TOOS, Trump iyo Putin oo isusii dhawaanaya xilli Zelenzky khilaafka kala dhexeeyaa sii baahayo

Wararkii u danbeeyey ee caalamka: trump iyo Putin oo isusii dhawaanaya xilli Zelensky laga sii fogaanayo

Kooban

  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo adeegsaday awooddiisa madaxweynenimo si uu u hakiyo cunaqabataymo dhowr ah oo ka dhan ah Ruushka.
  • Qiimaha saliidda ayaa gaaray $110 halkii foosto, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso.
  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in uu awood u leeyahay inuu maqalo dhammaan ereyada mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Tebin toos ah

  1. Wiil 16 jir iyo nin 80 jir ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ingiriiska

    .

    Wiil 16 jir ah iyo nin 80 jir ah ayaa dhintay ka dib markii diyaarad yar ay ku burburtay meel u dhow Loch Lomond.

    Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa looga yeeray goobta shilku ka dhacay abaaro 16:45-kii maalintii Jimcaha.

    Booliisku waxay sheegeen in la xaqiijiyay geerida wiilka iyo ninka, isla markaana la wargeliyay qoysaskooda.

    Xaddidaadyo ku meel gaar ah oo dhanka hawada ah ayaa hadda lagu soo rogay aaggaas, iyadoo ay socdaan baaritaan ay waddo Waaxda Baarista Shilalka Diyaaradaha.

    Diyaaradda nooca Piper Tomahawk II ah ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow galabnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 16:17.

    Waxay joojisay gudbinta xogta saacadda markay ahayd 16:37, iyadoo ku sugan meel dhawr mayl u jirta dhanka waqooyi-bari ee Drymen, oo ka tirsan Stirling.

    Ka hor intaas, diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Cumbernauld subaxnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 11:46, waxayna duulimaad 15 daqiiqo ah ku tagtay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow.

    Waxay halkaas joogtay ilaa qiyaastii saacadda 13:00, ka hor inta aysan sameyn duulimaad laba saacadood qaatay oo u jeeday dhanka waqooyi-bari, kuna socday Newport-on-Tay, kadibna ay soo jeesatay oo ay dib ugu laabatay Glasgow.

    Waxay garoonka diyaaradaha ku sugnayd muddo wax yar ka badan saacad, ka hor inta aysan mar kale kicin oo aysan bilaabin duulimaadkeedii ugu dambeeyay.

    Gavin Birch-Williams, oo ah agaasimaha guud ee Garoonka Diyaaradaha Glasgow, ayaa yiri: "Waxaan ka warqabnaa dhacdo ku lug leh diyaarad yar oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Glasgow.

    "Tani waa dhacdo aad u murugo badan, dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Glasgow waxay dareenkooda murugada iyo tacsidooda la wadaagayaan asxaabta iyo qoysaska ay dhibaatadani saameysay."

  2. "Shey aan la aqoonsan" oo ku dhacay markab shidaal oo marayay meel u dhow xeebta Sacuudi Carabiya

    Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegay weerar lagu qaaday markab siday shidaal, kaas oo marayay meel u dhow xeebta Jubail.

    Sida uu sheegay ururku, markabka waxaa shalay ku dhacay shay aan la aqoonsan oo la soo tuuray, iyadoo dhacdadu ka dhacday masaafo dhan 126 kiiloomitir meel u jirta Jubail, oo ku taal waqooyi-bari ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Ururku wuxuu intaas ku daray in dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka ay badqabaan, isla markaana laga soo daadgureeyay markabka oo la geeyay goob ammaan ah.

    Weli lama soo saarin wax warbixin ah oo ku saabsan saameynta deegaan ee ka dhalan karta dhacdadan.

  3. Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood u leeyahay inuu maqalo dhammaan ereyada mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Isagoo ka hadlayay isu soo bax olole ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, Mr. Trump ayaa raaciyay, "Dabcan, tani waa mid sir ah oo qarsoodi ah, haddana waan ka saaray sirnimadii."

    Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu dagaalka lala galay Iiraan ugu yeeray "dhoolatus milatari."

    Wuxuu sidoo kale sheegay sidee dalalka Carabta dareemi doonaan haddii aan magaca uga bedelo Marinka Hormuz "Marinka Trump? Si fudud ayaan taas u samayn karnaa."

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Qiimaha shidaalka oo gaaray $110 markii ugu horeysay

    Qiimaha saliidda ayaa gaaray $110 halkii foosto, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso.

    Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha dhaqaalaha, kor u kaca qiimahan ayaa ka dhashay walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.

    Maalintii Jimcaha, qiimaha saliidda cayriin ee nooca Brent ayaa kor u kacay $3.94, isagoo gaaray $109.86; waana heerka ugu sarreeya tan iyo 19-kii bishii Maajo.

    Dhanka kale, qiimaha saliidda cayriin ee Mareykanka (oo loo yaqaan WTI) ayaa isna kor u kacay $3.44, wuxuuna gaaray $101.41; taas oo ah heerka ugu sarreeya tan iyo 17-kii bishii Sebtembar.

    Si aad wax badan u akhrido:

  5. Afhayeenkii cusbaa ee Aqalka Cad oo is casishay shan maalmood uun kadib

    .

    Katie Zacharia ayaa ka tagaysa xilka afhayeenka Aqalka Cad, shan maalmood oo keliya kadib markii ay markii ugu horreysay si rasmi ah warbaahinta ula hadashay, iyadoo kulankaasi uu dhaliyey dhaleeceyn xooggan.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Zacharia kula taliyey inay xilka dib uga fiirsato haddii aysan ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in warbaahintu si adag ula dhaqantay.

    Kulankeedii ugu horreeyay ee warbaahinta Talaadadii ayaa socday wax ka yar 15 daqiiqo, waxaana lagu weydiiyey saddex su’aalood oo keliya. Waxay sidoo kale wajahday su’aalo ku saabsan aqoontooda iyo u diyaargarowgeeda xilka.

    Muran xooggan ayaa ka dhashay shahaadooyinkeeda sharciyeed kadib markii la ogaaday inaysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada ee Mareykanka, inkastoo Trump iyo dad kale ay hore ugu tilmaameen qareen.

    Zacharia ayaa Khamiistii qiratay inaysan imtixaankaas ka gudbin, balse waxay sheegtay inay Shiinaha kaga shaqeysay arrimaha sharciga ganacsiga caalamiga ah iyadoo haysata aqoontii iyo shahaadooyinkii ku habboonaa.

    Wareysiyo ay siisay Fox News ayay ku sheegtay in loo shaqaaleysiiyey arrimaha xiriirka iyo isgaarsiinta, ee aan loo qorin shaqo sharciyeed.

    Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga oo ka faa’iidaysanaya bixitaankeeda, iyagoo u arka calaamad muujinaysa fashil ka dhex jira Aqalka Cad ee Jamhuuriga.

    Bixitaanka Zacharia ayaa noqonaya kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ka dhaca kooxda warbaahinta ee Aqalka Cad intii uu Trump xilka hayey. Xilligii madaxweynenimadiisii koowaad, Anthony Scaramucci ayaa xilka agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad kaga tagay kaddib 10 maalmood.

    Si aad wax badan u akhrido:

  6. Trump oo hakiyey canqabataynno la saari lahaa Ruushka

    .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa adeegsaday awooddiisa madaxweynenimo si uu u hakiyo cunaqabataymo dhowr ah oo ka dhan ah Ruushka, laba maalmood ka hor inta aan la dhaqan gelin.

    Cunaqabataymahan waxaa ansixiyey Kongareeska Mareykanka, waxaana Trump saxiixay bishii Sebtembar. Hase yeeshee, habeenkii Jimcaha ayuu soo saaray amar madaxweyne oo uu ku sheegay in hakinta qaar ka mid ah cunaqabataymaha ay tahay mid dan u ah Mareykanka. Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka.

    Go’aankan ayaa imanaya iyada oo uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, gaar ahaan heshiis muran dhaliyey oo Mareykanku toddobaadkii hore Ruushka kula galay soo dejinta naaftada.

    Labada hoggaamiye ayaa toddobaadkan is-weydaarsaday hadallo kulul. Zelensky ayaa si dadban u dhaliilay Trump, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo “hoggaamiyeyaasha dhabta ah” intii uu ka qaybgalayey shir madaxeedka Midowga Yurub. Tani waxay timid kaddib markii Trump uu sheegay in Zelensky uu ka adag yahay la macaamilkiisu marka loo eego Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Sharciga cusub ee cunaqabataymaha Mareykanka ayaa sidoo kale Trump siinayey awood uu canshuur gaadheysa 100% ku soo rogi karo badeecadaha ka yimaada shanta dal ee ugu badan ee iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka, gaar ahaan Shiinaha iyo Hindiya.

    Cunaqabataymaha ayaa sidoo kale lagu beegsaday mas’uuliyiin sare oo Ruush ah, oo uu ku jiro Putin, hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka iyo maraakiibta loo yaqaan “shadow fleet” ee loo adeegsado in lagu hareer maro cunaqabataymaha jira.

  7. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah. Waa maalin sabti ah, bisha October ay tahay 17. Halkan nagala socda, mahadsanidiin.