Soomaaliya oo garaacday Kenya, Tanzania iyo Rwanda iyadoo mar kale dhigtay taariikh weyn

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
- Author, Mohamed Bashi Khaliif
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya ayaa dhigay mar kale taariikh weyn oo ay ka soo hoyiyeen tartanka CECAFA U17 kaas oo sanadkan ay martigelinayso dalka Rwanda.
Soomaaliya ayaa afar dhammaadka tartanka la ciyaartay xulka da'doodu ka yar tahay 17sano ee Rwanda ciyaar ka dhacday garoonka Kigali Pele.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbarro goolal la'aan ah. Balse markii qaybta labaad la isku soo noqday, ciyaaryahanka beddelka ku soo galay ee reer Rwanda Patrick Ujeneza ayaa kubbadda la dhaafay laba difaac ee dhexda ugu ciyaarayey Soomaaliya isagoo inta uu ka dul booday goolhaye Khaalid Nuur, gool u dhaliyey xulkiisa oo qabatay hoggaanka ciyaarta qaybtii labaad.
Hase yeeshee, afar daqiiqo kaddib, Soomaaliya ayaa ciyaarta barbarreysay, waxaana goolka u dhaliyay Maxamuud Cismaan, kaddib markii difaacyada Rwanda ay ku guuldarreysteen inay kubbadda ka fogeeyaan aagga halista ah.
Barbarahaas ayaa sababay in la isla gaaro gool kulaad , taas oo Soomaaliya ay 5-4 ku badisay, taas oo u xaqiijisay inay u soo baxdo tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, halkaas oo ay kula biiri doonto Uganda oo horay u xaqiijisatay booskeeda.

Xigashada Sawirka, Daadir Amiin
Tabaraha xulka kubada cagta ee da'adoodu ka yar tahay 17 sano jirka ee Soomaaliya, Daadir Amiin Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in halka ay joogaan ku gaareen niyad wanaag ka muuqda ciyaartooyda iyo xulka oo dhanba.
"Runtii farxad weyn ayey ii ahay in maanta Soomaaliya anigoo magaca Soomaaliya wata ku hoggaamiyo guul kama dambaysana keeno, aad ban ugu faraxsanahay iskaashi ku keenay, lama qiyaasi karin dareenkeenna anniga, ciyaartoydeyda iyo macallimiintaba" ayuu BBC-da u sheegay macallinka xulka 17 sano jirka ka yar ee Soomaaliya Daadir Amiin Cali.
Isagoo ka hadlayey ciyaartii dhexmartay Rwanda oo martigelinaysa ciyaaraha CECAFA U17, ayuu xusay in inkasta garoonka looga taageera badnaa oo ciyaartooyda Rwanda ay dalkooda ku ciyaareen haddana ciyaartoyda Soomaalidu ay muujiyeen moral sarreeya iyo inaysan niyad jabin.
Soomaaliya ayaa horey ugu soo badisay xulalka kubada cagta ee 17sano jirka ka yar ee dalalka Tansania, kenya iyo Rwanda oo ay Finalka ugu gudbeen.
Labada guulood ee Soomaaliya xalay gaartay

Xigashada Sawirka, Daadir Amiin
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciyaartii dhexmartay Rwanda iyo Soomaaliya ayaa dhanka Soomaaliya uga dhignayd labada guulood oo isa saran "Mar waxaan gaarnay kulanka kama dambaysta ah marka waxaan u soo baxnay tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, oo ka dhici doonna dalka Maroco, marka laba guul oo waaweyn ayey noo ahayd"ayuu BBC-da u sheegay tababare Daadir.
Marka laga soo tago guusha Finalka ee xulka Soomaaliya ee kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ay gaareen haddana qaar ka mid ah ciyaartooyda ayaa aad loo hadal hayey inta kulanka socday iyo ciyaarihii ay ka soo gudbeenba.
Waa ciyaaryahanka numberka 10.aad u xiran Soomaaliya oo xalay dhaliyey goolkii barbaraha iyo goolhayaha oo isna sabab u ahaa in xulka gaaro Fianlka.
"Ciyaartoyda gudaha galaya si wadajiray u shaqeeyaan hal ayeyna yihiin laakiin hadal haynta waxaa dhalinaya waxaa waaye numberka 10-aad wuxuu dhaliyey goolkii barbar dhaca laakiin waa gool ay kooxda ka wadashaqayen isagana dhamaystiray, goolhayahahan wuxuu nooleyey in Qaranku u soo baxo Finalka isago qabtay goolal kulaadk, waana ugu mahadceliyanaa kooxda oo dhan"ayuu intaa raaciyey tababare Daadir.
Tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, waxaa hadda la xaqiijiyey inay u soo baxeen Soomaaliya iyo Uganda, basle Itoobiya iyo Rwanda ayaa ciyaaraya ciyaar ay ugu tartamayaan kaalinta saddexaad oo dalkii u soo baxaa uu ku biirayo Soomaaliya iyo Uganda.
Maxaa laga yiri ciyaarta?
Maxamed Cumar Baakay oo ah fallanqeeye ciyaaraha ah isla makraan dawaneyey ciyaarta ayaa ku tilmaamay in da'a yarta 17 sano jirkaa ay ahayeen kuwo mooralkoodu aad u sarreeyey marka la eego inay marti u ahayeen xul wadankiisa ku ciyaaraya iyo in goolka looga hormaray.
"Ciyaaraha dhan ee kubada cagta waa niyad iyo inaan la niyad jabin hadiiba goolka kowaad lagaga naxsado sidaas ayey sameeyeen xulkeena da'ada 17 sano ka yar, way barbareeyeen, waxayna sii xoojiyeen inay rigoorayaal aadi karaan, iyagoo xitaa laga qabtay gool ku laadka taas ayaa keentay in ay niyad ahaan noqdaan kuwo fiican, ammaanta waa wadaagaan kuligood laakiin goolhayaha ayaa haaa halyeyga ciyaarta ee fursada in Soomaaliya gaarto kama dembaysta'
Finalka ama kulanka kama dambaysta ah ee tartanka CECAFA U17, ayaa dhici doonaa maalinta Isniinta ee toddobaadkan iyadoo ay wada ciyaaridoonnaan Soomaaliya iyo Uganda.
Tababaraha xulka Soomaaliya ee kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano, ayaa xusay inuu kalsooni ku qabo kooxdiisa uuna rajaynayo inay ku guuleystaan koobka.
Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya, ayaa sanadkii 2022-kii ku guuleysatay koobkii CECAFA.



























