Titanic: Sheekada ninkii keliya ee Afrikaan ahaa ee saarnaa markabka

Xigashada Sawirka, Handout
10-kii Abriil 1912, markabkii ugu casrisanaa dhinaca tiknoolajiyadda ee xilligaas la dhisay ayaa safarkiisii ugu horreeyay ka bilaabay magaalada Southampton.
Markabka RMS Titanic waxaa saarnaa 2,201 qof, isaga oo ku sii jeeday magaalada New York, markii uu ku dhacay buur baraf ah oo ku taallay Waqooyiga Badweynta Atlaantikada. Afar maalmood kaddib ayuu markabku quusay.
Musiibadan waxaa marar badan laga sheekeeyay, siyaabo kala duwanna loo soo bandhigay, laga soo bilaabo warbixinnadii ay wargeysyadu ka qoreen dhacdada xilligaas ilaa filim weyn oo Hollywood ah oo uu jilay Leonardo DiCaprio.
Si kastaba ha ahaatee, sheekada mid ka mid ah dadkii lagu qiyaasay 1,500 ee naftooda ku waayay musiibadaas ayaa la ilaaway, ilaa uu aqoonyahan cilmiga bulshada ku takhasusay booqday madxaf ku yaalla magaalada Liverpool.
Joseph Philippe Lemercier Laroche, ayaa ahaa rakaabkii keliya ee asal ahaan Afrikaan ahaa ee la xaqiijiyay inuu saarnaa markabka Titanic safarkiisii ugu horreeyay, sida ay caddeynayaan diiwaanno kala duwan
Ninkani muxuu ahaa? Maxayse ahaayeen dhacdooyinkii naxdinta lahaa ee nolosha ku kallifay ninkan 25-jirka ah iyo qoyskiisa inay raacaan markabka shirkadda White Star Line, kaas oo la aaminsanaa inuusan waligiis quusi karin?
Laroche waxa uu sannadkii 1886 ku dhashay magaalada Cap-Haïtien ee dalka Haiti. Laroche waxa uu ahaa farcankii afraad ee uu awoowaha u yahay Jean-Jacques Dessalines, oo ahaa boqorkii ugu horreeyay ee Haiti, isla markaana hoggaaminayay dagaalkii xornimada Haiti ee lagaga soo horjeeday gumaysigii Faransiiska.
LaRoche waxa uu ku koray qoys lahaa maqaam bulsho oo sarreeya iyo hanti. Markii uu 15 jir ahaa, waxa uu macallin gaar ah la aaday Faransiiska si uu halkaas uga helo waxbarasho jaamacadeed oo ku saabsan injineernimada.
Qiyaastii 10 sano kaddib, LaRoche ayaa geeriyooday. Waxa uu ahaa qofkii keliya ee asal ahaan Afrikaan ahaa ee ilo kala duwan ay diiwaangeliyeen inuu raacay markabka Titanic, maydkiisana waligiis lama helin.
Ugu dambayn, sheekada LaRoche waxaa baarayy oo akhriyay aqoonyahanad lagu magacaabo Carlett Norwood, taas oo sheekadan si kadis ah ku ogaatay markii ay booqatay Madxafka Badaha ee magaalada Liverpool.
Laba sano ka hor, aqoonyahannaddan ku dhalatay caasimadda Maraykanka ee Washington, ayaa qortay riwaayad ka warramaysa nolosha ninkan iyo qalin-jabintiisa.
BBC-da ayaa Norwood wareysatay ka hor bandhigga ugu horreeya ee riwaayadda, kaas oo loo qorsheeyay 17-ka Oktoobar magaalada Liverpool, si ay u baarto sheekada murugsan ee nolosha ninkan: laga soo bilaabo bilow sharaf leh, jacayl geesinimo ku dhisan, ilaa dhammaad murugo leh.

Xigashada Sawirka, National Museums Liverpool
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
LaRoche waxa uu Faransiiska yimid sannadkii 1901, wuxuu waxbarashadiisa jamacadeed ku qaatay magaalada Beauvais, oo u dhow Paris, isagoo bartay Injineernimo.
Norwood waxay sheegtay: "Nin madow ah oo ku noolaa Faransiiska bilowgii qarnigii 20-aad, cunsuriyaddu aad bay u baahsanayd."
Waxay sii raacisay: "LaRoche waxa uu la kulmay cadaawad iyo xiisado cunsuriyadeed oo xooggan."
Inkasta oo lammaanayaasha kala jinsiyadaha ah ay xilligaas Faransiiska kala kulmi kareen caqabado, haddana LaRoche waxa uu la kulmay Juliette Lafargue, oo ahayd haweeney Faransiis ah oo caddaan ah, wuuna guursaday.
Norwood oo ka hadlaysay Juliette waxay tiri: "Waa inay ahayd haweeney aan caadi ahayn, maadaama ay ku dhiiratay inay xiriir jacayl la bilowdo nin madow ah xilligaas."
Waxay intaas ku dartay: "Arrintu halkaas kuma ekaan; qoyskeeduna way taageereen, maadaama ay iyadu la noolayd aabbaheed."
Norwood waxay sheegtay: "Waxaan ognahay in LaRoche iyo Lafargue ay taageero haysteen, taasna waxaa caddaynaya warqad la xafiday oo Lafargue ay aabbaheed uga qortay LaRoche. Aabbaheed waxa uu aad uga walaacsanaa heerka waxbarasho ee ninkan marka loo eego midabka maqaarkiisa."

Xigashada Sawirka, Public Domain
Lammaanuhu waxay lahaayeen laba gabdhood oo kala ahaa Simone Marie Anne André Laroche iyo Louise Laroche, kuwaas oo kala dhashay sannadihii 1909 iyo 1910.
Si kastaba ha ahaatee, wax yar kaddib, Laroche waxa uu bilaabay qorsheyaal uu qoyskiisa ugu celinayo dalkiisii hooyo ee Haiti.
Norwood waxay sheegtay: "LaRoche waxa uu ku guulaystay inuu helo shahaadadiisa jaamacadeed, inkasta oo uu la kulmay caqabado ku aaddan sidii uu shaqadiisa u sii haysan lahaa."
Waxay intaas ku dartay: "Inta badan shaqada waa laga eryi jiray, ama waxa uu la kulmi jiray aflagaaddo iyo tacaddi cunsuriyadeed oo daran marka uu shaqo helo."
Sidee ayay musiibadii markabka Titanic u abuurtay deegaan cusub oo biyaha hoostooda ah, kaas oo aadanuhu aanu hore u aqoon?
Qoysku waxay qorsheeyeen inay Faransiiska ka baxaan dhammaadka sannadkii 1912, balse waxay go'aansadeen inay safarka soo hormariyaan kaddib markii Lafargue ay uur yeelatay ilmahoodii saddexaad.
Norwood waxay sharraxday: "Laroche ma doonayn in ilmuhu ku dhasho kuna barbaaro Faransiiska."
Waxay intaas ku dartay: "Waxa uu doonayay inuu Haiti ku laabto, maadaama uu xiriir aad u dhow la lahaa hooyadii oo uu aad ugu xiisay."
Norwood waxay sheegtay in Lafargue ay ka walaacsanayd inay Faransiiska kaga tagto aabbaheed oo ahaa nin xaaskiisu dhimatay.
Hase yeeshee, go'aanka ayaa la gaaray markii Cincinnatus Leconte, oo ahaa adeerka Joseph isla markaana xilligaas ahaa madaxweynaha Haiti, uu Joseph u helay shaqo macallinnimo ahayd.
Qaddarka ayaa soo dhexgalay

Xigashada Sawirka, National Museums Liverpool
Laakiin sidee ayay qoyskani ku heleen inay saarnaadaan markabka Titanic?
Marka laga soo bilaabo go'aankii ay ku gaareen inay Faransiiska ka baxaan ka hor waqtigii ay markii hore qorsheeyeen, ilaa ay tigidhada ka qabsadeen markab kale, dabadeedna ay ku sigteen inay maalin ka dib safarka ka baaqdaan, Norwood waxay tiri: "Ma ahayn inuu markabkaas saarnaado."
Waxay intaas ku dartay: "Hooyada Laroche ayaa qoyskiisa u iibisay tigidhada fasalka koowaad ee markabka SS France. Laakiin markii ay ogaadeen in carruurta aan loo oggolaan doonin inay waalidkood kula cunteeyaan markabka SS France, waxay tigidhadii fasalka koowaad ku beddesheen tigidhada Titanic."
Dhacdo kale oo lama filaan ah ayaa dhacday markii qoysku isku dayayay inuu raaco markabkii White Star Line ee masiibadu ku habsatay.
Titanic waxaa loo qorsheeyay inuu ku soo xirto dekedda Cherbourg ee Faransiiska, laakiin baaxaddiisa weyn awgeed ma awoodin inuu dekedda gudaha u galo.
Sidaas darteed, rakaabkii doonayay inay Titanic ka raacaan waxaa lagu qaaday markab gaar ah oo loogu talagalay in rakaabka loogu gudbiyo markabka weyn. Markabkaas waxaa sidoo kale loo yaqaanay SS Nomadic.
Waxay intaas ku dartay: "Doontii ay ku safrayeen waxaa cilad ku timid matoorkeedii, waxayna ku sigteen inay ku guuldarraystaan inay markabka raacaan."
Waxay sii raacisay: "Runtii, arrintani waa qaddar."
Titanic waxa uu ku dhacay buur baraf ah abbaaro 11:40 habeenimo, 14-kii Abriil 1912.
Laroche waxa uu hurdada ka kiciyay xaaskiisa, waxayna soo urursadeen qaar ka mid ah alaabtoodii qaaliga ahayd. Dabadeed, labadii carruur ahaa ee hurdayay ayay geeyeen sagxadda sare ee markabka.
Lafargue, oo uur lahayd, iyo labadeeda gabdhood waxay ku guulaysteen inay fuulaan mid ka mid ah doonyihii badbaadada, waxaana maalintii xigtay badbaadiyay markabka RMS Carpathia.
Ma jiro war la xaqiijiyay oo sheegaya waxa ku dhacay Joseph.
Norwood waxay aaminsan tahay in muhiimadda ay leedahay in sheekada LaRoche loo soo bandhigo "si aan waxba looga darin ama looga dhimin" ay ka ballaaran tahay oo keliya in dib loo eego taariikhda hal qof.
Waxay tiri: "Waa sheeko qof walba khusaysa, sababtoo ah waxay qayb ka tahay dhaxalka taariikheed ee Titanic."
Waxay intaas ku dartay: "Laakiin dadka madowga ah, qaar badan oo naga mid ahi kama warqabaan taariikhdeenna. Nidaamkii addoonsiga, oo dadka loo arkayay hanti la yeelan karo, awgiis, diiwaanno badan lama hayn. Taasi waxay sababtay inaan aqoon ku filan u lahayn waayihii ina soo maray iyo aqoonsigeenna taariikheed."
Norwood waxay sheegtay: "Sheekooyinka dadka sida LaRoche oo kale ah waxay iftiiminayaan jiritaanka dad madow ah oo magac iyo maamuus lahaa, kuwaas oo sheekooyinkoodu mudan yihiin in laga warramo. Waxay sidoo kale caddaynayaan in taariikhdeennu aad uga ballaaran tahay oo keliya addoonsiga. Waxaa jiray dad guulaystay oo waxyaabo waaweyn qabtay. Waa sheeko inagu xidhaysa taariikhdeenna."
Waxay sii raacisay: "Waxaa laga yaabaa inaanan Joseph LaRoche si toos ah qaraabo ula ahayn, laakiin sheekadiisa waxaan ka heli karnaa wax ina taabanaya, innaga oo dareemayna murugada ku dhacday iyo xiriir innaga dhexeeya isaga."
Riwaayadda cinwaankeedu yahay "LaRoche" ayaa lagu soo bandhigi doonaa Madxafka Badaha ee magaalada Liverpool, Sabtida, 17-ka Oktoobar.


























