Milatariga Iiraan oo shardi uga dhigay dib u furista Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka

Afhayeenka milatariga Iran, Mohammad Akraminia, ayaa shardi uga dhigay dib u furista Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka, isaga oo ka digay: “Haddii uusan ka bixin, annagaa ka saari doonna.”

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday markabka Çağrı Bey, oo Soomaaliya ka wada hawlaha qodista shidaalka

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday markabka Çağrı Bey,
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday markabka Çağrı Bey,

    Qoraal iyo sawirro wadajira oo la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kormeer ku tagay markabka Çağrı Bey, oo Turkigu leeyahay kaas oo howlo shidaal qodis ah ka wada biyaha Soomaaliya.

    “Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka iyo guulaha horudhaca ah ee muuqda, kuwaasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

    Markabka Çağrı Bey, ayaa bartamaha sanadkan soo gaaray Soomaaliya.

    Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga ayaa imaatinkiisii xilliaas ee markabka ku tilmaamay mid "howl taariikhi ah", taasoo ah bilowga howlgalkii ugu horreeyay ee ay Ankara ka sameyso qodista shidaalka ee badda hoosteeda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Pope Leo oo talefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka Putin

    Vatican-ka ayaa sheegay in Pope Leo uu khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Vatican-ku wuxuu sheegay in Pope Leo, uu muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada Oleshky, oo ku taalla gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine, kana mid ah dhulka uu Ruushku haysto.

    Wuxuu Putin ugu baaqay inuu oggolaado xabbad-joojin ka dhaqan gasha aaggaas, si dadka deegaanka loogu suurtageliyo inay si ammaan ah oo ikhtiyaarkooda ah uga baxaan, isla markaana loo gaarsiiyo cunto iyo dawooyin.

    Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Volker Türk, ayaa isaguna baaq la mid ah jeediyay, isaga oo xaaladda magaalada Oleshky ku tilmaamay mid “aad u daran oo quus laga taagan yahay.”

  3. 25 dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visaha ku qaadanayo garoonkooda

    Baasaboorka Soomaaliya,
    Qoraalka sawirka, Baasaboorka Soomaaliya,

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  4. War deg deg ah, Kenya oo ku dhawaaqday war culus

    BBC
    Qoraalka sawirka, BBC

    Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Ebola, oo ah nooca fayraska Bundibugyo.

    Bukaanka cusub waa haweeney 65 jir ah, taas oo xiriir dhow la leh labadii qof ee ugu horreeyay ee laga helay cudurka, isla markaana ay qaraabo dhow yihiin. Haweeneydan ayaa hore ugu jirtay karantiil, maadaama ay ka mid ahayd dadka xiriirka dhow la yeeshay bukaannadii hore.

    Sheekooyinka kale ee la xiriira Ebola aad sii akhrin karto.

  5. Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka xilli uu Trump ka xumaaday weeraradas

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky,
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky,

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo danaha Ukraine”, kaddib dhaleeceyn kulul oo uga timid Donald Trump, kaas oo weerarrada cusub ee Kyiv ay ku qaadayso warshadaha sifaynta shidaalka ee Ruushka ku tilmaamay “wax laga xishoodo”.

    Madaxweynaha Mareykanka, oo dhowaan heshiis muran dhaliyay la galay Moscow oo ku saabsan soo dejinta naaftada, ayaa sidoo kale sheegay in la macaamilka Zelensky uu ka adag yahay kan Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Zelensky, oo ka carooday heshiiska naaftada, ayaa sheegay inuusan aqbali karin, maadaama heshiis gaas ah uu ku xigi karo. “Haddii aanan arrintan iska difaacin, yaa kale oo difaacaya?” ayuu ka yiri shir-madaxeed ay Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels.

    Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Kyiv ayaa sii xoogeysatay sababo la xiriira heshiiska naaftada iyo xannibaadaha lagu soo rogay shabakadda dayax-gacmeedyada ee Ukraine u isticmaasho dagaalka.

    Safarka Zelensky ee Brussels, oo xigay booqasho uu ku tagay London, ayaa yimid dhammaadka toddobaad uu la kulmay cadaadis siyaasadeed oo xooggan. Markii uu Jimcihii gaaray shirka, halkaas oo hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay muujiyeen taageeradooda, Zelensky ayaa sheegay inay wanaagsan tahay inuu dib ugu soo laabto xulafadiisa.

    “Hoggaamiyeyaal, hoggaamiyeyaal dhab ah,” ayuu yiri, hadal loo fasirtay inuu si dadban ugu durayay madaxweynaha Mareykanka.

    Shirka waxaa ajandaha ugu sarreeyay maalgelinta Ukraine iyo sidii looga caawin lahaa inay ka gudubto jiilaal kale oo aad u qabow. Kani wuxuu noqonayaa jiilaalkii shanaad tan iyo markii Ruushku duullaankiisa ballaaran ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

  7. Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

    Marinka Hormuz
    Qoraalka sawirka, Marinka Hormuz

    Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid.

    Falanqayn ay samaysay BBC Verify, oo ku salaysan xog laga helay hay'ad badeed oo British ah, ayaa muujinaysa in 12 markab la weeraray toddobaadkii hore, intii u dhexeysay 5-tii iyo 11-kii Oktoobar.

    Tiradani waxay ahayd kala bar tiradii la diiwaangeliyay toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.

    BBC Verify ayaa sheegtay in kororka weerarradu u muuqdo isku day ay Iran ku doonayso inay gacanta ugu dhigto xakamayn dheeraad ah oo ku saabsan isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Sababta ayaa ah in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay sii kordhinayaan guulahooda ku aaddan galbinta maraakiibta booyadaha shidaalka ee marinkaasi mara, iyadoo mararka qaarkood ay suurtagashay in isu socodka shidaalku dib ugu soo laabto heerarkii ka horreeyay dagaalka.

  8. Toogasho ay carruuri ku dhimatay oo ka dhacday iskuul ku yaalla Maraykanka

    Toogasho ka dhacday Iskool ku yaalla Maraykanka oo carruuri ku dhimatay
    Qoraalka sawirka, Toogasho ka dhacday Iskool ku yaalla Maraykanka oo carruuri ku dhimatay

    Toogashadu waxay dhacday abaare 13:00 duhurnimo ee Khamiistii, waxaana lagu weeraray dugsiga hoose ee Silver Rail Elementary School. Dadka dhintay waxaa ka mid ah saddex carruur ah oo jiray da'ada 5, 8 iyo 11 sano jir, iyo hal macallin, sida uu shalay sheegay Mike Krantz, taliyaha booliska magaalada Bend.

    Ilmo toddoba jir ah iyo macallin 54 jir ah ayaa sidoo kale la geeyay isbitaal ku yaalla deegaanka, iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah.

    Booliska ayaa sheegay in loogu yeeray goobta kaddib markii qof uu soo wacay, isaga oo sheegay in rasaas lagu furay.

    Saraakiisha booliska ayaa sheegay in eedeysanuhu ahaa wiil 16 jir ah oo gudaha u galay dugsiga, kaas oo uu dilay qof goobta ka agdhawaa. Qofkaasi ayaa daba galay ilaa gudaha dugsiga, halkaasna ku toogtay.

    Dhammaan dugsiyada ku yaalla magaalada Bend ayaa maanta xiran, iyadoo mas'uuliyiintu sheegeen in bulshadu u baahan tahay waqti ay kaga soo kabato dhacdadan naxdinta leh.

    Waxaan filaynaa in mas'uuliyiintu ay warbixin bixiyaan saacadaha soo socda, waxaana halkan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay marka ay soo kordhaan.

  9. Taageerayaasha Chelsea oo helay war aan wanaagsayn

    Chelsea
    Qoraalka sawirka, Chelsea

    Kabtan-ka Chelsea Reece James, ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo saddex bilood ah, kaddib markii qalliin looga sameeyay jilibka.

    Daafacan oo 26 jir ah ayaa dhaawacmay intii lagu jiray tababarka ka hor kulankii Chelsea ay 5-1 kaga badisay Bournemouth dhammaadkii toddobaadkii hore. Waxaa markaas la go'aamiyay in qalliin lagu sameeyo.

    James ayaa hadda la qaadanaya baxnaanin iyo daaweyn shaqaalaha caafimaadka ee Chelsea, mana jirto waqti cayiman oo loo asteeyay inuu garoomada ku soo laabto.

    Chelsea ayaa kulankeeda xiga ee Premier League u safri doonta Everton, ka hor inta aysan garoonkeeda ku soo dhoweyn kooxaha ay London ku xafiiltamaan ee Tottenham iyo Manchester United, kuwaas oo qayb ka ah kulamo adag oo soo socda. Labadaas kulan ee gurigeeda waxaa u dhexeyn doona kulan ay Liverpool kula ciyaari doonto tartanka Carabao Cup.

    James ayaa dhowrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay la kulmay dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo sababay inuu seego dhowr tartan oo caalami ah oo uu xulka England ka qaybgalayay tan iyo Koobkii Adduunka ee Qatar 2022.

    Diiwaankiisa dhaawacyada ayaa si weyn u soo hagaagay xilli ciyaareedkii hore, taas oo u saamaxday inuu door muuqda ka qaato ololihii England ee Koobka Adduunka. Xulka England ayaa gaaray semi-finalka, ka hor inta uusan ku guuleysan kulankii lagu kala saarayay kaalinta saddexaad.

    James wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii isaga baxay waajibaadka xulka England intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah. Fasaxa xiga ee ciyaaraha caalamiga ah ayaa bilaabanaya horraanta bisha Nofeembar, markaas oo England ay qorsheynayso inay garoonka Wembley kula ciyaarto Croatia.

  10. Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".

    Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.

    Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, taas oo ay heshay sannadkii 2000 markii ay ka timid dalka Kenya.

    Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota matalaysay tan iyo sannadkii 2018, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay "kororka ugu dambeeyay" ee "ololaha cabsigelinta siyaasadeed" ee uu wado Madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintan.

  11. War deg deg ah, Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itooboiya.

    Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itooboiya.

    Dowladda Itoobiya ayaa maamul ku-meel-gaar ah ka dhisaysa gobolka Tigray ee waqooyiga dalka, tallaabadan ayaa timid laba toddobaad kaddib markii ciidamada federaalku ay dib ula wareegeen caasimadda gobolka, Mekelle, isla markaana ay dib u riixeen ciidamada Eritrea oo muddo kooban galay qaybo ka mid ah Tigray.

    Maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ayaa loo xilsaaray soo celinta amniga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay iyo diyaarinta doorashooyinka gobolka.

    Tigray wuxuu ahaa xudunta dagaal ba'an oo intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022 dhexmaray ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigrayga.

    Inkasta uu jiray muddo kooban oo ay Colaadda dhammaatay, kaidb heshiis nabadeed, balse khilaafaadka la xiriira awoodda siyaasadeed, hub-ka-dhigista iyo dib u soo celinta dadka barakacay weli lama xallin.

    Muddada lixda bilood ah ee loo asteeyay maamulka cusub ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan in geeddi-socodka doorashooyinka iyo xil-wareejinta siyaasadeed ay aqbali doonaan dadka Tigrayga.

    Dhanka kale, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa laga cabsi qabaa inay horseedi karaan in dagaallo hor leh ay ku fidaan xuduudaha dalalka, isla markaana ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ku yaalla, taas oo sii xumayn karta xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.

  12. Milatariga Iiraan oo ku dhawaaqay shardi ay dib ugu furi karaan marinka Hormuz

    Mohammad Akraminia, afhayeenka milatariga Iran, ayaa shardi uga dhigay furitaanka Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka, isaga oo ka digay in haddii ciidamada Mareykanku ay sii joogaan gobolka, laga saari doono.

    Jimcihii, 14-ka Oktoobar, ayuu bartiisa bulshada ee X ku qoray: “Haddii Mareykanku ka baxo gobolka, Marinka Hormuz waa la furi doonaa, waxaa la dhisi doonaa amni wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dalalka gobolka, dhaqaalaha adduunkuna wuu hagaagi doonaa. Xitaa haddii uusan bixin, annagaa ka saari doonna.”

    Afhayeenka milatariga Iran ayaa sidoo kale, hadallo kale oo ay warbaahintu baahisay, Mareykanka ku eedeeyay inuu sabab u yahay amni-darrada ka jirta dhinaca bari ee Marinka Hormuz. Waxa uu milkiilayaasha maraakiibta ugu baaqay inay isticmaalaan marin ay ciidamada qalabka sida ee Iran u asteeyeen maraakiibta doonaya inay maraan marin-biyoodkan.

    Waxa uu ku andacooday in maraakiibta isticmaasha marinkan ay ammaan ahaan doonaan.

    Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz, isla markaana uu si weyn hoos ugu dhacay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Dhammaadkii toddobaadkii hore, waxaa la diiwaangeliyay in Sabtidii ay marinka ka gudbeen shan markab oo xamuul ah oo keliya, halka aan wax markab ahi ka gudbin Axaddii. Tani waxay ka duwanayd 31-kii markab ee marinka ka gudbay dhammaadkii toddobaadkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan xogta shirkadda Kepler ee la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

    Dhanka kale, Mareykanku waxa uu sii wadaa go'doominta badda ee uu ku hayo dhoofinta shidaalka Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhoofinta saliidda cayriin ee Iran ee badda lagu qaado ay gaartay eber bishii Oktoobar, marka la eego xogtii la heli karay xilligii warbixinta la daabacay. Reuters ayaa soo xigatay shirkadda Vertexa oo bixisa xogta tamarta.

    Tehran ayaa hore u shaacisay in dib u furista Marinka Hormuz ay ku xiran tahay in Iran ay fuliso shuruudaheeda ku aaddan soo afjaridda khilaafka kala dhexeeya Mareykanka. Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in Marinka Hormuz aanu furmi doonin ilaa Iran ay fuliso toddobada shuruudood ee ku xusan is-afgaradkii Islamabad.

    Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka ee loo adeegsado gaadiidka tamarta. Ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iran bishii Febraayo ee sannadkan, qiyaastii shan meelood meel ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ayaa soo mari jiray marinkan.

  13. Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday bariga dalka

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu hawada ku burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday gobolka Bariga Sacuudiga subaxnimadii Jimcaha.

    Isbahaysiga ayaa bayaan kooban ku sheegay in diyaaradda la qabtay lana burburiyay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkeeda. Hase yeeshee, bayaanka laguma sheegin cidda soo dirtay diyaaradda ama bartilmaameedkii ay ku sii jeedday.

    Sidoo kale, isbahaysigu ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha nafeed ama midka hantiyadeed ee ka dhashay dhacdada.

    Dhanka kale, warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa soo werisay duqeymo ka dhacay gobolka Saada ee waqooyiga Yemen, kaas oo xuduud la leh Sacuudiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Farmaajo oo si wayn uga soo horjeedsaday nooca doorasho ee guddiga doorashada shaaciyeen la shaaciyay

    Farmaajo
    Qoraalka sawirka, Farmaajo

    Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa si wayn uga soo horjeedsaday jadwalka iyo hanaanka doorasho ee ay ku dhawaaqeen guddiga qaran ee doorashooyiinka.

    "Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa go'aanka goonni qaadashada ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada halka dhinac ah ee uu samaystay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud" ayuu ku yiri bayaan uu bartiisa facebook ku shaaciyay.

    waxaa uu intaa ku daray in go'aanka guddiga doorashada uu dalka halis galinayo haddii la fuliyo.

    "Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha," ayuu yiri.

    Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed cabdulahi Farmaajo ayaa ku baaqay in la sii ab-qado wadahadaladii looga hadlayay doorashooyiinka.

    "Maadaama aan lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiyadeed masiirka siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka dowladnimada, waxaan ku baaqaynaa in la sii ambaqado wadahadalladii socday, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah" ayuu intaa ku daray.

  15. Trump oo weerarrada Ukraine ku qaaday warshadaha shidaalka Ruushka ku tilmaamay kuwo ceeb ah

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarrada cusub ee Ukraine ku qaaday warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka ku tilmaamay kuwo “ceeb ah”.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta Newsmax ayuu Trump ku sheegay in tallaabooyinka Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ay horseedi doonaan kor u kaca qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

    Trump ayaa sheegay inuusan aragti wanaagsan ka qabin Zelensky, isaga oo intaas ku daray in wada-hadallada uu la yeesho madaxweynaha Ukraine ay uga adag yihiin kuwa uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Hadallada Trump ayaa yimid kaddib markii Zelensky uu sheegay in Ukraine aysan sii tixgelin doonin xabbad-joojinta dhinaca tamarta ee Trump ku dhawaaqay, maadaama Ruushku uu weli weerarro ku hayo kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  16. Sacuudiga oo sheegay in diyaar-garowga Koobka Aasiya 2027 uu socdo, iyadoo ay jiraan weerarrada Xuutiyiinta

    Mas’uuliyiinta qabanqaabinaya Koobka Qaramada Aasiya ee kubadda cagta ee Sacuudiga ayaa sheegay in diyaar-garowga tartanka sannadka 2027 uu u socdo sidii loo qorsheeyay, inkastoo ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta ee dalkaas.

    Guddiga qabanqaabada Sacuudiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabooyinka lagama maarmaanka ah la qaadayo, iyadoo lala kaashanayo Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC).

    Koobka Aasiya ee 2027 ayaa la qorsheeyay in la qabto 7-da Janaayo ilaa 5-ta Febraayo 2027, waxaana martigelin doona magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Khobar ee Sacuudiga.

    Sacuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmay weerarro isdaba joog ah, kaddib markii uu sii xoogeysanayay dagaalka uu la galay Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran.

    Dhanka kale, waxaa dib loo dhigay dhowr munaasabadood oo isboorti, oo ay ku jirto horyaalka kubadda cagta gudaha Sacuudiga.

    Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya, Sheekh Salman bin Ebrahim Al Khalifa, ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee tartanka la sugi karo ilaa dhammaadka bisha Nofeembar.

    Wuxuu sheegay in haddii loo baahdo tartanka dib loo dhigi karo muddo sannad ah, laguna qaban karo sannadka 2028.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. Shiinaha oo Israa’iil ugu baaqay inay joojiso deegaamaynta Daanta Galbeed

    Wang Yi
    Qoraalka sawirka, Wang Yi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in Israa’iil ay joojiso dhismaha deegaannada Yuhuudda ee Daanta Galbeed ee la haysto.

    Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, oo ka dhacay dalka Azerbaijan.

    Bayaan kulanka kaddib la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu uu Herzog u sheegay in Shiinuhu mar walba u arko arrinta Falastiin “caddaalad-darrada taariikheed ee ugu weyn qarnigan”.

    Wang Yi ayaa sidoo kale sheegay in marin buuxa loo furo Gaza, si labada milyan ee qof ee rayidka ah ee halkaas ku nool aan loogu khasbin inay ku noolaadaan xaalado adag.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. Madaxwayne Xasan sheekh" Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socoto ma laha”

    Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud
    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud

    Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in dowladda ay qorshaynayso in ay weerar ku qaado xubnah mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.

    Madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid ay dowladda dagaal ku qaadayso.

    “Baryahan magaalada waxaad ka maqleyseen niman odayaal ah oo waawayn oo saaxbo ah oo nabad dari iyo dagaal iyo iyaga in naftooda halis ku jirto, waxaan rabaa xildhibaanada sharafta leh inaan idin sheego cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socoto ma laha” ayu yiri madaxwayne Xasan sheekh.

    Madaxwayne Xasan ayaa dhanka kale sheegay in ay diyaar u yihiin inay la fariistaan oo la hadlaan madaxda mucaaradka.

    “Guriyihiin nabad ku jooga, ra’yiga siyaasadda ee aad qabtaan la imaada diyaar ayaan u nahay inana idinla fariisano oo aan idinka dhageysano, diyaar u nahay wixii macquul ah inaan idinla qaadano”

    Balse waxaa uu xusay in aysan jirin “talo dhexda la dhigayo”, dalkana ay dowlad ka jirto.

    “Dalka dowlad ayuu leeyahay, dowlad dalka hogaamisa joogto, Talada dhuntay ee meesheedi lahayn ee la yiraahdo talaad dhexda dhig, talo dhexda la dhigayo ma jirto,”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  19. Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Sacuudigu leeyahay

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Sacuudigu leeyahay, taas oo isugu jirtay mid sahamin iyo mid dagaal, kuna duulaysay hawada gobolka Ma’rib.

    Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa bayaan uu ku baahiyay barta Telegram ku sheegay in diyaaradda ay gobolka ka waday waxa uu ku tilmaamay “hawlo cadowtinimo”.

    Saree ayaa sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay diyaaradda ku soo rideen “hub ku habboon”, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  20. Faahfaahin ka soo baxaysa weerar gantaallo oo Xuutiyiintu ku qaadeen madaxtooyada Cadan

    Muuqaal la xaqiijiyay ayaa muujinaya qiiq ka baxaya agagaarka madaxtooyada magaalada Cadan
    Qoraalka sawirka, Muuqaal la xaqiijiyay ayaa muujinaya qiiq ka baxaya agagaarka madaxtooyada magaalada Cadan

    Dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Shaykh al-Zindani uu nabad qabo, kaddib weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen madaxtooyada magaalada dekedda leh ee Cadan.

    Xuutiyiinta ayaa hore shan gantaal oo kuwa riddada dheer ah ku weeraray Qasriga Al-Maashiq, oo ay sheegeen in loo adeegsado xarun hawlgallo oo uu leeyahay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

    Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen shan qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Midowga Yurub iyo dalalka Khaliijka ayaa dib u dhigay shir-madaxeed ay toddobaadka soo socda ku yeelan lahaayeen Sacuudiga, sababo la xiriira weerarrada sii socda ee Xuutiyiinta.

    Sidoo kale, waxaa la baajiyay munaasabado isboorti iyo kuwo dhaqameed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto: