ka hadalka arrimaha aan Nukliyeerka ahayn oo ay ku jirto sida caadiga ah gantaalada balastiga.

    ‘’Waa in ay yeeshaan qaar maxaa yeelay dadka kalaba qaar ayay haystaan, qaar ayaad haysataa’’ ayuu yiri.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in lagala taliyay inuu ka hortago Iiraan inay yeelato gantaalo, laakiin uu sheegay ‘’in aysan sidaas u shaqayn’’.

  19. War deg deg ah, Maraykanka oo ka fikaraya cunaqabateen uu dib ugu soo rogo Ruushka

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wariyayaasha ay wax ka weydiiyeen inuu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu leeyahay masuuliyad dheeri ah oo dagaalka Ukrain ah ayaa ku jawaabay in uusan arrintaasi guda galayn, ayna suurtagal tahay inay khatar galiso heshiis nabadeed oo la filan karo.

    Laakiin Trump waxa kale oo uu wariyayaasha u sheegay in Maraykanka uu tixgalinayo inuu dib ugu soo rogo Ruushka cunaqabataynta.

    ‘’Waynu eegaynaa arrintaasi,’’ ayuu yiri.

    Maraykanku waxa uu laalay cunaqabateenadii saarnaa shidaalka Ruushka, dadaal lagu doonayay in lagu dajiyo qiimaha tamarta caalamiga ah, taasi oo kordhisay natiijada dagaalka ay kula jiraan Iiraan.

    Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay dhowaanahan, kadib markii labada dhinac ay wada gaareen heshiis.

  20. War deg deg ah, Somaliland oo ka hadashay inay saldhig ciidan siisay Israa’iil

    Israa’iil kuma leh wax saldhig ah Somaliland Lakiin waxa ay tababaraysaa booliskeena iyo ciidamadeena milatari, ayuu sheegay wasiirka difaaca Somaliland Maxamed Yuusuf Cali, Arbacadii, iyada oo ay dalbadeen maalgelinta Israa’iil ee beeraha iyo dhinacyada kale.

    Wakaalada wararka Reuters oo wax ka weydiisay saldhiga Milatari ee Israa'iil ayuu ku tilmaamay 'kutiri-kuteen'

    Wasiirka ayaa qayb ka ah wafdi ballaaran oo ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho rasmi ah ku joogo Israa’iil.